Hopeful

Hopeful

Share

waxa aan xoogga saareynaa intii kaaraankeena ah soo bandhigista bilicda guud ahaan soomaaliya, magaalooyinka, beeraha iyo waxkasta oo hormarka la xiriira.

Photos from Hopeful's post 21/01/2024

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA IYO DHIGGIISA DALKA MASAR OO WADAJIR UGA HADLAY XAALADDA GOBOLKA

Qaahira, Jannaayo 21, 2024- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Madaxtooyada dalkaas, waxa uu kulan miro dhal ah kula qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay amniga iyo istaraatiijadda Carbeed ee Badda Cas, xaaladda gobolka, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xoojinta iskaashiga faca-weyn ee ka dhexeeya Labada shacab ee walaalaha ah.

Kuanka gaarka ah ee Labada Madaxweyne kaddib, waxay wadajir u qabteen shir-saxaafadeed ay ku soo bandhigeen miro-dhalka wada-hadalkooda iyo aragtidooda ku aaddan xaaladaha ka taagan Gobolka, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu tilmaamay sida dowladda Soomaaliya ay ula kaashanayso xulafada , bahwadaagta iyo saaxiibbada caalamka sidii looga hortagi lahaa caqabad kasta oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna.

“Masar dowlad iyo shacab, waxaan nahay xulufo iyo walaalo soo jireen ah oo markasta ka wada shaqeeya sidii ay u abuuri lahaayeen mustaqbal ifiya iyo horumar waara. Wadahadallada miro-dhalka ah ee aan maanta yeelannay waxay muujinayaan sida aan u doonayno in aan xoojinno xiriirka diblumaasiyadeed, amni iyo siyaasadeed.”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uga mahad celiyay dowladda Masar mowqifka walaalnimada ah ee ay ka istaageen damaca xukuumadda Addis-ababa ee la xiriira badda Soomaaliya ayaa soo bandhigay ahmiyadda dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee Badda Cas, waxa uuna sheegay in Soomaaliya ay saami weyn ku leedahay Baddan, taas oo aysan u aqbalayn dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in dal kale ay kusoo xadgudbaan taako ka mid ah.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi ayaa tilmaamay saamaynta amni, dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee uu gobolka ku yeelanayo xad-gudubka dowladda Ethiopia ee ka dhanka ah midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in aysan indhaha ka fiirsanayn xadgudubkaas, maadaama ay Soomaaliya iyo Masar yihiin Labo dal oo qaan-wadaag ah, kuna mideysan dalladaha Carbeed iyo kuwa Afrika.

“Xeerka Jaamacadda Carabta waxa uu dhigayaa in aan wadajir u difaacno dalkii Carbeed oo ay soo food-saarto khatar jiritaan, sidaas awgeed Dowladda Masar ma aqbalayso in la faro-geliyo, laguna soo xadgudbo midnimada iyo amniga Soomaaliya. Awoodda Masar yaan la tijaabin oo la handadin walaalhood, gaar ahaan dalalka walaalaha ah ee naga codsada in aan garab istaagno”.

Ugu danbeyntii, labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xoojinta iskaashiga labada dal ee soo jireenka ah, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu uga warbixiyey dhiggiisa Dalka Masar guulaha muuqda ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen amniga, dagaalka argagixisada iyo gaaridda guulihii taariikhiga ee dalkeennu ka gaaray qaadista Cuna-qabatayntii hubka, deyn cafinta iyo ku biiristii suuqa dhaqaalaha bulshada bariga Afrika.

Photos from Hopeful's post 20/01/2024

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ajiibay martiqaad rasmi ah oo uu u fidiyey dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi ayaa gaaray magaalada Qaahira ee xarunta dalkaas.

Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsan doona xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, iyagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga faca weyn ee ay wadaagaan Labada shacab.

19/01/2024

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka baaqsaday inuu galo sawirka loo dhan yahay (Photo Group) ee Shir-madaxeedka 19aad ee dalalka dhexdhexaadka ah ee ka dhacay Kampala.

