08/05/2026
Wada shaqaynta iyo iskaashiga caalamiga ee dadaalada hormarinta ee xirfadaha iyo awooda ciidankeena badda
EUTM Somalia & Somali Navy and Coast Guard : Ciidanka badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya
02/05/2026
Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya
30/04/2026
Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya gaar ahaan xarunta taliska Mogadishu iyo diyaar-garowga joogtada ee dhammaan xarumaha ee ku aadan sugidda amniga badda iyo ka hortagga falalka sharci darada ah ee Xeebaha iyo badwaynta.
26/04/2026
Qorista iyo qaadashada layli saraakiil , Ka faa’iidaysi wacan iyo guul
OGEYSIIS
Taliska Tababarka iyo Doktoriinka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) waxaa uu shaacinayaa inay furantay diiwaangelinta ardayda doonaysa inay ka mid noqdaan Layli Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee leh karti, aqoon iyo hami ay ugu adeegaan dalkooda waxaa lagu dhiirigelinayaa inay ka faa’iidaystaan fursaddan qaran, taas oo waxbarashadooda loogu qaadi doono dalka dibaddiisa.
Taariikhda Diiwaangelinta:
26 Abriil 2026 – 30 Abriil 2026
Saacadaha:
08:30 subaxnimo – 17:00 galabnimo
Shuruudaha Codsiga:
Waa inuu haystaa shahaadada dugsiga sare oo leh celcelis aan ka yarayn 90%.
Da’diisu waa inay u dhexaysaa 18 ilaa 22 sano.
Dhibcaha maadooyinka Xisaabta iyo Fiisikiska waa inaysan ka yarayn 85%.
Maadooyinka Sayniska (Science) iyo suugaanta (Literary) waa inaysan ka yarayn 65% mid kasta
Waa inuu ka gudbaa imtixaanka Ingiriisiga (akhris, qoraal, hadal iyo waraysi) ugu yaraan 85% ama helo 4/9 imtixaanka IELTS.
Waa inuu ka gudbaa imtixaanka Af-Carabiga ugu yaraan 75%.
Waa inuu ka gudbaa imtixaanka aqoonta guud.
Waa inuu ka gudbaa baaritaannada caafimaadka.
Habka Diiwaangelinta:
Codsadayaasha waxaa laga doonayaa inay si buuxda u soo gudbiyaan xogtooda iyo dukumiintiyada looga baahan yahay iyagoo adeegsanaya link-ga hoose:
https://form.jotform.com/261044153927556
Kaliya codsadayaasha buuxiya shuruudaha kor ku xusan ayaa loo oggolaan doonaa inay u gudbaan marxaladaha xiga ee xulashada, sida imtixaannada iyo baaritaannada caafimaadka.
“U Adeeg Qarankaaga, Noqo Hoggaamiyaha Mustaqbalka.”
—DHAMMAAD—
23/04/2026
Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya Sareeye Guuto Abdiwahaab Omar
18/04/2026
Technologyad iyo Qalab casri ah
Maalmihii wacnaa way soosocdaan
Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya Sareeye Guuto Abdiwahaab Omar ayaa sahan iyo dadaal ugu jira go'aanka ah hormarinta ciidamada badda taaso ay dawladu rabto in la hormariyo awoodda iyo tayada Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha, si loo sugo amniga iyo midnimada dalka loogana faa'idaysto kheyraadka badda iyo xiriirka caalamiga ah.