21/12/2025
Waxaan maanta ka qayb galay munaasibadd xilka loogu kala wareejinaayey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta, Xildhibaan Ayuub Ismaaciil iyo Wasiirkii h**e Wasaaradda Xildhibaan Cilmi Maxamuud, taasi oo ka dhacday xarunta Wasaaradda, ugu horayn waxaan uga mahadnaqay Dr Cilmi shaqadii qiimaha badanayd ee umadiisa ugu soo adeegay mudadii uu xilka hayey, waxaan sidoo kale Alle SWT uga baryey in Wasiirka cusub u dhibyareeyo masuuliyadda culus ee maanta loo igmaday.
15/10/2025
Hambalyo dhamaan Xildhibaanada Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika oo Maanta lagu doortey Xarunta Baarlamaanka Villa Hargeysa.
29/07/2025
Waxaan maanta booqasho rasmi ah ku tegay safaaraddeenna Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku leedahay dalka Maraykanka. Sharaf gaar ah bay ii ahayd inaan arko hawsho qaran ee ka socota halkaas. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Danjire Dahir Hassan Arab oo si sharaf leh iigu soo dhaweeyay safaaradda sidoo kalena warbixin dheer iga siiyay hawlaha diblomaasiyadeed ee lagu xoojinayso xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanka.