SERP Project Somalia

SERP Project Somalia

Share

Somalia Enhancing Public Resource Management Project (SERP).

The objective of this Project is to support the FGS/FMS to strengthen accountability, transparency and institutional capacity in public resource management, across participating entities.

13/02/2026

Waxaa toddobaadkaan magaalada Nairobi lagu qabtay Madasha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ee Mashruuca SERP Project Somalia qeybtiisa dib-u-Habaynta Maamulka Adeegyada Dowliga ah (Public Sector Management Reform).

Photos from SERP Project Somalia 's post 11/02/2026

Shirka Madasha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ee Mashruuca SERP oo la soo gabagabeeyay

Nairobi, Febraayo 11, 2026: Waxaa magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyay Shirka 5aad ee Madasha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ee SERP Project Somalia.

Shirka oo socday saddex maalmood ayaa lagu falanqeeyay dib-u-habaynta Maareynta Adeegyada Dadweynaha (Public Sector Management Reform), horumarinta Nidaamka HRMIS ee heer Federaal iyo heer Dowlad-Goboleed, hirgelinta howlaha socda, iyo fulinta qorshayaasha hawleed ee shirka looga doodday inta uu socday.

Waxaa shirka ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalim Caliyow Ibrow, Wasiirrada Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowlad-Goboleedyada dalka, Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada, iyo hay’adaha heer Federaal iyo heer Dowlad-Goboleed ee la shaqeeya Mashruuca SERP.

Ugu dambayn, shirka waxaa lagu soo gabagabeeyay xoojinta wada-shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-Goboleedyada iyo Mashruuca SERP, dardargelinta hirgelinta howlaha mudnaanta leh, iyo fulinta qorshayaasha hawleed ee ka soo baxay shirka.

Photos from SERP Project Somalia 's post 09/02/2026

Nairobi, Febraayo 09,2026: Waxaa maanta magaaalda Nairobi ka furmay Shirka 5aad ee Madasha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ee SERP Project Somalia.

Shirka waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalim Caliyow Ibrow. Shirka waxa diiradda lagu saarayaa Dib-u-habaynta Adeegga Dadweynaha, horumarinta Nidaamka HRMIS, hirgelinta howlaha socda, iyo caqabadaha jira.

Waxaa sidoo kale ka qeybgalaya shirka Wasiiradda Wasaaraddaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowlad Goboleedyada dalka, Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada, Hey'addaha heer Federaal iyo heer dowlad Goboleedba ee Mashruuca SERP la shaqeeyo.

Shirka ayaa la filayaa sidoo kale in lagu qiimayo sidoo kalena dib loogu eego arrimaha muhiimka ah ee qeybta Mashruuca ee PSM ama dhaqangelinta shaqooyin muhiim ah ee la qorsheeyay.

Photos from SERP Project Somalia 's post 07/02/2026

Nairobi, Febraayo 07, 2026: Waxaa si rasmi ah loogu soo gabagabeeyey magaalada Nairobi shirka dib-u-qaabaynta Mashruuca SERP Project Somalia, kaas oo looga hadlay hawlaha muhiimka ah ee mashruuca iyo qorsho- hawleedyada fulintiisa.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista qaybaha mashruuca, qiimeynta heerka guud ee fulinta, iyo xoojinta is-waafajinta dib-u-habaynta tilmaamayaasha natiijooyinka mashruuca. Doodaha muhiimka ah ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay isku xirka nidaamyada HRMIS iyo SFMIS, hawlaha khayraadka mashruuca, iyo fulinta howlaha mudnaanta leh ee lagu xoojinayo awoodda hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya.

Shirka waxaa ka qeybgalay wakiillo iyo masuuliyiin ka socday Hey’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka (FMS) ee la shaqeeya Mashruuca SERP, xubno ka socday Bangiga Adduunka, iyo howl-wadeenada Mashruuca SERP.

Ugu dambeyn, shirka ayaa lagu bogaadiyay shaqada iyo guulaha muhiimka ah ee mashruucu gaaray intii uu socday, iyadoo sidoo kale la isku raacay in la dardargeliyo fulinta arrimaha mudnaanta leh si loo gaaro yoolalka dib-u-habeynta iyo natiijooyinka la hiigsanayo ee mashruuca.

Photos from SERP Project Somalia 's post 05/02/2026

Muqdisho, Febraayo 5, 2026: Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay kulamo muhiim ah oo lagu gorfeynayay dhismaha Hannaanka Xog-keydinta iyo Maareynta Shaqaalaha Dowladda (Human Resource Management Information System – HRMIS).

Kulamada iyo wada-tashiyada ballaaran ee ku saabsan hannaanka iyo hababka HRMIS waxaa ka qeyb galay xubno ka socday qaar ka mid ah Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo si wadajir ah u falanqeeyay qaababka ugu habboon ee hirgelinta nidaamkan casriga ah.

Intii ay socdeen kulamada, waxaa si qoto dheer loo falanqeeyay muhiimadda HRMIS, caqabadaha jira, iyo fursadaha uu nidaamkani u abuuri karo hagaajinta hufnaanta maamulka shaqaalaha, kor u qaadidda isla-xisaabtanka, iyo fududeynta helitaanka xog sax ah oo la isku halleyn karo.

Sidoo kale, kulamo gaar ah oo ku saabsan isku xirka Hannaanka Maareynta Maaliyadda Dowladda (SFMIS) iyo HRMIS ayaa lala yeeshay Wasaaradda Maaliyadda iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale qabtay tababbar ku saabsan hannaanka HRMIS oo ay ka qeybgaleen xubno kala socday qaarka mid ah Wasaaraddaha iyo Hey'addaha Dowladda Federaalka.Tabbabarkaan ayaa waxaa taageeray oo fududeeyay Mashruuca SERP Project Somalia, waxaana soo qabanqaabiyay Xafiiska Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya ee Dowladda.

Tabbabaradaan iyo kulamada la yeeshay Wasaaraddaha iyo Hey'addaha kala duwan ee Dowladda ayaa ku soo gabagaboobay tallooyin wax ku ool ah iyo heshiis ku aaddan dardargelinta hirgelinta HRMIS, si loo xaqiijiyo maamul shaqaale oo hufan, casri ah, isla markaana waafaqsan baahiyaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Photos from SERP Project Somalia 's post 14/01/2026

January 13,2026: Waxaa magaalada Jowhar, xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle lagu soo gabagabeeyay shirkii saddex-biloodlaha ahaa ee Madasha Fulinta Miisaaniyadda, (Quarterly Budget Ex*****on Coordination Forum) kaas oo socday, Janaayo 5-13, 2026.

Shirka oo ay si wadajir u yeesheen Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, iyo Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa diiradda lagu saaray horumarinta nidaamyada maaliyadeed, xoojinta daahfurnaanta, mideynta warbixinnada maaliyadeed, iyo dardargelinta hirgelinta halbeegga caalamiga ah ee xisaabaadka (IPSAS Cash Basis 2017).

Wasiirka Maaliyadda Hirshabeelle, Mudane Cabdiraxiin Ciise Cadow, oo soo xiray shirka, ayaa bogaadiyay natiijooyinka ka soo baxay iyo dadaalka ay muujiyeen ka-qaybgalayaasha. Sidoo kale, Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Maxamuud Cabdulle, ayaa adkeeyay in xafiiskiiska Xisaabiyaha Guud uu hormuud ka noqon doono hirgelinta go’aannada shirkan ka soo baxay.

Shirkaan ayaa waxaa taageeray oo fududeeyay Mashruuca SERP Project Somalia, waxaa qabanqaabiyay Xaafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, labada heer ee dowladda ayaa isku raacay in la dhaqan-geliyo qodobadii shirka ka soo baxay, isla markaana la joogteeyo kulamada noocan ah si loo gaaro nidaam maaliyadeed oo mideysan, hufan, kuna dhisan daahfurnaan iyo isla-xisaabtan.

