17/03/2023
Dr. L*l Mohamud Mohamed
Hanbalyo mar 2aad
political talking and clear diversity
17/03/2023
Dr. L*l Mohamud Mohamed
Hanbalyo mar 2aad
Hassan Sheikh Mohamud
Daud Abdi Sudi
Garabkada nahahay.
06/05/2022
Abdirahman Abdishakur Warsame
Somaliya Hogaamiye nuucee ah ayey u baahantahay?
Marka koowaad Somaliya waxay u baahantahay hogaamiye ee uma baahna madaxweyne waxay koloo u baahntahay Hogaamiye fahansana waxay ay isku heystaan ummada somaliyeed iyo sida lagu xalin karo. sida aan wada ognahay somaliya waxay qadatay nidaamka federalka oo wadanka waxaa ka jira dowlad gobaleedyo ee qasab tahay in talada dalka wax laga siiyo.
Shakhsiga raba in uu hogaamiye ummada somaliyeed waa in uu noqdaa shakhsi fahansan sida awooda dowladda dhexe loogu soo celin karo sidaas si la mid ahna dowlad-goboleedyadana kalsooni loogu abuuri karo oo awoodda ay leeyihiinna loogu dayn karo sabatuna waxay tahay marxalada soo aadan somaliay u tahay kalabeer oo ma lumin karto waana qasab in la helo hogaan sax ah marxalada soo socota.
Hogaamiye AAW inta u tagan qabashada xilka madaxweyne-nimada somalia waa shakhsiga kaliye ee darsay nidaamka federalka ah oo heerka 2aad jamacad ku diyaariyay COMPARATIVE FEDERALISM) Jaamacada Qaranka Malaysia (National University Of Malaysia UKM).
Waa Hogaamiye fahasan waxa uu yahay federaal awoodaha sharciga ah ay kala leeyihiin dowlada dhaxe iyo dowlad Goboleedyada.
Hadaba Somalia waxay u baahantahay hogaamiye ka shaqeeya dhismaha dawlad casri ah oo ku dhisan saraynta sharciga, xoojisa dhaqanka madaniga ah ee ku dhisan dimoqoraadiyada iyo cadaalad bulsho, adakaysa midnimada Soomaaliyeed islmarkaana baahisa awooda maamul ee dawladda iyadoo la raacayo habka maamul ee Gun-kasoo dhiska iyo hannaanka federaalka.
15 may waxaan rajeynaa in Balamaanka labadiisa aqal aysan il duufi doonin oo ay noo doori doonaana hogaamiyaha shacabka, hogaamiyaha dhalinyarada maadama 15 may tahay maalinta dhalinyarda somaliyeed waana hogaamiye Abdirahman Abdishakur Warsame
12/01/2022
Cali Aadan Muumin
26/12/2021
Mohamed Hussein Roble
OPM Somalia
War-Saxaafadeed
Musharrax gaar ah lagama aqbalayo in uu doorashada ku takri falo.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu aad uga xun yahay qoraalka saaka aroortii kasoo baxay Xafiiska Madaxwaynaha.
Qoraalkaas waxa uu ahaa mid si ku talo-gal ah uu Madaxwaynuhu ugu carqaladaynayo hannaanka Doorashada Dalka oo maraya marxalad aad xasaasi u ah.
Sida ka muuqata waqtiga lagu soo beegay qoraalkan oo ah xilli loo balansanyahay Kulanka Golaha wadatashiga Qaranka oo la doonayo in lagu dardargaliyo howlaha Doorashooyinka, iyo ilaalinta hufnaanta doorashada, waa qorshe uu Madaxwaynuhu ku doonayo in uu uga hortago kulanka Golaha taas oo si cad u muujinaysa in aanu Madaxwaynuhu marna raali ka noqon, kana noqondoonin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho ay ku kalsoonaan karaan Bulshada Soomaaliyeed.
Waxaan la wadaagaynaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba in Madaxwaynuhu intii uu Xafiiska joogay uu waqti, maal iyo maskaxba ku bixinayay sidii uu kusii joogi lahaa xafiiska isaga oo isku dayaya in doorashadu noqoto oo kaliya mid ka jawaabaysa doonistiisa ama uu wadada u xaarto muddo kororsi sharci-darro ah.
Tan iyo intii uu Ra’iisul Wasaauruhu la wareegay hoggaaminta howlaha doorashada, Madaxwaynuhu waxa uu si joogto ah caqabad ugu ahaa hirgalinta doorashadii lagu heshiiyay, isaga oo isticmaalayay xeelado kala duwan kuwaas oo markii mid la xaliyaba uu buurayay mid kale ilaa uu saaka si cad oo sharciga baalmarsan u soo saaray baaqan mas’uuliyad-darrada ah.
Waxaa xusid mudan in doorashada uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaruhu ay tahay mid ay u siman yihiin dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Musharaxiinta u tartamaya hoggaanka dalka oo uu ku jiro Madaxwaynahu sidaas darteed lama aqbali karo in Musharax gaar ah uu isku dayo in uu doorashada ka dhigo mid uu natiijadeeda ku leeyahay saamayn gaar ah.
Haddaba, waxaan Shacabka Soomaaliyeed u caddayneynaa in mas’uuliyadda doorashadu ay saaran tahay Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wadatashiga Qaranka, sidaas awgeed shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qabsoomaya Magaalada Muqdisho sidii uu ku tala galku ahaa.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu wadaa Kulammo aragti wadaag ah oo uu la leeyahay, Bulshada Rayidka ah, Golaha Musharaxiinta iyo Beesha Caalamka si looga dhagaysto talooyinkooda la xiriira hufnaanta doorashada iyo dhammaystirka Golaha Shacabka oo waqtiyaysan kuwaas oo lagu dhamaystiri doono kulanka Golaha Wadashiga Qaranka ee qorshaysan.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu la socodsiinayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Bulshada Caalamka in la joogo xilligii si wadajir ah looga hor-imaan lahaa shaqsiyaadka caqabadda ku ah nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya si looga baaqsado in uu dalku galo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.
Ugu danbayn, Ra’iisulewasaaruhu isaga oo gudanaya waajibaadka qaran ee uu siiyay Dastuurka KMG ah ,raacayana Heshiisyada Siyaasadeed ee awoodda u siiyay hogaaminta Doorashada iyo Amniga, wuxuu u balanqaadayaa Shacabka Soomaaliyeed isaga oo kaashasnaya Golaha wadatashiga Qaranka in uu xoggiisa isugu gaynayo dhamaystirtka Doorashada iyada oo la ilaalinayo hufnaanteeda maadaama xalka kaliya ee u furan Qarankaan ay tahay Doorasho horseeda in awoodda loogu kala wareego si sharci ah oo nabdoon.
DHAMMAAD
23/12/2021
Mohamed Hussein Roble
Xikmad baa oranayssa
“Haddii aadan yadda (Dharbaaxyada) h**e wax ka baran, tan labaad waa istaahishaa”.
23/04/2021
Ma donayno mana doni dono qof walbo kursiga madaxwayne so maro inu ku darsado
Ka dhalinyaro ahan ma donayno wadankan inu buq galo