Nagaad Project - Qeybtiisa Gobolka Banaadir

Nagaad Project - Qeybtiisa Gobolka Banaadir

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Nagaad Project - Qeybtiisa Gobolka Banaadir, Government Organization, Hamarweyne, Mogadishu.

Mashruuca NAGAAD | Gobolka Banaadir – Dib-u-dhis iyo horumarinta kaabeyaasha wadooyinka Muqdisho, iyo casriyeynta nidaamka biyo-mareennada si loo yareeyo fatahaadaha, loona xaqiijiyo magaalo ammaan ah, adkeysi leh, oo waarta.

03/05/2026

Dhismaha wadada Via Roma ee Xamar Weyne oo si dardar leh ku socota.

Photos from Nagaad Project - Qeybtiisa Gobolka Banaadir's post 03/05/2026

Dhismaha Laamiga kalkaal ee isku xiraya degmada kaxda ilaa Laamiga Afgooye oo heer gabagabo ah maraya.

13/04/2026

Dhismaha Laamiga kalkaal ee isku xiraya degmada kaxda iyo Afgooye oo heer gabagabo ah maraya.

09/04/2026

Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) “Maanta waxa aan daah-fureynaa mashruuc istiraatiiji ah oo door weyn ka qaadanaya badbaadinta nafaha iyo hantida shacabka caasimadda, gaar ahaan xilliyada roobabka iyo fatahaadaha. Warta Siigaale waxa ay si toos ah u adeegtaa toddobo degmo, hirgelinta mashruucanna waa tallaabo muuqata oo lagu xoojinayo amniga iyo nolosha bulshada."

09/04/2026

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray mashruuca istiraatiijiga ah ee biyo-qabadka Warta Siigaale ee Degmadda Hodan,

Photos from Nagaad Project - Qeybtiisa Gobolka Banaadir's post 09/04/2026

Muqdisho, Abriil 09, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa khamiista maanta ah si rasmi ah xarigga uga jaray mashruuca istiraatiijiga ah ee biyo-qabadka Warta Siigaale, oo la dhagax-dhigay dabayaaqadii bishii Agoosto 2025.

Munaasabadda xarig-ka-jarka ee maanta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas'uuliyiin ay ka mid yihiin: Guddoomiye Ku-xigeenka Howlaha Guud, Mudane Cabdimajid Daahir Aadan, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Marwo Bilan Bile Maxamuud, Isku-duwaha Mashruuca Nagaad ee Gobolka Banaadir, Cumar Xuseen, Kaaliyaha Duqa, Abdirashiid Ibraahim, Maamulka Degmada Hodan, iyo mas'uuliyiin kale oo sarsare oo ka tirsan Dowladda Hoose ee Xamar.

Biyo-qabadka Warta Siigaale oo leh muhiimad gaar ah, maadaama ay isugu ururaan biyaha toddobo degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir, ayaa waxaa fulisay Dowladda Hoose ee Xamar oo kaashaneysa bahwadaagta caalamiga ah si loo xoojiyo kaabayaasha muhiimka ah ee adeegyada bulshada.

09/04/2026
08/04/2026

Dhismaha Laamiga kalkaal ee isku xiraya degmada kaxda iyo Afgooye oo heer gabagabo ah maraya.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address

Hamarweyne
Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00