Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Somalia

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Somalia

Share

Ministry of Transport and Civil Aviation of the Federal Republic of Somalia
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Ministry of transportation waa wasaarada masuulka ka ah arimaha socdaalka bariga,badaha iyo cirka ee wadanka soomaaliya.

Photos from Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Somalia's post 18/03/2019

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada XFS H.E Mohamed Abdullahi Salat 'Oomaar' oo dhagax dhigay dhismaha Xaruntii h**e ee debdamiska garoonka aadan cadde.

Dib u dhiska Xaruntii h**e ee debdamiska garoonka aadan cadde ayaa ah mid baahiyo farabadan loo qabay, waxaana kor uu u qaadi doonaa Awoodda qaabilaada Culeeska diyaaradaha waa weyn inay si caadi ah uga soo degi karaan garoonka, iyaddoo taasi laga duulayo ayuu maanta wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya iyo lisa filipetto oo ah Xoghayaha Xafiiska qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa si wadajir ah u dhagax dhigay Dib u dhis lagu sameyn doono Xaruuntaasi, waxaana qorshahu yahay in lagu soo gabagabeeyo Muddo lix bil ah.

Lisa Filipetto Xoghayaha Xafiiska qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in dhinacyo badan ay ka taageeraan Dawladda Soomaaliya, mashruucaanna uu wax badan ka qaban doono shaqada Culus ee u taalla garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa kaga Mahad celiyay Xafiiska UNSOS sida ay uga aqbaleen in ay maalgaliyaan Mashruucaan, sidoo kale waxa uu sheegay in shaqada garoonka marba markii ka dambeysa ay sii kordheysa .

Dhinaca kale Munaasabad kooban oo lagu qabtay Gudaha Xarunta Maamulka Hawada Soomaaliya ayaa waxaa loogu Magacdaray Allaha ha u naxariistee Marxuum Abuukar Maxamed Maxamuud oo loo yaqiinay Abuukar Cadaani oo ka mid ahaa 4 Shaqaale ka tirsan Maamulka Hawada Soomaaliya oo Sanadkii 2015 lagu dilay agagaarka aargada isgooska nambar afar ee Magaalada Muqdisho, iyaddoo ay goob joog halkaasi ay ahaayeen qaar ka mid Qoyskiisa.

Photos from Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Somalia's post 14/02/2019

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Mareykanka ee dalka Soomaaliya Danjire.Donald Y. Yamamoto iyo ku-xigeenkiisa .

Danjire Donald Y. Yamamoto iyo Wasiir Oomaar ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka laba dal, qaasatan arimaha duulimaadyada iyo sara u qaadidda aqoonta iyo xifadda shaqaalaha wasaaradda.

14/02/2019

Photos from Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Somalia's post 06/02/2019

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada oo tababbar u soo xiray shaqaalaha hay’adda Duulista.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomar ayaa maanta tababbar u soo xiray qaar ka mid ah shaqaalaha Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada, kaasi oo ujeedku ahaa sare u qaadidda aqoonta shaqalaaha hay’adda, si shaqooyinka garoomada diyaradaha dalka ay ula jaan qaadaan dhigooda wadamada caalamka ah.

Axmed Macalin Xasan Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Soomaaliya ayaa sheegay in qorshuhu yahay in sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta shaqaalaha.

“Waxaan ugu talagalnay tababaradaan in sare ugu qaadno aqoonta shaqaalaha taasi wadada Dowladdu ugu qorsheysay in Maamulka hawada Dalka uu u noqdo mid la jaan qaada hay’adaha kale e dunida” Axmed Macalin Xasan.

Wasiir Oomaar ayaa ku dhiirigaliyay shaqaalaha ka faa’iideystay tababarkaan in waxii ay barteen ugu adeegaan bulshadooda.
“Hay’adda ku xeeldheer ayaa la idin keenay kaasi oo ka turjumaya doorka Wasaaraddu ay ku dooneyso in kor loo qaado xirfadda Shaqaalaha, intaas kaddib waxaa la idin ka rabaa wixii aad barateen in sidii loogu talagalay aad ugu shaqeysaan dalka” Wasiir Oomaar
Wasiirka waxa uu xusay in aysan sahlanayn shaqaada ay hayaan shaqaalaha hay’adda duulista, maadaama ay matalayaan maqaamka amniga garoonka dalka.

