Ololaha Barbaariye

Ololaha Barbaariye

Share

Bogga Rasmiga ah Ee Ololaha isxilqaanka Ee BARBAARIYE.
• Badbaadinta Carruurta Agoonta ah Ee Ku Nool Barakacayaasha.

Photos from Ololaha Barbaariye's post 21/03/2025

*Alxamdulillaah, Gunaanadkii Imtixaankii Teeramka*

Waxaa si guul ah inoogu soo dhammaaday Imtixaankii Teeramka ee Ardayda Dugsiga Ololaha Bar Oo Badbaadi.

Dhammaan macallimiinta iyo maamulka dugsiga waxay iskugu hambalyeeyeen in si hufan loo soo afmeeray waxbarashadii teeramka, iyagoo ku faraxsan dadaalka ardayda iyo horumarkooda.

Waxaan Ilaahay uga baryeynaa dhammaan ardaydii imtixaanka u fadhiisatay in ay helaan natiijooyin wanaagsan oo lagu farxo, si ay uga sii ambaqaadaan jidka aqoonta iyo guusha.

Guusha ha idin garab gasho!

Photos from Ololaha Barbaariye's post 20/03/2025

𝐃𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐈𝐦𝐭𝐢𝐱𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚

Dugsigga Ololaha Bar oo Badbaadi ayaa si rasmi ah maanta u daahfuray Imtixaanka Mid term-ka Ardayda, waxaana u fadiistay imtixaanka ku dhawaad 500 oo arday, kuwaas oo ka Kala yimid qoysas ka koobaan Agoon, Rajooyin iyo Danyarta ku nool Duleedka Magaaladda Muqdisho.

Imtixaankan ayaa ujeedkiisu ahaa in ardayda lagu Kala saaro, laguna Kala ogaado heerka waxbarashooda mareyso ( Maadaama uu Ololaha soo socday afar [4] billood ).

Munaasabadda Daahfurka Imtixaanka waxaa ka soo qaybgalay Maamulaha Guud ee Ololaha, Madaxa macallimiinta iyo Madaxa imtixaannaadka.
Waxay si wadajir ah u bogaadiyeen dadaalka Macallimiinta iyo Ardayda ay wadaan iyo sida ay ugu heelan yihiin kobcinta aqoonta, Badbaabinta jiilka ku nool xarumaha barakacayaasha.

Qalinku Waa hubka Koobaad Ee Isbedelka, Barayaashuna waa Hormuudka isbedelka bulshadeenna.

Dhammaad

OLOLAHA BAR OO BADBAADI Marwalba waxa uu u taagan yahay kobcinta Maanka bulshada, sare u qaaddida heer waxbarashada iyo badbaadinta dadkeenna ku Nool xarumaha barakacayaasha.

Bar Oo Badbaadi

_____________
Xafiiska Warbaahinta Bar ooBadbaadi.
Taariikh: 20 Mar 2025

Photos from Ololaha Barbaariye's post 13/03/2025

𝗧𝗢𝗗𝗗𝗢𝗕𝗔𝗔𝗗𝗞𝗜𝗜 𝟭7-𝗔𝗔𝗗 𝗘𝗘 𝗢𝗟𝗢𝗟𝗔𝗛𝗔 𝗪𝗔𝗫𝗕𝗔𝗥𝗜𝗦𝗧𝗔 𝗖𝗔𝗥𝗥𝗨𝗨𝗥𝗧𝗔 𝗗𝗔𝗡𝗬𝗔𝗥𝗧𝗔 𝗔𝗛 & 𝗞𝗨𝗪𝗔 𝗔𝗚𝗢𝗢𝗠𝗔𝗛𝗔 𝗔𝗛 𝗘𝗘 𝗞𝗨 𝗡𝗢𝗢𝗟 𝗫𝗔𝗥𝗨𝗠𝗔𝗛𝗔 𝗕𝗔𝗥𝗔𝗞𝗔𝗖𝗔𝗬𝗔𝗔𝗦𝗛𝗔 𝗔𝗛, 𝗘𝗘 𝗞𝗨 𝗬𝗔𝗔𝗟𝗔 𝗗𝗨𝗟𝗘𝗘𝗗𝗞𝗔 𝗠𝗔𝗚𝗔𝗔𝗟𝗔𝗗𝗔 𝗠𝗨𝗤𝗗𝗜𝗦𝗛𝗢.

