Muhudin Ahmed Osman

Muhudin Ahmed Osman

Share

Welcome to the official page of the Former Director of Criminal Investigation Directorate (CID) of the Somali Police Force, Colonel Muhudin Ahmed Osman.

19/03/2026

EID MUBARAK!

17/02/2026

Waxaan Hambalyo iyo Duco u dirayaa Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda bisha barakaysan ee Ramadan.

Ramadan waa bil barako, samir iyo is-nadiifin qalbi. Waa fursad aan ku adkeyno midnimadeenna, ku hormarino qiyamka suuban, isla markaana ku xoojino nabadda iyo is-ixtiraamka.

Ilaahay ha inaga aqbalo soonka iyo camalka wanaagsan, hana ku gallado Dalkeena Nabad iyo Barwaaqo waarta.

Ramadan Mubarak!

Photos from Muhudin Ahmed Osman's post 29/01/2026

Maanta waxaan ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu la-dagaallamayo tahriibka iyo ka ganacsiga dadka, kaas oo ka dhacay magaalada Roma ee caasimadda dalka Talyaaniga, ayna si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Dowladaha Talyaaniga iyo Masar.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo burburinta shabakadaha dembiyeed ee ku lugta leh tahriibinta.

Shirkaan wuxuu muujinayaa dadaalka Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ciribtirka dambiyadan, iyadoo tahriibiyeyaashii la qabtayna la horgeeyey hay’adaha caddaaladda si loo waafajiyo sharciga.

Photos from Muhudin Ahmed Osman's post 07/01/2026

On 7 January, I formally handed over the position of Director of the Criminal Investigation Directorate (CID) following an official removal position letter issued by the Office of the Commissioner of the Somali Police Force on 6 January 2026. This handover constitutes a normal governmental and institutional procedure, consistent with established public service norms, whereby leadership responsibilities are orderly transferred from one official to another.

I officially handed over the position to Lt. Col. Ibrahim Dhaayow, who was appointed yesterday as Director of CID by the Commissioner of the Somali Police Force. I was originally appointed to this position on 25 November 2023, and during my tenure—by the grace of Allah—the Criminal Investigation Directorate achieved tangible and meaningful progress.

These achievements included, among others: the enhancement of capacity-building and training programmes for CID officers; the development and strengthening of forensic laboratory capabilities; the implementation of a modern E-Case File Management System linking CID with the Prosecution, Courts, and Central Prison; the rehabilitation and upgrading of CID facilities; the introduction of an E-Payment system for the issuance of Police Clearance Certificates; and the strengthening of cooperation with relevant government institutions as well as international partners, in addition to other notable accomplishments.

I extend my sincere appreciation to all officers and personnel with whom I had the privilege to work, who demonstrated professionalism, efficiency, and integrity throughout this period. I pray that Allah grants you continued success in your duties and makes your efforts fruitful and rewarding.

Photos from Muhudin Ahmed Osman's post 07/01/2026

Maanta oo taariikhdu tahay 7-da Janaayo, waxaan si rasmi ah u wareejiyey xilkii Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID), kaddib wareegto xil ka qaadis ka soo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed 6 Bishii Jan. 2026. Xil-wareejintani waa habraac dowladeed oo caadi ah (sunno dowladeed), kuna saleysan nidaamka shaqo ee hay’adaha qaranka, halkaas oo mas’uuliyadda mar walba si nidaamsan looga wareejiyo hoggaan una wareegto hoggaan kale.

Xilkaas ayaan si rasmi ah ugu wareejiyey G/Dhexe Ibrahim Dhaayow, kaas oo shalay uu magacaabay Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed. Waxaa xilkan la ii magacaabay 25-kii November 2023, muddadii aan xilka hayayna, Alle mahaddiis, Hoggaanka Baarista Dembiyada waxa uu gaaray horumarro la taaban karo oo ay ka mid yihiin tayeynta tababarrada saraakiisha, horumarinta sheybaarka cilmiyeysan, hirgelinta nidaamka casriga ah ee E-Case File Management, dayactirka iyo dib-u-habeynta dhismaha Hoggaanka, hirgelinta nidaamka E-Payment ee Warqadda Dembi-la’aanta, iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo xiriirka caalamiga ah iyo kuwa kale la soo koobi karin.

Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan saraakiishii iyo Ciidankii ila soo shaqeeyey, kuwaas oo muujiyey karti, hufnaan iyo daacadnimo. Waxaan Alle uga baryayaa inuu idinla garab galo waajibaadkiina, kana dhigo dadaalkiinna mid miro-dhal ah.

27/12/2025
Photos from Muhudin Ahmed Osman's post 27/12/2025

Maanta ayaan shir-guddoomiyey Shirka Isbuuclaha ee Hoggaanka Baairsta Dembiyada (CID), kaas oo lagu soo bandhigay isugeynta guud iyo istaatiistikada kiisaskii hay’addu ka hawlgashay sanadkan dhammaanaya ee 2025, iyo heerarkii ay mareen baaritaannadooda.

Shirka waxaa ka soo qeybgalay dhammaan taliyeyaasha qaybaha, waaxyaha iyo laamaha kala duwan, waxaana lagu falanqeeyay nuucyada kiisaska, saameyntooda iyo sida looga hawlgalay. Waxaan xusay in kiisaska la xiriira argagixisada ay hoos u dhaceen marka loo eego sanadihii h**e, halka ay soo bateen dembiyada la xiriira daroogada, tahriibinta iyo falal la mid ah, kuwaas oo aan hadda dagaal adag kula jirno.

Waxaan u mahadceliyey saraakiisha, baarayaasha iyo dhammaan hawl-wadeenada CID dadaalka ay muujiyeen sanadkan, anigoo sidoo kale shaaciyey in bilowga sanadka 2026 la siin doono abaalmarinno baarayaasha ugu waxqabadka fiicnaa.

CID, oo dhawaan ka mid ahayd hoggaamada Booliska Soomaaliyeed ee u dabbaal-degay 82-guuradii aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa sanadkan muujisay horumar la taaban karo isla markaana dib u hantay kalsoonida bulshada.

19/12/2025

Waxaan Halkaan Hambalyo ku aadan Sanad guuradii 82aad ee Asaaska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ugu dirayaa dhamaan Saraakiisha, Saraakiil xigeenada, Alifleyda, Dableyda Ciidanka, Xaasaskooda iyo Caruurtooda waxaana leeyahay Sanadkan Sanadkiisa Alle ha nagu gaarsiiyo Barwaaqo, Amni iyo Caafimaad.

Photos from Muhudin Ahmed Osman's post 01/11/2025

Waxaan maanta shir muhiim ah la qaatay dhammaan baarayaasha iyo howl-wadeenada Hoggaanka Baarista Dambiyada (CID), shirkaan oo ka dhacay xarunta dhexe ee hoggaanka. Ujeeddada kulankeenna waxay ahayd in aan si qoto dheer uga wada hadalno arrimaha la xiriira la-dagaalanka dadka wax tahriibiya iyo magafayaasha ku lugta leh arrimahaas.

Intii kulanku socday, waxaan dhageystay warbixinno faahfaahsan oo ay bixiyeen taliyeyaasha waaxyaha kala duwan ee qaybta baarista, kuwaas oo soo bandhigay kiisaska gacantooda ku jira iyo caqabadaha ay la kulmaan inta lagu jiro howlgalada baarista dambiyada.

Waxaan si gaar ah diiradda u saarnay magafayaasha dadka Soomaaliyeed ku khiyaameeya rajada nolol wanaagsan, balse markii ay gaarsiiyaan dalal kale gaar ahaan qaar ka mid ah wadamada Afrika ka dhigta maxaabiis ay madax furasho uga helaan.

Waxaan caddeynayaa in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo inay ku lug leedahay falalka la xiriira tahriibinta iyo magafanimada.

Ugu dambeyn, waxaan faray dhammaan waaxyaha iyo shaqaalaha hoggaanka in ay si dhab ah uga go’naadaan la-dagaalanka tahriibka, islamarkaana ay si joogto ah u raadiyaan raadka magafayaasha guud ahaan dalka.

Photos from Muhudin Ahmed Osman's post 22/10/2025

Maanta waxaan si rasmi ah u soo xiray tababar muddo saddex bilood socday oo aan u qabanay arday oo ka socday Jaamacadda SIU, kuwaas oo bartay Cilmiga Kiriminoolajiga iyo Maareynta Dambiyada.

Tababarkan ayaa qayb ka ahaa iskaashi waxbarasho oo u dhexeeya Hoggaanka Baarista Dambiyada iyo Jaamacadda SIU, kaas oo fursad u siiyay ardayda in ay si baraaktikal ah u bartaan shaqada dhabta ah ee baarista dambiyada, una dabaqaan aqoontii ay jaamacadda ku soo barteen.

Waxaan bogaadinayaa dhammaan ardaydii tababarka dhammaystay dadaalkooda iyo sida ay uga faa’iideysteen waqtiyadii ay la joogeen hoggaanka CID. Waxaan sidoo kale ku dhiirrigelinayaa in ay aqoontooda ugu shaqeeyaan dalkooda iyo dadkooda, kana mid noqdaan dhalinyarada hufan ee u adeegta qaranka.

Hoggaanka CID mar walba wuxuu diyaar u yahay in uu gacan siiyo ardayda Soomaaliyeed ee doonaya in ay kororsadaan aqoonta la xiriirta baarista dambiyada, si loo helo jiil aqoon iyo xirfad leh oo dalkooda u horseeda cadaalad iyo horumar.

Ugu dambeyn, waxaan xusayaa in Hoggaanka uu ku howlanyahay istiraatiijiyad cusub oo lagu hubinayo in dhammaan baarayaasha ay helaan ugu yaraan heerka koowaad ee waxbarashada jaamacadeed, taas oo kor u qaadaysa tayada iyo hufnaanta shaqada ee ciidanka baarista dambiyada.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address

Afgooye Road
Mogadishu