Midowga Dhalinyarada Yabar Madaxweyne

Midowga Dhalinyarada Yabar Madaxweyne

Share

Community Organization

19/03/2026

Ciid Wanaagsan – Ciidul Fidriga .

Waxaan hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel-walba oo ay dunida ka joogaan, munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga. Gaar ahaan, waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa BeelahaYabar Madaxweyne, gudaha iyo dibaddaba, anigoo u rajaynaya farxad, nabad iyo barwaaqo.

Alle (SWT) waxaan ka baryayaa inuu inaga aqbalo soonkii, salaaddii, zakadii iyo dhammaan cibaadooyinkii wanaagsanayd ee aynu gudannay intii lagu jiray bishii barakaysnayd ee Ramadaan. Ilaahay ha inaga yeelo kuwii laga aqbalay acmaashooda suuban, dembiyadoodana la dhaafay, naxariistiisana ku mannaystay.

Munaasabaddan qiimaha badan waxay inoo tahay xilli aynu is xasuusinno muhiimadda midnimada, is-caawinta, isu naxariisashada iyo garab istaagga walaalaheenna tabaalaysan. Waa waqti aynu ku xoojino xiriirka bulshada, isla markaana aynu ku muujinno jacaylka iyo walaaltinimada.

Sidoo kale ,Iyadoo dalka uu marayo marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, waxaan si wadajir ah isu xasuusinaynaa muhiimadda ay leedahay midnimada, wada hadalka iyo isu tanaasulka. Dalkeennu wuxuu u baahan yahay in laga hormariyo danta guud, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara kala fogaansho iyo khilaaf.

Waxaan Alle (SWT) ka baryaynaa inuu dalkeenna ka dhigo mid xasilloon oo midaysan, isla markaana ku hanuuniyo madaxdeenna iyo dhammaan hoggaanka dalka inay muujiyaan biseyl siyaasadeed, dulqaad iyo isu tanaasul, si loo gaaro go’aanno waxtar u leh shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa lagama maarmaan ah in la xoojiyo wada shaqeynta, is ixtiraamka iyo ilaalinta midnimada ummadda, si dalka looga badbaadiyo caqabadaha jira, loona gaarsiiyo horumar waara iyo dowladnimo sugan.

Ugu dambayn, waxaan Eebbe ka baryaynaa inuu ciiddan ciiddeeda kale innagu gaarsiiyo annagoo caafimaad qabna, amni leh, horumar iyo barwaaqo ku naaloonaya. Ilaahay ha mideeyo qalbiyadeenna, hana inaga dhigo bulsho isku duuban oo ku wada nool nabad iyo is ixtiraam. Alle ha inoo sahlo kheyrka, hana inaga dhowro wax kasta oo dhaawici kara midnimadeenna iyo mustaqbalkeenna.

Farxad iyo nabad ku ciida dhammaantiin! Ciid Mubaarak!

كل عام وأنتم بخير
Ali Elmi Ibrahim
Guddoomiyaha Dhalinyarada Beelaha Yabar Madaxweyne.

17/03/2026

Hambalyo Hambalyo Hambalyo Degmada jalalaqsi oo sanadkaan noqotay Horyaalka degmooyinka dalka oo idil , Run ahaantii waa guul Taariikhi ah oo usoo hoyatay reer jalalaqsi caawa in ay tuseen bulshada kale in degmadu ay tahay degmo Xadaarad , aqoon iyo Taariikhba mid kulansatay .

Jalalaqsi waxa ay guud ahaanba degmooyinka soomaaliyed leedahay guushu waa aqoon , dadaal iyo Dhalinyaro isku xiran .

Photos from Midowga Dhalinyarada Yabar Madaxweyne's post 15/03/2026

Mahadcelin iyo Qaddarin

Waxaan maanta booqasho ugu tagnay Agaasimaha Waxbarashada Gobolka Banaadir, Agaasime Cabdiraxmaan Cali Maxamed oo maalmahan waday dib-u-dhis ballaaran oo lagu sameynayay Xarunta Agaasinka Gobolka Banaadir, kaas oo maanta si rasmi ah loo soo gabagabeeyay. Dib-u-dhiskan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo tayada iyo deegaanka waxbarasho ee gobolka.

