StabComms - Guddiga Xiriirka Arrimaha Xasillinta

StabComms - Guddiga Xiriirka Arrimaha Xasillinta

Share

Waa Page ka rasmiga ah ee Guddiga Xiriirka Arrimaha Xasillinta XFS

03/11/2025
Photos from SONNA's post 30/10/2025
Photos from SODMA Somalia's post 30/10/2025
30/10/2025
Photos from Moifar - Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta's post 30/10/2025
Photos from StabComms - Guddiga Xiriirka Arrimaha Xasillinta's post 30/10/2025

Hey’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA ayaa maanta margelisay kulanka Bllaha ah ee Guddiga Farsamo Xiriirka Arrimaha Xasilinta ee Wasaaradaha iyo Hey’adaha Federaalka ah.

Ugu horreyn Guddoomiyaha Guddiga Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasillinta ahna Agaasimaha Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Waaaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa sharaxay ajendaha kulanka iyo kusoo beegmiddiisa xilli Ciidamada Xoogga dalka ay Khawaarijta ka xoreeyeen deegaanno badan oo dalka ah, loona baahanyahay gudbinta farriimo dhiirigelinaya waxqabadka muuqda, kahortagaya Dacaayadaha Argigixisada isla markaana xoojinaya sharciyadda dowladnimada.

Inta uu kulanku socday Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa soo bandhigtay muuqaal ka warbxinaya xorreynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee degmada Awdheegle iyo booqashada madaxda Wasaaradda iyo hoggaanka ciidamada xoogga dalka iyo sida dadka deegaanka looga korqaaday culeyska Khawaarijta iyo isbadallada nolosha dadka.

Dhankooda Hoggaanka iskuxirka Shacabka iyo Xoogga dalka Soomaaliyeed ee CIMIC oo dadkii ugu h**eeyey ee taga goobaha cadowga laga xoreeyey ayaa guddiga usoo gudbiyey baahiyada ay kusoo arkeen Awdheegle iyo deegaanna kale ee la xoreeyey, iyada oo Argigixisada ay duugeen Ceelaha Biyaha, gubeen Iskuullada iyo goobaha caafimaadka isla markaana ay dadka deegaanka isugu dareen dil, dhac, kufsi, baad iyo barakicin qasab ah.

Waxaa kale oo Warabixinnada muhiimka ee shirka lagusoo bandhigay ka mid ahaa Gargaarka ay Hey’adda Maareynta Musiibooyonka ee SoDMA gaarsiisay deegaannada Awdheegle, Bariire, Sabiib iyo Caanoole iyo sida ay shacabka Soomaaliyeed ee deegaanadaas ugu farxeen gacanta dowladda.

Lataliyaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Idil Cabdi Sabrie ayaa ka hadashay maalgelinta la’aanta soo wajahday howlaha Xasillinta iyo hortabinnada ay tahay lasiiyo deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta iyada oo soojeedisay sidii loo helo lahaa ilo dhaqaale oo buuxiyo marnaanta jirta iyo islutashi.

Ugu dambeyntii Agaasimaha Guud ee SoDMA mudane Cabdirashiid Maxamuud Xasan oo kusoo biiray shirka ayaa bogaadiyey howlaha guddiga isaga oo intaa raaciyey in guddiga looga fadhiyo in ay farriimahooda ku muujiyaan arxandarida, lugooyada iyo diin la’aanta Khawaarijta, lana adkeeyo farriimaha dhiirigelinaya difaaca dalka, dadka iyo diinta, waxaa uuna xubaha guddiga kula dardaarmay xoojinta isla xisaabtanka dhanka dedaallada Xasillinta.

25/10/2025

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa shacabka ku nool gobolka Shabeellaha Hoose si gaar ah deegaanadii dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta u dirtay gaadiid sida shixnad gargaar raashin ah.

Gaadiidkaan oo gaarayay ilaa shangaari ayaa waday raashin, waxaana si gaar ah loogu talagalay shacabka ku nool deegaanada Sabiid, Canoole, Bariire kuwaas oo dhawaan laga xoreeyay khawaarijta.

Photos from StabComms - Guddiga Xiriirka Arrimaha Xasillinta's post 28/09/2025

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa guddoomiyey kulanka Bllaha ah ee Guddiga Farsamo Xiriirka Arrimaha Xasilinta ee Wasaaradaha iyo Hey’adaha Federaalka ah.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaray xoojinta baahinta iyo xiriirka dedaallada wadajirka ah ee Arrimaha Xasilinta iyo mideynta farriimaha la dagaallanka khawaarijta, iyadoo xoogga la saarayo hortabinnada iyo baahiyaha deegaanka laga h**eeyay Khawaarijta.

Xubnaha kala duwan ee guddiga ayaa ka warbixyey howlaha ay Xasillnta ka qabtaan Wasaarada iyo Hey’adaha ay ka socdaan, iyada oo goobta lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo taabanaya Xasillinta iyo sidii loogu heli lahaa maalgelinta howlaha.

Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali(Xoosh) Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo la hadlay guddiga ayaa bogaadiyey howlaha ay Xasillinta ka hayaan Wasaaradaha Iyo Hay’adaha Dowladda, isagoo faray dardargelinta arrimaha xiriirka Xasilinta. Mudane Xoosh ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay farriimaha la xiriira xoreynta iyo dhiirigelinta dedaallada sookabashada iyo xasillinta ka socota deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta, waxaa uuna xubnaha guddiga Xiriirka ee Arrimaha Xasillinta kula dardaarmay joogteyta howlaha.

Guddigan oo ay hoggaamiso Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa la aasaasay January 2024-kii, wuxuuna ku guuleystay mideynta farriimaha dowladda ee dagaalka lagula jiro Khawaarinta iyo guud ahaan baahinta sharciyadda dowladda iyada oo warbixinno laga soo sameeyey magaalooyinka la xoreeyey, shacabka ay ka hadleen isbadallada wanaagsan ee xorreynta horseedday iyo jacaylka ay u qabaan dowladnimada.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address

888 Road
Mogadishu