Qalinku Waa hubka Koobaad Ee Isbedelka, Barayaashuna waa Hormuudka isbedelka bulshadeenna.

OLOLAHA BAR OO BADBAADI Marwalba waxa uu u taagan yahay kobcinta Maanka bulshada, sare u qaaddida heer waxbarashada iyo badbaadinta dadkeenna ku Nool xarumaha barakacayaasha.

Bar Oo Badbaadi

Photos from Ololaha Barbaariye's post 28/02/2025

𝗧𝗢𝗗𝗗𝗢𝗕𝗔𝗔𝗗𝗞𝗜𝗜 𝟭5-𝗔𝗔𝗗 𝗘𝗘 𝗢𝗟𝗢𝗟𝗔𝗛𝗔 𝗪𝗔𝗫𝗕𝗔𝗥𝗜𝗦𝗧𝗔 𝗖𝗔𝗥𝗥𝗨𝗨𝗥𝗧𝗔 𝗗𝗔𝗡𝗬𝗔𝗥𝗧𝗔 𝗔𝗛 & 𝗞𝗨𝗪𝗔 𝗔𝗚𝗢𝗢𝗠𝗔𝗛𝗔 𝗔𝗛 𝗘𝗘 𝗞𝗨 𝗡𝗢𝗢𝗟 𝗫𝗔𝗥𝗨𝗠𝗔𝗛𝗔 𝗕𝗔𝗥𝗔𝗞𝗔𝗖𝗔𝗬𝗔𝗔𝗦𝗛𝗔 𝗔𝗛, 𝗘𝗘 𝗞𝗨 𝗬𝗔𝗔𝗟𝗔 𝗗𝗨𝗟𝗘𝗘𝗗𝗞𝗔 𝗠𝗔𝗚𝗔𝗔𝗟𝗔𝗗𝗔 𝗠𝗨𝗤𝗗𝗜𝗦𝗛𝗢.

Qalinku Waa hubka Koobaad Ee Isbedelka, Barayaashuna waa Hormuudka isbedelka bulshadeenna.

OLOLAHA BAR OO BADBAADI Marwalba waxa uu u taagan yahay kobcinta Maanka bulshada, sare u qaaddida heer waxbarashada iyo badbaadinta dadkeenna ku Nool xarumaha barakacayaasha.

Bar Oo Badbaadi

Photos from Ololaha Barbaariye's post 21/02/2025

𝗧𝗢𝗗𝗗𝗢𝗕𝗔𝗔𝗗𝗞𝗜𝗜 𝟭𝟰-𝗔𝗔𝗗 𝗘𝗘 𝗢𝗟𝗢𝗟𝗔𝗛𝗔 𝗪𝗔𝗫𝗕𝗔𝗥𝗜𝗦𝗧𝗔 𝗖𝗔𝗥𝗥𝗨𝗨𝗥𝗧𝗔 𝗗𝗔𝗡𝗬𝗔𝗥𝗧𝗔 𝗔𝗛 & 𝗞𝗨𝗪𝗔 𝗔𝗚𝗢𝗢𝗠𝗔𝗛𝗔 𝗔𝗛 𝗘𝗘 𝗞𝗨 𝗡𝗢𝗢𝗟 𝗫𝗔𝗥𝗨𝗠𝗔𝗛𝗔 𝗕𝗔𝗥𝗔𝗞𝗔𝗖𝗔𝗬𝗔𝗔𝗦𝗛𝗔 𝗔𝗛, 𝗘𝗘 𝗞𝗨 𝗬𝗔𝗔𝗟𝗔 𝗗𝗨𝗟𝗘𝗘𝗗𝗞𝗔 𝗠𝗔𝗚𝗔𝗔𝗟𝗔𝗗𝗔 𝗠𝗨𝗤𝗗𝗜𝗦𝗛𝗢.

