Hon. Arabey Hashi Abdi

Call Website Contact the organization

Hon. Arabey Hashi Abdi Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Hon. Arabey Hashi Abdi, Mogadishu.

Hon: Arabey Hashi Abdi Oil and Gas Specialist and Political Analyst, Former Vice President Galmudug State is the current Director General of the Federal Government of Somalia's Ministry of Petroleum and Mineral Resources.

Nairobi, Kenya: Waxaan ka qaybgalay Kulanka Hannaanka 4-aad ee Wadatashiga Soomaaliya iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF...
30/09/2026

Nairobi, Kenya: Waxaan ka qaybgalay Kulanka Hannaanka 4-aad ee Wadatashiga Soomaaliya iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ee 2026-ka, kaas oo magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyay, waxaana shir-guddoomiyay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige.

Kulanka waxaa looga hadlay horumarka laga sameeyay dib-u-habeynta maaliyadda dalka, fursadaha iyo caqabadaha hortaagan kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, iyo saameynta isbeddelka cimilada ku leeyahay dhaqaalaha dalka iyo sidii loo xoojin lahaa adkeysiga iyo soo kabashada dhaqaalaha.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay mas’uuliyiin sare oo ka socday IMF iyo hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

18/09/2026

Kalmad aan ka jeediyay xafladii qalinjabinta Ardayda Hamar Diagnostic Centre

Waxaa ka qayb galay Xaflada Qlinjabinta Class of 2026 ee Hamar Diagnostic Centre kaas oo lagu bartay culuum caafimaad oo...
18/09/2026

Waxaa ka qayb galay Xaflada Qlinjabinta Class of 2026 ee Hamar Diagnostic Centre kaas oo lagu bartay culuum caafimaad oo kala duwan oo itus oo itaabsii ah.

Waxaa ka qayb galay shir ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo looga hadlayay u diyaar-garowga ka qaybgalka shirka CI...
15/09/2026

Waxaa ka qayb galay shir ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo looga hadlayay u diyaar-garowga ka qaybgalka shirka CIIE 2026 (China International Import Expo), kaas oo ka dhici doona magaalada Shanghai ee dalka Shiinaha, 5–10ka Nofeembar 2026.

Maanta Golaha Shacabka waxaan u gudbinay heshiis ku saabsan iskaashiga iyo horumarinta macdanta ee AMSG( Africa Mining S...
12/09/2026

Maanta Golaha Shacabka waxaan u gudbinay heshiis ku saabsan iskaashiga iyo horumarinta macdanta ee AMSG( Africa Mining Strategy Group).
Heshiiskan ayaa Golaha Shacabka Akhrinta Koowaad marsiiyay, waxaana uu muhiim u yahay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo dalalka Afrika ee dhinaca macdanta, horumarinta aqoonta iyo iskaashiga farsamo, iyo kobcinta fursadaha maalgashi ee waaxda macdanta.
Anigoo ku hadlaya magaca Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta, waxaan soo dhawaynaa dadaallada lagu dhisayo hannaan sharciyeed oo horseeda maamul hufan iyo ka-faa’iidaysi waara oo kheyraadka macdanta dalka ah.
Ugu danbayn waxaa u mahadcelinaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dfs Abdiwahab Abdi Omar oo nagu matalaayay kulankaa.

Maanta, Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Macdanta Jamhuuriya...
12/09/2026

Maanta, Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii uu soo maray akhrinnadii kala duwanaa, dood, dib-u-eegis iyo turxaan-bixin uu ku sameeyay Golaha iyo Guddiga Khayraadka Qaranka.

Hindise-Sharciyeedkan oo Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdantu si dhow uga shaqeysay, ayaa maanta Akhrintiisa Saddexaad lagu ansixiyay.

Ansixinta Sharciga Macdantu waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhismaha hannaan sharciyeed oo nidaamiya khayraadka macdanta Soomaaliya, dhiirrigeliya maalgashi masuuliyad leh, isla markaana xoojiya ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka.

Waxaan u mahadcelinayaa Guddoonka iyo Xubnaha Golaha Aqalka Sare, Guddiga Khayraadka Qaranka, iyo dhammaan intii ka qayb qaadatay hawsha dheer ee lagu soo gaarsiiyay Hindise-Sharciyeedkan heerkan

Maanta waxaan shir guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macda...
10/09/2026

Maanta waxaan shir guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta.

Waxaan kulanka kaga wada hadalnay hawlaha shaqo ee socda, qorshayaasha hortabinta leh iyo sidii loo sii dardargelin lahaa shaqada iyo wada-shaqeynta waaxyaha Wasaaradda.

Waxaan xoogga saarnay muhiimadda ay leedahay in qorshayaasheenna si hufan loo fuliyo, si loo gaaro natiijooyin muuqda oo wax ku ool ah.

Maanta, aniga iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta, waxaan ka qaybgalnay kulanka Golaha A...
07/09/2026

Maanta, aniga iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta, waxaan ka qaybgalnay kulanka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo looga doodayay Hindise-sharciga Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo galay Akhrinta Labaad.

Golaha waxaan la wadaagnay warbixin ku saabsan muhiimadda uu Hindise-sharcigan u leeyahay dalkeenna, iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray muddadii ay Wasaaraddu gacanta ku haysay diyaarintiisa. Hindise-sharciga waxaa ka horreeyay la-tashiyo wax-ku-ool ah iyo aragti-ururin ballaaran, si loo hubiyo in uu ka tarjumayo baahiyaha iyo danaha dalka.

Kadib su’aalo iyo dood ay Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ka yeesheen Hindise-sharciga, waxaa la isla qaatay in uu u gudbo Akhrinta Saddexaad.

Waxaan shalsy ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka tababar loo qabtay ardayda Dufcadda 5aad ee Waaxda Culuumta Dhulka (...
07/09/2026

Waxaan shalsy ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka tababar loo qabtay ardayda Dufcadda 5aad ee Waaxda Culuumta Dhulka (Geology) ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan u tagay ardayda inaan ku dhiirrigeliyo dadaalkooda waxbarasho, isla markaana aan la wadaago muhiimadda ay leedahay in ay aqoontooda iyo xirfadahooda u diyaariyaan ka qeyb qaadashada horumarinta iyo ka faa’iideysiga kheyraadka dabiiciga ah ee dalkeenna.

Tababarkan oo socday labo maalmood, waxaa ka faa’iideystay in ka badan 40 arday, iyadoo khubaro ka tirsan Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ay ardayda siiyeen casharro iyo aqoon ku saabsan hababka sahminta shidaalka, gaaska iyo macdanta.

Waxaan bogaadinayaa iskaashiga wanaagsan ee u dhexeeya Wasaaradda iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, waxaana rajeynayaa in iskaashigan uu sii xoogeysan doono, si loo kobciyo aqoonta iyo xirfadaha jiilka cusub ee Soomaaliyeed.

06/09/2026

Kalmad aan ka jeediyay bandhiga buuga Sooyaalka Maansada oo uu qoray Abwaan Looyaan

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hon. Arabey Hashi Abdi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Hon. Arabey Hashi Abdi:

Shortcuts

Share