Wasaaradda Qoyska & Horumarinta Xuquuqul Insaanka JFS

Wasaaradda Qoyska & Horumarinta Xuquuqul Insaanka JFS

Share

Waa Bogga Rasmiga ah ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka JFS ✅

Photos from Wasaaradda Qoyska & Horumarinta Xuquuqul Insaanka JFS's post 09/04/2026

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo kormeertay Tuullada SOS ayadoo goobjoog ka aheyd heshiis ay kala saxiixdeen Wasaaradda iyo SOS.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada Carruurta SOS ee magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ugu kuurgashay xaaladaha ay ku sugan yihiin Carruurta ku jirta xarunta SOS iyo baahiyahooda.

Kahor kormeerka Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa goobjoog ka aheyd heshiis iskaashi oo u jeedkiisu yahay in lagu hormariyo adeegyada daryeelka carruurta, lana ballaariyo mashaariicda kor u qaadaya badbaadada, waxbarashada iyo faya-qabka carruurta nugul waxaana heshiiskaasi kala saxiixday Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ahna ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska Faysal Nuur Faarax iyo Madaxa Barnaamijyada Hay’adda SOS Bashiir Saciid Xasan.

Intii ay ku gada jirtay kormeerkeeda tuullada Carruurta SOS waxa ay Wasiirrada booqatay qeybaha kala duwan ee xarunta oo ay ka mid yihiin qeybta xannaaneynta Carruurta , qeybta isbitaalka, qeybta waxbarashada Jaamacadda SOS oo ay wax ku bartaan arday Soomaaliyeed iyo qeybta bukaan jiifka ee hooyada iyo dhallaanka.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa xarigga ka jartay qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay xanaaneeynta carruurta Tuulada SOS waxaana ay si gaar ah u dhiiri gelisay Carruurta Gabdhaha ah ee ku jira Tuullada SOS ayada oo ku boorisay iney isku diyaariyaan hogaaminta wadankooda.

Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey aad u xoojisay dadaallada ay ku bixineyso Hormarinta iyo wax u qabashada carruurta Soomaaliyeed waxaana kormeerka Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ku tagtay Tuullada Carruurta SOS ku wehliyey Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir Bilan Bile Maxamuud .

Photos from Wasaaradda Qoyska & Horumarinta Xuquuqul Insaanka JFS's post 04/04/2026

Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo Baydhabo kula kulantay ururrada Haweenka Baay.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadija Mohamed Al-makhzoumi ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMGka dowlad goboleedka koonfur Galbeed kulan kula qaadatay ururrada Haweenka, kulankaasi oo ku saabsanaa xaaladaha ay ku sugan yihiin Haweenka Koonfur Galbeed fursadaha, caqabadaha iyo daruufaha ku xeeran.

Xubno ka mid ah Haweenka kulanka kasoo qeybgalay oo ku hadlay magaca ururrada Haweenka ayaa Wasiiradda uga waramay xaaladaha ay ku sugan yihiin Haweenka gobollada Koonfur Galbeed ku dhaqan, caqabadaha heysta iyo baahiyahooda waxaana ay dhammaantood bogaadiyeen guullaha baaxada leh ee ay gaartay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Khadija Al-Makhzoumi oo kulanka khudbad ka jeedisay ayaa Haweenka warbixin ka siisay guullaha ay Wasaaradda Qoyska gaartay iyo tallaabooyinka ay Wasaaradda u qaaday wax ka qabashada tacadiyada iyo Horumarinta haweenka kuwaasi oo ay ka mid yihiin:- In markii ugu h**eysay qoondada Haweenka lagu cadeeyey 30% sharciga Doorashooyinka iyo Sharciga Axsaabta, Ansixinta Sharciga ka hortagga Tacadiyada ka dhanka ah arrimaha Jinsiga ,Sharciga ka hortagga Gudniinka Fircooniga, Sharciga Arrimaha Qoyska oo waxbadan xuquuq siinaya Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Amb Khadija Al-Makhzoumi ayaa dhinaca kale Haweenka kulanka kasoo qeybgalay uga warbixisay tallaabooyinka u qorsheysan iney Wasaaraddu u qaado Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed iyo in guud ahaanba meesha laga saaro tacadiyada ay la kulmaan Haweenka ayadoo ugu dambeynna ku boorisay Haweenka kulanka kasoo qeybgalay isku duubni iyo wadajir iney uga gudbaan daruufaha ku xeeran islamarkaana wadajir looga faa'ideysto fursadaha jira.