Photos from SERP Project Somalia 's post 13/11/2025

Waxaa magaaalda Laascaanood ee xarunta Dowlad Goboleedba Waqooyi Bari Soomaaliya lagu soo gabagabeeyay shir socday muddo 4 maalmood ah oo looga hadlayay hannananka shax-xisaabeedka iyo dib eegista dhammaystirka hagayaasha shax-xisaabeedka midaysan ee loo soo gaabiyo (UCoA) Unified Chart of Accounts.

Shirkaan oo 4 maalmood socday ayaa diirada lagu saaray hannaanka dib u eegistii shax-xisaabeedka midaysan iyadoo lagu gorfeeyay hagaajinta iyo wax kabadalka shax-xisaabeedka, si loo waafajiyo dhammaystirka hannaanka caalamiga ah ee IPSAS Cash Basis.

Shirkaan ayaa waxa ka qeybgalay masuuliyiin iyo xubno kale duwan oo socday Hey'addaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa waxa qabanqaabiyay Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo taageero farsamo iyo fududeynta uu ka gaystay Mashruuca SERP Project Somalia.

Wasiirka Maaliyadda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Cabdiqani Xuseen Xaaji Hiirad, ayaa soo xiray shirka, isagoo sheegay in hagahan cusub uu kor u qaadi doono hufnaanta iyo isla-xisaabtanka maaliyadeed ee hay’adaha dawladda.

Ugu dambeyntii, waxaa laga soo saaray shirka qoraal ay si wadajir u saxiixeen masuuliyiintii iyo xubnihii kala socday Hey'addaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir si loo xaqiiijiyo hirgelinta iyo dhaqan-gelinta isbeddelkan. Tani waa tallaabo dhab ah oo loo qaaday dhinaca Maamulka Maaliyadda Dadweynaha ee Soomaaliya.

Photos from Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya's post 03/11/2025

Daah-furka Aqoon-is-weydaarsiga kor u qaadista kaalinta haweenka ee xilalka Maamulka Sare ee Hey'addaha Dowladda.

Photos from SERP Project Somalia 's post 20/10/2025

Waxaa magaaalda Nairobi ee dalka Kenya lagu soo gabagabeeyay tabbabar saddex maalmood u socday (14-16 October,2025) xubno ka tirsan Hey'addaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyadda xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.Tabbabarkaan ayaa ku Saabsanaa Maareynta Isbeddelka Dijitaalka iyo Diyaargarowga Iskaashiga ee SFMIS( SFMIS Digital Reform).

Tabbabarkaan oo uu soo qabanqaabiyay Mashruuca SERP Project Somalia, ayna bixinaysay Hey'adda , ayaa ujeeddadiisu waxa ay ahayd in la xoojiyo iskaashiga iyo wada-shaqeynta DFS iyo Dowlad Goboleedyada si loo, hirgeliyo nidaamka wadaagga ah ee isku dhafan ee Somali Financial Management Information System (SFMIS) iyo xoojinta wadashaqeynta ka dhexeysa Hey'addaha muhiim ah ku shaqada leh hannnaanka Maaliyadda ee SFMIS.

Ka qeybgalayaasha tabbabarka ayaa muujiyay go’aan adag iyo ballanqaad buuxa oo ku aadan horumarinta dib-u-habaynta maamulka maaliyadda dadweynaha ee dhijitaalka ah, iyo sidoo kale xoojinta wada-shaqeynta dowladeed ee lagu hirgelinayo qorshaha Maareynta Isbeddelka Dijitaalka ah (PFM Digitalization).

Tabbabarka intii uu socday waxa aad laguu falanqeeyay hannaanka wadashaqeynta ee ka dhexeeya Hey’adaha labada heer ee Dowladda ee ku shaqada leh hannnaanka Maaliyadda SFMIS, waxaana ka muuqday ka-qaybgalayaasha xiisaha, dadaalka iyo rabitaanka xooggan ee ay u qabaan horumarinta isbeddellada dhijitaalka ah.

