19/12/2025
Hambalyo iyo Bogaadin
Waxaan hambalyo iyo bogaadin qalbi ah u diraynaa Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen, munaasabadda sanad-guuradiisa 7-aad ee hoggaaminta Dowladda Koonfur Galbeed.
Intii uu xilka hayey 7-da sano ee la soo dhaafay, waxaan marqaati ka nahay dadaallo wax ku ool ah oo uu ku bixiyey xoojinta amniga, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah, kuwaas oo si weyn uga qeyb qaatay horumarka, xasilloonida iyo kalsoonida bulshada ee Koonfur Galbeed.
Waxaan Madaxweynaha u rajeynaynaa guul, caafimaad iyo horumar joogto ah, si uu u sii ambaqaado hoggaaminta hufan iyo dadaallada wax ku oolka ah ee uu ugu adeegayo shacabka Koonfur Galbeed.
Ugu dambayn, waxaan leenahay:
Mudane Madaxweyne, 7 sano kale na hoggaami.
21/10/2025
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen, waa hoggaamiye lagu faano, oo u taagan ilaalinta nabadda, midnimada iyo horumarka shacabka uu metelo. Mudane Laftagareen waa hogaamiye leh dulqaad, garasho siyaasadeed iyo himilo dhab ah oo uu doonayo inuu shacabka Koonfur Galbeed ku hogaamiyo jihada horumar, wadajir iyo amni waara.
Waxa uu si cad u muujiyey in Koonfur Galbeed aysan noqon doonin meel lagu tijaabiyo khilaaf siyaasadeed ama lagu carqaladeeyo nabadda bulshada. Cid kasta oo isku dayda in ay waxyeello u geyso amniga, midnimada iyo horumarka shacabka, laga yeeli maayo. Madaxweynaha wuxuu mar walba doorbidaa is-afgarad, wada-tashi, iyo wadashaqeyn dhab ah, si loo gaaro mustaqbal ifaya oo ay ku naaloodaan dhamaan shacabka Koonfur Galbeed.
Madaxweynuhu waa tiirka xasilloonida, waxaana muuqata in dadaalkiisa joogtada ah ee ku aaddan horumarinta adeegyada bulshada, xoojinta nabadda, iyo mideynta shacabka uu yahay mid lagu amaano.
Shacabka Koonfur Galbeed waxay maanta garab taagan yihiin hoggaankooda, waxayna si kal iyo laab ah u taageerayaan Madaxweyne Laftagareen oo si daacadnimo leh ugu adeega dadkiisa.
“Madaxweyne Laftagareen waa hogaamiye dhab ah, nabad-doon ah, isla markaana diidan cid kasta oo isku dayda inay qasto xasiloonida bulshada Koonfur Galbeed.” 🇸🇴
05/06/2025
Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen ayaa dhamaan umada Islaamka ah iyo Umada Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyey Munaasabada Ciida Arafo.
waxaan ummadda soomaaliyeed iyo dhammaan Muslimiinta adduunka ugu hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa.
28/02/2025
Madaxweyne H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen
Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka Islaamka waxaan idin ku hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee bilashada bisha Ramadaan.
Bisha naxariista iyo dambi dhaafka awgeed, waxaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan reer koonfur galbeed ku boorinayaa in ay u istaagaan taakuleeynta dadkeenna danyarta ah, oo ay badiyaan Rabbi-bariga bishan barakaysan oo dalka iyo dadkaba ugu duceeyaan amni iyo barwaaqo.
Alle ha inaga aqbalo acmaasha wanaagsan.
Ramadaan kariim.
23/09/2024
Ololaha Dib-u-doorashada H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen:
“Mudane Xil-Dhibaane codkaaga maanta wuxuu keeni karaa isbeddel!”
Shacabka iyo Xildhibaanada Koonfur Galbeed, waqtigii isbeddelka ayaa imanaya!
