Urur Siyaasadeedka Jiilka Cusub

Urur Siyaasadeedka Jiilka Cusub

Share

Ururka Siyaasadda Jiilka Cusub waxa uu u taagan yahay isbeddel dhab ah Waa Urur leh aragti cad oo mustaqbal fog ah dhalinyaraduna hoggaaminayaan.

Ujeedkiisu wa in dhalinyaradu ay hoggaamiyaan dalka, ayna gaarsiiyaan horumar, caddaalad, iyo xasillooni.

Photos from Urur Siyaasadeedka Jiilka Cusub's post 21/09/2025

Mawduuca: Mahadnaq ku saabsan Aqoonsiga Dawladda Falastiin ee Qaramada Midoobay

Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faransiiska
Ra’iisul Wasaaraha Canada
Ra’iisul Wasaaraha Australia
Ra’iisul Wasaaraha Portugal

Anigoo ku hadlaya magaca Xisbiga Jiilka Cusub ee Soomaaliya iyo malaayiin dad nabad-jaceyl ah oo aan matalo, waxaan idinla wadaagayaa mahadnaqeenna qoto dheer ee ku saabsan go’aanka taariikhiga ah ee aad ku aqoonsateen Dawladda Falastiin inta lagu guda jiro kalfadhigan ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Go’aankan geesinimada iyo mabda’a ku dhisan wuxuu guul u yahay dadka Falastiin iyo sidoo kale qiyamka caalamiga ah ee caddaaladda, karaamada aadanaha, iyo xaqa quruumaha oo dhan ay u leeyihiin ismaamul iyo madax-bannaani.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa Dawladda Boqortooyada Ingiriiska, oo aqoonsigeedii goor sii h**eeysay Axaddii maanta ahayd ay tahay talaabo weyn oo loo qaaday dhisidda nabad waarta oo ku dhisan caddaalad iyo sinaan. Hoggaamiyadiinnu waxay dunida u noqotay tusaale, iyadoo muujisay in masuuliyadda anshaxa iyo geesinimada siyaasadeed ay samayn karaan mustaqbal ifaya.

Faransiiska, Canada, Australia, iyo Portugal, garab istaaggiinna iyo taageeradiinna xilligan adag waxay mar kale xaqiijisay aaminsanaanta aan wadaagno in nabad lagu gaadhi karin la’aanteed caddaalad. Aqoonsigiinnu wuxuu dhiirrigeliyay rajada cusub ee caalamka oo dhan in maalin uun Falastiiniyiintu si xor ah ugu noolaan doonaan karaamo iyo amni.

Anagoo ah Xisbiga Jiilka Cusub oo u taagan dimuqraadiyadda, xuquuqda aadanaha, iyo nabadda, ficilladiinnu waxaa lagu xusuusan doonaa taariikhda inay ahaayeen barta leexashada ee lagu soo afjari karo tobannaan sano oo silica ah laguna dhaqaaqo xal cadaalad ah oo waara.

Fadlan aqbala mahadnaqayga qotada dheer iyo ixtiraamka ugu sarreeya.

Mahadsanid,

Abdullahi Yalahow
Hoggaamiyaha, Xisbiga Jiilka Cusub ee Soomaaliya

17/09/2025

Big News-War Weyn.

"Honored to connect via Zoom with Ryan Turnbull, Caroline Desrochers, Wayne Long & Sachit Mehra. Inspiring exchange between 🇨🇦 & New Generation Party 🇸🇴, building bridges for a brighter future!"

"Sharaf weyn ayey ii ahayd inaan Zoom kula xiriiro Ryan Turnbull, Caroline Desrochers, Wayne Long & Sachit Mehra. Wadahadalkan dhiirigelinta leh ee u dhexeeya 🇨🇦 iyo Xisbiga Jiilka Cusub 🇸🇴 wuxuu dhisayaa buundooyin horseedi doona mustaqbal ifaya."

Abdullahi Yalahow: Madaxweynaha Xisbiga Jiilka Cusub ee Somalia.

Ryan Turnbull: Xildhibaan (MP) u matala Whitby, Ontario tan iyo 2019.

Caroline Desrochers: Xildhibaan (MP) u matasha Trois-Rivières, Quebec.

Wayne Long: Xildhibaan ka tirsan Xisbiga Liberal, kasoo jeeda gobolka New Brunswick, wuxuuna matalaa Saint John, Kennebecasis.

Sachit Mehra: Madaxweynaha Xisbiga Liberal ee Canada tan iyo May 2023.

