13/05/2025
Codkii Dadka oo La Aamusiyey, Nabadoonkii oo La Carqaladeeyey
Waxaa laga filayey in xildhibaan kasta oo Soomaali ah uu noqdo codka dadkiisa, gacanta gargaarka, iyo indhaha daawanaya baahida jirta.
Laakiin waxa aan hadda horay uga soconay matalaad been ah, magac mooyee aan waxba ka jirin.
Xildhibaan Maxamed Barre Maxamed, halkii uu difaaci lahaa beesha uu metalo, wuxuu bilaabay inuu ka ganacsado magaca beesha.
Wuxuu waqtigiisa iyo awoodda uu ka heysto golaha shacabka u adeegsaday dano gaar ah iyo faragelin toos ah oo uu ku hayo arrimaha dhaqanka, isagoo isku deyaya inuu meesha ka saaro Nabadoon Xasan Dhagool, oo si sharci ah iyo si bulsho ahaanba loogu doortay inuu yahay afhayeenka dhaqanka ee Beesha.
Wuxuu si aan qarsooneyn u isticmaalay xasaanad xildhibaanimo, isagoo wacay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, kuna cadaadinaya in laga laabto kaarka aqoonsiga ee Nabadoonka.
Waxa uu ka doodayaa kursi dhaqameed halkii uu ka hadli lahaa barakaca, baahida, iyo xanuunka dadkiisa.
Sida ay dadkiisu u daadsan yihiin roobab, u seexanayaan goobo aan hoy la oran karin, ayuu xildhibaankuna u fadhiyaa xaflado iyo xusaska taxanayaal TV ah oo aan qiil u lahayn.
Waa foolxumo siyaasadeed iyo fowdo matalaad ah oo beenta ugu weyn tahay sheegashada metelaad.
Maxaad mooddaa in dadkan uu wakiilka u yahay ay ka sugayaan? Ma ahan nabadoon u samaynaya isaga oo kale ee waxay ka sugayaan u doodid, biyo, cunto, waxbarasho, iyo cadaalad.
Waxaa la joogaa waqtigii la oran lahaa: Matalaad been ah yaan lagu dhumin magaca iyo sharafta beesha.
Danta guud yaan lagu iibsan dan gaar ah.
