H E Salim Aliyow Ibrow

H E Salim Aliyow Ibrow

Share

Politician

20/03/2026

QORAAL RASMI AH

Waxaan si cad u beeninayaa wararka lagu faafiyay baraha bulshada ee sheegaya in aan iscasilay.

Mana jirto sabab aan isku casilo wararkaas been abuurka waxaa magalada soo geliyay mamulka mudo xileedkiisa sharciga dhamaadey ee Konfur galbeed somalia
Waxaana taageersanahay goaanada ay wado dowlada fedralka ah ee somalia oo lagu badbaadinaayo shacabka Reer konfur galbeed

Wararkaasi waa kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, kana fog xaqiiqda jirta.

Waxaan sidoo kale caddeynayaa in wararkan been-abuurka ah ay ka dambeeyaan kooxo iyo shaqsiyaad leh dano gaar ah leh, kuwaas oo si ula kac ah u wiiqaya howlaha muhiimka ah ee aan u hayo shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan si buuxda u gudanayaa waajibaadkeyga shaqo, waxaana sii wadayaa dadaallada aan ku horumarinayo shaqada iyo arrimaha bulshada ee dalka.

Waxaan ugu baaqayaa bulshada Soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan wararka aan la hubin

Mahadsanidiin.

Prof H E Salim Aliyow Ibrow
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

19/03/2026
19/03/2026

عيدكم مبارك، كل عام وأنتم بخير، تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال، وجعل أيامكم سعادة وفرح.

Ciid Mubaarak 🌙

Waxaan hambalyo diirran u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fitriga.

Waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu naga aqbalo cibaadadii aynu soo gudannay bisha Ramadaan, kana yeelo mid miro dhal ah oo horseeda nabad, midnimo iyo horumar.

Ciiddu waa fursad aynu ku xoojino xiriirkeena bulsho, isu naxariisanno, isla markaana garab istaagno kuwa nugul.

Sanad walba kheyr iyo barwaaqo. Ciid Mubaarak.

Prof. Salim Aliyow ibrow
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS

19/03/2026

Ciidul Fitriga – Hambalyo Rasmi ah 🌙

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof.Salim Alio Ibro, waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fitriga awgeed.

Munaasabaddan qiimaha badan waxay astaan u tahay midnimo, walaaltinimo iyo gargaar bulsho. Waxaan Ilaahay ka rajeynaynaa inuu naga aqbalo cibaadadii aan soo gudannay bisha Ramadaan, isla markaana nagu gallado caafimaad, nabad waarta iyo horumar.

Wasaaraddu waxay mar kale ku boorinaysaa bulshada Soomaaliyeed in la xoojiyo isku duubnida, wadajirka iyo is-kaashiga si loo gaaro bulsho barwaaqo iyo xasilooni leh.

Sanad walba kheyr iyo barwaaqo – Ciid Mubaarak.

⸻DHAMAAD———

Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan kala xiriir:
Yasir El-hadadi
Madaxa Isgaarsiinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada
Dowladda Federaalka Soomaaliya
📍 Muqdisho, Soomaaliya
📧 Email: [email protected]
🌐 Website: www.molsa.gov.so

Photos from Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya's post 09/03/2026
03/01/2026

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Prof. Salim Aliyoe Ibrow, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Doha, ayaa kulan rasmi ah la yeeshay Wasiirka Shaqada ee Dowladda Qatar. Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga shaqo ee ka dhexeeya labada dal.

Intii uu kulanku socday, labada wasiir waxay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga dhinacyada shaqada iyo shaqaalaha, fududeynta nidaamka shaqaale u dirista dalka Qatar, iyo sidii loo horumarin lahaa habraacyada la xiriira shaqaaleynta muwaadiniinta Soomaaliyeed. Sidoo kale, Dowladda Qatar ayaa muujisay diyaar garow ay ku taageereyso Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya sare u qaadista tayada iyo xirfadaha shaqaalaha Soomaaliyeed si ay ula jaanqaadaan baahiyaha suuqa shaqada.

Wasiir Prof. Salim Alio Ibro ayaa uga mahadceliyay Dowladda Qatar taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi miro-dhal ah oo ku saleysan dan wadaag.

Labada dhinac ayaa isku raacay in la sii dardargeliyo wada shaqeynta, lana horumariyo fursadaha shaqo ee sharciyeysan, ammaan ah, isla markaana waara, si ay uga faa’iideystaan labada shacab ee walaalaha ah.

DHAMAAD

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address

Mogadishu