Committee on Budget and Finance

Committee on Budget and Finance

Share

This is the official Facebook account of the HOP’s Committee on budget, finance, planning and oversight of the government institution.

Photos from Committee on Budget and Finance's post 15/05/2025

GUDDIGA MAALIYADDA IYO MIISAANIYADDA EE GOLAHA SHACABKA BJFS OO KULAN LA QAATAY WASIIRKA WASAARADDA MAALIYADDA.

Muqdisho-Soomaaliya 06, May, 2025: Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalmiga iyo la-xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xafiiskiisa xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa kulan kula qaatay wasiirka wasaaradda maaliyadda ee Xukuumadd Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige, waxaana kulanka shir guddoominayay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan).

Ujeedka kulanka oo ahaa mid uu guddiga wasiirka u yeeray ayaa waxaa mas’uuliyiiinta wasaaradda maaliyadda oo uu wasiirka ugu h**eeyo looga dhageystay warbixinta guud ee Hannaanka Dakhli Uruurinta Dowladda, Warbixinta Saddex biloodlaha ee Dakhliga iyo Kharashaadka 2025 iyo sidoo kale Warbixinta Xisaab Xirka 2024.

Intaasi ka dib xubnaha guddiga ayaa wasiirka oo ay wehliyaan mas’uuliyiinta kale ee wasaaradda su’aalo ka weydiiyay shaqada wasaaradda ay Qaranka u heyso.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalmiga iyo la-xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) oo kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyay wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo xubnaha kale ee la socday, asiga oo sidoo kale sheegay in labada dhinac ay ku balameen in kulan kale oo su’aalo weydiin loogu yeero ma’uuliyiinta wasaaradda.

DHAMMAAD

Photos from Committee on Budget and Finance's post 27/08/2023

Muqdisho, Agoosto 27, 2023:

Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalmiga iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dawladda Xil. Maxamed Faarax Nuux ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka Guddiga.

Kulankan ayaa ahaa mid Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha loogu yeeray Kulan shaqo taariikhdu markay ahayd Agoosto 20, 2023 ujeedkiisuna ahaa: (1) Warbixin Guud ee Wasaaradda oo dhammeystiran; (2) Warbixin Mashaariicda dalka ka socda kuwa Miisaaniyadda ku jira iyo kuwa aan ku jirin; (3) Warbixin Hay’adda Tira-koobka (Statistics) Qaranka.

Wasiirka iyo howlwadeennadii la socday oo kala ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda; Agaasimaha Guud ee Hay’adda Tira-koobka (Statistics) Qaranka; Agaasimaha Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha; Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta iyo Xalka Waara; Ku-simaha Agaasimaha Waaxda Qorsheynta; Madaxa Mashruucda Barwaaqo; iyo Madaxa Mashruuca SCRP. ayaa mid mid uga warbixiyey shaqooyinka ay Qaran u haayaan.

Ugu dambeyntii; Guddoomiyaha Guddiga Xil. Maxamed Faarax Nuux ayaa soo xiray Kulanka, ayadoo loo ballamay in Wasaaradda loogu yeeri doono kulan kale oo shaqo iyo Su’aalo weydiin insha Allah.

Photos from Committee on Budget and Finance's post 12/08/2023

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta, Iskaashiga Caalamiga iyo La-xisaabtanka Hay'adaha Dowladda ayaa maanta oo ay Taariikhdu tahay 12/08/2023 waxay kulan Ku yeesheen xarunta Guddiyadda ee Villa Hargeysa.

Kulankaa oo Ajandihiisu uu ahaa
1. Diyaarinta warbixinta Akhrinta 3-aad ee Hindise sharciyeedka Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka.
Waxaana kulanka su'aalo lagu weydiiyey.
Wasiirka Wasaarada Maaliyadda iyo Hantidhawrha guud ee Qaran.

Kulanka Waxaa Shir-gudoominaayey Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Mudane Xildh. Maxamed Faarax Nuux.

