15/09/2025
Muqdisho, Isniin, 15 Sebteembar 2025: — Tababbar ku saabsan hoggaaminta iyo maareynta waxqabadka adeegyada bulshada oo loo qabtay shaqaalaha iyo saraakiisha sare ee wasaaradaha iyo hey’adaha dowladda ayaa maalintii labaad ka socda Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.
Tababbarka oo ay bixinayaan khubaro ku xeeldheer dhanka maamulka iyo hoggaaminta, ayaa inta uu socdo lagu baranaya maareynta iyo adeeg bixinta wasaaradaha, iyo sidii bulshada Soomaaliyeed ay u heli lahayd adeeg hufan oo ku salaysan wax-qabad tayo leh oo horumarsan kaasi oo la jaanqaadaya hab-raacyada casriga ah iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka.
17/07/2025
Today in , Kamal Gutale, Permanent Secretary at the Office of the Somalia Prime Minister, and UNDP Somalia Resident Representative, signed a landmark project agreement to accelerate the implementation of Somalia’s National Transformation Plan (2025–2029).
A cornerstone of this project is the institutionalization and strengthening of the Central Delivery Unit within the Office of the Prime Minister. This structure will serve as the nerve center for coordinating national initiatives, ensuring implementation is strategic, inclusive, and results-driven.
20/06/2025
Somalia–Malaysia Study Visit: Linked to National Transformation Priorities (NTP)
The 5-day study tour to Malaysia by officials from the Federal Government of Somalia and Federal Member States focused on public service reform, competency-based performance, and institutional development —all aligned with Somalia’s National Transformation Plan (NTP).
From the foundational workshop on governance reforms to visits at key Malaysian institutions such as the Ministry of Human Resources and the Department of Public Service at the Prime Minister’s Office, the program offered practical insights into civil service transformation and strategic capacity-building.
This engagement reflects Somalia’s commitment to delivering results through vision-aligned reforms, institutional excellence, and people-focused leadership.
16/05/2025
*NTP | Historic Milestone for Somalia’s Financial Sector*
Somalia President, Dr. Hassan Sheikh Mohamud, has officially signed into law four pivotal bills:
✅ The Insurance (Takaful) Bill
✅ The Income Tax Bill
✅ The Revised Financial Institutions Bill
✅ The Revised Anti-Money Laundering and Counter-Terrorist Financing Bill
These transformative reforms are set to strengthen the financial sector, boost investor confidence, and drive inclusive economic growth—creating meaningful opportunities for the Somali people.
08/05/2025
Waxaan Bogaadineynaa dhammaan qodobada Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) ay ku heshiiyeen.
Waxaan si gaar ah u bogaadinaynaa Qodobka 10’aad ee ku aadan Qorshaha Isbeddalka Qaranka.
#10. Waxa uu ku bogaadiyay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya soo dhameystirka Qorshaha Isbedelka Qaranka, waxa uuna ugu baaqay dhamaan beesha caalamka, maalgashatada iyo ganacsatada iney mudnaan siiyaan mashaariicda horumarinta qaranka ee wax looga badalayo kobaca dhaqaalaha, shaqa abuurka iyo soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah.
===============================
The National Consultative Council of Somalia has commended the Federal Government of Somalia for successfully finalizing and officially launching the National Transformation Plan (NTP), a landmark initiative that sets the foundation for the nation’s economic growth and development over the next five years.
Recognizing the strategic importance of this plan, the NCC urges international partners, donors, and investors to extend their full support toward its effective implementation. The NTP is designed to accelerate Somalia’s economic progress by fostering investment opportunities, creating sustainable employment for its citizens, and significantly increasing the country's GDP.
17/04/2025
Daahfurka Qorshaha Qaranka (NTP2025-2029), wuxuu muhiimad gaar ah u leeyahay marxaladaha ku saabsan dib-u-dhiska dalka iyo horumarka fog ee Soomaaliya, ka dib colaaddii sokeeye.
Qorshahan cusub oo uu si rasmi ah u daahfuray Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, wuxuu u gogol xaarayaa hannaan istiraatiiji ah oo lagu dhisayo Soomaaliya adkaysi leh oo isku filan.
Ka akhris lifaaqan hoose maqaalka oo dhammeystiran 👇
Somalia’s National Transformation Plan: A Vision for Progress and Resilience
Somalia's National Transformation Plan: A Vision for Progress and Resilience By Daud Aweis The launch of Somalia’s National Transformation Plan (NTP) 2025-2029 marks a pivotal moment in the nation’…
23/02/2025
Go’aanka golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan gaar ah, uu ku ansixiyey Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP-2025-2029), waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday si loo xaqiijiyo hiigsiga horumarineed ee dalkeennu u jiheystay.
Qorshaha Isbeddelka Qaranka waa Hindise ay hoggaaminayaan madaxda Qaranka ayaa ujeedkiisuyahay uruurinta iyo meel isugu geynta muruqa iyo maskaxda Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeedtaas taas oo horseedeysa in si wadajir ah dib u habeyn dhab ah loogu sameeyo qarankeenna, lana horumariyo dhinacyada wax soosaarka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Maalgashiga.
Tani waa guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed ee rajada ka qaba in ay helaan Qaran horumarsan oo bixiya adeeg bulsho oo dhameystiran.
04/12/2024
Iyadoo Heer gebagabo ah uu marayo Diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka isla markaana ay wali socdaan la tashiyada bulshada lagala sameynayo Qorshahaan iyo sidii uu u noqon lahaa mid miro dhal ah, ayaa maanta waxaa xarunta ay shaqadu ka socoto soo booqday Bahda Waxbarashada dalka markii ay casuumaad ka heleen Hormuudka Barnaamijka.
Kulan ayaa dhex maray Howl wadeenada hormuudka ka ah diyaarinta Qorshaha NTP iyo Bahda Jaamacadaha dalka waxaana loo sharaxay shaqooyinka muhiimka ah ee la soo qabtay iyo miraha ka soo baxay, waxaana loo sheegay in Qorshaha ay bahda Waxbarashadu ku yeelato talooyin muhiim ah.
Ku xigeenka Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdirisaaq Cali Ibraahim ayaa Bahda Waxbarashada u sheegay in kulankaani qeyb ka yahay la tashiyada lala sameynayo qeybaha kala duwan ee bulshada talooyinkooduna ay muhiim u yihiin guusha qorshaha Qaranka.
Intaa ka dib waxaa ay xubnaha ka socday bahda waxbarashada kormeereen sheybaarada kala duwan ee diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyaga oo si gaar ah ahmiyad u siinayay Sheybaarka Waxbarashada.