Wabillaahi Towfiiq

Photos from Wasaaradda Qoyska & Horumarinta Xuquuqul Insaanka JFS's post 30/03/2026

Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo Muqdisho ku qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis goboleedka Xafiiska Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha OHCHR ahna Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika Marwo Maymuchka Lauriston iyo wafdi ay hogaamineyso.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo OHCHR , hirgelinta Qaraarka Golaha Xuquuqul Insaanka ee A/HRC/RES/60/28, gaar ahaan dejinta Qorshe-Hawleedka labada sano ee 2026-2027 iyo dardargelinta dhismaha xafiiska rasmiga ah ee OHCHR ay ku yeelaneyso gudaha Dalka.

Kulankan waxa uu qeyb ka yahay dadaallada ay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ugu jirto Hormarinta Xuquuqul Insaanka Dalka oo sanadkii lasoo dhaafay ay hormar ballaaran ka sameysay dhinacaas Wasaaradda, hormarradaas oo ay ugu h**eeyaan inaan 32sano kadib dib ula soo noqotay madax bannaanideeda Xuquuqul Insaanka si la mid dowladaha Caalamka iyo in lagu guuleystay dhismaha Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo markii ugu h**eysay taariikhda ay Soomaaliya yeelatay.

Photos from Wasaaradda Qoyska & Horumarinta Xuquuqul Insaanka JFS's post 29/03/2026

Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadida Hogaaminta Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay kulan hawleed socon doono mudo laba cisho ah oo ku saabsan kor u qaadida Hogaaminta Haweenka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabiyeen Dhaqdhaqaaqa Sinnaanta Jinsiga Soomaaliyeed ee SOMGEM.

Kulankan oo ay ka qeybgalayaan Hogaamiyeyaasha Haweenka, ururrada Haweenka iyo Bulshada Rayidka ayaa inta uu socdo waxaa la isku dhaafsan doonaa doodo ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa in la kordhiyo amaba sare loo qaado doorka Hogaaminta Haweenka Soomaaliyeed maadaama ay Haweenku kaalin muhiim ah uga jiraan bulshadeenna.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo khudbad ka jeedisay furitaanka ayaa Haweenka uga warbixisay tallaabooyinka ay Wasaaradda Qoyska u qaaday hormarinta Hogaaminta Haweenka oo ay ka mid yihiin:- in markii ugu h**eysay qoondada Haweenka lagu cadeeyey 30% sharciga Doorashooyinka iyo Sharciga Axsaabta, Ansixinta Sharciga ka hortagga Tacadiyada ka dhanka ah arrimaha Jinsiga, Sharciga ka hortagga Gudniinka Fircooniga, Sharciga Arrimaha Qoyska oo ay dhamaantood ansixiyeen Gollaha wasiirddu kuwaasoo waxbadan xuquuq siinaya Haweenka.

Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa kula dardaarantay ka qeybgalayaasha iney doodahooda kasoo saaraan tallooyin wax ku ool ah oo sii xoojin doona dadaallada ay Dowladda Soomaaliya ugu jirto Hormarinta Hogaaminta Haweenka iyo dhiiri gelintooda.

19/03/2026

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka waxay hambalyo iyo bogaadin ku aaddan munaasabadda Ciidul Fitriga u diraysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan Alle ka baryeynaa inuu naga aqbalo soonka, salaadaha iyo camalka suubban, isla markaana uu dalkeenna siiyo nabad, barwaaqo iyo horumar waara.

Ciid Mubaarak.

Photos from Wasaaradda Qoyska & Horumarinta Xuquuqul Insaanka JFS's post 19/03/2026

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquul Insaanka JFS Mudane Mohamed Bashir Omar ayaa magaalada New York kaga qeyb galay kula gaar ah oo diirada lagu saaray: Awood siinta Hogaanka Haweenka ee Nabada iyo Amniga si gaar ah dalalka Soomaaliya, DRC, wadamada ku teedsan saxara lamoodka Sahel iyo Liibiya “High Level Panel: From Inclusion to Transformation: Empowering Women’s Leadership for Sustainable Peace in Somalia, the DRC, the Sahel, and Libya”.