Photos from Committee on Budget and Finance's post 02/08/2023

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta, Iskaashiga Caalamiga iyo La-xisaabtanka Hay'adaha Dowladda ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 02/08/2023 waxay kulan ku yeesheen xarunta Guddiyadda ee Villa Hargeysa.

Kulankaa oo Ajandihiisu ahaa Ka Doodista Sharciga Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka.

Kulanka waxaa shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Faarax Nuux.

Photos from Committee on Budget and Finance's post 01/08/2023

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta, Iskaashiga Caalamiga iyo La-xisaabtanka Hay'adaha Dowladda ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 01/08/2023 waxay kulan ku yeesheen xarunta Guddiyadda ee Villa Hargeysa.

Ajendaha Kulanka wuxuu ahaa
(1) Ka Doodista Sharciga Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka,
(2) La kulanka Saraakiil ka tirsan xafiiska Hantidhawrka Guud.

Kulanka waxaa shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Faarax Nuux.

Photos from Committee on Budget and Finance's post 30/07/2023

Guddiyada Maaliyadda ee Labada Gole BFS ayaa maanta oo ay Taariikhdu tahay 30/07/2023 waxay kulan Kula yeesheen xarunta Villa Hargeysa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiqafaar Xaange iyo Howl-wadeenadda Wasaaradda.

Kulankaa oo Ajandihiisu uu ahaa
1. la kulanka Wasaarada Maaliyadda
2. Gabagabaynta warbixinta Akhrinta 3-aad Misaaniyadda Qaranka JFS 2023-da.

Kulanka Waxaa Shir-gudoominaayey Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Mudane Xildh. Maxamed Faarax Nuux.

Photos from Committee on Budget and Finance's post 25/07/2023

Guddiyada Maaliyadda ee Labada Gole BFS ayaa maanta oo ay Taariikhdu tahay 25/07/2023 waxay kulan Kula yeesheen xarunta Villa Hargeysa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Howl-wadeenadda Wasaaradda.

Kulankaa oo Ajandihiisu uu ahaa ku Noqoshada Miisaaniyadda Qaranka ee 2023ka.

Kulanka Waxaa Shir-gudoominaayey Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Mudane Xildh. Maxamed Farax Nuux.

Photos from Committee on Budget and Finance's post 06/06/2023

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta Iskaashiga Caalamiga iyo La-xisaabtanka Hay'adaha Dowladda ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 06/06/2023 Xarunta Guddiyadda ee Villa Hargeysa kulan ku yeeshay .

Ajendaha Kulanka wuxuu ahaa qorshe howleedka Guddiga Maaliyadda GSH ee Kalfadhiga 3aad.

Kulanka waxaa shir-guddoominaayey Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Faarax Nuux.

Photos from Committee on Budget and Finance's post 26/12/2022

Kalfadhiga 2-aad Kulankiisa 3-aad ee wadajirka Labada Aqal BJFS ayaa maanta Guddiga Miisaaniyadda ee Labada Aqal looga dhageystay warbixinta akhrinta 2aad ee miisaaniyadda 2023.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay xubnaha Wasaaradda Maaliyadda oo uu hogaaminayey wasiirka wasaaradda.

Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda ee Labada Aqal BJFS Mudane Xil. Maxamed Faarax Nuux ayaa dulmar guud ka bixiyey Miisaaniyadda sanadka 2023. Sidoo kale Xoghayaha Guddiga Mudane Xil. Cabdulqaadir Xuseen Cabdi (Uurdoox) ayaa Golaha ka hor akhriyey Warbixinta Akhrinta 2aad ee Odoroska Miisaaniyadda 2023.

Xildhibaannada Labada Aqal BJFS ayaa ka dooday waxayna ku biiriyeen talooyinkooda iyo fikradahooda ku aadan miisaaniyadda sanadka 2023.

