Siyaasiyiinteenu intooda badan maba aha kuwa dan inaga leh oo maba aha kuwa deegaan ku ah wadankeena! Aan si’ wada jir ah ugu istaagno danteena oo ah midda dalka iyo dadka.
Dalka iyo Dadka
DALDAD | Dalka iyo Dadka
14/05/2026
Gadaasha (background) ayaa ah mid aad ka naxayso. Dhulka oo aad u maleenaayo inuu yaalo cows macmal yahay ayaa ah mid aan indhaha u rooneyn. Weydiiyaha (wariyaha/-yaasha) iyo la waydiiyaha oo u muuqda kuwa ku qanacsan ama moogsan xaaladda ay ku sugan yihiin.
Cidna eed maleh hadaanan wada laheyn inteena caqliga leh (ugu yaraan naftooda ka masuulka ah)
Ma rabno sawir kan ka qurxan iyo dal iyo dad aanan kuwan ahayn. Waxaan rabnaa dal dadkiisu fahmi karaan xaaladiisa ka dibna wax u tara.
03/01/2026
Waxaa haboon in dowladda iyo hogaankeeda isku howlaan in ay curyaamiyaan oo sharciga lala tiigsado siyaasiyiinta aan damiirka lahayn ee kasoo jeeda waqooyi galbeed. Danbi dal ka wayn ma jiro in laga shaqeeyo in qaranka lakala dhantaalo.
22/12/2024
Maamulka Puntland hogaankooda war ma u haayaan horta dastuurka mise? Waxaad arkaysaa ayagoo cid kale ku eedeenaaya in ay qaanuunka jibinayaan! Waa iska sidaas markii kaabe qabiilo hogaan ummad sheegtaan.
Hoos ka akhriso dastuurka KMG:
https://www.parliament.gov.so/images/Downloads/Dastuurka_ku_meelgaarka_SOM_03092012-1_2.pdf
Q. Warbaahinta
Xisbiga Daldad
27/11/2024
Fal waxuushnimo ah ayuu ku kacay Xildhibaankan. Sawirkan waxa uu bixinaaya in wax danbi la yiraahdo uusan ka jirin bulshada dhaxeeda. Hadii uu xildhibaan gacan u qaaday booliska, oo uu webiba dhiijiyay, tuugada iyo gaangiska maxaad ka filanaysaan!
Garsoorka waxa aan ka filanaynaa in uu maro xildhibaankan ciqaabta uu mudan yahay.
01/09/2024
Waa wax lagu farxo in dadku ay fahameen dhibaatada ay leedahay geedaha oo la jaro. Waxaa bogaadin mudan tilaabo kasto oo lagu ilaalinaayo deegaanka, gaar ahaan nolasha dhirta.
Xisbiga Daldad waxaa mudnaan u ah quruxda iyo deegaanka oo cagaaran.
X. Warfaafinta
Xisbiga soomaaliyeed:
DALDAD
31/08/2024
Waa nasiib darro waxa ka soconaaya magaalada Baydhabo iyo Hiiraan. Waxaan dowladda ugu baaqaynaa heer dhexe iyo midka maamulka gobolka in la xoojiyo midnimadda iyo jiritaanka qarannimo ee dalkeena. Waa in talaabo caro leh laga qaada kuwa shaarka cadowga gashan oo damacooda yahay in ay kala dhantaalaan midnimadeena.
Dalkeena iyo dowladnimadeena ayaa mudnaanteena koowaad leh.
XISBIGA DALDAD
X. Warbaahinta
Dhagarqabayaasha, argagixisada dhiig jaqayaasha shacbiga aan danbiga lahayn, dhibka ay gaystaan uma baahno in laga tacsiyeeyo oo lala barooto dadka masaakiinta ah ee ciilqabayaasha ah ee waxa ay u baahantahay nabar xoogan in lagu dhufto oo la weeraro marin habaabiyaasha dhalinyarada, kuwii ka banbeeyay iyo horjooga yaashooda. Waa in jug culus lagu gaarsiiya guryahooda iyo tuulooyinka ay joogaan. Dowladdu waa in ay isticmaashaa awoodeeda.
