09/10/2021
إنالله وإناإليه راجعون
Rabbi haa u naxariisto Dr : Maxamed Daahir Afrax Guddoomiyihii Akadeemiyada Urur Gobaleedka Af-soomaaliga.
Dhammaan bahda Maktabadda Guud ee Degmada Caabudwaaq waxay tacsi tiiranyo leh u diraysaa eheladii iyo qarabadii Dr: Afrax, Sidoo kale waxay uga tacsiyeeynayaan bahweynta Qoraayasha Soomaaliyeed iyo bulshada Soomaaliyeed geeri ku timid Marxuumka.
Marxuum Afrax waxa uu kaalin weyn ka soo qaatay hormarinta Afkeenna hooyo , iyo dhaqankeenna suuban .
Waxa uu ahaa qoraa weyn oo magac iyo miisaan ku lahaa bulshada Soomaaliyeed .
Rabbi ha u naxariisto .
14/03/2021
Mudane Cabdi Cabdullaahi oo Kamid ah dhallinyarada jigjiga waxkabarata ayaa 60 buug ugu deeqay maktabadda guud ee Caabudwaaq.
Buugaagtaan oo ay iska soo aruursheen ardayda waxkabarata Jaamacadaha kuyaala jigjiga ee DDS galbeed.
Maamulka iyo masuuliyiinta maktabadda ayaa uga mahad mahadceliyay Cabdi Cabdullaahi iyo dhamaan cidkasta oo ka qayb qaadatay aruurinta buuggaagta Maktabadda guud ee Caabudwaaq.
.
08/02/2021
Akhristayaasha Maktabadda Guud ee .
30/12/2020
"Jahliga ka wahesho Buugga iyo Qalinka"
Inta badan biyahaan cabnaa si aan ugu haraad baxno, waxaan wax cunaa saddexda wakhti si aan u gaajo gooyno, waxaan ka fikirnaah koritaanka jirka balse k**a fikirno Kobcinta Garaadka iyo Maskaxda.
"Akhristaha maanta waa hoggaamiyaha Birri"
"Qalinku waa awood qarsoon oo adan ogayn"
23/09/2020
Samiir Jaamac Maxamed oo kamid ah Ardayda dhigata Iskuulka Shire Jaamac Axmed ayaa noqday Akhristaha kalinta Shanaad u galay Akhristayaasha Maktabadda Guud ee Caabudwaaq Agoosto 2020.
22/09/2020
Cabdiwali Maxamuud Cumar oo kamid ah Ardayda dhigata Iskuulka Shire Jaamac Axmed ayaa noqday Akhristaha Kaalinta Afaraad u galay Akhristayaasha Maktabadda Guud ee Agoosto 2020.
22/09/2020
Guuleed Cabdi Jaamac oo kamid ah Ardayda dhigata Iskuulka Shire Jaamac Axmed ayaa noqday Akhristaha Kaalinta Saddexaad u galay Akhristayaasha Maktabadda Guud ee Agoosto 2020.
22/09/2020
Sakariye Xuseen Xaaji oo kamid ah Ardayda dhigata Iskuulka Shire Jaamac Axmed ayaa noqday Akhristaha kalinta labaad u galay Akhristayaasha Maktabadda Guud ee Agoosto 2020.
21/09/2020
Cawaale Xaashi Maxamed oo kamid ah Ardayda Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed Faraca Galmudug ayaa noqday Akhristaha Kaalinta Koobaad u galay Akhristayaasha Maktabadda Guud ee Caabudwaaq 2020.
.