Maanta Maalintii Maaha Shacab Careysan
Heygan Dhoor
HEYGAN DHOOR
Boorama talo faraha waaka baxday
02/01/2022
Cabdi Muriidi Dheere
27 Sep 2021, Magaalada Muqdisho ayuu ugu geeriyooday xanuun muddo hayay. Cabdi Muriidi Dheere, oo ku magac dheeraa Ajakis, waxa uu ahaa majaajiliiste aad loo wada jeclaa iyo daadihiyihii barnaamijka Masraxa Furan.
28/10/2021
Howsha dhaqida ama Sifaynta Kelyaha (Dialysis) kolka qofka lagu samaynayo waxaa la galiyaa laba Tuubo oo mataano ah oo mid isku ah ah oo mid waliba howl gaar ah qabanayso, ayadoo la galinayo Xididka Arooraha ah (vein) ee qoorta, laabta ama bowdada midkood iyada oo la isticmaalayo suuxdinta gaarka ah (local anesthesia) inta lagu gudo jiro sifeynta Kilyaha.
Dhiiga ayaa waxa uu ka soo baxayaa jirka isaga oo soo raacaya Tuubada cas, wuxuu dhex maraa aaladda sifeynta, waxa uuna ku soo noqdaa tuubada Buluugga, xaaladaas ayuu qofka ku sugnaanayaan ilaa 4 saacadood isaga oo saaran sariir dusheeda oo waliba bilaa dhaqdhaqaaq ah.
Qofka ayaa loo sameeyaa howsha Sifeynta Kelyaha Todobaadkii Sadex jeer, taasoo noqonaysa Bishiiba 12 Mar, hadii Saacad ahaana loo xisaabiyo waxay noqonaysaa wadarta guud 48 saacadood Bil kasta.
Waxaa intaas ka sii daran waxaa baxaya kharash badan oo Boqolaal Doolar ah Bishii taasoo aysan ka bixi Karin dadka dhaqaalahoodu hooseeya. !
Adiga, aniga iyo guud ahaan dadka caafimaadka qaba ee aan qabin cudurka kidney failure (Kilyaha oo howlgab noqda) ma Qiyaasi kartaa inta jeer ee Kelyahaada ay isa sifeeyaan?
Qiyaasii Lixdan jeer ayay maalintii Kelyahaada si Automatic ah isu meyraan, sida dhaqaaqiirta ay sheegaan. Howshaas ayaa waxay dhacdaa innaga oo aanan dareemin wax dhibaato ah ama xanuun ah oo waliba cidna meel na seexin, Tubooyina nagu xirin, mana jirto kharash nooga baxa howshaas wayn oo la’aanteed qofka uusan noolaan Karin. !!
Waxaan haysanaa Nicmooyin badan oo aan la tirin Karin, lana koobi karin. الحمدلله
وَإِن تَعُدُّوا نِعْمَةَ اللَّهِ لَا تُحْصُوهَا ۗ إِنَّ اللَّهَ لَغَفُورٌ رَّحِيمٌ (18) سورة النحل
Hadii aad ka heshay sii garee oo lawadaag asxaabtaada.
Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo shir-jaraa'id ku qabtay xarunta Madaxtooyada ayaa ka hadlay Xaaladda Galmudug
Dagaalki 50ka cisho u dhaxeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Raisul Wasaare Rooble yaa ku adkaaday?
1. Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku adkaaday Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka in shaqsigu magacaabay xilka sii hayo, waana aagi dagaalka uu ka biloowday. NISA waa goobta ugu muhiimsan amniga qaranka iyo doorashooyinka oo kaalin weeyn aay ku leeyihin.
2. Raisul Wasaare Roble ayaa ku guuleystay in Wasiirka Amniga uu sii ahaado Cabdullahi Maxamed Nuur, walow Wasiirka Amniga aay howshiisu tahay inaay hoos yimaadan Taliyasha Booliska iyo Nabadsugida, balse labadaba wexey ka amar qaatan Madaxweyne Farmaajo taas oo ka dhigan in awood badan uusan laheyn oo xafiiska un uu iska joogo.
3. Waxa hirgashay warqadii awood dhimista iyo joojinta magacaabista iyo xilka qaadista uu Raisul Wasaraha sameyn karo, sababtoo ah habeenkii uu Madaxweyne Farmaajo soo saaray waraaqdas ayaa u dambeysay in Rooble uu wax magacaabo ama xilka ka qaado.
4. Madaxweyne Farmaajo ayaa Raisul Wasaare Roble tusiyay in dhamaan Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federalka Soomaliya aysan isaga ka amar qaadan kadib markii Laftagareen, Qoorqoor iyo Guudlawe ay diiden bayaan ay Rooble ku taageerayaan ay soo saaraan.
Ugu dambeyn Rooble markii uu bilaabayay dagaalkan, wuxuu moodayay in Farmaajo uu noqon doono sida Allaha U Naxariistee Cabdullahi Yuusuf uu xilka iska casili doono, balse wexey beesha caalamka u sheegtay in uusan qaban karin doorashada isagoo Madaxweynihi Qaranka la dagaalsan.
Mohamed Abdullahi Farmaajo ku filan siyaasada 🤴🇸🇴
💯
Ciidanka Xoogga Dalka Oo Soo Bandhigaya Mid Kamida Ciyaar Dhaqameedka Soomalida🇸🇴💪
Munaasabad lagusoo bandhigayey Tayeyn lagu sameeyey Shahaadada Jaamacadda JOBKEY oo Muqdisho lagu qabtay.
Mohamed Abdi Hassan Iidle ayaa kawaramaya
Askari mareynkan ah baa laga celi waayay askari Taalibaan ah waxa uu kuyiri ila lagdan waayo aniga waxaan haystaa Tababar heer sare ah lkn maxaa karaacday Taariikh iyo fadexad kadib markii dibir isdaba joog ah afka ciida loogu darey!
Ma tahay qof wadani ah?
Ma jeceshahay ciidanka qaranka Soomaaliyeed?
Maku faraxsantahay awooda ciidanka qaranka Soomaalia iyo dib u habaynta ku socota?
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Address
Mogadishu
