Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed

Website

Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed waa hay’ad dawladda u qaabilsan kor-joogteynta, horumarinta, iyo nidaaminta Batroolka Soomaaliya.

14/06/2026

Hay’adda Batroolka Qaranka ayaa maanta sagootisay Injineero Soomaaliyeed oo loo diray tababar la xiriira howlaha shidaalka, si loo xoojiyo aqoonta iyo awoodda farsamo ee dalka.

07/06/2026

Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya, Inj. Cabdulqaadir Aadan Maxamuud, iyo Injineero ka mida howlwadeenada Hay'adda ayaa maanta kormeer ku tegay qeybta Dekedda Muqdisho ee taageerta howlgalka qodista shidaalka Curad-1.

Guddoomiyaha ayaa faahfaahin ka bixiyey horumarka howlgalka, isaga oo sidoo kale sheegay in Injineero Soomaaliyeed ay ku biirayaan shaqada qodista shidaalka ee ka socota xeebaha Soomaaliya.

Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed oo qayb ka ah wafdiga rasmiga ah ee uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo K...
14/05/2026

Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed oo qayb ka ah wafdiga rasmiga ah ee uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dahir Shire, ayaa ka qayb galaya Shirweynaha 𝗔𝗳𝗿𝗶𝗰𝗮 𝗘𝗻𝗲𝗿𝗴𝗶𝗲𝘀 𝗦𝘂𝗺𝗺𝗶𝘁 𝟮𝟬𝟮𝟲 oo lagu qabtay magaalada London ee Boqortooyada Ingiriiska.

Shirkan oo ay isugu yimaadeen wasiirro, hay’adaha ka shaqeeya tamarta iyo batroolka, shirkado caalami ah, maalgashadayaal, iyo khubaro dhanka tamarta ah, ayaa diiradda lagu saaray mustaqbalka tamarta Afrika, iskaashiga gobolka, maalgashiga iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah.

Guddoomiyaha ahna Maareeyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed, 𝗘𝗻𝗴. 𝗖𝗮𝗯𝗱𝘂𝗹𝗾𝗮𝗮𝗱𝗶𝗿 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝘂𝘂𝗱, ayaa ka qayb galay dood heer sare ah oo lagaga hadlayay iskaashiga tamarta Bariga Afrika, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, kalsoonida maalgashiga, iyo fursadaha sahminta shidaalka ee gobolka.

Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay daahfurnaanta, xasilloonida sharciyeed, horumarinta hay’adaha dowladda, iyo diyaarinta kaabeyaasha muhiimka ah si loo soo jiito maalgashi waara oo ka qayb qaata koboca dhaqaalaha Soomaaliya iyo gobolka.

Intii uu shirku socday, wafdiga Soomaaliya ayaa sidoo kale kulamo miro-dhal ah la yeeshay shirkado caalami ah iyo daneeyayaal ka shaqeeya tamarta, kuwaas oo diiradda lagu saaray fursadaha maalgashi, diyaar garowga howlaha sahminta iyo soosaarista shidaalka badda, iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah.

Ka qaybgalka Soomaaliya ee 𝗔𝗳𝗿𝗶𝗰𝗮 𝗘𝗻𝗲𝗿𝗴𝗶𝗲𝘀 𝗦𝘂𝗺𝗺𝗶𝘁 𝟮𝟬𝟮𝟲 wuxuu muujinayaa horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhismaha hay’adaha batroolka, horumarinta nidaamyada sharciyeed, iyo abuurista jawi maalgashi oo hufan oo lagu horumarinayo khayraadka dabiiciga ah ee dalka.

DHAMMAAD.

Wixii faahfaahin dheeraad ah, fadlan kala xiriir:
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha,
Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed
📩 𝗘𝗺𝗮𝗶𝗹: [email protected]
🌐 𝗪𝗲𝗯𝘀𝗶𝘁𝗲: hbs.gov.so

Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Muda...
11/05/2026

Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, oo uu qayb ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed, Mudane Cabdulqaadir Aadan Maxamuud iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Hay’adda, ayaa magaalada London kaga qayb galay Shirweynaha Tamarta Afrika 2026, kaas oo ay isugu yimaadeen madax, khubaro iyo shirkado caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha tamarta iyo shidaalka.