Qalinku Waa hubka Koobaad Ee Isbedelka, Barayaashuna waa Hormuudka isbedelka bulshadeenna.

OLOLAHA BAR OO BADBAADI Marwalba waxa uu u taagan yahay kobcinta Maanka bulshada, sare u qaaddida heer waxbarashada iyo badbaadinta dadkeenna ku Nool xarumaha barakacayaasha.

Bar Oo Badbaadi

Photos from Ololaha Barbaariye's post 14/02/2025

𝐓𝐎𝐃𝐃𝐎𝐁𝐀𝐀𝐃𝐊𝐈𝐈 13𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐎𝐋𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐖𝐀𝐗𝐁𝐀𝐑𝐈𝐒𝐓𝐀 𝐂𝐀𝐑𝐔𝐔𝐑𝐓𝐀 𝐃𝐀𝐍𝐘𝐀𝐑𝐓𝐀 𝐀𝐇 𝐈𝐘𝐎 𝐊𝐔𝐖𝐀 𝐀𝐆𝐎𝐎𝐌𝐌𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐀𝐇 𝐄𝐄 𝐊𝐔 𝐍𝐎𝐎𝐋 𝐗𝐀𝐑𝐔𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐁𝐀𝐑𝐀𝐊𝐀𝐂𝐀𝐘𝐀𝐀𝐒𝐇𝐀 𝐀𝐇 𝐄𝐄 𝐊𝐔 𝐘𝐀𝐀𝐋𝐋𝐀 𝐃𝐔𝐋𝐄𝐄𝐃𝐊𝐀 𝐌𝐀𝐆𝐀𝐀𝐋𝐀𝐃𝐀 𝐌𝐔𝐐𝐃𝐈𝐒𝐇𝐎, 𝐀𝐋𝐗𝐌𝐃𝐔𝐋𝐈𝐋𝐋𝐀𝐀𝐇.

Qalinku waa hubka koobaad ee isbaddelka, Barayaashuna waa hurmuudka isbaddelka.

OLOLAHA BAR OO BADBAADI Marwalba waxa uu u taagan yahay kobcinta maanka bulshada, sare u qaaddida heer waxbarashada iyo badbaadinta dadkeenna ku Nool xarumaha barakacayaasha.

Bar Oo Badbaadi

Photos from Ololaha Barbaariye's post 06/02/2025

Haddii aad rabto in aad ummad jahliga kala dagaalantid, Gabar waxbar.

Gabar waxbaratay waa Hooyo waxbaratay, Hooyo waxbaratayna waa Ummad waxbaratay.

Gabdhaha fasalka Afaraad ee OLOLAHA BAR OO BADBAADI.

Photos from Ololaha Barbaariye's post 06/02/2025

𝐓𝐎𝐃𝐃𝐎𝐁𝐀𝐀𝐃𝐊𝐈𝐈 12𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐎𝐋𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐖𝐀𝐗𝐁𝐀𝐑𝐈𝐒𝐓𝐀 𝐂𝐀𝐑𝐔𝐔𝐑𝐓𝐀 𝐃𝐀𝐍𝐘𝐀𝐑𝐓𝐀 𝐀𝐇 𝐈𝐘𝐎 𝐊𝐔𝐖𝐀 𝐀𝐆𝐎𝐎𝐌𝐌𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐀𝐇 𝐄𝐄 𝐊𝐔 𝐍𝐎𝐎𝐋 𝐗𝐀𝐑𝐔𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐁𝐀𝐑𝐀𝐊𝐀𝐂𝐀𝐘𝐀𝐀𝐒𝐇𝐀 𝐀𝐇 𝐄𝐄 𝐊𝐔 𝐘𝐀𝐀𝐋𝐋𝐀 𝐃𝐔𝐋𝐄𝐄𝐃𝐊𝐀 𝐌𝐀𝐆𝐀𝐀𝐋𝐀𝐃𝐀 𝐌𝐔𝐐𝐃𝐈𝐒𝐇𝐎, 𝐀𝐋𝐗𝐌𝐃𝐔𝐋𝐈𝐋𝐋𝐀𝐀𝐇.

