19/05/2025
Caawo waxa aan ka qeybgalay bandhigga buugga RAADKEYGII oo uu qoray Reysalwasaare hii h**e ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Geedi.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah XFS
19/05/2025
Caawo waxa aan ka qeybgalay bandhigga buugga RAADKEYGII oo uu qoray Reysalwasaare hii h**e ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Geedi.
Hadaljeedin aan ka sameeyay munaasabadda maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Badda.
19/05/2025
Hambalyo Xuska Maalinta dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed ee 15-ka May oo ku beegan aasaaskii Ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee Somali Youth League (SYL).
Dhallinyarada Soomaaliyeed waa dadka lafdhabarta u ahaa xurriyadda aan ku naaloonayno, hadana kaalin mug leh ka ah dhismaha iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya, waxayna mudan yihiin in la xuso markasta isla markaana lagu dhiiragelliyo wax kasta oo wanaag ah.
19/05/2025
Hambalyo Xuska Maalinta dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed ee 15-ka May oo ku beegan aasaaskii Ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee Somali Youth League (SYL).
Dhallinyarada Soomaaliyeed waa dadka lafdhabarta u ahaa xurriyadda aan ku naaloonayno, hadana kaalin mug leh ka ah dhismaha iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya, waxayna mudan yihiin in la xuso markasta isla markaana lagu dhiiragelliyo wax kasta oo wanaag ah.
19/05/2025
Waa mahad Ilaahay ah, in si rasmi ah noogu qabsoomay Shirweynihii 1-aad ee Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP), kaas oo ay ka qaybgaleen dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada — gaar ahaan dhalinyarada, haweenka iyo mihnadlayda.
Shirkaas waxaa lagu doortay Guddoomiyaha Ururka ahna musharraxa ururka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale, waxaa la doortay Guddoomiye ku xigeenno iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka.
Rubuc qarni kadib markii la dhisay Jamhuuriyadda Saddexaad ee Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed waxa ay u baahnaayeen jihayn cusub, tani waxa ay daba socotaa muddo dheer oo lagu jiray nidaamyo aan caddaalad ahayn, balse loo fasiray in ay yihiin xalaal, kuwaas oo uu saldhig u ahaa nidaamka doorashada dadban.
Shan iyo labaatan sano kadib, waxa la jooga xilligii muwaadinka Soomaaliyeed dib loogu celin lahaa awoodda go’aaminta masiirkiisa, isagoo si toos ah codkiisa ugu dhiibanaya doorasho xor ah (qof iyo cod).
Xukuumadda Dan Qaran, intii ay jirtay, waxa ay dedaal xooggan gelisay sidii muwaadinka Soomaaliyeed loo awoodsiin lahaa. Waxa sidoo kale oo ay ku hawlanayd qabyo-tirka Dastuurka, si loo helo hannaan sharciyeed oo la isla oggol yahay. Waxaa la dhisay Guddiga Doorashooyinka Qaranka, kaas oo ay ansixiyeen labada gole ee Baarlamaanka. Guddigani wuxuu bilaabay diiwaangelinta dadweynaha iyo ururrada siyaasadeed ee doonaya inay shacabka cod weydiistaan.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ayaa sheegaya in waddanku aaday waddo xiran, balse su’aasha la is weydiinayo waxa ay tahay; waddada xiran ma tan loo marayo doorasho xor ah oo muwaadinku xaqiisa ku helayo, mise waa tan dadban oo qofka ay tahay in uu raadiyo cid magacaawdo, muwaadinkana uusan lahayn wax xaq ah.
Waxa ay ila tahay in arrintu caddahay, waddada xiran waa tan aan loo marin doorasho toos ah. Haddii ay siyaasiyiinta qaar ay caadeysteen in ay isu soo sharaxaan sanad walbo, iyagoo taageero shakhsi ah ka raadinaya dowlad uu hor
19/05/2025
Waxa aan kulan heer sare ah la qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiye ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, si loo xoojiyo iskaashiga labada dal ee dhinaca kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah.
Waxa aan ka wada hadalnay maareynta kalluumeysiga waara, horumarinta kalluunka beerashada, dhisidda awoodda shaqaalaha, iyo maalgashiga khayraadka badda ee Soomaaliya. Waxaan sidoo kale isku raacnay muhiimadda isdhaafsiga farsamada, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo iskaashiga la dagaalanka kalluumeysiga sharci darrada ah.
Aniga oo ku faraxsan taageerada joogtada ah ee dowladda Turkiye ay siiso qeybta kalluumeysiga Soomaaliya, waxa aan sidoo kale soo bandhigay fursadaha maalgashadayaasha Turkiye ay ku heli karaan warshadeynta kalluunka iyo horumarinta xeebaha.
