19/03/2026
🎉 Eid Mubarak 🎉
Agaasinka Caafimaadka Gobolka Benaadir wuxuu hambalyo diirran u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda caafimaadka, bukaanada iyo qoysaskooda, munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Fitr.
Ilaahay ha naga aqbalo cibaadadii, soonkii iyo camalkii suubanaa.
Ciid Mubarak – Taqabbalallahu minna wa minkum .
16/03/2026
Muqdisho 16-ka Maarso 2026
Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir oo kaashanaya, maamulka caafimadka degmada iyo horjoogayaasha xeroyinka barakacayasha dagmada Deynile ayaa booqasho isugu jirtay wacyigelin caafimaad iyo adeegyo talaal ka fuliyay qaar ka mid ah goobaha ay ku sugan yihiin dadka barakacayaasha ah ee kuso qaxay daafaha Gobolka.
Dadka barakacayaasha ee dhawaan galka ah ayaa inta ugu badan soo gaaray Magaalada Muqdisho wixi ka danbeeyay 15-ka Bisha Ramadaan, iyada oo xusid mudantahay in barakayaacashu ay u badan yihiin haween, carruur iyo dad waayeel ah, kuwaas oo kasoo barakacay deegaano ka tirsan Gobolada Shabeellaha Dhexe, &shabeelada hoose si gaar ah deeganada Xawaadley, Mubarak iyo Awdhegle
Kadib markii ay saameyn ku yeesheen abaaro iyo dagaallo ka socda deeganadas.
Intii lagu guda jiray booqashada, waxaa la arkay in qoysaskan ay la tacaalayaan duruufo nololeed iyo mid caafimaad oo aad u daran, kuwaas oo ay ka mid yihiin nafaqo darro iyo cudurrada faafa oo si gaar ah u saameeyay nolosha caruur badan, sidoo kalena la xaqiijiyay dhimashada tiro caruur ah.
Agaasinka Caafimaadka Gobolka Benaadir ayaa halkaas ka sameeyay wacyigalin caafimad ku saabsan muhiimadda talaalka, nadaafadda, iyo ka hortagga cudurrada faafa. Iyada oo isla goobta laga bixiyay adeegga talaalka si loo yareeyo halista Caafimaad ee halkaas ka jirta
Sidoo kale waxaa carruurta iyo dadka u baahan loo sameeyay gargaar caafimad ayaga oo lagu xeray qaarkod xarumaha caafimadka ee ku yaala Degmada Dayniile.
Ugu danbeyn, Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka iyo bulshada inteeda kale inay ka qeyb qaataan taageerada iyo gurmadka loo fidinayo qoysaskan tabaaleysan ee barakacayaasha ah, maadaama ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah oo dhinacya badan leh, sida biyaha, cunnada, caafimadka iyo hoyga madama lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
03/03/2026
Muqdisho, 03-02-2026
Iyadoo la xoojinayo wada shaqeynta u dhaxeysa dowladda iyo xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay (Private Health Sector), ayaa Somali Sudanese Hospital iyo Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir si rasmi ah u wada saxiixdeen heshiis wada shaqeyn.
Heshiiskan ayaa diiradda saaraya xoojinta isku xirka iyo isku gudbinta adeegyada caafimaadka ee heerarka kala duwan, laga bilaabo Primary, Secondary, ilaa Tertiary care, si bulshada loogu fududeeyo helitaanka adeegyo caafimaad oo tayo leh iskuna xiran.
Ujeeddada heshiiskan ayaa ah:
In la hagaajiyo nidaamka gudbinta bukaannada (referral system)
In la mideeyo dadaallada horumarinta adeegyada caafimaadka
In la kordhiyo tayada iyo dabagalka adeegyada la siiyo bulshada
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga dowladeed iyo kan gaarka loo leeyahay, si loo helo adeeg caafimaad oo hufan, waxtar leh, kana jawaaba baahiyaha bulshada ee Gobolka Benaadir .
