Dr. Ahmednur Uleex

Dr. Ahmednur Uleex

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dr. Ahmednur Uleex, Government Official, Mogadishu.

Chief Policy Advisor to the Prime Minister of Somalia | Former Permanent Secretary, OPM | Chair of the SSC State Building Committee | Policy Architect & Political Strategist

Photos from Dr. Ahmednur Uleex's post 26/05/2026

Caawa waxaan kulan is-xog wareysi ah la yeeshay Marwo Sucaado Aadan Cismaan oo ah Agaasimaha Guud ee Isbahaysiga Wadaxaajoodyada Khuseeya Afrika ee Midowga Afrika (Coalition for Dialogue on Africa – CODA/AU), iyo Mudane Cabdirisaaq Aadan Maxamuud oo la taliye ka ah isbahaysiga.

Sidoo kale, waxaan ka dhageystay warbixin ku saabsan howlaha iyo mashaariicda ay ka fuliyeen dalka iyo Booqashadii kismaayo ee Xarunta (NLA)

Kulankan wuxuu ahaa mid muhiim u ah is-dhaafsiga fikradaha, xoojinta wada-shaqeynta iyo dhiirrigelinta dadaallada lagu horumarinayo nabadda, wadajirka iyo horumarka Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika.

26/05/2026

Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan Muslimiinta caalamka ugu hambalyeynayaa munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa.

Nabad iyo barwaaqo ku ciida!

Photos from Dr. Ahmednur Uleex's post 24/05/2026

Caawa waxaan booqasho, hambalyo iyo tashi Soomaaliyeed oo ku dhisan tolnimo ugu tagay Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde.

Ugaaska oo ay ka soo wareegtay 30 maalmood caleema-saarkiisii ayaan ku booqday hoygiisa si aan ugu hambalyeeyo xilka culus ee loo igmaday.

Intii aanu kulanka wadaagnayna, waxaan is dhaafsannay talooyin iyo tusaalooyin wax-ku-ool ah oo ku saabsan doorka soo jireenka ah ee hoggaanka dhaqanku ku leeyahay mideynta, nabadda iyo hanuuninta ummadda Soomaaliyeed.

Ugaas, hambalyo iyo bogaadin ayaan kuu dirayaa. Mas’uuliyadda Saldanadda ee laguu igmaday Alle ha kugu asturo, hana kuu fududeeyo gudashadeeda.

Photos from Dr. Ahmednur Uleex's post 20/05/2026

Maanta waxaan ka qayb galay booqasho muhiim ah oo aan ku tagnay xarunta daryeelka dadka ka soo laabtay fikirka xagjirnimada. Booqashada waxaa igu weheliyay Agaasimaha TUBSAN, Mudane Cali Yasin, wafdi ka socday Hay’adda KOICA ee South Korea iyo wakiillo ka socday UNDP.

Maamulka xarunta ayaa naga siiyay warbixin ku saabsan habraaca loo qaabilo dadka xarunta lagu hayo, barnaamijyada dib-u-habaynta, iyo daryeelka ay helaan.

Photos from Dr. Ahmednur Uleex's post 19/05/2026

Sharaf ayay ii ahayd in aan kulan, casho sharaf iyo wada-sheekaysi qoto dheer la qaatay Ugaas Maxamed Ugaas Axmed Ugaas Faarax oo ah Ugaaska Beesha Sade.

Kulanka Ugaaska waxaa igu wehelinayay saaxiibkay Cali Yasin oo ah Agaasimaha Hay’adda Tubsan. Waxaan ugaaska si wadajir ah uga mahadcelinaynaa soo dhaweyntiisa Qiimaha badan.

Photos from Dr. Ahmednur Uleex's post 18/05/2026

Waxaa sharaf ii ahayd in aan soo booqday Dr. Sheekh Cabdixakiin Sheekh Cali Suufi oo kamid ah culimada Soomaaliyeed iyo Adeer Maxamed Deeq Makhtal Daahir oo ah wiilkii halgamaagii waynaa ee Makhtal Daahir iyo akhyaar kale oo sharaf iyo karaamo leh.

Booqashada oo ahayd mid diineed ayaa ku dheehnayd waano iyo wacyi galin. Khayr badan Allaha siiyo Digtoorka iyo Sheekh Maxamed Deeqba.

Photos from Dr. Ahmednur Uleex's post 18/05/2026

Maanta waxaan ka qayb galay kulan uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, kaas oo ay sidoo kale goob-joog ka ahaayeen danjiraha dowladda Italy u fadhiya Somalia, Pier Daccò Coppi, iyo xubno kale.

Waxaan warbixin faahfaahsan ka siinnay Ra’iisul Wasaaraha halka ay marayaan saddex mashruuc oo isbitaallo casri ah loogu dhisayo degmooyinka Afmadow, Xarardheere iyo Cadale, kuwaas oo ay maalgelinayso dowladda Italy.

Mashruucyadan ayaa muhiim u ah horumarinta adeegyada caafimaadka dalka.