Agaasiamah guud oo kamid ahaa martida lagu casuumay shirka ayaa ka qeyb qaatay Guddi heer sare ah (High level panel) oo hadal jeedin iyo su’aalo la xirira hormarka ay ku talaabsadeen dalalka sida gaar ka ah diira loogu saaray shirka taasoo Soomaaliya qeyb ka aheeyd wadamada lagu lafa guray intii lagu guda jiray kulanka. Agaasimaha guud ayaa martida shirka lawadaagay hormarka balaadhan ee ay soomaaliya ku guuleysatay kuwaas oo ay ugu h**eeyaan xaqiiqjinta qoondada haweenka taasoo lagu xusay sharciga doorashooyinka iyo kan xisbiyada, dhaqan galinta shuruucda iyo siyaasadaha lagama maar maan u ahaa awoodsiinta dumarka soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa shirka lagu xusay in Soomaaliya markii u h**eeysay ay ku guuleysatay in ay dhisto Guddiga Madaxa banana ee Xuquuqul Insaanka kaasoo lafilaayo in uu kaalin laxaadle ka ciyaaro koryeelida xuquuqda haweenka iyo caruurta Soomaaliyeed.

Gunaanadkii shirka waxaa soomaaliya lagu bogaadiyay hirglatinta qorshayaasha cad cad ee ku dayashada mudan iyadoo lagu balamay in dalalka katirsan midowga Afrika is dhaafsadaan wixii wixii khibrado ah ee ay is dheeryihiin si loo wada gaadho guulo la taaban karo.

Photos from Wasaaradda Qoyska & Horumarinta Xuquuqul Insaanka JFS's post 19/03/2026

Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Oo magaalada New York ku qabatay Kullan ballaaran oo ku saabsan hormarinta Haweenka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Bashiir Cumar Ibraahim iyo ku xigeenka safiirka Dowladda Sweden u fadhiya QM Amb Andreas Von Uexkull ayaa si wadajir ah u shir guddoomiyey kulan ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya kaasi oo ku saabsanaa sidii loo hormarin lahaa Haweenka Soomaaliyeed.

Kulankan ka dhacay magaalada New York waxaa kasoo qeybgalay oo lagu casuumay dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya Hormarinta Haweenka kuwaasi oo kasoo wada qeybgalay shir sanadeedka Haweenka Aduunka ee ka socda magaalada New York waxaana Soomaaliya oo shirka soo qabanqaabisay ay kusoo bandhigtay madasha hormarrada xaaladaha ay ku sugan yihiin Haweenka Soomaaliyeed iyo caqabadaha ku gedaaman.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Maxamed Bashiir Cumar oo khudbad ka jeediyey furitaanka Shirka ayaa ugu h**eyn ka qeybgalayaasha Warbixin ka siiyey dadaallada iyo Tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee ay dowladda Federaalka Soomaaliya u qaaday sidii wax looga qabanlahaa dhibaatooyinka heysta Haweenkeena oo ay ugu h**eyso ansixinta shuruuc iyo siyaasado looga hortagayo dhibaatooyinka ay la kulmaan Haweenka Soomaaliyeed isaga oo dhinaca kalena caalamka uga mahad celiyey taageerradooda.

Ka qeybgalayaasha ka socday dowladaha iyo hay’adaha ee shirka ku sugnaa ayaa Soomaaliya ku bogaadiyey tallaabooyinka ay u qaaday wax u qabashada iyo hormarinta Haweenka waxaana kulankan uu qeyb ka yahay dadaallada ay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ugu jirto iney ku Hormariso Haweenkeenna.

Photos from Wasaaradda Qoyska & Horumarinta Xuquuqul Insaanka JFS's post 14/03/2026

Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo Geneva ku shir guddoomisay kulan ay Soomaaliya soo qabanqaabisay oo la xiriiray Hormarinta Xuquuqul Insaanka.

Geneva-13 March 2026 — Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland ku shir guddoomisay kulan ay Soomaaliya soo qabanqaabisay islamarkaana la guddoomisay ka warbixiyaha gaarka ah ee QM ee la dagaalanka argigixisada iyo Xuquuqul Insaanka ee Hannaanada gaarka ah ee Golaha Xuquuqul Insaanka QM.

Kulan doceedkan oo qeyb ka ah kalafadhiga 61aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka QM ee ka socda magaalada Geneva ayaa lagu soo bandhigay Warbixinta rasmiga ah ee booqashada Daleed ee ka warbixiyaha gaarka ah uu ku tagay Soomaaliya iyo aragtida Qaaradda Afrika ee dib u eegista 9aad Istiraatiijiyadda caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka taasi oo loo madlan yahay June 2026.

Ergeyga gaarka ah ee ka hortagga Argigixisada iyo Xuquuqda Aadanaha ee QM Prof Ben Saul oo kulanka khudbad ka jeediyey ayaa aad u ammaanay guullaha iyo hormarrada isdaba joogga ah ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya gaartay si gaar ah waxa uu u bogaadiyey guullaha baaxada leh ee ay gaartay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya .

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa soo dhaweysay warbixinta iyo bogaadinta Ergeyga gaarka ah ee ka hortagga Argigixisada iyo Xuquuqda Aadanaha waxaana ay ka warbixisay tallaabooyinka muhiimka ah ee ay Soomaaliya qaaday sanadihii ugu dambeeyey iyo sida xooggan ee ay dalka hormarrada uga socdaan caqabado kasta oo jira.

"Dhanka isla-xisaabtanka, Soomaaliya waxay qaadday tallaabo taariikhi ah. 10-kii Diseembar 2025, oo ah Maalinta Xuquuqul Insaanka, Madaxweynuhu wuxuu meelmariyay Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka, isagoo farriin cad u diray shacabkeenna iyo caalamkaba. Dr. Maryan Qaasim Axmed ayaa loo doortay inay noqoto Guddoomiyihii ugu horreeyay ee Guddiga. Guddigan wuxuu baari karaa xadgudubyada xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan kuwa la xiriira la-dagaallanka argagixisada. Waa hay’ad qaran oo loo dhisay inay dowladda kula xisaabtanto ficilladeeda" ayey khudbaddeeda ku tiri Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo wafdi ay hogaamineyso ayaa xalay gaaray magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayadoo socdaalka Wasiiradda uu qeyb ka yahay safarro shaqo oo guullo ay Soomaaliya kaga soo hoysay fagaarayaasha caalamka , waxaana Wasiiradda iyo wafdigeeda maalmo ka hor magaalada New York kaga qeybgaleen shirka sanadlaha ah ee Haweenka Aduunka.

Photos from Wasaaradda Qoyska & Horumarinta Xuquuqul Insaanka JFS's post 12/03/2026

Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta mar kale khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo qeyb ka ah shirka sanadlaha ah ee Haweenka Aduunka oo ka soconaya xarunta QM ee magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Wasiir Khadija Al-Makhzoumi ayaa khudbaddeeda uga hadashay caqabadaha heysta Haweenka Soomaaliyeed iyo sida ay ugu adkeysteen caqabadahaasi hadase ay muhiim tahay in Haweenka Soomaaliyeed si buuxda loo garab istaago. Sidoo kale waxa ay Wasiirrada khudbaddeeda uga hadashay tallaabooyinka ay qaaday dowladda Soomaaliya si meesha looga saaro tacadiyada iyo xad gudubyada ay la kulmaan Haweenka Soomaaliyeed.

"Si aan meesha uga saarno tacadiyada iyo xadgudubyada ay la kulmaan Haweenkeenna waxaan hirgelinay qadka wicitaannada deg degga ee caawinta Haweenka iyo Carruurta Soomaaliyeed anaga sidoo kalena meel marinay sharciyo iyo siyaasado wax ku ool u ah Haweenkeenna " ayey ku tiri khudbaddeeda Wasiir Khadija Al-Makhzoumi.

Sanad kasta waxaa bisha Maarso lagu qabtaa xarunta QM ee magaalada New York shirka sanadlaha ah ee Haweenka Aduunka ayadoo sanadkan ay Soomaaliya shirkan uga qeybgalayaan wafdi ballaaran oo ay hogaamineyso Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS.

Photos from Wasaaradda Qoyska & Horumarinta Xuquuqul Insaanka JFS's post 11/03/2026

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shirka Haweenka Aduunka ee ka socda New York.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo wafdi ballaaran oo ay hogaamineyso ayaa Soomaaliya sanadkaan uga qeybgalaya shirka sanadlaha ah ee Haweenka Aduunka oo ka socda magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Wasiir Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa khudbad ay ka jeedisay shirka maanta uga hadashay guullaha iyo hormarrada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dhinacyada Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo ay ugu h**eysay dhismaha guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, in Soomaaliya ay dib ulasoo laabatay madax bannaanideeda Xuquuqul Insaanka iyo Hormarinta Haweenka.

Inta Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya iyo wafdigeeda ay ku sugan yihiin magaalada New York waxaa kulammo kala duwan ay la qaadan madaxda shirkan kasoo qeybgashay qaarkood ayadoo sidoo kalena ay Wasiiraddu ay khudbado ka jeedin doonto shirar kale oo berri ka dhici doona isla magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Photos from Wasaaradda Qoyska & Horumarinta Xuquuqul Insaanka JFS's post 10/03/2026

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Osman Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim ah oo loo qabtay shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta iyo Haweenka – 116.