26/02/2026
Agaasinka Caafimaadka ee Gobolka Benaadir waxaan ku faraxsanahay inaan shaacino daabacaadda cilmibaaris cinwaankeedu yahay:
“Data Quality of Routine Health Information Systems and Associated Factors Among Public Health Facilities in Banadir Region, Somalia: A Cross-Sectional Study.”
Cilmibaaristan waxaa lagu daabacay Health Informatics Journal, oo ka mid ah joornaallada ku jira Scopus iyo Web of Science (SCIE).
Cilmibaaristan waa tii ugu horreysay ee noocan ah ee laga sameeyo Soomaaliya, waxaana lagu ogaaday in in ka badan 65% waaxyaha (departments-ka) ay muujiyeen xog leh tayo wanaagsan.
Guji: https://doi.org/10.1177/14604582261428311
17/02/2026
Muqdisho –Febraayo 2025
Agaasinka Caafimaadka ee Gobolka Banaadir oo kaashanaya Kooxda OGOW, ayaa qabtay tababar laba maalmood ah oo ku saabsan Diiwaanka Tallaalka iyo Nidaamka Digniinta (Health Immunization Registry & Alert System), kaas oo ay ka qaybgaleen shaqaale caafimaad oo ka kala yimid 23 xarumood caafimaad oo ku yaalla Gobolka Banaadir.
In lagu guda-jiray tababarka, waxaa shaqaalaha caafimaadka ee lagu qalabeeyay qalab dijitaal ah si loo kordhiyo xirfada diiwaangelinta tallaalka, isla markaans loo diro farriimo xusuusin ah (SMS) waalidiinta/daryeelayaasha, loona hubiyo in aan caruurta ka baaqan tallaallada muhiimka ah.
Hindisahan waxaa si wadajir ah u fulinaya Gobolka Banaadir iyo OGOW Health, iyadoo taageero laga helayo Grand Challenges Canada oo ay maalgelisay Global Affairs Canada.
Aqoon-is-weydaarsiga waxaa si wadajir ah u furay Xasan Axmed Maxamed (Agaasimaha Caafimaadka Dijitaalka iyo Hal-abuurka, Wasaaradda Caafimaadka Federaalka), Dr Ismaaciil Daahir Axmed (Agaasimaha HR iyo Dhisidda Awoodda ee BRA), Cabdikarin Cali Cumar (Madaxa Nidaamyada Xogta Caafimaadka, Wasaaradda Caafimaadka Federaalka), Dr Aweis Axmed (Agaasimaha Siyaasadda iyo Qorsheynta), iyo Daahir Cismaan (Maareeyaha HMIS, Banaadir).
Mudadi uu socday tababarka, ka qaybgalayaashu waxay heleen tababar ku saleysan ku-dhaqan si loo xoojiyo ururinta xogta tallaalka, iyadoo hadafku yahay in la hagaajiyo diiwaangelinta tallaalka iyo dabagalka carruurta guud ahaan gobolka.
Sofia Cabdikariin, oo wakiil ka ahayd OGOW Health, ayaa tiri:
“Shaqaalaha caafimaadku waa laf-dhabarta nidaamka caafimaadka. Dadaalkooda ku aaddan hagaajinta la socodka tallaalka wuxuu yeelan doonaa saameyn togan oo waarta jiilalka mustaqbalka.”
Ugu danbeyn, Mudane Dahir ayaa ku booriyay shaqaalaha caafimaadka in ay ka faaiideystaan tababarka, islamarkaana is bedel ka muujiyaan adeeg bixinta talaalka gaar ahaan arimaha la xariira xogta.
Dhammaad.
17/02/2026
Ramadan Kariim 🌙✨
Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Gobolka Banaadir, munaasabadda bisha barakeysan ee Ramadaan.
