06/09/2024
Kulan looga hadlayay sidii arday Iftiin Education & Development wax kasoo baratay dhaqaale ahaan uga qeyb qaadan karaan howlaha waxbarasho iyo hormar ee deeganadooda ayaa lagu qabtay Muqdisho.
Kulanka waxa ka qeyb galay Agasimaha mu'asasada, gudomiyaha Iftiin Family, director ka xafiiska Muqdisho iyo arday ka kala yimid deegaanada ay IFTIIN waxbarashada ka hirgalisay.
Waxa howshaas loo xilsaaray gudi ka shaqeeya u daadajiya ilaa heer deegaan, dufcooyin.
02/09/2024
Kulan uu shir gudoomiyay Agasimaha mu'asasada IFTIIN mudane Maxamud Ilkacase iyo gudomiyaha Iftiin Family Mr Nuur Foljawe, ayna kasoo qeyb galeen arday ka kala yimid deegaanada ay IFTIIN ay waxbarashada ka hirgalisay sida: Cadado, Godinlabe, Gidheys, Baxdo, Camaara iyo Ceelhuur, waxaana looga hadlay sidii la is kugu xiri lahaa ardayda iyo in ardaydu ka qeyb qaataan hormarka waxbarasho iyo hormar ee deeganadooda kajira.
Sidoo kale waxaa la isku soo qaaday sida ardaydu dhaqaala ahaan uga qeyb qaadan karaan howlaha IFTIIN ay deegaanka kawado.
21/06/2024
Munaasabad lagu soo bandhigayay guulaha waxbarasho iyo hormar ee Mu'asasada Iftiin Education & Development mudo 17 sano ah ayaa Cadaado lagu qabtay.
Gudomiyaha guud ee Mu'asasada Mr Abdihafid Salad Siyad, agasimaha Mu'asasada gobalada dhexe Mr Mohamud Ilkacase, masuuliyiin Galmudug, maamulka degmada, arday wax kabaratay Mu'asasada, qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa kasoo qeyb galay munaasabada
03/10/2023
Waxaan u hambalyeyneenaa Gudomiye Nuur Foljawe oo kamid noqday ardaydii maanta kaqalin badashay SIMAD University
20/08/2023
Waxan u hambalyeyneenaa gudomiyaha ardayda Iftiin Family Mr Nuur Foljawe oo Ka qalinjabiyay heerka 1aad ee Jaamacada
15/09/2022
Kulan ay soo qaban qaabiyeen agasimaha mu'asasada IFTIIN mudane Maxamud Ilkacase iyo gudomiyaha ardayda IFTIIN Mr Nuur Foljawe ayaa lagu qabtay magaalada Cadado.
Kulankan wuxuu kusaabsanaa labo qodob oo Kala ah:
1. In maamul hoosaad loo sameeyo ardayda IFTIIN Cadado, wuxu maamulku soo xulay 10-arday oo hogaamisa howlaha ardayda IFTIIN Cadado, waxayna iska dhex doorteen gudomiye: CUMAR AXMED SH CUMAR, gudomiye kuxigeen: NASTEXO C/NUUR AXMED, iyo xoghaye: CALIDAAHIR MAXAMED AXMED, halka todobada kale ay noqonayaan xubno lashaqeeya gudoonka ladoortay.
2. Waxaa laga dooday sidii ay ardayda Iftiin Cadado wax ugu darsan lahaayen howsha baaxada leh ee Iftiin bulshada uheyso (contribution), waxa la isku waafaqay in bilaha iyo sanadyada soo socda ay wax lataaban karo lasoo kordhiyo, waxana howshaas hogaamin doona gudiga 10-ka xubnood ah iyo ustad MAXAMED DAAHIR oo inbadan kasoo shaqeynayay IFTIIN.