16/05/2026

𝐒𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐮 𝐌𝐚 𝐚𝐡𝐚 𝐬𝐡𝐞𝐞𝐤𝐨 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐨

Qoraalkan waxaan ugu talo galay inuu noqdo waano ku socotta akhyaarta soo maray xafiisyada lagu ilaaliyo sirta Dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxa aan uga gol-leeyahay in aan xasuusiyo muhiimadda ay leedahay in dadka ka soo shaqeeyay hay’adda sirdoonka qaranku ilaaliyaan karaamada iyo xurmada hay’addaas iyo kaydka xogeed ee lagu aaminay, isla markaana ay ka digtoonaadaan in wax badan oo aad mooddo in iyaga la sahlantahay ay u muuqan karto ku takrifal xog qaran oo aan dadku wada heli karin, marnaba ma habboona in xog aad ku heshay mas’uuliyad lagugu aaminay aad u isticmaasho suuqa iyo fagaarayaasha warbaahinta. Hay’adda sirdoonku waa laf-dhabarta amniga qaranka, waana meel xasaasi ah oo si gaar ah uga duwan dhammaan hay’adaha kale ee dowladeed.

Dalalka intooda badan, hay’adaha nabad-sugidda iyo sirdoonka waxaa hoggaamiya ama ka shaqeeya khubaro si gaar ah loogu carbiyey adeegga shacabka, ilaalinta danaha qaranka, iyo maaraynta xaaladaha ugu xasaasisan ee amniga. Dadkaas waxaa xulashadooda lagu sameeyaa baaritaan adag iyo hubin qoto dheer, maadaama ay yihiin kuwa loo igmaday sugidda amniga guud, ka hortagga khataraha gudaha iyo dibadda, iyo ilaalinta xogaha ugu culus ee dal waliba leeyahay.

Shaqsiyaadka ka tirsan hay’adahaas waxaa si gaar ah loogu taba-baraa ilaalinta sirta qaranka, waxaana dusha ka saaran masuuliyad culus oo ah in xogta ay gacanta ku hayaan aanay noqon mid si sahlan u loo soo bandhigo ama loo isticmaalo. Waxaa sidoo kale xoogga la saaraa in ay ka dheeraadaan xamaasadaha siyaasadeed, isla markaana ay noqdaan dad daaha gadaashiisa ku xalliya arrimaha muhiimka ah ama bixiya talooyin qiimo leh oo qaranka laga faa’iidaysto, xataa marar badan waxaa lagu dadaalaa in shaqsiyaadka soo maray jagooyinkaas la ilaaliyo muunadooda muuqasho oo aanay sida dadka kale ee caadiga ah ugu milmin xamaasada iyo hirarka nolosha ee ay ahaadaan kuwa aamuskoodu badanyahay, si waynna uga taxaddara wax alba oo afkooda ka soo baxa ama meel walba oo muuqooda lagu arko.

Dhawaanahan Soomaaliya waxaa ka socda muuqaallo aad mooddo in lagu tartamayo ama lagu beecgaynayo in dadkii hay’adahaas ka shaqayn jiray ay afka furtaan oo makhaayadaha siyaasadda soo buux dhaafiyaan, qaar waraysiyo bixiya iyo kuwo aragtiyo dhiibtaba, soo badashada dibad joognimada tira beelka ah ee akhyaartaasi ku mashquuleen waa wax aan caado u ahayn nidaamka sir doon ee dal leeyahay, loogana baran hay’adaha noocan ah. Waxaa isa soo taraya in qaar ka mid ah agaasimayaashii iyo khubaradii h**e ee hay’adda nabad-sugiddu ay warbaahinta iyo fadhi ku dirirka ama madalaha furan hor yimaadaan, iyagoo aad mooddo in ay u dhaqmayaan hannaan u eg – waxaad rabto I waydii, sidaad rabto aan kuugu jawaabee, isla markaana ka hadlaya xogo iyo dhacdooyin aan habboonayn in si fudud loogu soo bandhigo bulshada dhexdeeda, (Sax iyo Qalad toona).

Waxaa murugo leh in qaarkood maalinta ay xilka ka tagaanba ay afka furanayaan, iyagoo si caadifad leh uga warramaya arrimo ay ahayd in lagala xisaabtamo, laguna faaqido meelaha ku habboon, qaarkood waxaybana ka il-libiqsanayn kicin qabiil iyo jaa’ifayn kuwa kale, Qaarna waxaad mooddaa iyagoo dadka caqliga iyo garaadka uga ciyaara ay ka muuqatto in ay bulshada uga sheekaynayaan sheekooyin la soo diyaariyay oo u eg Filim la jilayo. Qaarkood waxaad mooddaa in ay ka quusteen mustaqbal siyaasadeed ama mas’uuliyadeed, halka qaar kalena sida ay wax u gudbinayaan ay kuu muujinayso inay dhayalsanayaan garaadka iyo bisaylka shacabka Soomaaliyeed, qaar sheekadii ku habboonay in bug lagu dhigo xilli danbe oo waqti macaash si jiilashu wax uga bartaan ayay soo hormariyaan ayadoo u eg- in loo isticmaaliyo dano siyaasadeed ama waxa loo yaqaanno (Awr-kacsi).

