Ahmed Damu

Ahmed Damu

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ahmed Damu, Public & Government Service, 1234567, Mogadishu.

Waxaan ahay xubin katirsan c.x.d.s

Hadii nabad soomaalida iga dambeyso ay helaayaan wxn ahay qofka ugu h**eeyo oo dhimanaayo guul iyo gobanimo🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇪🇷🇪🇷🇪🇷🇪🇷🇪🇷🇪🇷

07/05/2026

Sanaag, 23 Mayd ah ayaa Xabaal wadareed loogu sameeyay deegaanka Carmale, ee Gobolka Sanaag kuwaas oo ku naf waayay dagaal deegaankaas ku dhex maray beelo walaalo ah.

Dhanka kale dhaawacyada qaar ayaa la geeyay Cisbitaalka Ceerigaabo.

07/05/2026

Deg deg: arin murugo ayaa ka dhacdey magalada nairobi Gabar yar oo 12 jir ayuu oder somaliyeed guri ku haystey ayaa lasoo badbaadiyey.

07/05/2026

Galmudug & Villa Somalia ayaa kala fogaadey. Qoorqoor ayaa magacaabis ka dhinac sameeyay tan Federaalka.

Su’aashu waxay tahay ma haya Qoor-qoor itaal uu iskaga caabiyo damaca Villada mise jidkii Lafta gareen ayuu qaadi doonaa ?

06/05/2026

Xilligii uu Madaxweyne XSH lahaa Farmaajo Wuxuu ka “ilmo dhalayaa naag ay kala tageen,” hadalkaas wuxuu yimid iyadoo waqtiga xilka Madaxweyne Farmaajo uu ka harsanaa qiyaastii 15 bilood.
Maanta, xaaladdu way ka duwan tahay, Madaxweyne Xasan waxaa u haray 9 maalmood oo keliya.
Su’aashu waxay tahay: ma jirtaa meel lagu aflagaadeyay HSH? Jawaabtu waa maya. Dowladnimo waxay u baahan tahay biseyl, xilkasnimo, iyo aragti hufan. Hadalka iyo dhaqanka hoggaamiyaha waa inuu ka tarjumaa masuuliyadda uu ummadda u hayo, kana fogaadaa wax kasta oo dhaawici kara sharafka iyo haybadda dowladnimada.

Mahadssnid Madaxwayne Mohamed Abdullahi Farmaajo

Photos from Ahmed Damu's post 05/05/2026

Sanadkii 2007, wiil 13 jir ah ayaa dilay walaashiis 4 jir ahayd gudaha gurigooda Texas. Wuxuu sugay ilaa hooyadood magaalka ka aado, kadibna wuxuu galay qolka gabadha halkaas oo uu ku dilay.

Sababta uu u sameeyay waxay ahayd masayr iyo xanaaq wuxuu sheegay in hooyadood ay si gaar ah u jeclayd gabadha, wuxuuna doonayay si uu hooyadiis u ciqaabo, isagoo ka qaaday qofkii ay ugu jeclayd.

Wuxuu qirtay inuu dilka si ula kac ah u gaystay waxaana lagu xukumay 40 sano oo xabsi ah, iyadoo uu mustaqbalka heli karo sii deyn shuruudaysan.

Arintaan Oo kale waa in waalidiinta ka fiijignaadaan.

05/05/2026

Ninkani waa astaan qaran marka uu jidadka marayo police ka iyo shacabka ineey salaan usaaraan weeye.

Saakay in askar police ah eey muran galiyaan kolonyo galbineeysa Taliye Odawaa wax la aqbali karo ma ahan.

Odawayaa Yuusuf Raage birta culus.

04/05/2026

ARAGAAGA TIJAABI SOOSHEEG NAMBARKA TUBADA SAZDA AH EE BIYAHA KASOOBAXAAN EE DARBIGA KATIMAADO

04/05/2026

Yaasiin Axmed Goox (Digfeer), wuxuu ku dhashay gobolka Qorraxay ee dhulka Soomaali Galbeed dabayqaadii dagaalkii labaad ee Adduunka, xili qiyaastii ku beegan sanadihii 1947 ilaa 1950kii qarnigiii Labaatanaad.

Bilawgii h**e ee noloshiisa, wuxuu u soo wareegay gobolka Hiiraan ee badhtamaha Soomaaliya, halkaasi oo uu ku noolaa ilaa taabbo galkiisii, waxaa soo koriyey adeerkii Goox Qarboosh oo ka tirsanaa Ciidamada sidoo kalena dhalay Fannaankii Maxamuud Goox Qarboosh.

Bilawgii sanadkii 1970-kii, Soomaaliya waxaa ka bilawday Kacdoon Faneed, waxaa aasaasantay Kooxdii Hobolada ee Waaberi ka dibna, sanadkii 1973 waxa la saasay kooxaha Onkod iyo Horseed oo kala hoostagi jiray Milatariga iyo Asluubta Soomaaliyeed.

Axmed Iidow Abtiile (Axmed Nuur Jaangoo) AUN oo xiliyadaasi ka mid ah Fanaaniinta magacooda aad loo hadal hayo kuna caanbaxay heesta Daljir ee uu hal abuuray Abwaan Xasan Xaaji C/laahi (Xasan-Ganey) iyo Axmed Yaasiin Digfeer oo qiyaas ahaan 25 jir ah balse aanay bulshadu aqoon badan u lahayn waxay kow ka ahaayen asaaska kooxda Horseed ee Xoogga Dalka oo ka dhalatay isku darka kooxihii Booliska iyo kubadda cagta.

Sanadkii 1973, wuxuu ahaa markii koowaad Axmed Yassin Digfeer uu ka soo muuqdo riwaayaddii ‘Ugub Jacayl Iyo Af Kala Qaad’ ee uu alifay nin caan ku ahaa magaca Ina Baaruud.

Maxamed Warsame Aw-gabal Maxamed Cadde (Jubba) oo ka tirsanaa Idaacadda Raadyaw Muqdisho muddana ku noolaa Hargeysa oo loo xushay xayeysiinta Hoteelada Curubo iyo Jubba ayaa markii uu riwaayaddan oo ay ku jirtay heesta ‘Digfeer Aawadaa Galay’ ama ay dadka qaarkood u yaqaanaan ‘Dayaxiyo Cadceedaa, Dorraad Layga Yeedhay’; wuxuu Maxamed Warsame ku naanaysay Yaasiin Axmed Goox magaca Digfeer ee heesta ku jiray.

Maxamed Warsame Aw-gabal Maxamed Cadde (Jubba) wuxuu ku dhintay AUN dagaaladdii Sokeeye ee Soomaaliya.

Digfeer oo muddo kooban ku noqday nin fanka Soomaalida dhexdiisa caan ka ah sidoo kalena noqday macallimiinta kooxdiisa Horseed, waxyaabaha la aamisanyahay in suugaantiisa ay

03/05/2026

”Waxaa marqaati iiga ahaa Xamsa....

Laftagareen

02/05/2026

Xasan sheekh waa mid naxariis daran oo aan lahayn damiir muslim iyo dareen bani aadam toona!
Waxaana cuqubo ugu filan habaarka masaakiinta danta yar ee uu maalin walba guryaha ka duminayo.!!

Waxa uu sameynayo dhaqan dowladeed maaha, waxaana ku jira degdeg iyo kaadsiimo la’aan.

Ficilkaas wuxuu nasoo xusuusinayaa yahuuddi ilaahay quraanka noogu sheegay ee guryahoodi wada dumiyay si aysan muslimiintu u manaafacaadsan madaama iyagu markaas ka qaxayeen magalada

02/05/2026

Dabinka Iyo Shirqoolka Xasan Sheekh U dhigay Waqooyi Bari ~~~

Mudooyinkii u dambeeyey, waxaa soo baxday xaqiiqo xanuun badan oo muujinaysa in Maamulka Waqooyi-Bari (SSC-Khaatumo) uu dabin siyaasadeed iyo mid dhaqaale Kala kulmayo Villa Somalia.

Halkan ila Arag 4 qodob oo muhiim ah oo ay tahay in shacabku ogaado:

Khiyaamada Mashaariicda (April 27-28, 2026):Dawladda Federaalku waxay daah-furtay mashaariicda Bulsho ($35M) iyo WPP-II, iyadoo si badheedh ah looga reebay Waqooyi-Bari.

In Somaliland oo gooni-goosad ah la siiyo qoondo, halka dadkii midnimada u dhiig-baxay laga dhigo "daawade", waa gef weyn iyo lugooyo badheedh ah oo Lagula Kacayo Bulshadaas Halganka iyo Hal adayga Ku suntan

Fashilka Beentii "Farsamada Way idinka Horeeyeen Mashaariicdu”

Wasiirka Qorshaynta Waqooyi-Bari ayaa kashifay in Baanka Adduunku (World Bank) uu qiray inaanay iyagu waxba u diidin maamulka, balse DFS (Villa Somalia) ay iyadu xannibtay qoondadaas.

Tani waxay caddaynaysaa in Cunoqabatayntaan ay gacanteeda ku samaysay Madaxtooyada qaranku.

Dabinka Doorashada 2026 iyo Soo Dhawaynta Dastuurkii Cusbaa oo Firdhiye Taageeray

Waxaa muuqata in Villa Somalia ay rabto "Codka" shacabka Waqooyi-Bari si ay u sharciyaysato doorashada "Qof iyo Cod" iyo muddo-kordhinteeda, iyadoo isla markaana u diidday mashaariicdii horumarineed ee degmooyinkaas.
Xasan sheekh Waxa uu Rabaa in Waqooyi Bari kadhigto Maamul Uu xuurto Ku haysto Oo Xamar U Afduuban

Talo ku socota Hoggaanka Firdhiye:

“Ragu khatarta kaga ma gudbo Alla balanbalayey, ee go’aan iyo hal-adayg buu kaga gudbaa."

Maamulku waa inuu si degdeg ah u hakiyaa wada-shaqaynta Doorashada 2026 ilaa laga helayo xuquuqda mashaariicda.

Fursada kaliya u hartay Reer Waqooyi Bari waa ISKU TASHI iyo inaY MAYA" Yiraahdaan Marka Xaqooda Laduudsiyo

Waqooyi-Bari waa "Biriishka Midnimada" ee ma ahan "Kaar" lagu ciyaaro xilliga doorashada. Shacabka iyo Isimadu waa inay suumanka giijiyaan oo ay badbaadiyaan guushii ay dhiigga u soo daadsheen.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address

1234567
Mogadishu
1212