Ugu dambayntii, wakiilladii ka socday DFS iyo Dowlad Goboleedyadda dalka waxay isla garteen in la xoojiyo wada-xiriirka, isku-duwidda iyo wadashaqeynta daneeyayaasha SFMIS. Sidoo kale, waxay ku heshiiyeen in la aasaaso Guddiga Farsamo (Technical Working Group – TWG) oo hoggaamin doona, una fududeyn doona maareynta dib-u-habaynta dhijitaalka ah ee SFMIS si loo dardargeliyo hawlaha iyo xiriirada muhiimka ah ee Madalada hannaanka SFMIS.

Photos from SERP Project Somalia 's post 13/09/2025

Nairobi, September 13,2025: Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu soo gabagabeeyay shir muhiim ah oo lagu qiimeynayay hawlaha iyo qorshayaasha Mashruuca SERP. Intii uu socday shirka waxaa lagu falanqeeyay arrimaha muhiimka ah iyo hawlaha kala duwan ee mashruucu kala shaqeeyo hay’adaha Dowladda ee heer Federaal iyo heer Dowlad-Goboleed.

Shirkaan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray guulaha la gaaray labadii sano ee mashruucu socday, natiijooyinka muuqda ee laga helay barnaamijka dib-u-habeynta, hawlaha la fuliyay iyo caqabadaha taagan, iyo sidoo kale sida looga gudbi karo.

Waxaa kale oo shirka lagu xoogga saaray:
1. Xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda hawlaha mashruuca
2. Dhammaystirka shaqooyinka muhiimka ah ee barnaamijka u qorsheysan
3. Hirgelinta heshiisyada iyo qorshayaasha, si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah
Sidoo kale waxaa lagu adkeeyay in la sii xoojiyo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha kala duwan ee dowladda iy Mashruuca, si loo xaqiijiyo in hawlaha qorsheysan si miro-dhal ah loo hirgeliyo.

Shirka waxaa ka soo qeybgalay madaxda hay’adaha dowladda ee heer Federaal iyo heer Dowlad-Goboleed ee mashruuca la shaqeeyo, madaxda Bangiga Adduunka ee u qaabilsan Mashruuca SERP Soomaaliya, iyo shaqaalaha iyo hawl-wadeennada Mashruuca.

28/07/2025

𝐒𝐎𝐌𝐀𝐋𝐈𝐀 𝐃𝐄𝐋𝐄𝐆𝐀𝐓𝐄𝐒 𝐕𝐈𝐒𝐈𝐓 𝐓𝐈𝐒𝐒𝐀-𝐔𝐔𝐌 𝐓𝐎 𝐒𝐔𝐏𝐏𝐎𝐑𝐓 𝐒𝐏𝐎𝐍𝐒𝐎𝐑𝐄𝐃 𝐒𝐓𝐔𝐃𝐄𝐍𝐓𝐒

SINTOK, 24 July 2025 – Tunku Puteri Intan Safinaz School of Accountancy (TISSA-UUM) was honoured to receive an unexpected yet meaningful visit from representatives of the Somalia Enhancing Public Resource Management Project (SERP), a World Bank-funded initiative under the Ministry of Finance, Federal Government of Somalia.
The visit aimed to monitor the well-being and academic progress of Somali students currently enrolled in postgraduate programmes at TISSA-UUM. Presently, six students are pursuing the Master in Taxation programme, while two students are enrolled in the MSc. (International Accounting) programme.
Despite being an unplanned visit, TISSA-UUM warmly welcomed the delegation and expressed hopes for a lasting engagement between both parties. The representatives included Mr. Abubakar Abdulle, Monitoring & Evaluation Specialist, and Mr. Adam Mohamed Hassan, Financial Management Specialist of the SERP Project. The visit was facilitated by Assoc. Prof. Dr. Idawati Ibrahim, Chair of the Master in Taxation Programme, and Assoc. Prof. Dr. Arifatul Husna.
Also present were current Somali students Haret Mubarak (MIT) and Ayub Hashi (MSc. IA), who appreciated the opportunity to meet with their sponsors.
TISSA-UUM looks forward to continued collaboration in supporting international capacity-building efforts through quality education.

Photos from Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya's post 28/07/2025
Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address

Mogadishu