Waxaan aaminsanahay in marka sarkaal amni ama madax h**e oo sirdoon uu si sahlan ugu milmo siyaasadda maalin-laha ah ama warbaahinta uu ugaga hadlo arrimo xasaasi ah, ay taasi daliil u tahay in nidaamka dowladeed ee curdanka ahi uu weli leeyahay daldaloolo waaweyn, Hay’adda amniguna ay lumisay sumcad iyo xogo u gaar ahaan lahaa. Maadaama aad mooddo in aanay jirin xakamyn garaad/caqli iyo mid system/nidaam toona waxaa xaqiiq ah in xaalka Soomaaliya uu shaqsigu ka weyn yahay hay’addii uu metelayey, oo garashadiisa mooyee wax kaloo xakamaynayana aanayba jirin, taas oo ah xaalad aan rajaynayo in laga gudbi doono marka ay dowladnimadeennu sii bislaato, asagoo waliba xaalka maanta ee baahsanaanta ka muuqatto laga baran doono casharro.
Shaki kuma jiro in akhyaartaasi ay leeyihiiin waayo-aragnimo iyo aqoon qaran oo qiimo weyn leh, lagana faa’iidaysan karo talooyinkooda ku saabsan amniga, dowlad-dhiska, iyo maaraynta khataraha qaranka. Hase yeeshee, dhaqanka ku milimitaanka dabaylaha siyaasadeed iyo soo bandhigista xogaha xasaasiga ahi waxay abuuri kartaa xiiso iyo hadal-hayn kooban, waxaase ka muhiimsan oo ay horseedi kartaa dhaawac ku yimaadda dhaqanka dadka ka shaqayn doonaa hay’adaha amniga taasoo qaranka u horseedi karta mala – awaal qaldan oo sababaya in ruuxii kaalin amni soo galaba uu si qaldan u mukhuurto mawjadaha siyaasadda. Shaqada amnigu waa xirfad u baahan aqoon iyo habsami socod dahsoon, gaar ah oo saameeya nolosha shaqaalaha arrimaha amniga, haddii xirfadnimadeeda la dhaawaco oo laga dhigto jaran-jarro loogu adeego dano siyaasadeed waxay ababsan doontaa in hay’addaasi ama khubaradaasi lumiyaan fahamkii saxda ahaa ee loo yiqiinnay, lagana yaabo in dib loo sixi waayo.

Aniga ahaan, waxa ila habboon in aan mar walba laga faaiidaysannin dabacsanaanta iyo nuglaanta hannaanka dowladeed ee aynu weli dhiseyno. Dadka lagu aamminay sirta qarankana waa in hadalkooda ay miisaamaan, tallaabooyinkoodana u fiirsadaan. Waa in aanay ku hodmin siyaasadda maalin-danaysiga ah, isla markaana ay ka fekeraan raadadka hadalkoodu kaga tagi karo quluubta dadka daawanaya iyo aragtida laga qaadan karo hay’addaas, heerka hadalladoodu gaarsiin karaan kalsoonida shacabka, iyo mustaqbalka dowladnimada.

Ugu dambayn, waxaan xasuusin lahaa in ruux waliba wuxuu taray iyo wuxuu ku hadlay loo tirin doono, ayna jiri doonto goor la xisaabtami doono – kolba – intii nool ee Allah gaarsiiyo dawlad si huffan ula xisaabtanta cid walba asagoon la eegaynnin kooxdiisa, qabiilkiisa iyo hantidiisa midna.

Qoraalkani waxaan u qoray lexejeclo iga haysa sugidda anshaxa qaran ee dalkeenna, ulamana jeedo shaqsi gaar ah, ee waa muujinta rajada aan ka qabo in aan aad loogu mashquulin faagitaanka dhacdooyin dadka ka dahsoon asaga oo aan si cadlaad ah loo miisamaynin.

𝐖𝐚𝐚𝐝 𝐦𝐚𝐡𝐚𝐝𝐬𝐚𝐧𝐭𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧,
𝐃𝐫. 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝𝐧𝐮𝐫 𝐔𝐥𝐞𝐞𝐱.

Photos from Dr. Ahmednur Uleex's post 10/05/2026

Waxaa sharaf weyn ii ahayd inaan ka qeyb galo munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day) ee lagu qabtay Muqdisho.

Munaasabaddan ayaa muujisay muhiimadda iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub. Waxaa hubaal ah in kulankani muhiim u yahay Soomaaliya, gaar ahaan iyadoo xuska Maalinta Yurub uu yahay maalin weyn oo taariikhi ah.

Photos from Dr. Ahmednur Uleex's post 10/05/2026

Maanta waxaan ka qeyb galay Golaha Sare ee Wadahadalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub, oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dowlad-dhiska, horumarinta dhaqaalaha iyo xasilloonida gobolka.

Kulankani wuxuu ahaa fursad muhiim ah oo lagu sii xoojinayo wada-shaqeyn ku dhisan isfaham, dan wadaag iyo horumar waara.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address

Mogadishu