Hambalyo Maalinta Shaqaalaha Adduunka.
Tallaabo kasta waxay leedahay ujeeddo, shaqo kastana waxay u baahan tahay dadaal iyo masuuliyad. Shaqaaluhu waa laf-dhabarta horumarka iyo socodsiinta howlaha maalinlaha ah. Maanta waxaan qadarin u muujineynaa dadaalkooda iyo kaalinta ay bulshada ku leeyihiin.
Mogadishu Port Authority
Official page of Mogadishu Port Authority | Bogga Rasmiga ah ee Maamulka Dekadda Muqadisho.
Sida lagu soo bandhigay AnewZ, Dekedda Muqdisho waxay taagan tahay wadnaha isbeddelka dhaqaale ee Soomaaliya. Muuqaalkani wuxuu iftiiminayaa saameynteeda iyo mustaqbalka ay leedahay.
21/04/2026
Rug cadaa Cabdisalam Hereri kuso dhawoow Dekedda Muqdisho
Hereri Media 14 likes, 2 comments. "Dekeda Mogadisho oo la dhisay 1977 waxaa imika lagu bedelaya mid cusub oo ay ku baxayso 800 Million"
Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Danjire Amb Mohamed Ali Nur, oo ay wehliyaan maareeye ku-xigeennada, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray tababar loo qabtay shaqaale ka tirsan dekedda, kuwaas oo bartay luqadda suul dhabbaale ama (sign language), si loo xoojiyo adeegyada loo fidiyo dadka maqalka naafada ka ah.
Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Amb Mohamed Ali Nur oo ay wehaliyan Maareeye kuxigeenada Dekadda Abdallah kaarshe & Ismail Aw Musse ayaa maanta Kormeer shaqo ku tagay xafiiska cusub ee Maamulka Dekedda Muqdisho, isaga oo u kuurgalay si uu u ogaado heerka uu marayo dhismaha iyo diyaarinta adeegyada.
Wuxuu warbixin ka dhageystay masuuliyiinta mashruuca, isagoo ammaanay dadaalkooda, isla markaana faray in la dedejiyo shaqada hartay si xafiiska cusub loo howlgeliyo waqtigii loogu talagalay.
16/04/2026
Somali National Television 5 likes, 1 comment. "Maareeye Kaarshe“Booqashadan wafdiga Cumaan ee Dekedda waxay u noqon doontaa fure mashariic oo cusub"
Maareeye Ku-Xigeenka Dekedda Muqdisho, Mudane Abdallah kaarshe, ayaa maanta xarunta Dekedda Muqdisho ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Cumaan, gaar ahaan Shirkadda Caalamiga ah ee Maraakiibta iyo Adeegyada Badda ee Khaliijka (GISMCO).
15/04/2026
Maareeye Ku-Xigeenka Dekedda Muqdisho, Mudane Abdallah kaarshe, ayaa maanta xarunta Dekedda Muqdisho ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Cumaan, gaar ahaan Shirkadda Caalamiga ah ee Maraakiibta iyo Adeegyada Badda ee Khaliijka (GISMCO).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca maraakiibta iyo adeegyada badda, iyada oo si gaar ah loo falanqeeyay fursadaha ay maraakiibta ka diiwaangashan Cumaan uga soo xiran karaan Dekedda Muqdisho. Sidoo kale, labada dhinac waxay isla qaateen muhiimadda ay leedahay horumarinta ganacsiga badda iyo kobcinta xiriirka ganacsi ee labadda Dal.
Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Mudane Amb Mohamed Ali Nur ( Americo ) ayaa guddoomiyay shir ay isugu yimaadeen agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee Dekedda Muqdisho.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha shaqo, qiimeynta guulaha la gaaray, iyo horumarka laga sameeyay adeegyada dekedda. Sidoo kale, waxaa kulanka ka qeyb galay maareeye ku xigeennada dekedda, iyagoo ka qeyb qaatay falanqeynta iyo talooyinka lagu horumarinayo waxqabadka guud ee dekedda.
Anbabaxa maanta ee markabka Çağrı Bey, oo muddo laba maalmood ah marti ku ahaa Dekedda Muqdisho.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Mogadishu
