Cutubyo ka tirsan Ciidanka Haramcad ayaa saaka gaaray magaalada Baydhabo si ay u xoojiyaan amniga, una qeyb qaataan xasilinta magaalada Baydhabo ee xarunta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Cutubyadan cusub ayaa xoojin doona ciidamo horey ugu sugnaa Baydhabo, iyadoo ujeedka howlgalka uu yahay adkeynta amniga, sugidda nabadda, iyo ka hortagga falalka amni-darro.
Ciidanka gaaray Baydhabo waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Haramcad, Dhamme Abdihakiin Eeldheer,
Ciidanka Boliska Gaarka Ah Ee Haramcad
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ciidanka Boliska Gaarka Ah Ee Haramcad, Government Organization, Mogadishu.
Taliyaha Ciidanka Haramcad Dhamme Abdihakiin Siciid Eeldheer
Jamaahiirta Ciidanka Haramcad ayaa howlgal adag ka wada deegaano hoos taga Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
05/04/2026
Taliyaha Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Haramcad, Dhamme Cabdihakiim Eeldheer, oo howlo shaqo u jooga magaalada Baydhabo, ayaa maanta ka qeyb galay shirka amniga magaalada Baydhabo. Shirka ayaa waxaa shir-guddoominayay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gen. Asad Cismaan Maxamed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkeynta amniga magaalada Baydhabo, gaar ahaan xilliga ay socdaan diyaar garowga doorashooyinka. Taliyaha Ciidanka Haramcad ayaa kulanka ku soo bandhigay doorka ciidankiisu ku leeyihiin sugidda amniga, xasilinta magaalada, iyo ka hortagga falal kasta oo amni darro keeni kara.
Taliyaha Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Haramcad, Dhamme Abdihakiin Eeldheer, ayaa gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo uu qeyb ka yahay socdaal shaqo oo uu ku marayay deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Taliyaha ayaa kormeer ku sameyn doona taliska gaarka ah ee Ciidanka Haramcad ay ku leeyihiin magaalada Baydhabo, si loo dardargeliyo howlaha sugidda amniga.
Ciidanka Haramcad oo dhawaan gaaray Baydhabo ayaa halkaas u jooga xasilinta iyo sugidda amniga, gaar ahaan iyadoo ay soo dhow yihiin maalmaha doorashooyinka. Taliyaha ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho saraakiisha ciidanka, isla markaana uu adkeeyo qorshaha lagu xaqiijinayo nabadgelyada guud ee magaalada iyo deegaannada ku xeeran.
Taliyaha Ururka 1aad ee Guutada Haramcad Dhamme Cumar Yare, waa sargaal ku suntan shaqo iyo howlkar.
04/04/2026
Ciidanka Boliska Gaarka ah ee Haramcad iyo Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Guutada 6aad ee Qeybta 60aad, ayaa howlgal wadajir ah ka sameeyay deegaanka Xarshanley ee duleedka magaalada Baraawe.
Howlgalka waxaa hogaamiyey Taliyaha Guutada Gaad Qeybta 60aad, G/Sare Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale, halka Taliye ku xigeenka Haramcad uu ahaa Bakar Abuukar Ali.
Ujeedada howlgalka ayaa ahayd adkeynta amniga magaalada, maadaama Baraawe ay isu diyaarinayso martigelinta doorashooyinka soo socda.
Saraakiisha ayaa sidoo kale si wadajir ah shacabka ula hadlay, iyaga oo codsaday in bulshada ay si buuxda ula shaqeeyaan laamaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo iyo doorashooyin ammaan ah.
03/04/2026
Bakar Abuukar Ali Taliye ku-xigeenka Haramcad, wuxuu ku guuleystay xasilinta Baraawe caasimadda dalxiiska iyo astaanta xasiloonida dowladnimada.
Haramcad waa Saaxiibka Bulshada
Haramcad Hiilka Shacabka πΈπ΄
29/03/2026
Tallaabo kasta oo aan qaadno waa difaac qaran,
dhib kasta oo na soo gaara waa sharaf aan ku muteysaneyno badbaadinta shacabka.
Nabad kasta jiil ayaa dhaliya annagana waxaan nahay jiilka nabadda keeni lahaa Ciidanka Gaarka ah ee Haramcad waa hiilka shacabka, garabka lagu tiirsado, iyo difaaca qaranka.
Waxaan u taaganahay ilaalinta naf iyo maal, ciribtirka cadowga ummadda iyo dhisidda mustaqbal ay carruurteenu ku noolaadaan nabad iyo xasillooni.
Click here to claim your Sponsored Listing.