Gudoomiyaha Midowga Dhalinyarada Yabar Madaxweyne Iyo team-ka la socday Waxay si gaar ah ugu mahadcelineynaa Agaasimaha sida wanaagsan ee uu ugu qaabilay xafiiskiisa cusub, iyo sida uu waqti u siiyay dhageysiga iyo fulinta arrimihii ay ugu tageen . Soo dhaweynta iyo wada shaqeynta uu u muujiyay waxay ka tarjumeysaa hoggaan furan oo diyaar u ah la shaqeynta bulshada.

Waxaan sidoo kale bogaadinaynaa dadaalka iyo shaqada muuqata ee uu ka wado horumarinta xarumaha waxbarashada iyo kor u qaadista adeegyada waxbarasho ee gobolka. Horumarka noocan ah wuxuu dhiirrigelin u yahay bulshada iyo gaar ahaan dhalinyarada waxbarashada ku howlan.

Ugu dambeyn, Agaasimaha waxaan u rajeyneynaa guul iyo horumar joogto ah. Shaqada uu u hayo bulshada waa mid mudan mahadnaq iyo qaddarin, waxaana ku boorinaynaa in uu dadaalkaasi halkaa kasii wado si loo gaaro waxbarasho tayo leh oo ay ka faa’iideystaan dhammaan bulshada.

Mahadsanid Mudane Agaasime.

17/02/2026

Waxaan ugu hambalyeynaynaa ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan.

Alle waxaan ka baryeynaa in uu naga dhigo kuwii si dhab ah uga faa’iideysta fadliga iyo kheyrka bishan barakaysan, kuwii soonkooda, salaaddooda iyo ducadooda laga aqbalo, dembiyadoodana la dhaafo.

Ramadaan waa bil raxmad, cafis iyo xoreyn naarta laga xoreeyo. Waa bil qalbiyadu isu soo dhowaadaan, gacmuhuna isu fidiyaan, walaaltinimaduna sii xoogeysato. Aan ka dhigno bishan mid aynu ku xoojino cibaadadeenna, ku hagaajino akhlaaqdeenna, kuna garab istaagno walaalaheenna u baahan gargaarka iyo daryeelka.

Waxaan si gaar ah ugu boorrinaynaa dhalinyarada in ay ka faa’iideystaan bishan, waqtigoodana ku bixiyaan wax tar leh, akhriska Qur’aanka iyo camalka suubban, si ay u noqdaan jiil Alle ka cabsi badan, dalkana iyo diintaba anfaca.

Alle ha inagu gallado nabad, midnimo iyo barwaaqo, hana inaga aqbalo dhammaan acmaasha wanaagsan.

🌙

Photos from Midowga Dhalinyarada Yabar Madaxweyne's post 16/02/2026

Waa qeyb kale oo ka mid ah sawirada Kulankii Dhaqanka iyo Dhalinyarada Beesha Yabar Madaxweyne Ee Gobolka Banaadir.

15/02/2026

Midowga Dhalinyarada Yabar Madaxweyne

Waa astaan midnimo, wadajir, iyo horumar.
Waxa ayna si joogto ah u dhiirageliyaan isfaham, isgarab istaag, iyo nabad ku dhisan wada noolaansho.

Markle ayay si weyn ugu mahad celinayaan Nabadoon Abdirashid Abdiaziiz Elmi oo ah Nabadoonka Beelaha Dige Samatalis

Guul iyo Gobanimo.

Photos from Midowga Dhalinyarada Yabar Madaxweyne's post 15/02/2026

Maanta waa maalin ku suntan taariikhda Beesha Yabar Madaxweyne. Waa maalin muujisay in kala aragti duwanaansho kasta laga gudbi karo, haddii niyad wanaag, dulqaad iyo rabitaan dhab ah la helo. Muddo kala dhantaal iyo kala fogaansho jiray kadib, Alle fadligiis waxaa maanta dib loo soo celiyey midnimadii iyo wadajirkoodii beesha.

Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa Nabadoonka Beelaha Dige Samatalis , Nabadoon Cabdirashiid Cabdicasiis Cilmi, oo dadaal iyo waqti badan geliyey sidii 10-ka Oday ay hal meel ugu wada fariisan lahaayeen, una qaadan lahaayeen go’aan mideysan. Tani ma ahayn hawl fudud, balse waxay ahayd mid u baahnayd hoggaan, xikmad iyo go’aan adag. Dadaalkaas wuxuu noqday iftiin dib u shiday rajadii iyo kalsoonidii beesha.

Sidoo kale, waxaan mahadnaq u diraynaa Beesha Iidle Yabar, gaar ahaan odayaasha iyo waxgaradka gogosha fidiyey. Gogosha aad dhigteen maanta ma ahan mid caadi ah; waa gogol mideysay quluub, waa gogol dib u soo celisay kalsooni, waa gogol dhidibka u aasaysa mustaqbal wadajir ku dhisan.

Midnimada iyo Muhiimaddeeda

Midnimadu waa saldhigga jiritaanka iyo horumarka beel kasta. Beel aan mideysneyn ma laha cod mideysan, ma laha awood difaac, mana laha jihada horumar ee ay ku gaari karto himilooyinkeeda. Laakiin marka la midoobo, taladu way toosantaa, go’aankuna wuu miisaam yeeshaa, sharafkuna wuu kordhaa.

Midnimadu ma aha eray la yiraahdo oo keliya, waa dhaqan iyo ficil maalinle ah. Waa in la is maqlo, la is ixtiraamo, lana kala hormariyo danta guud midda gaar ahaaneed. Waa in aan ka gudubnaa wixii na kala fogeeyay, kana shaqeynaa wixii na mideynaya.

Haddii 10-ka Oday maanta hal mowqif qaateen, waa fariin u dirtay dhammaan xubnaha beesha — dhalinyaro, haween iyo waxgarad — in la joogo xilligii wadajirka, wada tashiga iyo wada shaqeynta.

Doorka Dhalinyarada

Haddii aan nahay Midowga Dhalinyarada Yabar Madaxweyne, si buuxda ayaan u soo dhoweynaynaa una hambalyeynaynaa midnimadan taariikhiga ah. Waxaan ballanqaadeynaa in aan ilaalinno, xoojino, una beddelno midnimadaas ficil iyo horumar muuqda.

Dhalinyaradu waa laf-dhabarta mustaqbalka. Haddii aan mideysnaano, wax badan ayaan qabsan karnaa:
• Horumarinta waxbarashada
• Abuurista shaqooyin
• Ka qeyb qaadashada nabadda iyo amniga
• Dhismaha sumcad sharaf leh oo beesha ku faanto

Gunaanad

Midnimo waa awood.
Midnimo waa sharaf.
Midnimo waa badbaado iyo barwaaqo.

Alle ha xoojiyo midnimada maanta la gaaray, hana ka dhigo mid sii waaraysa, kana dhalata horumar, cadaalad iyo mustaqbal ifaya oo ay ku naaloodaan jiilasha soo koraya ee Beesha Yabar Madaxweyne.

Photos from Midowga Dhalinyarada Yabar Madaxweyne's post 13/02/2026

Hambalyo iyo bogaadin ku socota Taliye Abdullahi Abdirahman Dhicisow oo maanta si guul ah u soo gaba-gabeeyay J. Staff College Course, kana diyaariyay Jaamacadda Difaaca Qaranka ee National Defence University ee ku Dalka Turkiga..

Waa guul taariikhi ah , waxaan leenahay Hambalyo cilmiga aad baratay allaha ka dhigo kii aad ku anfacdo dalkaada iyo Dadkaadaba.

Hambalyo Hambalyo Taliye Abdullahi Abdirahman Dhicisow.

24/01/2026

HADAL JEEDINTII GUDDOOMIYAHA MIDOWGA DHALLINYARADA BEESHA YABAR MADAXWEYNE TAAS OO KU SAABSAN HORMARKA IYO MIDNIMADA AY GAAREEN DHALLINYARADA .

Bismillaahi Raxmaani Raxiim.

