Laamaha Amniga Soomaaliya

Laamaha Amniga Soomaaliya

Share

Boggaan wuxuu ka warbixinayaa shaqooyinka iyo hawlaha laamaha kala duwan ee amniga Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Booliska, Milatariga, NISA, iyo Asluubta.

04/10/2025

Ciidanka ammaanka oo howlgal sifayn ah ka wada xarunta Godka Jilicow.

Muqdisho 4, October 2025: Maanta abaaro 4:40 galabnimo, maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ayaa weerar naf-halignimo ah ku qaaday xarunta Godka Jilicow, oo ka mid ah xarumaha hay’adda NISA. Maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ayaa isticmaalay gaari ay u ekaysiiyeen gaadiidka ciidamada hay’adda.

Qaar ka mid ah maleeshiyaadka cadowga ayaa la toogtay, waxaana haatan socda howlgalkii ugu dambeeyay ee lagu soo afjarayo kooxdan weerarka soo qaaday.

Wixii warar ah ee ku soo kordha howlgalka, dib ayaan ka soo gudbin doonaa.

21/09/2025

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Nooleye ee gobolka Galguduud, 20-ka Sebteembar 2025.

Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta Al-Shabaab.

Xogta hordhaca ah waxay tilmaameysa in ugu yaraan 4 ka tirsan maleeshiyaadka argagixisada Khawaarijta Al-Shabaab lagu dilay howlgalka.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

12/09/2025

War-Saxaafadeed
Laamaha Amniga Soomaaliya

Ceeldheer, Galguduud – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo ciidamada deegaanka ayaa maanta si geesinimo leh uga hortagay weerar ay kooxda Khawaarijta Al-Shabaab kusoo qaadeen degmada Ceeldheer.

Howlgalkaas waxaa lagu dilay in ka badan 30 xubnood oo Khawaarij ah, waxaana gacanta lagu dhigay maxaabiis ay ku jiraan horjoogayaal caan ku ahaa dhibaateynta shacabka, Dagaalka waxaa ku shahiiday 6 askari oo ka tirsan CXDS, halka 14 kale ay dhaawacyo fudud soo gaareen iyagoo difaacaya shacabka iyo qaranka.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa weli ku guda jira howlgal qorshaysan oo lagu baacsanayo firxadkii Khawaarijta si looga ciribtiro nawaaxiga Ceeldheer.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay bogaadinaysaa naf-hurnimada iyo dadaalka joogtada ah ee ciidamada, kuwaas oo safka h**e kaga jira difaaca qaranka iyo ciribtirka Khawaarijta.

09/09/2025

War Saxaafadeed

Muqdisho, September 09, 2025: Howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Saaxiibada caalamka oo ka dhacay deegaanka Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay horjooge Maxamed Cabdi Dhiblaawe Afrax, oo sidoo kale lahaa magacyada afgarashada (Khaalid Dheere, Khaalid Dacas, Macallin Siciid, Timo-jilac iyo Maxamed Sahal).

Horjoogahan oo ahaa maskaxdii ka dambaysay qaraxii ka dhacay Isgoyska Ceel-gaabta kaas oo lagu weeraray kolonyada Madaxweynaha JFS, 18-kii Maarso 2025, ayaa galabta lagu soo afjaray howlgal bartilmaameed ahaa oo lagu beegsaday Gaari Noah ah oo ay saarnaayeen isaga iyo dhagar-qabe kale.

Horjoogaha ayaa sidoo kale ku lug lahaa Qaraxyo iyo falal kale oo amni-darro ah kuwaas oo dad shacab ah lagu dhibaateeyay, waxaana si toos ah loogu raad joogay tan iyo markii uu dhacay Qaraxii Ceel-gaabta.

NISA waxa ay soo gudbin doontaa macluumaad dheeri ah oo ku saabsan xogta howlgalka iyo dhagartii horjoogahan.

Photos from Laamaha Amniga Soomaaliya's post 09/09/2025

WAR-SAXAAFADEED
Taliska Qeybta Guud ee Booliiska Galmudug
Dhuusamareeb, 9 Sebtember 2025

Taliska Qeybta Guud ee Booliiska Galmudug, gaar ahaan Saldhigga Booliiska Caasimadda Dhuusamareeb, ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane lagu magacaabo Yoonis Axmed Xirsi, kaasi oo lagu qabtay isagoo ku kacay fal-dambiyeed ah aflagaadeynta hay’adaha amniga ee ka shaqeeya sugidda nabadgelyada caasimadda, iyo isku horkeenidda bulshada. Eedeysanaha ayaa markii dambe raalli-gelin ka bixiyay fal-dambiyeedkii uu u geystay hay’adaha amniga.

Sidoo kale, Taliska Booliiska Caasimadda ayaa soo bandhigay eedeysane kale oo lagu magacaabo Dable Yaxye Cabdullaahi Salaad, kaasoo la soo qabtay 27 Agoosto 2025, kuna eedeeysan inuu ku kacay fal ka dhan ah anshaxa iyo sharciga ciidanka, isla markaana aflagaado u geystay gabdhaha Soomaaliyeed. Eedeysanahan ayaa isna raalli-bixin ka bixiyay hadalladii aflagaadada ahaa ee uu u jeediyay gabdhaha Soomaaliyeed.

Taliska Booliiska Caasimadda Galmudug waxa uu shacabka iyo ciidamada ku wargelinayaa in cid kasta oo ku howlan aflagaado, dacaayad ama isku horkeenidda bulshada laga qaadi doono tallaabo sharci ah, si loo ilaaliyo nabadgelyada iyo wadajirka bulshada.

DHAMAAD

Photos from Laamaha Amniga Soomaaliya's post 27/07/2025

Muqdisho – 27 Luulyo 2025

Hay,addaha amaanka Gobalka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay shan (5) eedeysane oo ku lug lahaa muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada, kaasi oo si been abuur ah u muujinayay askari dharcad ah oo dhacaya qof jalaato wareejinaya

Baaritaanno degdeg ah oo ay sameeyeen ciidanka booliiska ayaa lagu xaqiijiyay in muuqaalku ahaa jiliin si ula kac ah loo sameeyay, ujeeddadiisuna ahayd sumcad-dil iyo marin habaabin ka dhan ah hay’adaha amniga. Shanta (5) eedeysane ayaa hadda ku jira gacanta booliiska, waxaana si degdeg ah loo horgeyn doonaa maxkamadda awoodda u leh.

Booliisku wuxuu uga digayaa shacabka faafinta warar aan la hubin, si looga hortago dacaayado wax u dhimaya amniga iyo kalsoonida shacabka.

Cid kasta oo lagu helo abuurka, duubista ama faafinta muuqaallo noocan ah, waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah.

DHAMMAAD

Photos from Laamaha Amniga Soomaaliya's post 05/06/2025

Saraakiisha Hay’adaha Ammaanka iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo yeeshay kulan lagaga hadlay amniga maalmaha barakaysan ee Ciida

Taliyaha Ciidanka Booliska, Gen. Asad Cabdullahi Cismaan, Agaasimaha cusub ee Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Xuseen Mungaab, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha qeybaha Booliska iyo NISA ee Gobolka Banaadir, iyo Taliyaha Ciidanka Boolis Militaaro ayaa caawa yeeshay kulan muhiim ah oo looga hadlay adkeynta amniga maalmaha dabaal-daga Ciida Carafo.

Saraakiisha ayaa isla qaatay muhiimada ay leedahay sugidda nabadgelyada maalmahaan farxadda badan, iyagoo adkeeyay baahida loo qabo in la laba jibbaaro dadaallada amniga si shacabka Soomaaliyeed ay ugu ciidaan xasillooni iyo nabadgelyo.

Ugu dambeyn, saraakiisha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka ee u taagan sidii farxad iyo nabad ugu ciidi lahaayeen.

22/03/2025

Gulufka Dagaalka Cirka iyo Dhulka ee Argagixisada Lagu Qaaday oo Maraya Marxaladdii Ugu Wanaagsannayd.

Soomaaliya waxay cagta saartay waddadii xoraynta dhabta ah, iyadoo hoggaamin adag iyo dadaal mug leh lagu bixinayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada, Waxaa marag ma doonto ah in laamaha amniga ee dalka— Militariga, Booliska , NISA, iyo Ciidanka Asluubta—ay safka h**e kaga jiraan difaaca Qaranka, iyagoo naf iyo waqtiba u huraya sidii ay dalka uga sifeyn lahaayeen cadawga ragaadiyay horumarka bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo hoggaaminaya dagaalka, wuxuu dhiirigelin iyo hoggaan dhab ah u yahay ciidamada geesiyaasha ah ee naftooda u huraya badbaadinta dalka.

Dhanka kale, garab istaagga dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya—gaar ahaan Turkiga, Itoobiya, iyo kuwa kale—waxa uu gacan ka geystay horumarinta dagaalka, iyagoo si gaar ah u xoojiyay taageerada dhanka, tababarka, iyo duqeymaha cirka.

Guusha dagaalka waa mid la taaban karo, Waxaa waajib ku ah dhammaan ummadda Soomaaliyeed inay garab istaagaan ciidanka si loo xaqiijiyo nabad loogana guuleysto cadawga.

Dhamaad

29/10/2024

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa maanta gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta oo doonayay inuu fal amni darro ah ka geysto suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Shaqsiga la qabtay ayaa ka mid ah shabakad dilal ka geysatay magaalada Muqdisho, oo ciidamada ammaanka ay ku daba jireen. Maanta, waxaa lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo.

Laamaha amniga waxay u taagan yihiin had iyo jeer badbaadinta nafta iyo hantida shacabka Soomaaliyeed.

Photos from Laamaha Amniga Soomaaliya's post 26/10/2024

MAS’UULIYIINTA AMNIGA OO KORMEER AMNI KU SAMEEYAY DHAKARLEEY IYO KAXDA

Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo ay wehliyaan Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Xoogga Dalka, iyo saraakiil ka tirsan NISA, ayaa kormeer amni ku tagay degmooyinka Dharkiinleey iyo Kaxda ee gobolka Benaadir.

Kormeerka waxaa qayb ka ahaa Guddoomiyaha degmada Dharkiinleey, iyagoo kormeeray waaxaha labada degmo si ay u qiimeeyaan shaqada Ciidamada Ammaanka. Mas’uuliyiinta ayaa shacabka kala hadlay arrimaha amniga, iyagoo ku dhiirrigeliyay wada shaqeynta bulshada iyo hay’adaha amniga.

DHAMMAAD

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address

Mogadishu