21/12/2025
Taliyaha Saldhigga Boliiska Deg Kaaraan L/X/le C/laahi Cabdi Sandhiil ayaa Munaasabadii Xalay loogu dabaal dagayay sanad guurada 82aad ee aas aaska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxaa lagu gudoonsiiyay shahaado sharaf uu ku muteystay shaqao wanaag iyo howl karnimo.
Taliye shandhiil ayaa tan iyo markii uu la wareegay shaqada waxa uu wax ka qabtay aminga Degmada iyo sidookale bilicda saldhigga
20/12/2025
Munaasabadda maalinta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed
Waxaa munaadmsabad aad loo soo qaban qaabiyay isla markaana loogu dabaal dagayay maalinta aas aaska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ku beegneed 20 kii Dec 1943 lagu qaabtay maanta oo ay taariikhdu tahay 20 ka Dec 2025 Akadeemiyadda Ciidanka Boliiska ee Genaraal Kaahiye.
Waxaa munaasabadda goobjoog ahaa oo ka soo qeyb galay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Shekh Maxamuud wasiiro, xilibaanno Taliyaasha Ciidamada Qalabka sida taliyaaal iyo safiiro ka kala socday qaar kamid dowladaha Caalamka iyo madax kale oo Soomaaliyeed.
Munaasabadaan ayaa aad uga duwan munaasabadihii h**e ee la qaban jiray kedib markii dib u dayactir balaaran lagu sameeyay dugsiga tababarrada Genaraal Kaahiye oo qaab casri ah loo dhisay iyo Guud ahaan xarumaha xarumaha iyo xafiisyada uu ku howl galo Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyadoo la fulinayo amarka Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Osmaan Abdullahi
Hambalyo
Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed
20 Dec 1943 ----20 Dec 2025
Guul iyo Hormar wanaagsan
06/07/2025
Taliyaha Saldhigga Boliiska Degmada Kaaraan
L/Xle C/laahi Cabdi Sandhiil ayaa caawa ka qeyb galay xafladda abaalmarinta Boliiska Soomaaliyeed oo lagu qabtay Akadeemiyada Boliiska ee Janaraal Kaahiye
Taliyaha Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Asaad Osman Abdullahi ayaana u soo jeediyay Amaan iyo Bogaadin, isagoona amaantaas ku muteyastay shaqada wanaagsan ee uu ka qabtay Saldhigga Boliiska Degmada Kaaraan.
21/06/2025
Dabaaldegyada loogu diyaar garowbayo maalmaha xuriyada oo ka bilowday degmada Kaaraan
ah oo
iyo