03/09/2026
SHE FARM 2026 | Usbuucii 2aad & Xiisaddii 4aad
Muqdisho, 02 Sebtembar 2026 — Waxaa si guul ah inoogu soo dhammaaday Usbuucii 2aad ee Barnaamijka SHE FARM 2026, iyadoo ay qabsoontay Xiisaddii 4aad, oo si gaar ah diiradda loogu saaray tijaabinta, dib-u-eegista iyo qiimeynta wax-soo-saarka ay diyaariyeen gabdhaha ka-faa’iideystayaasha ah ee SHE FARM.
Intii ay xiisaddu socotay, gabdhuhu waxay soo bandhigeen qaar ka mid ah badeecooyinkii ay soo saareen, kuwaas oo si wadajir ah loo tijaabiyay loona qiimeeyay, iyadoo fiiro gaar ah loo yeeshay tayada, muuqaalka, dhadhanka, baakadaynta iyo fursadaha horumarinta badeecad kasta.
Gabdhaha waxaa sidoo kale la siiyay talooyin iyo jawaab-celin wax-ku-ool ah (feedback) oo ka caawinaya inay sii horumariyaan badeecooyinkooda, korna ugu qaadaan tayada, qiimaha iyo fursadaha suuqa.
Xiisadda waxaa hoggaamisay Hamdi Mohamed Xasan, oo ah Hoggaamiyaha Hagayaasha (Lead Mentor) ee Barnaamijka SHE FARM, iyadoo xiisaddu ku salaysnayd barasho wax-ku-ool ah, tijaabin badeeco, dib-u-eegis iyo horumar joogto ah.
Xiisaddan waxay gabdhaha siisay fursad ay si toos ah ugu qiimeeyaan wax-soo-saarkooda, u ogaadaan meelaha ay ku wanaagsan yihiin iyo meelaha u baahan horumarinta, si ay fikradahooda ugu beddelaan badeecooyin tayo leh, qiimo leh oo suuq geli kara.
SHE FARM 2026 — Barasho, Tijaabo, Hal-abuur & Ganacsi.