Hon. Arabey Hashi Abdi

Hon. Arabey Hashi Abdi

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Hon. Arabey Hashi Abdi, Mogadishu.

Hon: Arabey Hashi Abdi Oil and Gas Specialist and Political Analyst, Former Vice President Galmudug State is the current Director General of the Federal Government of Somalia's Ministry of Petroleum and Mineral Resources.

Photos from Hon. Arabey Hashi Abdi's post 01/06/2026

Waxaa sharaf weyn ii ah inaan ka qeyb galo Aqoon-is-weydaarsiga Qiimeynta Baahiyaha ee la xiriira Ruqsad-bixinta Batroolka Soomaaliya (Somalia Licensing Round Needs Assessment Workshop), kaas oo uu si rasmi ah u daah-furay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Shire Maxamed.

Kulankan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta diyaar-garowga Soomaaliya ee wareegga ruqsad-bixinta shidaalka, iyadoo xoogga la saarayo horumarinta awoodaha hay’adaha dowladda, tayeynta nidaamyada farsamo, sharciyeed iyo maaliyadeed, iyo waafajinta habraacyada dalka heerarka caalamiga ah ee ugu wanaagsan.

Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan qeyb ka noqdo dadaallada lagu dhisayo hannaan hufan oo kor u qaadaya kalsoonida maalgashadayaasha, isla markaana xaqiijinaya in kheyraadka dabiiciga ah ee dalkeenna looga faa’iideeyo si waara, caddaalad ah, una horseeda koboc dhaqaale iyo horumar qaran.

Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan hay’adaha iyo khubarada ka qeyb qaadanaya aqoon-is-weydaarsigan, gaar ahaan Dowladda Canada iyo hay’adda CPCS oo taageeradooda muhiimka ah ka geysanaya horumarinta waaxda batroolka iyo macdanta Soomaaliya.

Photos from Hon. Arabey Hashi Abdi's post 31/05/2026

Muqdisho, 31 May 2026: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo ay yeesheen Agaasime Waaxeedyada iyo Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim u ah horumarinta howlaha Wasaaradda iyo dardargelinta mashaariicda socda, kuwaas oo ay kamid ahaayeen:

1. Aayadaha Qur’aanka Kariimka iyo furitaanka kulanka.
2. Mashruuca Licensing Round-ka iyo qorshaha tababarrada Capacity Building-ka ee la xiriira mashruuca.
3. Mashruucyada NTP-ka ku jira iyo heerarka ay marayaan.
4. Mashruuca Macdanta ee AML/CFT iyo shuruudaha looga baahan yahay shirkadaha ka shaqeeya qeybta macdanta.

Agaasimaha Guud ayaa xusay muhiimadda ay leedahay isku dubbaridka shaqooyinka Wasaaradda, horumarinta tayada shaqaalaha, iyo xoojinta nidaamyada maamulka si loo gaaro adeeg hufan iyo horumar waara oo laga sameeyo waaxaha batroolka iyo kheyraadka macdanta dalka.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad iyo dardaaran ku aaddan in la laba jibaaro dadaallada lagu horumarinayo howlaha Wasaaradda.

26/05/2026
Photos from Hon. Arabey Hashi Abdi's post 25/05/2026

On 12 May 2026 I participated at Africa Energy Summit, Panel Title.East Africa & Indian Ocean Margin – Country Strategies, Subsurface Data & Commercial Pathways with other Panellists:
Marcela Alonso, Multiclient New Ventures - Africa, SLB,Franklin Juma, Chair, Kenya Oil Gas Association and other one from Sychiles. Moderator Gayle Maikle Ceo Of Frontier Energy.@

25/05/2026

Inaa lilaahi wa inaa ileehi raajicuun,
Allahau naxaariisto Adeer Xaaji Mursal Aaden Sugaal oo maanta 25/05/2026, ku geriyooday magaalada Nairobi oo uu in muddo ah ku xanuunsanaa waxaa uga tacsiyaynaa ehelka iyo dhamaan caruurtiisa Alaha janadii ka waraabiyo danbi dhaafna siiyo.