“Shaqada aad Ummadda u heysaan yeysan idinla sahlanaanin, maxaa yeeley waxaad ka turjumeysaan Maqaamka Amniga Garoonka ee dalka, hal qalad hadii aad gashaan idinkoo qibrad leh, waxa uu wax u dhimayaa shaqada ka socoto garoonka. taxadir ayaa la idinka rabaa” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Gaba gabadii waxaa shahaadooyin la Guddoonsiiyay shaqaalihii tababarka qaatay, waxaynu Wasaaraddu sheegtay in tababaro kale oo dheeraad ah la siin doono, loona baahanyahay in sidii loogu talagalay ay u gutaan waajibaadyabada loo igmaday.

Photos from Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Somalia's post 06/02/2019

Qeybo kamid ah Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Oo Dayactir lagu bilaabay.

Waa Sharciga garoomada Caalamka in halka ay diyaaradaha ay kusoo degaan ay leeyihiin labada dhinac 150 mitir oo dhul banaan ah, si looga hortago qataraha soo wajaha diyaaradaha.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ayaa waxa sameyn ku yeeshay dagaaladii sokeeye ee Dalka ka dhacay, kuwaas oo sababay in muddo badan uusan helin wax dayactir ah hase yeeshe waxaa maanta qandaraaskaasi la siiyay Shirkada favori oo haatan gacanta ku heysa maamulkiisa.

Injeerada Dhisayo Garoonka ayaa waxa ay sheegeen in waxbadan uu ka bedelayo dhulkaan lagu darayo Shaqada garoonka ,waana habka garoomada Caalamka ay ku Shaqeeyaan.

Wasiirka wasaaradda Gadiidka iyo Duulista XFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomar oo dhagax dhigay ayaa waxa uu uga maha dceliyay Shirkada laga leeyahay dalka Turkiga sida ay ugu heelantahay Hormarinta garoonka oo ka mid ah kaabayaasha dhaqaalaha Dalka.
“waxaan uga mahadcelinayaa shirkaan favori, waxaana ku hishiinay in ay inoo sameyso dhismahaan, maadama biyaha bada ay saameyn ku yeesheen halka diyaarada ay kusoo degeto, ka dib dhismahaan darbiga iyo dayactirkaba waxa uu qeyb weyn ka qaadan doonaa hormarinta garoonka “

Shirkadaan ayaa qandaraaska ay kula jirto Soomaaliya waxaa uga dhiman 10 sano, waxaana maamulka loogu daray in horumarin ku sameyso garoonka, si loo balaariyo Shaqada garoonka Aadan cade ee Magaaladda Muqdisho.

Photos from Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Somalia's post 20/01/2019

Allxamdulilah! maanta oo ay taariikhda tahay 20-01-2019 ayaa waxaa shaqaalaha Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed uu hogaaminayo Siihayaha maareeyaha guud ee Hay'adda ayaa u soo idlaaday wajigii 2aad ee ollolihii isxil-qaan ee uu Madaxweynaha Jumhuuriyadda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu dhagax dhigay Tiyaatarka Qaranka

22/12/2018

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jmahuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay maanta si rasmi ah u aqoonsannay dalladda midowga wakiillada duulimaadka iyo dalxiiska Soomaaliyeed (SATTA). Dalladdu waxay ilaalin doontaa xuquuqda musaafaiinta hawada.

Wasiir Oomaar "Waa been abuur wararka la iga faafiyay" 22/12/2018

Asalamu calleikum dhaman bulshaweynta Soomaaliyeed,?
Waxaan rabaa marka h**e in an idin xaqiijiyo in ay waxba kajirin waxyaalaha laga faafinayo warbaahinada ee been abuurka ah. Mida xigta
tani waa mid lagu khal-khalinaayo umadda Soomaaliyeed marka waxan idinku boorinayaa aan kawada shaqeeno Horumarka dalka
Waxaan idin sheegaya in aniga iyo dhaman shaqaalaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee Jmahuuriyadda Federaalka Soomaaliya aan sii xoojini doono gudashada waajibaadkeena shaqo Isla markaana aan muujin doono fir-fircooni u adeegidda umadda Soomaaliyeed

Wasiir Oomaar "Waa been abuur wararka la iga faafiyay"

18/12/2018

Waxaa si rasmi ah u furmay maanta 18/12/2018 duulimaadyada Kenya Airways ee dalaka Kenya iyo Somalia

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Mogadishu