Center for Innovation and Agropreneurship Development

Center for Innovation and Agropreneurship Development

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Center for Innovation and Agropreneurship Development, Government Organization, CIAD Building, MoAI, KM4 Hodan District, Mogadishu.

16/09/2025

๐Ÿ“ฃ ๐‚๐จ๐๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐š ๐“๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š ๐‡๐š๐ฅ-๐š๐›๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐…๐ฎ๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐’๐ฎ๐ฎ๐ช-๐ก๐ž๐ฅ๐ข๐๐๐š ๐๐ž๐ž๐ซ๐š๐ฅ๐š๐ฒ๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“ ๐ฐ๐š๐š ๐ฅ๐š ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ.

๐Ÿ™ Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan shirkadaha iyo hal-abuurayaasha Soomaaliyeed ee soo gudbiyay codsiyadooda. Wejiyada xiga iyo natiijooyinka codsiyada waxa si rasmi ah loogu wargelin doonaa shirkad kasta marka waqtiga la gaaro.

Photos from Center for Innovation and Agropreneurship Development's post 13/09/2025

Muqdisho, Khamiis, 11-ka Sebtembar 2025 โ€“ Xarunta dhexe ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka waxaa lagu qabtay bandhig weyn (Project Demo Day) oo lagu soo bandhigayay hal-abuurkii ardayda ka qayb qaadatay barnaamijka Tababarka Tiknoolajiyadda Beeraha (IoT Solutions for Smart Farming).

Ardayda ayaa muddo bil iyo bar ah lagu tababarayay nidaamka beerashada casriga ah ayada oo laga faa'ideysanayo teknologiyadda. Tababarkan ayaa waxaa iska kaa shaday Jamhuriya Incubation Center - JIC ee Jamhuriya University of Science and Technology iyo Center for Innovation and Agropreneurship Development ee Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka JFS.

Bandhigaan waxaa si rasmi ah u daahfuray Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka JFS Prof. Mohamud Mohamed Mohamud iyo iyo Gudoomiye ku xigeenka Cilmi barista iyo Hormarinta Jamhuriya University of Science and Technology Dr. Kassim A. Jim'ale.

Hal-abuurayaasha ayaa waxay soo bandhigeen fikrado iyo tijaabooyin lagu horumarinayo dhanka waraabka ah, nidaam lagu ogaado cudurrada dhirta, nidaam loogu talagay la socodka iyo iyo ilaalinta xoolaha, isku xirka beeralayda iyo suuqyada iyo qalabyo casri ah oo lagu maamulo beeraha.

06/09/2025

Suโ€™aalo ma ka qabtaa tartanka, shuruudaha, ama habka codsiga ๐—ง๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—›๐—ฎ๐—น-๐—ฎ๐—ฏ๐˜‚๐˜‚๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—™๐˜‚๐—ฟ๐—ฎ๐—ป ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฆ๐˜‚๐˜‚๐—พ-๐—ต๐—ฒ๐—น๐—ถ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—•๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ๐—ฎ๐—น๐—ฒ๐˜†๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ?

Kasoo qeybgal kulanka labaad ee Macluumaadka & Xog-wadaagista (Information & Sharing Session) oo si toos ah Zoom uga dhacaya:

๐Ÿ”— Iska-diiwaangeli link-ga Zoom ka: http://bit.ly/482Nv0d
๐Ÿ“… Taariikhda: Isniin, 8-da Sebtembar 2025
๐Ÿ•’ Waqtiga: 3:00 โ€“ 5:00 galabnimo (Waqtiga Soomaaliya)

30/08/2025

๐Ÿ“ฃ ๐Ž๐ ๐ž๐ฒ๐ฌ๐ข๐ข๐ฌ: ๐—ช๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐—ผ๐—ฟ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐—พ๐˜๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ-๐—ฑ๐—ฎ๐—บ๐—ฏ๐—ฒ๐˜†๐˜€๐˜๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฐ๐—ผ๐—ฑ๐˜€๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ง๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—›๐—ฎ๐—น-๐—ฎ๐—ฏ๐˜‚๐˜‚๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—™๐˜‚๐—ฟ๐—ฎ๐—ป ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฆ๐˜‚๐˜‚๐—พ-๐—ต๐—ฒ๐—น๐—ถ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—•๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ. Waxaana fududeynay ka-qeybgalkaaga:

โžก๏ธ ๐“๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐ฎ ๐ฐ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ฎ ๐ฎ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ง๐ฒ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐๐ก๐š๐ฆ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐ฌ๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š๐๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ง; Shirkadaha ay haweenku hoggaamiyaan ama ugu yaraan 30% haween ahi ku jiraan maamulka sare waxaa lasiin doonaa tixgelin dheeri ah.
โžก๏ธ ๐’๐ก๐š๐ก๐š๐š๐๐š๐๐š ๐‚๐š๐ง๐ฌ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐š ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐“๐‚๐‚: Looma baahna (haddii aad haysatid waa faaiido dheeri ah).
โžก๏ธ ๐’๐ก๐š๐ก๐š๐š๐๐š๐๐š ๐ƒ๐ข๐ข๐ฐ๐š๐š๐ง๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ee heer federaal waa laga rabaa dhammaan ganacsiyadda.

๐Ÿ—“๏ธ ๐–๐š๐ช๐ญ๐ข๐ ๐š ๐œ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐› ๐ž๐ž ๐ค๐š๐ฆ๐š-๐๐š๐ฆ๐›๐ž๐ฒ๐ฌ๐ญ๐š ๐ฐ๐š๐š: 15 Sebtembar 2025, 11:59 habeenimo (Muqdisho)๏ฟฝ
๐Ÿ“ฒ ๐‡๐š๐๐๐š ๐ฌ๐จ๐จ ๐œ๐จ๐๐ฌ๐จ: https://ciad.moa.gov.so/e/apply (ama iskaan saar QR-ka)

27/07/2025

Tartanka Hal-abuurka Furan ee Suuq-Helidda Haweenka Beeraleyda Soomaaliyeed 2025

26/07/2025

Suโ€™aalo ma ka qabtaa ama ma u baahantahay faahfaahinta tartanka, shuruudaha iyo sida loo codsado ๐—ง๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—›๐—ฎ๐—น-๐—ฎ๐—ฏ๐˜‚๐˜‚๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—™๐˜‚๐—ฟ๐—ฎ๐—ป ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฆ๐˜‚๐˜‚๐—พ-๐—ต๐—ฒ๐—น๐—ถ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—›๐—ฎ๐˜„๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—•๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ๐—ฎ๐—น๐—ฒ๐˜†๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ?

Nala soo wadaag dhammaan suโ€™aalahaaga adigoo buuxinaya sahankan (survey) gaaban: https://bit.ly/3H3ZQ9q

Iskana diiwaangeli kulanka Macluumaadka & Xog wadaagista (Virtual Information & Sharing Session):
๐Ÿ”— Link-ga Zoom ka: http://bit.ly/3UwAqnW
๐Ÿ—“ Taariikhda: Talaado, 29-ka Luulyo 2025
๐Ÿ•“ Waqtiga: 15:30 โ€“ 19:00 (waktiga Soomaaliya)

20/07/2025
Photos from Center for Innovation and Agropreneurship Development's post 16/07/2025

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa si rasmi ah ugu daahfuray xarunta dhexe ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Tababarka IoT (Internet of Things) ee Beerashada Casriga ah, oo ah fursad waxbarasho oo lagu xallinayo caqabadaha ka jira beeraha dalka.

Barnaamijkani oo ay ku tartameen arday gaareysa 776 arday ayaa waxaa ku guuleystay ilaa iyo 50 Dhalinyare oo isugu jira Rag iyo dumar kuwaas oo ku qalabeen doona Beeraha xirfadaha dhanka IoT-ga ah si ay u horumariyaan una keenaan xalal waara oo beeraleyda ka caawiya adeegsiga qalabyadda casriga ee Tiknaloojiyada sida waraabka casriga ah, kormeerka dalagga, iyo kuwa kale oo muhiim ah.
Ujeedka barnaamijkan ayaa ah in dhallinyaradu iyo hal-abuurradu ku dhiiradaan Tiknaloojiyada si ay beeraha uga dhigaan kuwa hormarsan, loona helo ganacsiyo laf-dhabar u ah shaqo abuurka iyo koboca dhaqaalaha dalka.

Tababarkaan oo socon doona bil iyo bar ayaa waxaa bixinaya Jamhuriya Incubation Center - JIC oo kaashanaysa Xarunta Hal-Abuurka iyo Horumarinta Ganacsiga Beeraha (CIAD) ee Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka JFS.

