Fardowsa Abdullahi Abtidon

Website

Fardowsa Abdullahi Abtidon The Commander of the Department for the Protection Against Violence Toward Women and Children (SPF)

Wada shaqeen wacan
23/07/2025

Wada shaqeen wacan

Ciid Mubaarak!Waxaan dhammaan Ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan ehelkeyga, asxaabteyda, iyo dhammaan shacabka Soomaaliy...
06/06/2025

Ciid Mubaarak!

Waxaan dhammaan Ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan ehelkeyga, asxaabteyda, iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee qiimaha leh uga hambalyeynayaa munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa.

Waxaan Alle ka baryayaa inuu noo wada aqbalo camalkeena, dambigeenana dhaafo, innagana dhigo kuwa ka faa’iideysta kheyrka iyo naxariista maalmahan barakeysan. Ciid wanaagsan, qalbi faraxsan, iyo barwaaqo aan dhammaanin ayaan idiin rajaynayaa.

Ciid Wanaagsan – Ciidul Adxaa Mubaarak!

Maanta oo ay tahay 31-ka May 2025, anigoo ah Taliyaha Waaxda Tacaddiyada Haweenka iyo Carruurta ee Ciidanka Booliiska So...
31/05/2025

Maanta oo ay tahay 31-ka May 2025, anigoo ah Taliyaha Waaxda Tacaddiyada Haweenka iyo Carruurta ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, ayaa ka qeyb galay olole wacyigelin ah oo ka dhacay Dugsiga Tababarka Booliska ee Janaraal Kaahiye, xilli la xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Ka Hortagga Tubaakada.

Kulankan oo si wadajir ah ay u soo agaasimeen Wasaaradda Caafimaadka iyo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, ayaa diiradda lagu saarayay waxyeelada tubaakada, gaar ahaan saameynta ay ku leedahay haweenka uurka leh, carruurta iyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Waxaan si gaar ah uga hadlay mas’uuliyadda naga saaran sidii aan uga hortagi lahayn halista caafimaad ee ay tubaakadu ku hayso bulshadeena. Ciidanka Booliiska, gaar ahaan Waaxda aan hoggaamiyo, waxa uu door weyn ka qaadanayaa wacyigelinta, la-talinta, iyo hirgelinta tallaabooyin sharciyeed oo lagu difaacayo caafimaadka haweenka iyo carruurta.

Sidoo kale, waxaa lagu dhawaaqay guddi wacyigelin ah oo Booliisku qeyb ka yahay, si loo dardargeliyo dadaallada lagu yareynayo isticmaalka tubaakada, loona xoojiyo doorka ciidamada ammaanka ee dhinaca ka hortagga waxyeellada caafimaad.

Waxaan mar walba ka go’an in aan u istaago difaaca xuquuqda iyo caafimaadka haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed. Bulsho caafimaad qabta waa bulsho horumar leh.

Address

Afgoye Road
Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Fardowsa Abdullahi Abtidon posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share