Ramadaan waa bil naxariis, iscafis iyo isu tanaasul; waa fursad qaali ah oo lagu xoojiyo cibaadada, samafalka iyo isku xirnaanta bulshada. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan muwaadiniinta inay ka faa’iideystaan bishan barakeysan, isla markaana ilaaliyaan nadaafaddooda, badbaadadooda iyo caafimaadkooda.
Alle ha inaga aqbalo soonka, salaadda iyo camalka suuban.
Ramadan Kariim 🌙
17/02/2026
Muqdisho, 17 Febraayo 2026
Maanta waxaa na soo booqday Tiirka Arrimaha Bulshada – Waaxda Caafimaadka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray isbarasho, xoojinta wadashaqeynta, iyo horumarinta adeegyada caafimaadka.
Intaas kadib, waxaan si wadajir ah u kormeernay xafiisyada iyo qeybaha kala duwan ee Agaasinka.
Waxaan ku heshiinnay in la dardargeliyo wada shaqeynta si bulshada loo gaarsiiyo adeeg caafimaad oo tayo leh.
16/02/2026
Muqdisho, 16 Febraayo 2026
Waxaa si guul leh u qabsoomay kulankii billaha ahaa ee Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir. Kulanka maanta waxaa diiradda lagu saaray dardargelinta arrimaha cilmi-baarista (research) oo mudnaan gaar ah la siinayo muddadii u dambeysay.
Sidoo kale, waxaa si qoto dheer looga hadlay doorka iyo fursadaha wadashaqeyneed ee ay ka qaadan karaan hay’adaha bahwadaagga caalamiga ah iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay (private institutions) si loo xoojiyo tayada adeegyada caafimaadka iyo horumarinta cilmi baarista gobolka.
08/02/2026
Muqdisho, 08/02/2026
Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabmay ololaha tallaalka looga hortagayo cudurka gowracatada.
Ololahan oo ah kii 2aad ayaa socon doona muddo shan (5) maalmood ah, isagoo ka bilaabanaya Axadda 8-da bisha Febraayo kuna eg Khamiista 12-da Febraayo 2026.
Ololaha tallaalka ayaa ka socda dhammaan degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo tallaalka laga heli karo xarumaha hooyada iyo dhallaanka, isbitaallada dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay, iskuullada, dugsiyada Qur’aanka iyo xeryaha ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah.
Agaasinka Caafimaadka Gobolka Benaadir ayaa bulshada ku nool magaalada Muqdisho ugu baaqay inay ka faa’iideystaan qaadashada tallaalka.
Dhammaad.
07/02/2026
Muqdisho, 07 Febraayo 2026
Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir, oo kaashanaya Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed iyo Ururka Dhaqaatiirta Carruurta Soomaaliyeed, ayaa soo agaasimay kulan wacyigelin ah oo la xiriira kor u qaadista ololaha tallaalka gowracatada.
Kulanka oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 250 xirfadlayaal caafimaad ah, mas’uuliyiin ka kala socday isbitaallada dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay, iyo sidoo kale wakiillo ka socday UNICEF iyo WHO, ayaa diiradda lagu saaray falanqeynta casharradii laga bartay ololihii la qabtay bishii Diseembar, iyo sida ololaha loo sii xoojin karo si bulshada si ballaaran loo gaarsiiyo.
Qeybaha kala duwan ee ka qeyb galay kulanka ayaa bogaadiyey dadaalka Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir ee ku aaddan baahinta iyo tayeynta adeegyada daryeelka caafimaadka asaasiga ah.
Ugu dambeyn, Agaasime Ku-xigeenka Caafimaadka Gobolka Banaadir, Dr. Geedi, ayaa ku dhawaaqay in berri, oo ay taariikhdu tahay 08 Febraayo 2026, uu bilaaban doono wareegga labaad ee ololaha tallaalka cudurka gowracatada, isaga oo bulshada ku nool Gobolka Banaadir ugu baaqay in ay si buuxda uga faa’iideystaan fursaddan.