Intii uu shirku socday, Wasiirka iyo Guddoomiyaha ayaa kulan wax-ku-ool ah la yeeshay Agaasimaha Guud iyo kooxda farsamada ee shirkadda Liberty Petroleum, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray qorshayaasha shirkadda iyo tallaabooyinka xiga ee lagu bilaabayo hawlaha sahminta iyo horumarinta shidaalka Soomaaliya.

Shirkadda Liberty Petroleum ayaa la filayaa inay dhawaan bilowdo hawlaha sahminta shidaalka, iyada oo uruurin doonta xog casri ah oo nooca 3D Seismic ah, taas oo muhiim u ah qiimeynta iyo horumarinta khayraadka shidaalka dalka.

Wasiirka ayaa adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay horumarinta jawi hufan oo maalgashi-u-furan, isla markaana dhiirrigelinaya iskaashi iyo horumar waara oo lagu xaqiijinayo ka faa’iideysi mas’uuliyad leh oo khayraadka shidaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in kulamada iyo wada-hadallada ka socda Shirweynaha Tamarta Afrika 2026 ay xoojinayaan kalsoonida caalamiga ah ee ku aaddan fursadaha maalgashi ee ka jira qeybtan muhiimka ah ee dhaqaalaha Soomaaliya.

DHAMMAAD.

Wixii faahfaahin dheeraad ah, fadlan kala xiriir:
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha,
Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed
📩 𝗘𝗺𝗮𝗶𝗹: [email protected]
🌐 𝗪𝗲𝗯𝘀𝗶𝘁𝗲: hbs.gov.so

15/04/2026

Dowladda Turkiga waxay tiri, ‘Annagaa qaadanayna halista, waxaan ahay walaalkiin, aan aragno kuwa kale haday yimaadaan. Wayna sameeyeen; waa kuwaan nala jooga’ ayuu yiri Eng. Abdulkadir Adan, Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed.

12/04/2026
11/04/2026

“48 saac gudahood waxaa si rasmi ah u bilaabanaya shaqada qodista shidaalka,”
Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya.

Waraysigan oo dhammaystiran caawa 8:00 fiidnimo kala soco Warbaahinta Qaranka.

Markabka qodista shidaalka ee 𝗖̧𝗮𝗴̆𝗿ı 𝗕𝗲𝘆 ayaa soo gaaray biyaha Soomaaliya. Tani waxay astaan u tahay bilowga isbeddel ...
08/04/2026

Markabka qodista shidaalka ee 𝗖̧𝗮𝗴̆𝗿ı 𝗕𝗲𝘆 ayaa soo gaaray biyaha Soomaaliya. Tani waxay astaan u tahay bilowga isbeddel dhaqaale iyo tallaabo muhiim ah oo loo qaaday horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Munaasabad rasmi ah oo lagu soo dhoweynaayo markabka ayaa lagu qaban doonaa Jimcaha magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaarada Batroolka & Macdanta XFS Mudane Daahir Shire Maxamed iyo Gudoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed,...
29/12/2025

Wasiirka Wasaarada Batroolka & Macdanta XFS Mudane Daahir Shire Maxamed iyo Gudoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed, Mudane Cabdulqadir Aadan Maxamuud, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiirka Tamarta Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Dr. Alparslan Bayraktar.

Kulanka ayaa si qoto dheer diiradda loogu saaray xaaladda hadda taagan ee barnaamijka sahminta shidaalka ee dhulka iyo badda Soomaaliya (Onshore & Offshore), iyo sidoo kale qorsheynta hawl-fulinta mudada dhow ee la xiriirta horumarinta kheyraadka batroolka.

Ugu dambayn, labada dhinac ayaa adkeeyay in Soomaaliya iyo Turkiga uu ka dhexeeyo iskaashi dhinaca tamarta, kaas oo ku saleysan kalsooni, wada-shaqeyn, iyo dano wadaag ah.

DHAMMAAD.

Wixii faahfaahin dheeraad ah, fadlan kala xiriir:
Xafiiska Xiriirka Dadweynaha & Tiknoolajiyadda
Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed
📩 𝗘𝗺𝗮𝗶𝗹: [email protected]
🌐 𝗪𝗲𝗯𝘀𝗶𝘁𝗲: hbs.gov.so

Address

Via Airport Road, Wadajir District
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 16:00
Tuesday 08:00 - 16:00
Wednesday 08:00 - 16:00
Thursday 08:00 - 16:00
Saturday 08:00 - 16:00
Sunday 08:00 - 16:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share