Photos from Urur Siyaasadeedka Jiilka Cusub's post 07/09/2025

Walaalayaal, Asxaabta, iyo Muwaadiniinta Somaaliyeed,

Jiilka h**e weli si xoog leh ayuu ugu dheggan yahay awoodda, isagoo ku dagaallamaya inuu ilaashado kuraastooda, halka jiilka cusub tirada ugu badan shacabka, iyo rajada waddankan ay sugayaan fursadda hogaaminta.

Laakiin waxaan idin leeyahay: taariikhdu waligeed ma sugeyso. Mustaqbalku wuxuu leeyahay kuwa u diyaar garooba, kuwa geesinimada leh, kuwa doorbida geesinimo ka sarreeya cabsi.

Jiilka h**e wuxuu dhisay dhaxalkiisa iyo waqtigoodii waan ixtiraamnaa waxqabadkooda. Laakiin maanta, caqabadaha aan wajaheyno waa kuwo kala duwan shaqa la’aan, amni darro, musuqmaasuq, fursad la’aan dhalinyarada. Kuwani waa dhibaatooyin aan lagu xallin karin fikradihii h**e ee dhibaatada taagan sababta u ahaa.

Hadda waa waqtigii hogaamin cusub hogaamiyeyaal gacmo nadiif ah, hogaamiyeyaal aragti cusub leh, hogaamiyeyaal danta dadka ka h**eeysiiya danta shakhsiga, iyo tan qabiilka.

Kuma qaadan doono awoodda afgambi ama burbur la abuurayo. Waxaan qaadan doonaa iyadoo loo marayo abaabul, midnimo, iyo rabitaanka shacabka. Annagu waxaan nahay tirada ugu badan shacabka.. Annaga waxaan nahay garaaca wadnaha waddanka.

Gees walba, guri walba, iskuul walba, masaajid walba ee Soomaaliya waxaa ka buuxa dhallinyaro riyooyinkoodu ka weyn yihiin dhibaatooyinka jira. Waxaan maanta idin leeyahay: waqtigennu wuu yimid.

Jiilka h**e wuu ku tartami karaa inay ku sii nagaadan kuraastooda, laakiin ma joojin karaan socodka taariikhda. Rabitaanka shacabka weligiis lama xannibi karo. Jiilka cusub ee kacay, ma aha inuu tirtirayo wixii h**e, laakiin wuxuu dhisayaa mustaqbal ka wanaagsan maanta.

Markaa dhamaan dhalinyarada waa inaynu midowno, aynu abaabulnano, aynu nafteena aaminno.

Xisbiga Jiilka Cusub ma aha kaliya xisbi. Waa dhaqdhaqaaq. Waa codkiinna. Waa awooddiinna. Oo wadajirta, waxaana dhisi doonaa Soomaaliya dadka u adeegta, ee aan siyaasiyiinta, qabiilada u adeegin.

Mahadsanidiin.

05/09/2025

WAR SAXAAFADEED – XISBIGA JIILKA CUSUB.

“Waajibaad Siman, Mushaar Siman"

Xisbiga Jiilka Cusub wuxuu shacabka Soomaaliyeed u soo bandhigayaa xaqiiqooyinka muujinaya kala sarreynta iyo cadaalad darrada mushaharka siyaasiyiinta iyo ciidamada qaranka:

Waxaa jira ku dhowaad 45,000 askari Soomaaliyeed oo bishii qaata $200, taas oo sanadkii ka dhigaysa $108 milyan oo Dollar guud ahaan mushaharkooda.

Dhanka kale, waxaa jira 2,000 siyaasi oo qaata celcelis ahaan $5,000 bishii, taas oo sanadkii ka dhigaysa $120 milyan oo Dollar.

Waxaa intaa dheer illaa 8000 shaqale rayid ah oo celcelis qaata 700$ mushahar ah iyo gunnoyin kala duwan taso ka dhigeysa celcelis ahaan illa 85 Milyan oo Dollar.

Waxaa murugo iyo ceeb ku ah ummadda Soomaaliyeed in 2,000 siyaasi ay qaataan mushahar ka badan kan ay wada helaan 45,000 askari oo naftooda u huraya difaaca dalka, taaso hadii lagu daro shaqalaha rayidka 8000 shaqale musharkooda ka dhigeysa inkabadan labalaab mushaarka ciidanka.

In 10,000 oo shaqale dowladeed ah oo isugu jira siyaasiyin iyo shaqalo rayid ah oo mukayif ku hoos jira ay laba jeer ka mushaar bataa 45000 oo ciidan oo furinta dagaalka jogta dhaxanta, roobka, qoraxda, qarsin qaloca heysto ma aha mid sina u suurto gal ah, ma aha mid sina cadaalad ah, mana aha mas’uuliyad hogaamineed.

Xisbiga Jiilka Cusub wuxuu caddeynayaa in:

Ciidamada qaranku mudan yihiin in la qiimeeyo lana siiyo mushahar sharaf leh.

Siyaasiyiintu aysan xaq u lahayn in ay naftooda ka hormariyaan shacabka iyo ciidanka difaacaya dalka.

Waxaa lagama maarmaan ah in la sameeyo dib-u-habeyn dhaqaale iyo isla xisaabtan si loo xaqiijiyo sinaan iyo caddaalad.

Xisbiga Jiilka Cusub wuxuu shacabka ugu baaqayaa in ay codkooda iyo awooddooda ku muujiyaan diidmada musuqmaasuqa iyo takri-falka noocan oo kale ah.

Xisbiga Jiilka Cusub wuxuu ku baaqayaa in:

La sameeyo nidaam “Equal Duty, Equal Pay” “Waajibaad Siman, Mushaar Siman" oo xaqiijiya mushahar sinnaan.

Mushaharka siyaasiyiinta la dhimo si loo maalgeliyo ciidamada qaranka iyo adeegyada bulshada.

Shacabka Soomaaliyeed ay codkooda iyo awoodooda ku muujiyaan taageerada caddaaladda dhaqaale.

Xisbiga Jiilka Cusub wuxuu aaminsan yahay in:

Qof kasta oo u shaqeeya dowladda uu u shaqeynayo hal qaran, hal calan, iyo hal mas’uuliyad. Sidaas darteed, mushaharkooda waa inuu noqdaa mid caddaalad ku dhisan.

Haddii siyaasi iyo askari labaduba qaranka u adeegayaan, ma jirto sabab midkood uu mushahar xad-dhaaf ah u helo halka kan kale uu ku noolaado dhaqaale aad u hooseeya.

Haddii ay jirto cid mudan in lagu sharfona mushahar iyo xaq-dhisid dheeraad ah, waa ciidamada qaranka, kuwa difaaca dalka, shacabka iyo xornimada.

Xisbiga Jiilka Cusub – Jiho Cusub

30/08/2025

Hambalyo Guddoomiyaha maamul goboleedka, Woqooyi Bari. Mudane Abdiqadir Ahmed Ow Cali (Firdhiye).Waxaan kuu rajaynaynaa guul, iyo hoggaan daacadnimo ku dhisan. Hogaamintaadu ha noqoto mid horseeda nabad, midnimo iyo horumar guud oo shacabka deegaanka iyo guud ahaan dalka Soomaaliyeed ku naaloodaan.

30/08/2025

Hambalyo Guddoomiyaha maamul goboleedka, Woqooyi Bari. Mudane Abdiqadir Ahmed Ow Cali (Firdhiye).
Waxaan kuu rajaynaynaa guul, iyo hoggaan daacadnimo ku dhisan. Hogaamintaadu ha noqoto mid horseeda nabad, midnimo iyo horumar guud oo shacabka deegaanka iyo guud ahaan dalka Soomaaliyeed ku naaloodaan.

28/08/2025

Soomaaliya waxay u baahan tahay hoggaan da yaraqoon yahan ah, ksuo gubtay xaaladihi murugsana ee dalka so maray, oo leh Naxariis iyo damqasho.

Laakiin inta jaahli, qabiiliste, Duqow duug ah, iyo daneyste loo xardhayo magacyo qurux badan, masiibadu way sii socon doontaa.

“Ha sugin isbeddelka, Qeyb ka noqo ADIGABA!

Ku biir Xisbiga Jiilka Cusub oo qabo hoggaanka Dalka.

26/08/2025
26/08/2025

XISBIGA JIILKA CUSUB Waxaa na mideeyey hal hadaf, oo ah inaan soo afjarno musuqmaasuqa, inaan soo afjarno takoorka, inaan soo afjarno caddaalad-darrada!

Annagu waxaan nahay dhalinyaro! Waxaan nahay rajada Soomaaliya!

Waxaan si cad u leenahay: himiladeenna iyo riyooyinkeennu marnaba ma rumoobi karaan haddii isla hoggaamiyeyaashii gaboobay, isla jiilkii daalay, ay kursiga sii haystaan.

Photos from Urur Siyaasadeedka Jiilka Cusub's post 21/08/2025

Warsaxaafadeed
Taariikh:20/08/2025
Goob: Primo Hotel, Muqdisho.

Maanta waxaa magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay 23 urur siyaasadeed oo si rasmi ah uga diiwaangashan dalka, kuwaas oo ka dooday xaaladda siyaasadeed ee dalka uu ku jiro xilligaan kala guurka ah iyo hannaanka doorashooyinka ee la filayo in dhawaan dalka ka qabsoomaan.

Kulanka oo ahaa mid furan ayaa si qoto dheer looga hadlay caqabadaha hor taagan dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka dalka, iyadoo ururradu isku raaceen in loo baahan yahay wadashaqeyn dhab ah, wadar-oggol iyo in meel la iska dhigo danaha gaar ka ah si looga hortago dib u dhac ku yimaada hannaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.

Ururadu waxay dood dheer ka galeen kala qeybsanaanta ka jirto heerarka kala duwan ee federaalka sida dowlad goleedyada iyo dowladda federaalka. Waxaa dooda ururada lagu xusay is diidooyinkii siyaasadeed ee u dhexeeyay Maamul goboleedyada Puntlad iyo Jubbalad iyo dowladda federaalka taasoo keentay in laga weecdo la dagaalanka argagixisada loona wareego doodo siyaasadeed oo keenay dagaal uu dhex maro heerarka kala duwan ee dowladda.

20/08/2025

Warsaxaafadeed
Taariikh:20/08/2025
Goob: Primo Hotel, Muqdisho.

Maanta waxaa magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay 23 urur siyaasadeed oo si rasmi ah uga diiwaangashan dalka, kuwaas oo ka dooday xaaladda siyaasadeed ee dalka uu ku jiro xilligaan kala guurka ah iyo hannaanka doorashooyinka ee la filayo in dhawaan dalka ka qabsoomaan.

Kulanka oo ahaa mid furan ayaa si qoto dheer looga hadlay caqabadaha hor taagan dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka dalka, iyadoo ururradu isku raaceen in loo baahan yahay wadashaqeyn dhab ah, wadar-oggol iyo in meel la iska dhigo danaha gaar ka ah si looga hortago dib u dhac ku yimaada hannaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.

Ururadu waxay dood dheer ka galeen kala qeybsanaanta ka jirto heerarka kala duwan ee federaalka sida dowlad goleedyada iyo dowladda federaalka. Waxaa dooda ururada lagu xusay is diidooyinkii siyaasadeed ee u dhexeeyay Maamul goboleedyada Puntlad iyo Jubbalad iyo dowladda federaalka taasoo keentay in laga weecdo la dagaalanka argagixisada loona wareego doodo siyaasadeed oo keenay dagaal uu dhex maro heerarka kala duwan ee dowladda.

Photos from Urur Siyaasadeedka Jiilka Cusub's post 17/08/2025

Heshiis Taariikhi ah: Xisbiga Jiilka Cusub & Xisbiga Liberal-ka ee Canada.

Maanta 16 August 2025, waxaan magaladi h**e ee Manotick ee hadda ka tirsan magala weynta caasimada Canada ee Ottawa ku kala saxiixanay heshiis is-afgarad (MoU) oo taariikhi ah Xisbiga Liberal-ka ee Gobolka Ontario, Canada.

Heshiiskan oo socon doona muddo 2 sano ah, lana cusboonaysiin karo, loona badali karo heshiis rasmi ah hadii loo baahdo wuxuu ku saleysan yahay:

•~Iskaashi dhanka tababarada iyo hoggaaminta
•~Isweydaarsi khibrado iyo aqoon siyaasadeed
•~Cilmi-baaris iyo horumarinta siyaasadda

Heshiiskan waxaa dhanka Ururka Jiilka Cusub ee Soomaaliya u saxiixay Guddoomiyaha xisbiga Mudane Cabdullaahi Cali Yalahow, halka dhanka Xisbiga Liberal-ka ee Ontario ay u saxiixday Madaxweynaha xisbiga gobolka Ontario, Marwo Bonnie Crombie.

Tani waa fursad dahabi ah oo dhalinyarada Soomaaliyeed ay kaga faa’iidaysan doonaan waayo-aragnimada iyo dimoqoradiyada siyaasadeed ee Canada, iyadoo la dhisayo xiriir iskaashi oo waara.

Jiilka Cusub – Jiho Cusub! 🇸🇴🤝🇨🇦

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Address

Makka Almukarama Road
Mogadishu
252