Hon Mohamoud Adan Geesood

Hon Mohamoud Adan Geesood

Share

Federal MP. House of the People. Former Minister of Commerce and industry of the FGS

Minister of Commerce and Industry of the Federal Republic of Somalia and Member of the House of the People. I have previously held the position of Minister of Ports and Maritime Transport, playing a significant role in developing the country’s critical infrastructure. I am fully committed to building and strengthening Somalia’s statehood, ensuring that a strong government delivers comprehensive an

26/05/2026

Ciid Wanaagsan dhammaan ummadda Muslimiinta, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan Alle SWT uga baryayaa inuu naga aqbalo cibaadadii iyo acmaashii wanaagsanaa ee aynu soo gudannay, kana yeelo kuwo khayr iyo ajarba leh. Sidoo kale, waxaan Eebbe ka rajaynaynaa inuu dalkeenna iyo dadkeenna ka dulqaado abaaraha, dhibaatada iyo duruufaha adag, kuna mannaysto nabad, barwaaqo iyo hormar waara.

Ciiddan barakaysan waxaan u rajaynayaa shacabka Soomaaliyeed midnimo, walaaltinimo iyo farxad ku dheehan caafimaad iyo kheyr badan.

Ciid Mubaarak.

Hon Mohamoud Adan Geesood

06/05/2026

Aad ayaan uga xumahay dagaalka maanta ka soo cusboonaaday deegaanka Laashimo.

Waxaan ugu baaqayaa waxgaradka iyo dhammaan dhinacyada inay ka shaqeeyaan xal degdeg ah oo ku dhisan wada hadal, is-afgarad, iyo isu-tanaasul, si loo badbaadiyo nolosha shacabka.

Nabadi waa nolol, colaadduna waa burbur bulsho .

Hon Mohamoud Adan Geesood

12/04/2026

Hambalyo sannad-guurada 66-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Ciidanku waa laf-dhabarta difaaca iyo jiritaanka qarankeena, iyagoo mar walba u taagan ilaalinta amniga, midnimada iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

31/03/2026

NIMAAN QUUSAN ISAGAA QUUS AH!!”

Mohamoud Gesood

19/03/2026

Ciid Mubaarak

Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan umadda Islaamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed, munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga.

Alle ha inaga aqbalo soonka iyo cibaadada. Rabbiyow, dalkeenna ka dhig mid nabad iyo barwaaqo ah, abaartana naga qaad, nooguna beddel raxmad iyo ladnaan.

Ciid Wanaagsan, Kullu Caam Wa Antum Bilkhayr

03/01/2026

Dadka reer Sool iyo Sanaag waxay naf, maal iyo waqti ku bixiyeen ilaalinta midnimada Soomaaliya, iyaga oo si sharci ah u yagleelay dowlad-goboleed xubin ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Arrinta isa soo taraysa ee ah in Dowladda Federaalku ku gorgortamayso dhammaystirka aqoonsiga Waqooyi Bari waa dhiilo cusub, taas oo haddii aan laga waantoobin aan cawaaqibkeeda la mahdin doonin.

Haddii todobaadyada soo socda mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ah ay ku guul-darraysstaan inay gaaraan go’aan k**a dambeys ah, shacabka iyo mas’uuliyiinta deegaankan — oo hadda udub-dhexaad u ah loollanka gobolka ka billowday — waxay si dhab ah uga tashan doonaan aayahooda mustaqbal.

16/12/2025

Maanta waxaan si rasmi ah xilka Wasiirnimo ugu wareejiyay Wasiirka cusub, Mudane Jamaal Maxamed Xasan. Waxaan Alle uga mahadcelinayaa fursaddii aan u helay inaan u adeego dalkayga iyo dadkayga. Waxaan Wasiirka cusub u rajeynayaa guul, horumar iyo in uu si hufan u guto mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, si loo sii ambaqaado shaqada iyo horumarinta Wasaaradda.” ゚

11/12/2025

Muwaadin, codkaaga waa awooddaada — qaado kaarkaaga, dooro mustaqbalka aad rabto.”

Photos from Hon Mohamoud Adan Geesood's post 11/12/2025

Waxaan maanta xafiiskayga ku qaabilay wafdi ka socda shirkadda caalamiga ah ee OYAK ee dalka Turkiga, oo ka mid ah hay’adaha hormuudka ka ah maalgashiga iyo kaabayaasha hal-abuurka leh. Kulanka waxa uu ku qotomay xoojinta iskaashiga iyo sahminta fursadaha maalgashi ee ku saabsan khayraadka bada, warshadaynta kalluumaysiga, iyo adeegyada ganacsi ee Soomaaliya, kuwaas oo gacan ka geysan kara horumarinta dhaqaalaha iyo abuurista shaqooyin waara.

09/12/2025

Maanta waxaan kormeer shaqo ku tagey Degmada Howl-wadaag, halkaas oo si habsami leh uga socoto bixinta kaararka codbixiyeyaasha iyo wacyigelinta bulshada, iyada oo la diyaargaroobayo doorashada qof iyo cod ee Golaha Deegaanka.

Saddex sano oo dadaal ah kaddib, Xukuumaddu waxay ku guuleysatay in dib shacabka loogu celiyo awoodda doorashada, waxaana 25-ka bishan la filayaa in muwaadiniintu si xor iyo xasilooni leh u codeeyaan.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address

Mogadishu
Mogadishu