Ugu horreyn, waxaan mahad iyo ammaan u soo jeedinayaa Alle SWT oo inoo suurtageliyay in aan maanta halkaan isugu nimaadno annagoo mideysan, qalbi wadaag ah, kana fog kala qoqob iyo is-maandhaaf. Waa nimco Alle ku mannaystay Beesha Yabar Madaxweyne, gaar ahaan dhallinyaradeeda.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Beesha Yabar Madaxweyne waa beel leh taariikh fac weyn, sharaf iyo kaalmo muuqata oo ay ku leedahay bulshada Soomaaliyeed. Sanadihii lasoo dhaafay, beesha—gaar ahaan dhallinyaradeeda—waxay soo martay duruufo adag, kala aragti duwanaansho iyo caqabado saameeyay horumarkii guud. Hase yeeshee, dhallinyaradu marnaba k**a quusan rajada ah in ay ka gudbaan caqabadahaas, kuna midoobaan hal aragti iyo hal ujeeddo.

Maanta, aniga oo ah Guddoomiyaha Dhallinyarada Beesha Yabar Madaxweyne, waxaan si sharaf leh u caddeynayaa in dhallinyaradu ay gaareen heer cusub oo biseyl, wacyi iyo mas’uuliyad. Waxaan maanta leenahay midnimo dhab ah, wadajir ku dhisan is-ixtiraam, isu-tanaasul iyo dan wadaag. Midnimadan ma ahan mid hadal ku eg, balse waa mid ficil ahaan u muuqata, kana tarjumeysa rabitaanka dhallinyarada ee ah in ay hormuud ka noqdaan horumarka beesha,Iyo Xawaadle intaba.

Dhallinyarada Yabar Madaxweyne maanta waxay u istaageen ka qaybqaadasho buuxda oo ku aaddan arrimaha siyaasadeed, bulsho iyo horumarineed. Waxay muujiyeen in ay diyaar u yihiin hoggaan, la xisaabtan iyo u adeegidda danaha guud ee beesha, iyagoo ka fogaanaya wax kasta oo keeni kara kala qeybin iyo dib u dhac.

MAHADCELIN GAAR AH

Halkaan waxaan si gaar ah uga mahadcelinayaa walaalaha Dhalinta oo kala ah Baanay Yabar, Aadan Yabar, iyo Axmed Yabar, kuwaas oo door muuqda, dadaal daacad ah iyo tanaasul weyn ka qaatay hirgelinta midnimada Dhallinyarada Beesha Yabar Madaxweyne. Walaalahani waxay muujiyeen biseyl, samir iyo mas’uuliyad ka sarreysa dano shaqsiyeed, iyagoo hormuud u noqday isu keenidda dhallinyarada iyo xoojinta wadajirka maanta aan ku faaneyno. Tanaasulkooda iyo doorkooda taariikhiga ah waa mid mudan in lagu daydo lana xasuusto.

Midnimada maanta jirta waa fursad taariikhi ah oo u baahan in si wadajir ah loo ilaaliyo loona xoojiyo. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhallinyarada Beesha Yabar Madaxweyne in ay sii adkeeyaan wada shaqeynta, ka shaqeeyaan nabad, horumar iyo matalaad cadaalad ah, isla markaana ay tusaale u noqdaan beelaha kale ee Xawaadle ah.

Ugu dambeyn, waxaan ballanqaadayaa aniga iyo hoggaanka Dhallinyarada Beesha Yabar Madaxweyne in aan si daacadnimo, hufnaan iyo masuuliyad leh ugu adeegayno danaha dhallinyarada iyo guud ahaan beesha. Allaah ha inagu garab galo dadaalkaan, hana noo barakeeyo midnimadeena iyo wadajirkeena, hana nagu hago waddada horumarka iyo cadaaladda. Aamiin.

Wabillaahi Towfiiq.

23/01/2026

Xil. Zakarie Muse Elmi Iyo Kulankii Wada-Tashigii..

Photos from Midowga Dhalinyarada Yabar Madaxweyne's post 23/01/2026

Kulan Wada-tashi Iyo Taageero.
Sawirada Q5.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address

Mogadishu
1234