Photos from Hon. Arabey Hashi Abdi's post 22/05/2026

Waxa aan ka qeyb galay Shirweynaha 2aad ee Khayraadka Dabiiciga ah ee Istanbul (INRES 2026) ee lagu qabtay Istanbul.
Anigoo kamid ahaa wafti uu hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Batroolka iyo Khayraadka Macdanta Mudane Dahir Shire
Inta uu socday shirweynuhu, waxaan la yeelanay kulano wax ku ool ah wasiiro kala duwan gaar ahaan wasiirada Turkiga, Azerbajan iyo Sudan.
Waxaan ka wada hadalnay horumarka qaab-dhismeedka iskaashiga Kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya iyo Wadamadooda oo ay ku jiraan hawlaha batroolka iyo Macdanta waliba fursadaha socda dalkeena hada sida qodida lagu qodayo ceelasha shidaalka iyp iskaashiga qaybta Macdanta Soomaaliya.
Ayadoo shirka ka soo qayb galay Madaxweynaha Turkiga Rajib Dayib Ordogan asoo ka jeediyay qodba ku saabsan Soomaaliya iyo howlaha dowlada turkiga ka wado.
@

Photos from Hon. Arabey Hashi Abdi's post 16/05/2026

Friday, 15 May 2026, London, UK: I participate in a seminar about Strategic Foundation for Upstream Success: A Government Masterclass. The seminar is designed for pre-production and early-stage producer countries that have active exploration programmes.Focusing on three different areas 1. Competitive Bidding Rounds for Oil and Gas and Fiscal Regime. 2. Production Sharing Agreement addressing cost recovery. 3. Comparative analysis on geological attractiveness, including the scale and type of acreage.

Photos from Hon. Arabey Hashi Abdi's post 15/05/2026

Waxaan ka qayb-galnay shirka Africa Energy Summit oo ka qabsoomay magaalada London intii u dhaxaysay 12–14 May, iyadoo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dahir Shire.

Shirkaas waxaan si qoto dheer ugu soo bandhignay heerarka kala duwan ee uu marayo horumarka shidaalka Soomaaliya, annagoo faahfaahin iyo sharaxaad ka siinay shirkadaha iyo dowladaha ka soo qayb-galay fursadaha maalgashi iyo koboca ka jira waaxda tamarta dalka.

Sidoo kale, waxaan kulamo miro-dhal ah la yeelanay shirkado caalami ah oo waaweyn kuwaas oo muujiyay xiise xooggan iyo diyaar garow ay ku maalgashanayaan isla markaana uga qayb qaadanayaan horumarinta shidaalka Soomaaliya.

Photos from Hon. Arabey Hashi Abdi's post 10/05/2026

Hay'ada Balanbal Development Association ayaa 300 oo qoys oo kamida dadka danyarta ah ee ku nool magaalooyinka balanballe iyo caabudwaaq ee gobolka galgaduud soo gaarsiisay deeq raashin ah oo kala duwan ayadoo degmo walba lagu qaybiyay 150 qoys.

Deeqdaan raashinka ah oo ay soo dhiibtay Hay'ad Turkey ah oo lagu magacaabo AFAD iyadoo qarashkii ku baxay soo gaarsiinta deegaanadaasi ay fududaysah Hay'ada Hormuud Salaam Foundation .

Deeqdaan oo kuso aaday xili baahi wayn u qabeen dadka danyarta ah ayaa waxaa ka faa'iidaysatay qoysas danyar ah iyada oo uu fududeeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka ahaana Madaxweyne Ku Xigeenkii H**e Ee Galmudug mudane Maxamed Xaashi Carabay .

Dadaba waa kuwaana qaar kamida danyartii ka faa'iidaysatay deeq daan raashinka ah oo umahadceliyay dadkii muxsiniinta ah ee ka qayb qaatay sidi ay usoo gaari lahayd deeqdani .

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address

Mogadishu