08/05/2026
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN
Guddoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir, Guddoomiye Kuxigeenka Dhalinyarada Gobolka Banaadir, Xoghayaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir, Guddoomiyaasha Dhalinyarada Degmooyinka, Kuxigeennadooda iyo Sidookale Xoghayeyaasha Dhalinyarada Degmooyinka, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Xoghayaha Dhalinyarada Degmada Xamar Weyne Mudane Awees Cabdulqaadir Suufi iyo Qooskiisa, geerida naxdinta leh ee ku timid Aabihiis Marxuum Cabdulqaadir Suufi oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.
Masβuuliyiinta waxay Alle SWT uga baryayaan Marxuumka in uu ugu deeqo naxariistiisa, janno Fardowsana ka waraabiyo, dhammaan ehelka, qaraabada iyo gaar ahaan qoyska Marxuumka in uu Alle ka siiyo samir iyo iimaan waasac ah.
Aamiin Aamiin Aamiin.
Wabillahi Towfiiq
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Dhalinyarada Gobolka Banaadir
===========βππππππππβ============
13/04/2026
Mogadishu (Isliin), 13 April 2026
Guddoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir, Mudane Omar Faruk, ayaa ugu baaqaya dhammaan dhalinyarada Gobolka Banaadir in ay si firfircoon uga qeyb qaataan Toddobaadka Dhir-beerista, oo lagu xusayo Maalinta Qaran ee Dhir-beerista Soomaaliyeed. Toddobaadkan waa mid muhiim u ah ilaalinta deegaanka iyo horumarinta mustaqbalka Dalkeena.
Xuskan waxa uu astaan u yahay midnimo, masuuliyad wadajir ah iyo ficil dhab ah oo lagu badbaadinayo khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.
Sidaas darteed, waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhalinyaradeena in ay kaalin muuqata ka qaataan ololahan qiimaha leh.
Halku-dhigga sanadkan waa: βMaanta beero berri ku Noolow β
Aan si wadajir ah u dhisno deegaan cagaaran oo caafimaad qaba, kana tagno dhaxal wanaagsan jiilasha soo koraya.
Wabillahi Towfiiq
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Dhalinyarada Gobolka Banaadir
===========βππππππππβ===========
09/04/2026
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u direynaa Garsooraha heerka caalami ee Cumar Cabdulqaadir Cartan oo taariikh cusub usoo hooyay Dalkeena, kaddib markii uu noqday garsoorihii Soomaaliyeed ee ugu horreeyay ee ka qayb gala tartanka caalamiga ah ee FIFA World Cup.
Guushan qiimaha leh waa mid kor u qaadaysa sumcadda Soomaaliya, isla markaana muujinaysa kartida iyo hibada ay leeyihiin Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku hanweyn in ay Dalkooda ku matalaan fagaarayaasha caalamka.
Waxaan ku bogaadineynaa dadaalka, xirfadda iyo hufnaanta uu muujiyay Garsoore Cumar, isaga oo noqday astaan dhiirrigelin u ah jiilka cusub ee Soomaaliyeed.
Hambalyo Cumar, guulo kale oo taariikhdeenna qayb ka noqda ayaan kuu rajeynenaa Inshallah.
19/03/2026
CIID WANAAGSAN
"Dhammaan bulshada Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeynayaa munaasabadda Ciidda barakaysan ee Fidriga, aniga oo Alle ka baryaya in uu naga aqbalo acmaashii wanaagsanayd ee aynu gudannay bishii Ramadaan.
farxadda Ciidul Fidriga waxaan ku boorrinayaa dhalinyarada Soomaaliyeed in ay gacan ka geystaan farxad gelinta dadkeenna la tabaaleysan abaaraha, lagana shaqeeyo midnimada iyo wadajirka,
Ugu danbayntii, Eebbe waxaan ka baryayaa in uu ciiddan ciiddeeda nagu gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo . Ciid wanaagsan" Gudoomiyaha dhalinyarada Gobolka Banadir Mudane Omar Faruk