Qalinku waa hubka koobaad ee isbaddelka, Barayaashuna waa hurmuudka isbaddelka.

OLOLAHA BAR OO BADBAADI Marwalba waxa uu u taagan yahay kobcinta maanka bulshada, sare u qaaddida heer waxbarashada iyo badbaadinta dadkeenna ku Nool xarumaha barakacayaasha.

Bar Oo Badbaadi

Photos from Ololaha Barbaariye's post 30/01/2025

𝐓𝐎𝐃𝐃𝐎𝐁𝐀𝐀𝐃𝐊𝐈𝐈 11𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐎𝐋𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐖𝐀𝐗𝐁𝐀𝐑𝐈𝐒𝐓𝐀 𝐂𝐀𝐑𝐔𝐔𝐑𝐓𝐀 𝐃𝐀𝐍𝐘𝐀𝐑𝐓𝐀 𝐀𝐇 𝐈𝐘𝐎 𝐊𝐔𝐖𝐀 𝐀𝐆𝐎𝐎𝐌𝐌𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐀𝐇 𝐄𝐄 𝐊𝐔 𝐍𝐎𝐎𝐋 𝐗𝐀𝐑𝐔𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐁𝐀𝐑𝐀𝐊𝐀𝐂𝐀𝐘𝐀𝐀𝐒𝐇𝐀 𝐀𝐇 𝐄𝐄 𝐊𝐔 𝐘𝐀𝐀𝐋𝐋𝐀 𝐃𝐔𝐋𝐄𝐄𝐃𝐊𝐀 𝐌𝐀𝐆𝐀𝐀𝐋𝐀𝐃𝐀 𝐌𝐔𝐐𝐃𝐈𝐒𝐇𝐎, 𝐀𝐋𝐗𝐌𝐃𝐔𝐋𝐈𝐋𝐋𝐀𝐀𝐇.

Qalinku waa hubka koobaad ee isbaddelka, Dhallinyaradana waa hurmuudka isbaddelka.

OLOLAHA BAR OO BADBAADI Marwalba waxa uu u taagan yahay kobcinta maanka bulshada, sare u qaaddida heer waxbarashada iyo badbaadinta dadkeenna ku Nool xarumaha barakacayaasha.

Bar Oo Badbaadi

24/01/2025

Carruur badan oo Soomaaliyeed ayaa in ay iskuul aadaan oo ay helaan waxbarasho wanaagsan ay weli u tahay riyo ay ku taamayaan in ay gaaraan.

In ka badan saddex milyan oo carruur Soomaaliyeed ah ayaan iskuul dhigan. Degaanno badan oo ku kala yaalla guud ahaan dalka gaar ahaan xarumaha Barakacayaasha waalidiinta ma awoodaan in ay maalgeliyaan waxbarashada carruurtooda.

Saboolnimo marka laga soo tago, wacyiga bulshada ee dhanka waxbarashada oo aad u liita, masaafada fog ee iskuullada, iskuulladii oo lacag ah iyo macallimiin la'aan, gaar ahaan macallimiin si iskaa wax u qabso ah ku shaqeyn karta ayaa waalidiinta ka joojiya in ay carruurtooda iskuullada ku qoraan, gaar ahaan kuwa danyarta ah.

Dhallinyaradda Soomaaliyeed gaar ahaan macallimiinta wax ka dhigga dugsiyadda iyo Ardayda Jaamacaddaha ayaa toban isbuuc kahor u istaagay in ay baahidaas xalliyaan, waxa ayna si wadajir ah u qaadeen Ololaha Bar Oo Badbaadi .

Hadda Ololaha waxaa ka diiwaangashan in ka badan 700 Arday. Waa kuwaan ( hoos) fasal ka mid ah fasallada.

Qalinku waa hubka koobaad ee isbaddelka, Dhallinyaradana waa hurmuudka isbaddelka.

OLOLAHA BAR OO BADBAADI Marwalba waxa uu u taagan yahay kobcinta maanka bulshada, sare u qaaddida heer waxbarashada iyo badbaadinta dadkeenna ku Nool xarumaha barakacayaasha.

Bar Oo Badbaadi

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address

Mogadishu