Codkiinna maanta wuxuu noqon karaa fursad cusub oo lagu gaari karo horumar waara, isla markaana la xoojinayo midnimada iyo wadajirka bulshada. Madaxwayne Laftagareen wuxuu muujiyay hogaamin dhab ah oo keenay isbeddelada muhiimka ah;
ha ilaawin in aan mar walba taageerno, isla markaana aan codkeenna u dhiibano si aan u xaqiijino mustaqbal ifaya.
Waxaan aaminsanahay in Koonfur Galbeed ay leedahay awood ay ku gaarto horumar waara oo ku salaysan midnimo, maamul wanaagsan, iyo iskaashi dhab ah oo dhexmara hogaanka iyo shacabka.
Madaxweyne Abdiaziz Laftagareen oo sii wadi doona shaqada adag uu h**ey u bilaabay, waxuu higsanayaa in Koonfur Galbeed ay noqoto mid tusaale u ah gobollada kale ee dalka, iyadoo lagu tallaabsanayo horumarka dhaqaalaha, siyaasadda, iyo bulshada. Waxaan aaminsanahay in maamulka hufan uu yahay furaha horumarka.
Yoolalka Aragtidan:
Horumarinta adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada.
Xoojinta amniga iyo xasiloonida deegaanka.
Shaqo-abuurka dhalinyarada iyo kobcinta dhaqaalaha.
Iskaashi dhex mara shacabka iyo maamulka si loo gaaro yoolalka horumarineed.
Dhisidda maamul daahfuran oo ka jawaaba baahiyaha shacabka.
Mudane Xil-Dhibaane “Codkaaga wuxuu qeyb ka noqon karaa hirgelinta aragtidan iyo mustaqbalka ifaya ee Koonfur Galbeed!"
“Si aad ugu mid noqotid, fadlan ku soo biir WhatsApp hoos ku xusan: Wadajir ayaan u shaqeyn doonaa!"
https://chat.whatsapp.com/JPX9U3Y8j498ThDYuuN21m
17/09/2024
Ololaha Madaxweyne H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen: Baaq Ku Wajahan Shacabka
Shacabka Sharafta leh ee Koonfur Galbeed iyo guud ahaan Soomaaliya, maanta waa maalin taariikhi ah oo aan dib u xaqiijin karno horumarka iyo himilada aan wadaagno.
Madaxweyne Laftagareen wuxuu xambaarsan yahay hogaamin adag, karti iyo aragti cad oo ku aaddan sidii loo gaari lahaa Soomaaliya ammaan ah, midaysan, iyo barwaaqo ah.
Muddo xileedkii h**e, Madaxweyne Laftagareen wuxuu hormuud ka noqday dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo sare u qaadida adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka.
Maanta, waxaan idinka codsaneynaa inaad taageertaan hogaamiyahan shaqadiisa halkaa ka sii wadi doona, Koonfur Galbeed oo hor leh iyo Deegaanadeeda oo barwaaqo ah.
✅ Amni iyo Degenaan waarta oo la xaqiijiyo
✅ Horumarinta shaqo-abuurka dhalinyarada iyo taageerada ganacsiyada yaryar
✅ Waxbarasho iyo caafimaad si loo gaaro bulsho caafimaad qabta oo waxbarata
✅ Hufnaan iyo daah-furnaan ku saabsan maamulka hantida qaranka
Waa waqtigii aan mid noqon lahayn, shacabka Koonfur Galbeed ay codkooda ka dhiibtaan sidii aan u sii wadi lahayn waddada horumarka iyo nabadda. Madaxweyne Laftagareen waa hogaamiyaha aan ku aamini karno mustaqbalkeena iyo kan ubadkeena. Wadajir, waan ku guuleysan karnaa!
Baaq: Shacabka Koonfur Galbeed, taageeradaadu waa muhiim si aan u xaqiijino mustaqbal ifaya. Madaxweyne Laftagareen waa codkaaga iyo hogaamiyahaaga.
Wadajir h**e u soco, Koonfur Galbeed barwaaqo leh ayaan dhiseynaa!