Photos from Committee on Budget and Finance's post 27/11/2022

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta Iskaashiga Caalamiga iyo La-xisaabtanka Hay'adaha Dowladda ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 27/11/2022 Xarunta Guddiyadda ee Villa-Hargeysa kulan kula yeeshay Wasaaradda Qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS ee uu hogaaminaayay Wasiirka.

Kulanka waxaa shir-guddoominaayey Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Faarax Nuux.

Ajendaha Kulanka wuxuu ahaa la kulanka Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Iyo Mashaariicda ay Fuliyeen Hay’adda mudadii 4-Sanno aheyd ee la soo dhaafay.

Wasiirka, Wasiir ku xigeenka, Wasiiru dowlahaiyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda ayaa waxaa su’aalo la xariiro shaqada Wasaaradda weydiiyay Xubnaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta Iskaashiga Caalamiga iyo La-xisaabtanka Hay'adaha Dowladda.

Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga iyo La-xisaabtanka Hay'adaha Dowladda ayaa uga mahadceliyey sida wanaagsaneyd ay Guddiga Maaliyadda ula socodsiiyeen Warbixinadii iyo su’aalihii la weydiiyey.

Photos from Committee on Budget and Finance's post 24/11/2022

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga iyo La-xisaabtanka Hay'adaha Dowladda ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 24/11/2022 Xarunta Guddiyadda ee Villa- Hargeysa kulan kula yeeshay Xafiiska Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka.

Kulanka waxaa shir guddoomiyeey Gudoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Faarax Nuux.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa warbixin kooban oo la xiriirta warbixinta Guud ee Sannad laha ah ee uu sameeyey Xafiiska hanti dhawraha guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Sanadkii h**e ee 2021.

Xafiiska Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka ayaa uga warbixiyey guddiga warbixin baariseedka Maaliyadeed, sharci iyo maamulba ee Dowladda federaalka Soomaaliya 2021.

Xubnaha Guddiga Ayaa su’aalo la xiiriira Warbixinta weydiiyey Hanti-dhowraha Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) iyo teamkii la socdayba.

Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga iyo La-xisaabtanka Hay'adaha Dowladda ayaa uga mahadceliyay Xafiiska Hanti-dhawraha guud ee Qaranka xogta ay ka siiyeen warbixintooda Sanadka 2021.

Photos from Committee on Budget and Finance's post 08/11/2022

Shirka wada xaajoodka shuruucda muhiim u ah arrimaha maamulka maaliyadda dalka,geedi socodka hanaanka deyn cafinta iyo sidoo kale diyaarinta iyo turxaanbixinta miisaaniyadda dalka ee sanadka 2023 ayaa xubnaha guddiga maaliyadda iyo miisaaniyadda ee Baarlamaanka Dalka waxa uu uga furmay Magaaladda Kigali ee xarunta Rwanda,waxaan shirka furitaankiisa ka qeyb galay guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka ee BJFS.

Guddoomiyaha guddiga maaliyadda iyo miisaaniyadda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed faarax nuux ayaa ugu h**eyn furitaanka shirka ka hadlay.

Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo shirka si rasmi ah u furay ayaa xubnaha guddiga ee shirka ka qeyb galaya kula dardaarmay in ay xooga saaraan ajendayaasha shirka,waxa uuna sidoo kale sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya muhiimad gaar ah siin doono arrimaha miisaaniyadda Dalka.

Sidoo kale Guddoomiye Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa sheegay in baarlamaanka kalfadhigiisa labaad fadhiyadiisa h**e waxyaabaha la horgeyn doono ay ka mid tahay miisaaniyadda sanadka 2023-ka.

Shirkan ayaa maalmaha uu socdo waxa ay ka qeyb galayaasha ka doodi doonaan shuruucda muhiimka u ah maamliyadda dalka,geedi socodka hanaanka deyn cafinta dalka iyo sidoo kale diyaarinta iyo turxaan bixinta miisaaniyadda dalka ee sanadka 2023.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Villa Hargeisa
Mogadishu