Oday Gedo

Oday Gedo

Share

This Page stands for all Somali’s who lacking their basically rights

07/11/2025

Ninkii Somaliya Raja lahoow... Waataa Rajadaad ka laheed.

07/11/2025

Dalkaan ayaan rajadiisa sugaynay… maanta waxa uu noqday meel ka sii fog wixii aynu ku riyoon jirnay. Somaliya Allah ha u naxariisto, sababtoo ah waxa dhacay ma aha oo kaliya burbur siyaasadeed—waa burbur damiir, burbur banii’aadannimo, iyo burbur qiyam bulsho.

Damiirkii wuu dhintay.
Dadkii isku naxariisan jiray ayaa noqday kuwo is indha-tira.
Sharafkii waa guuray.
Qofka sharaf leh maanta waa kan xoog leh, lacag leh, ama koox leh—ma aha kan xaqa leh.

Naxariistii waa gablantay.
Bulshadii is garab taagi jirtay ayaa maanta noqotay mid qof walba naftiisa uun u shaqeeya, xoogaa dan ah iyo xeyldaa yar oo uu heli karo darteed.

Soomaaliya maanta waxay u egtahay dal uu dhaawac nafsi ah ku dhacay—dal ku baahday xanuun aan daawo lahayn haddii aan la helin dad damiirkooda dib u toosiya.

Waxaan ka niyad jabnay in dadka xaqa leh la tuuro, kuwa daciifka ah la dayaco, hooyo foolaneysa waddada lagu dhigo, bukaanka la hor istaago, iyo shacabka loo arko tiro keliya, ee aan loo arkin bini'aadam mudan daryeel iyo sharaf.

Laakiin niyad-jabkuba waa qaylo-dhaan.
Qaylo-dhaan leh fariin: haddii aysan shacabka is toosin, cid kale ma toosinayso.

Soomaaliya wali wey jirtaa… laakiin waxay sugaysaa dad dib u dhisa naxariista, sharafka iyo damiirka ay lumisay.

07/11/2025

Sharaf ma jiro… Damiir ma jiro… Banii-aadanimana meel fog ayey ka baxday.
Hooyo Soomaaliyeed oo xanuun fool ah ku jirta ayaa isbitaal dowladeed bannaankiisa lagu soo tuuray, iyadoo xaq u lahayd daryeel, hoy iyo naxariis.

Maxay ku mutaysatay in waddada lagu fool-dhigo?

Maxay ku mutaysatay in aan la siin adeeg caafimaad oo aasaasi ah?

Hooyo Soomaaliyeed waa astaanta sharafka qaranka. Haddii iyada waddada lagu dayaco, maxaa noo haray?

Maxaase qiime leh oo aan isku haysanno?

Rajada nolosha ee Soomaaliya maanta waxay u dhacday meel aad u hooseysa — dad badan waxay aaminsan yihiin in ay ka yar tahay 20%.
Sababta wali ma fahmin?

Halkaan ka fiiri…

Hooyo foolanaysa, waddo jiifta, iyada oo aysan jirin hal ambalaas, hal kalkaaliye, hal qof oo u istaaga xuquuqdeeda.

Waa muuqaal murugo ka weyn, waa ceeb ka baxsan siyaasadda, waa dhaawac ka weyn dhaawac jirka.

Hooyo Soomaaliyeed waa in la dhowraa. Waa in la daryeelaa. Waa in la ilaalshaa.
Waddadu ma aha isbitaal, hooyaduna ma aha qof la dayaco.

Somaliya waxay u baahan tahay in ay dib u soo ceshato damiirkeeda—haddii kale, berrito qof kasta ayaa noqon kara qofka dhulka jiifa ee aan la garab istaagin.

11/10/2025

(The Flip Flopper or The wishy washy Person)

Aduunyada qofka aan mowqifka laheen ayaa hadalkaas loo yaqaan waa qof aan fadhin oo meel loo raaco laheen.

Hada Hassan sheikh wali ma aragteen meel uu bilaabay oo u dhameeyay.

Galka Gobolka Gedo laba jeer Ayaa la maamulay, bilowgii Ahmed ayaa lagu celshay waana laga soo celshay.

Hassan Sheikh bilowgii sanadkiisa ayuu wax ka qabasha lahaa balse maanta sameen kuma yeelan karo madooble marka loo fiirsho inta gal ee Hassan Sheikh hortaalo.

Tusaale

1. Galka Mucaaradka
2. Galka Dhulka oo hada xasaasi ah
3. Galka Doorashada
4. Galka Maamulada ee in Doorashadooda la qabto

Iyo inkaloo qarsoon, sidaa awgeed mudada u hartay waa 6 bilood intaas oo howl ah nin ay hortaalo ma Ahmed buu hor istaagi karaa mise markale waxuu raadinayaa Reer Gedo inuu ku awr-kacsado.

28/08/2025

Video gaan Maanta Haduu Madaxweyne Hassan Sheikh Arki lahaa Waxuu Dhihi lahaa waxaa lagu sameeyay AI ee aniga Ma ihi i aamina.

28/08/2025

Kusoo Dhawaada Page ka Oday Gedo, Page kaan waxuu matali doonaa Dadka Somaliyeed qaasatan kuwa hadalkooda aan gaarsiin karin meel sare.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address

Mogadisho
Mogadishu