Tababarkan ayaa waxaa ka soo qayb galay wakiillo ka socday EUCAP Somalia, masuuliyiin ka tirsan hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, bah-wadaagta Qaramada Midoobay, xubno ka socda booliska, hay’adaha garsoorka iyo sidoo kale ururrada bulshada rayidka.

Ujeeddada tababarkan ayaa ah in la xoojiyo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha ka howlgala Khadka caawinaada ee 116, si ay si hufan oo xirfad leh ugu adeegaan bulshada, gaar ahaan haweenka iyo carruurta u baahan caawimaada iyo ilaalinta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an xoojinta nidaamyada ilaalinta bulshada, gaar ahaan difaaca xuquuqda iyo badbaadada haweenka iyo carruurta. Hirgelinta Khadka Qaranka ee 116 ayaa ah tallaabo muhiim ah oo qeyb ka ah dadaalladaas, maadaama uu bixinayo marin ammaan ah oo lagu helo caawimaad degdeg ah, laguna soo gudbiyo xadgudubyada, isla markaana lagu xiro adeegyada taageerada ee ku habboon.

Sidoo kale, Khadka 116 waa adeeg qaran oo shaqeeya 24 saacadood maalintii iyo 7 maalmood toddobaadkii, si qof kasta oo u baahan gargaar uu ula soo xiriiri karo wakhti kasta.

Tababarkan ayaa la filayaa inuu gacan ka geysto kor u qaadista tayada adeegyada Khadka 116 iyo xoojinta wada shaqeynta hay’adaha ka shaqeeya ilaalinta haweenka iyo carruurta dalka.

Photos from Wasaaradda Qoyska & Horumarinta Xuquuqul Insaanka JFS's post 08/03/2026

Wasiirka Qoyska oo caawa Muqdisho kusoo xertay Xuska Todobaadka Haweenka Soomaaliyeed iyo Bandhigga ganacsiga Haweenka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa caawa magaalada Muqdisho kusoo xertay xuska Todobaadka Haweenka Soomaaliyeed iyo Munaasabadda maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Aduunka 8da Maarso oo sanadkaan si ka duwan sidii h**e looga xusay magaalada Muqdisho.

Munaasabadda xeritaanka Bandhigga ganacsiga Haweenka Soomaaliyeed waxaa kasoo qeybgalay mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda oo ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Amb Axmed Macalin Fiqi, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Qoyska marwo Maryan, safiirka dowladda Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho Amb alper aktaş, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, taliyaha Nabadsugiga Gobolka Banaadir Taliye Liibaan, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaana mas'uuliyiinta xeritaanka Bandhigga kasoo qeybgalay ay ku wareegeen goobaha ay Haweenka ganacsatada ah kusoo bandhigayeen wax soo saarkooda ayaga oo aad u dhiiri geliyey.

Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho Amb alper aktaş oo khudbad ka jeediyey xeritaanka Munaasabadda ayaa ku ammaanay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya fursad siinta iyo dhiiri gelinta Haweenka Soomaaliyeed ayadoo tani ay ka turjumayso hormarka ay Soomaaliya sida xowliga ah u sameyneyso oo amniga uu ugu h**eeyo.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Amb Axmed Macalin Fiqi oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa ugu h**eyn ku ammaanay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya hal abuurkan cusub ee ay la yimaadeen iyo sida ay ugu taagan tahay hormarinta Haweenka Soomaaliyeed waxaana uu dhinaca kale ku ammaanay kaalinta ay Haweenku ka qaateen hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta iyo sugidda amnigan lagu naaloonayo.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo si rasmi usoo xirtay Bandhigga ganacsiga Haweenka Soomaaliyeed iyo xuska Todobaadka Haweenka Soomaaliyeed iyo Munaasabadda maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Aduunka ayaa uga mahad celisay Haweenka ganacsatada ah sida ay usoo bandhigeen hal abuurkooda ganacsi, sidoo kalena waxa ay u mahad celisay mas'uuliyiintii kala duwanaa ee u yimid dhiiri gelinta Haweenka ganacsatada ah.

Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa sanadkan si weyn oo aan h**ey loo arag u qabatay xuska Todobaadka Haweenka Soomaaliyeed iyo Munaasabadda maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Aduunka 8da Maarso ayadoo Bandhigga ganacsiga Haweenka Soomaaliyeed inta uu socday Haween badan wax looga iibsaday halka ay sidoo kalena Haween badan ku heleen fursado baaritaano iyo daweyn caafimaad oo lacag la'aan ah.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address

Jamaal Cabdinasir Road
Mogadishu