Kulanka waxa uu kusoo gabagaboobay heshiis wadajir ah oo lagu xoojinayo mashaariic la taaban karo oo labada dal ka faa’iidi doonaan, si loo hubiyo isticmaalka khayraadka iyo horumar dhaqaale oo muddo dheer socon doona.
19/05/2025
Waxaan maanta xarunta Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, iyo wafdi uu hoggaaminayay. Kulanka waxaa sidoo kale nagu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdi Diirshe.
Intii uu kulanku socday, waxaan si qoto dheer uga wada hadalnay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha. Waxaan si gaar ah diiradda u saarnay muhiimadda ballaarinta iskaashiga dhaqaale, gaar ahaan dhinacyada kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah.
Waxaan si gaar ah u bogaadiyay xiriirka iskaashi ee ka jira labada dal ee ku saabsan ganacsiga kalluumeysiga iyo horumarinta dhaqaalaha buluugga ah, anigoo muujiyay sida ay Wasaaradda uga go’an tahay in la ballaariyo fursadaha suuq-geynta kalluunka Soomaaliyeed.
Danjire Wang Yu wuxuu isna muujiyay sida Dowladda Shiinaha ay uga go’an tahay in ay ganacsatada Soomaaliyeed ka caawiso in ay helaan suuqyo waaweyn, gaar ahaan suuqyada Shiinaha, isaga oo xusay in badeecadahaasi si canshuur-dhaaf ah looga iibin karo gudaha dalka Shiinaha.
Sidoo kale, waxaan isla garanay in aan si wadajir ah uga shaqeyno la dagaallanka kalluumeysiga sharci darrada ah, iyo taageeridda horumarinta ganacsiga kalluumeysiga sharciyeysan ee u dhexeeya labada dal.
Ugu dambeyn, waxaan aniga iyo Danjire Wang Yu si cad u muujinnay taageerada aan u hayno ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha.
19/05/2025
Waxaa aan kulan muhiim ah la qaatay wakiilka Hay'adda FAO ee Soomaaliya, Mudane Etienne Peterschmitt, ayada oo uu i wehlinayo agaasimaha guud ee wasaaradda mudane Cabdi Diirshe.
Kulanka ayaan diiradda ku saarnay wada-shaqeynta hay'adda iyo Wasaaradda, gaar ahaan dhinacyada kalluumeysiga, iyo sidii kalluumeysatada loogu heli lahaa mashaariicyo wax ka taraya sidii loogu faa'ideysan lahaa kheyraadka badda.
19/05/2025
Hambalyo shaqaale weynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan shaqaalaha wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah JFS iyo bahda kalluumeysatada Soomaaliyeed maalinta 1 May ee xuska shaqaalaha adduunka awgeed.
19/05/2025
Maanta waa maalin weyn oo taariikhi ah, oo shacabka Soomaaliyeed u curatay. Is-diiwaangelinta kaarka codbixinta ee ka bilaabatay dalka waxay wax weyn ku soo kordhin doontaa geedi socodka dowlad dhiska Soomaaliya. Soomaaliya, waa dowlad dimuqraadi ah oo dastuurkeeda ku qoranyahay in la qabto doorashooyin toos ah.
Shan iyo labaatan sano kadib, guul taariikhi ah ayaa la gaaray, taas oo ay hirgaliyeen shacabka Soomaaliyeed iyo xukuumaddooda Dan Qaran.
Waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa shacabka gobolka Banaadir, gaar ahaan degmada Shangaani, oo ka dib 56 sano helay fursad ay codkooda ku dhiibtaan marka ay iska diiwaangeliyaan kaarka codbixinta Qaranka.
Tani waa fursad muhiim ah oo ay horay ugu taami jireen shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool caasimadda dalka, kuwaas oo muddo ka badan 58 sano aan awood u lahayn inay codeeyaan qofka maamula.
Hambalyo shacabka Soomaaliyeed!
22/11/2024
Hambalyo Maalinta Caalamiga ah ee muujintinta waxtarnimada Kalluumeysiga.
Ujeedada ugu weyn ee ka dambeysa maalintan ayaa ah in la muujiyo muhiimadda ay leedahay ka faa’iideysiga joogtada ah ee kalluumeysiga, in la xoojiyo bulshooyinka kalluumeysatada ah, in isbeddel dhab ah lagu sameeyo xaaladaha shaqo ee bulshooyinka ku nool xeebaha, iyo in meesha laga saaro kalluumeysiga sharci-darrada
Munaasabaddan Owgeed waxaan u hambalyeynayaa dhammaan kalluumeysatada Soomaaliyeed, bulshooyinka xeebaha, ganacsatada kalluunka iyo dhammaan Shaqaale weynaha Kalluumeysiga Soomaaliya. Waxaan rajeynayaa inaad wadajir uga shaqeyn doono horumarinta Kalluumeysiga Qaranka si aan uga mid noqonno dalalka adduunka ee si wanaagsan uga faa’iideystay kheyraadkooda Kalluunka.