Inkastoo Madaxweynuhu uu shirka joogay haddana k**a uusan soo muuqan sawirka loo dhan yahay (Photo Group) waxaa sawirkaas ka dhex muuqday Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Saalax Jaamac.

Shirkan ayaa waxaa maanta ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo shalay isna ka baaqsaday shir madaxeedkii IGAD.

11/10/2021

Sideed jeclaan laheyd in looga falceliyo guusha la filayo in soomaaliya kala soo hoyato maxk**adda caalamiga ah ee ICJ, barri galab haddii rabbi idmo ?

28/02/2021

Libaaxyadi Geeska Afrika SNA wey soolaabten share garee

12/08/2019

Madaxwaynaha ayaa nin waalan weydiiyay:
waa maxay xukunka qofkii wax xada?

"" Ninkii waalnaa waxa uu ku jawaabay ,
haddii ay tuugnimadu dhaqankiisa tahay, markaas gacanta tuugga ayaa la goynayaa, balse haddii ay gaajo u gaysay, waxaa la goynayaa gacanta madaxwaynaha """

Xig. Nabadoon garcade

11/08/2019

Mr. Jonathan Lee Riches waa 42 jir u dhashay Mareykanka. Waa qofka ugu dacwada badan caalamka. Waxa uu maxk**ad geeyay in ka badan 2,600 oo dacwad ah. Isaga oo 16 jir ah ayuu dacwooyinkaas soo bilaabay. Waxa uu dacwad ku soo oogay hooyadiis oo uu ku soo eedeeyay in ay dayacday carruurnumadiisii, waxa uuna tusaale nool ka dhigtay in isaga oo saddex sano jir ah uu gacanta ka gubtay, ayna hooyadiis ka celin oo ay iska mashquulsaneed.

Wuxuu sidoo kale dacwad ku oogay xaaskiisa, qaraabadiisa, deriskiisa, saaxiibbadiis, xarumo boolis, garsooreyaal iyo qareenno isagu u doodayay. Shirkadda Rockstar ee soo saartay game-ka GTA ayuu ku dacweeyay in uu shil galay isaga oo ku mashquulsan game-kooda.
Waxa uu sidoo kale dacweeyay shabakadda Guinness World Records oo wax ka qorta dadka taariikhda ka galay caalamka, oo isaga markaas u diiwaan-gelisay qofka ugu dacwada badan caalamka, waxa uuna ku soo eedeeyay in iyaga oo aan isaga ogolaasho weydiisan ay xogtiisa kusoo daabaceen website-kooda.

Waxa uu dacwo maxk**ad ka geeyay taallada Lincoln, Jimmy Hoffa oo madax u ahaa ururka shaqaalaha Mareykanka, Aflaadon(Plato) oo ah feylasuuf Giriig ah oo dhintay Nabi Ciise ka hor, burcad-badeed Soomaali ah, madaxweynihii h**e ee Mareykanka George W. Bush iyo madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani.

Mar la wareysanayay oo uu isweydiiyay sababta ay dadku isaga u necebyihiin ayaa wariyihii ku qoslay, kadibna wariyihii ayuu dacwad ku soo oogay, waxa uuna ku eedeeyay in uu dareenkiisa dhaawacay oo uu su'aashiisa si jeesjees ah ugu qoslay, waxa uuna sidaas tilifishinkii uga helay $50,000 oo magdhaw ah.

In kaste oo uusan ku guuleysa dacwooyinkiisa badankood, waxa ay sanadkii 2018 lacagta uu dacwooyinkaas ka helay mareysay $850,000 oo uu magdhaw ahaan uga helay dacwooyinkii uu dadka ku soo oogay.

Hadda, waxaan ka baqanayaa in uu igu soo dacweeyo sababta aan ogolaansho la'aan xogtiisa halkan ugu soo qoray, waana macquul in uu idigana kuu qabsado sababta aad ogolaansho la'aan xogtiisa isaga aqrisatay.