Dadkii naftooda waayay Alle janne haugu badalo. Kuwii jugta gaartayna ilaahay caafimaad haugu badalo iyo in ay indhahooda ku arkaan dhamaadka argagaxisada.
W.Q. Xubin, rasmi ah
Q. Warfaafinta.
Xisbiga DALDAD
02/08/2024
KA MID NOQOSHIYAHA XISBIGA
- Goordhow
Xisbiga waxa uu soo dhaweynaaya qof walba oo ka mid ah bulshada, leh han siyaasad ee isbadal ama hormarin arimaha hormarinta bulshada iyo dowladnimada.
Xisbigu waxa uu leeyahay qeybo hoosaad oo codsaduhu si gaar ah u hoos imaanaayo. Iyada oo ay ku xirantahay aqoontiisa ama xirafadiisa shaqo. Qeyba hoosaadka xibiga uu leeyahay waxaa ka mid ah:
Qeybta siyaasadda guud ee xisbiga.
Qeybta waxbarashada.
Qeybta dhaqaalaha iyo siyaasadda dhaqaale ee xisbiga.
Qeybta murtida iyo hormarinta afsoomaaliga.
Qeybta diinta iyo arimaha bulshada.
Ka mid noqoshiyaha iyo ka bixitaanka xisbiga waxa ay ka go’daa codsadaha. F.G. Majirto qoondo qasab ku ah in ay bixiyaan xubnaha xisbiga wakhtigan xaadirka ah kahor iyo kadib ku biirista xisbiga. Shuruudaha looga baahan yahay codsaduhu iyo siyaasadda xisbiga ee xubnaha xisbiga waa mid dhawaan soo gaba-gaboobayo oo bulshada lala wadaagi doonno.
Ma jeclaan lahayd in aad ku biirto xisbiga DALDAD. Xisbi aragtidaada shakhsi ee arimaha dowladnimada daneenaayo.
Soo dhaweyn hormaris ah. 💜
W.Q. Xubin, rasmi ah
Q. Siyaasadda guud.
Ahna: Gud-guud, K.G.
Xisbiga DALDAD
Khadar Cabdulqaadir
28/07/2024
MOWQIFYO SIYAASAD IYO MAAMUL
XISBIGA DALDAD
1. Sugnaanta, hubinta iyo xifdinta xogta shaqsiyadeed ee muwaadinka: helidda kaar iyo nambar shakhsiyadeed.
2. Amniga muwaadinka naftiisa, sharaftiisa iyo maalkiisa.
3. Si’ simman helidda iyo awoodda baahiyaha aasaasiga ah ee muwaadinka: hoy, caadimaad, waxbarahso, biyo iyo koronto.
4. Ilaalinta xuriyadda hadalka muwaadinka, saxaafadda iyo reebidda ku been abuurashada shakhsiga iyo marinhabaabinta bulshada.
5. Sinnaan cadaalad guud ahaan dalka iyo sinnaan waxwada qaybsi siyaasad iyadoo lagu kala baxaayo doorasho iyo dimuqraadi. Sinnaan xagga shaqada iyadoo muwaadinka loo eegaayo kaliya heerkiisa waxbarsho iyo xirfad iyo caddeyn danbi la’aan.
6. Qaadidda caanshuur si’ loo fuliyo adeegyada dowladda.
7. Ilaalinta hantida, sareynta sharciga dalka iyo dadka.
F.G. Qofob walba waxa uu xisbiga ka leeyahay faahfaahin iyo macluumaad dheeri ah. Waxaan diyaar u nahay inaan kala shaqayno qolo walba qodobadan, sidoo kale, waxaan soo dhaweyneynaa cid walba (xisbi) oo doonayso inay annagu inagala shaqeyso.
W.Q.
Maamulka Wr.B.
Xubib rasmi ah
Xisbiga DALDAD
Click here to claim your Sponsored Listing.