14/07/2025

Waxaan si rasmi ah ๐’Ž๐’‚๐’‚๐’๐’Š๐’๐’•๐’‚ ๐‘ป๐’‚๐’๐’‚๐’‚๐’…๐’‚๐’…๐’‚ 15๐’•๐’‰ ๐‘ฑ๐’–๐’๐’š lagu daahfuri doonaa xarunta dhexe ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka: Tababarka IoT (Internet of Things) ee Beerashada Casriga ah, oo ah fursad waxbarasho oo lagu xallinayo caqabadaha ka jira beeraha dalka. Barnaamijkani ayaa dhalinyarada ku qalabeen doona xirfadaha dhanka IoT-ga ah si ay u horumariyaan una keenaan xalal waara oo beeraleyda ka caawiya adeegsiga qalabyadda casriga ee Tiknaloojiyada sida waraabka casriga ah, kormeerka dalagga, iyo kuwa kale oo muhiim ah.

Ujeedka barnaamijkan ayaa ah in dhallinyaradu iyo hal-abuurradu ku dhiiradaan Tiknaloojiyada si ay beeraha uga dhigaan kuwa hormarsan, loona helo ganacsiyo laf-dhabar u ah shaqo abuurka iyo koboca dhaqaalaha dalka.

Tababarkaan oo socon doona bil iyo bar ayaa waxaa bixinaya Jamhuriya Incubation Center - JIC oo kaashanaysa Xarunta CIAD ee Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka JFS.

๐Ÿ—“๏ธ Taariikhda iyo Waqtiga: July 15, 2025 (8:30 AM)

10/07/2025

๐—–๐—ผ๐—ฑ๐˜€๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ง๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—›๐—ฎ๐—น-๐—ฎ๐—ฏ๐˜‚๐˜‚๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—™๐˜‚๐—ฟ๐—ฎ๐—ป ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฆ๐˜‚๐˜‚๐—พ-๐—ต๐—ฒ๐—น๐—ถ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—›๐—ฎ๐˜„๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—•๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ๐—ฎ๐—น๐—ฒ๐˜†๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ ๐˜„๐˜‚๐˜‚ ๐—ณ๐˜‚๐—ฟ๐—ฎ๐—ป ๐˜†๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜†!

Fursaddan adigaa leh haddii aad hayso xal hal-abuur leh oo fududeyn kara suuq-helidda beeraleyda Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka. Isdiiwaangeli hadda si aad u hesho dhammaan faaโ€™iidooyinkaan iyo in ka badan!

๐Ÿ—“๏ธ Waqtiga k**a dambaysta: 31 Agoosto 2025 โ€“ 5:00 galabnimo
๐Ÿ”— Link-ga isdiiwaangelinta: https://ciad.moa.gov.so/e/apply

09/07/2025

Haddii aad kamid tahay dhalinyaraddii Waraysigii (Interview-gii) u maray Tababarka IoT (Internet of Things) ee Beerashada casriga ah oo ay bixineyso Jamhuriya Incubation Center - JIC oo kaashanaysa Xarunta Hal-abuurka & Horumarinta Ganacsiga Beeraha (CIAD) ee Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka JFS, ๐…๐š๐๐ฅ๐š๐ง ๐ก๐ฎ๐›๐ข ๐„๐ฆ๐š๐ข๐ฅ-๐ค๐š๐š๐ ๐š.

Waxaan kuu rajeyneynaa nasiib wacan.

08/07/2025

๐—ž๐—ฎ ๐—พ๐—ฒ๐˜†๐—ฏ๐—ด๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ง๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—›๐—ฎ๐—น-๐—ฎ๐—ฏ๐˜‚๐˜‚๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—™๐˜‚๐—ฟ๐—ฎ๐—ป ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฆ๐˜‚๐˜‚๐—พ-๐—ต๐—ฒ๐—น๐—ถ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—›๐—ฎ๐˜„๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—•๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ๐—ฎ๐—น๐—ฒ๐˜†๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ ๐—ณ๐˜‚๐—ฟ๐—ฎ๐—ป ๐˜†๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜†!

Haddii aad tahay shirkad haysa xal hal-abuur leh oo wax ka qaban kara caqabadaha suuqa ee beeraleyda dalka, gaar ahaan haweenka, fursaddan waa taadi!

๐Ÿ—“๏ธ Waqtiga k**a dambaysta: 31 Agoosto 2025 โ€“ 5:00 galabnimo
๐Ÿ”— Link-ga isdiiwaangelinta: https://ciad.moa.gov.so/e/apply

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address

CIAD Building, MoAI, KM4 Hodan District
Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00