X. Husein hassan yusuf

08/08/2019

Richard Dove Williams waa aabaha dhalay gabadha ugu guulaha badan kubadda tennis-ka ee Serena Williams iyo walaasheed Venus Williams oo iyadana tennis ciyaarta.

1986 Richard isagoo TV daawanaya wuxuu arkay gabadha caanka ah ee Virginia Ruzici oo u dhalatay dalka Romania taas oo ciyaar ay ku guuleysatay tennis-ka ku qaadatay jeeg (cheque) ay ku qoran tahay $30'000.

Inkastoo uu ahaa aabe aan dhaqaale fiican heysan markiisii h**ena aan ku fiicneyn kubadda tennis-ka hadana wuxuu markaas go'aansaday inuu gabdhihiisa u tababaro ciyaarta tennis-ka. Asxaabtiisa qaar kamid ah waxay dheheen waa go'aan khaldan oo aan natiijo laga keeni doonin. K**a niyad jabin hadalkooda k**a laaban go'aankiisa wuxuu markaas kadib sameystay qorshe uu ku qortay buug 78 bog ka kooban.

Kahor inta uusan tababare u noqon, wuxuu gabdhaha geeyay academy ay casharo tennis ku qaataan. Xiligaas da'dooda waxay kala ahaayeen Venus oo 6 jir ahayd iyo Serena 4.5 jirtay. Isagana wuxuu si gaar ah u baran jiran tababarenimada tennis-ka si uu gabdhihiisa u siiyo casharo marka guriga la joogo ama fursad isku helaan. Wuxuu ka baran jiray nin oday ah oo howlgab ahaa.

Tallaabadaas uu qaaday darteed, dad badan waxay u arkayeen uun nin iska riyoonayo, waxaa taas kasii darneyd markii uu academy-yada ka saaray 1995 oo uu go'aansaday inuu isaga si gaar u tababari doono 2diisa gabdhood. Dad badan ayaa su'aal ka qabay inuu guulo ka keeni doono tennis-ka maadama uusan lahayn waayo aragnimo ku filan uu wax ku hoggaamin karay.

Sanad kadib labada gabdhoodba waxay noqdeen ciyaartoy caalami ah (professional tennis player). Serena waxay koobkii ugu h**eeyay ku guuleysatay 1999.

20 sano kadib 2019 Serena Williams waa gabadha ugu guulaha badan kubadda tennis-ka gabdhaha. Walaasheed Venus iyadana 10 h**e ayay ku jirtaa.

Aabe Richard Williams oo ahaa tabarahooda waqtigooda ciyaareed intii ugu badneyd wuxuu ku guuleysatay 109 title oo single ah iyo 28 title oo double ah. Waxayna taasi ka dhigaysaa tababare aan waxbarasho formal ah soo marin kii ugu guulaha badnaa. Wuxuuna kamid yahay 10 ka h**e tababareyaasha ugu guulaha badan.

Sometimes it's the smallest decisions that can change your life forever.

~Keri Russell

Xig. Mohamed ali adan

12/06/2019
11/06/2019

Tijaabi Garashadaada- Ficil Dambiyeed
"""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""
Police ka Magaalada Muqdisho waaxda
Danbi baadhista oo uu hogaminayo
Korneel- ayaa loogu wacay
Nin mayd ah oo madaxa xabad uga
Taalo.

NInka waxa ag yaala bistolad, baag iyo
Radio cajalad ku jirto. Korneel xaayow
Maydkii uu fiir fiiriyay , gacmaha uu
Gloves gashtay. Cajaladii ayuu ( play)
Taabtay.

Cod cajalada ku duuban oo nin ah
Ayaa hadlay isagoo leh, abayo
Adi dartaa baan isu dilay iyo dhawaaqa
Xabad dhacday( bac)

Korneel madaxa uu ruxay
Isla markiiba wuxuu qoray in fal dan
biyeed meeshan ka dhacay oo ninkan
La dilay - muxuu ugu maleyay hadaba
In ninka la dilay?

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address

Mogadishu