01/12/2025
DOORASHO IYO DIIWAANGELIN QORSHE-LA’AAN AH, KAGA DHUUMASHADA DHALIILAHA, DHAQAALE KA SAMAYNTA DOORASHADA EE DAWLADDA DHEXE, DIB-U-DHACA AY U KEENAYSO MAGAALADA MUQDISHO IYO DIMUQRAADDIYADDA DALKA!.
Doorashooyinka Goleyaasha Deeggaanka ee Dawladdu rabto inay magaalada Muqdisho ka qabato aan wax yar kuu faahfaahiyo oo kaa fahamsiiyo qaab-darrada, qorshe-la’aanta, qabyaaladda, qalalaasaha iyo qarash-burburka la qorsheeyay ee magaca doorasho dusha laga huwiyay, laguna duugay nidaamkii dawladnimada loo wada dhanyahay iyo dimuqraadiyaddii. Doorashadan ayaa sidoo kale lagu sii xoojiyay qabyaaladdii iyo qoondadii qabiilka, isla markaana lagu dhameeyay dhaqaalihii Dowladda, lagagana mashquuliy shaqooyinkii mudnaanta iyo muhiimada lahaa ee Xukuumaddu bulshada u ballanqaadday muddada xilheynteeda.
Sida Guddiga Doorashooyinku sheegeen, ilaa hadda waxa Diiwaangashan 61 Ururo Siyaasadeed oo la rabaa inay ka qayb-galaan Doorashada Goleyaasha Deeggaanka magaalada Muqdisho. Waxaa la Qorsheeyay in ay Doorashadu ka dhacdo 16 Deggmo oo ka tirsan magaalada Muqdisho. Degmooyinka waxa loo kala Qaybiyay darajooyinka A iyo B. Degmooyinka 16-ka ah, Waxaa Degmo kasta waxaa loo qorsheeyay Qoondo Xildhibaanno Gole Deeggaan ah inay ka Soo baxaan, iyada oo Deggmooyinka Darajooyinka A iyo B kala Xildhibaanno Gole Deeggaan badanyihiin.
SIDEE 16-KA DEGMO DOORASHO EE MAGAALADA MUQDISHO LOOGU KALA QAYBIYAY XILDHIBAANNADA GOLAHA DEEGGAANKA.
☆ Deggmooyinka A waa 9 Deggmo, waxaana loo Qorsheeyay in degno walba yeelato 27 Xubnood oo Gole deeggaan ah.
Degmooyinka Darajada A 9 × 27 Xildhibaan = 243 Xildhibaano Goleyaasha deeggaanka ah.
☆ Deggmooyinka B waa 7 Degmo, waxaana loo Qorsheeyay in Degmo walba yeelato 21 Xubnood oo Gole Deeggaan ah.
Deggmooyinka Darajada B 7 × 21 Xildhibaan= 147 Xildhibaano Goleyaasha Deeggaanka ah.
ISKU GEYNTA GUUD EE GOLEYAASHA DEEGGAANKA EE 16-KA DEGMO EE MAGAALADA MUQDISHO YEELAN DOONAAN
9 Deggmo ee darajada A:
243 xildhibaanno goleyaasha degmooyinka ah.
7 Deggmo ee darajada B:
147 xildhibaanno goleyaasha degmooyinka ah.
Waddarta guud:
243 + 147 = 390 xildhibaanno goleyaasha deeggaanka ee 16-ka Degmo ee Magaalada Muqdisho yeelan doonaan.
1. DOORASHO IYO DIIWAANGELIN QORSHE LA'AAN AH:
Doorashooyinka Goleyaasha Deggmooyinka Magaalada Muqdisho waa doorasho ku dhisan laab-lakac, kaligii-talisnimo, ka fiirsi la'aan, wadatashi la'aan, iyo saami Qaybsi Qabiil oo horay loo sii qorsheeyay, loo sii kala qaybsaday loona sii qortay. Waa Barnaamij ku billowday Diiwaangelin Qasab ah iyo Qoor-qabad, oo bulshadu aanay wax talo iyo toosin ah ku lahayn, waa Diiwaangelin dadka lagu qasbayay oo si xoog ah suuqa looga soo qafaalayey shacabka iyada oo Awooda Dawlada loo isticmaalayo si ay kaadh ku sheega doorashada u qaataan. Ma jirin qalab sax ah oo lagu kalsoonaan karo oo dadka lagu diiwaangelinayay. Waxaa cadayn u ah in dad badan ka Qaateen kaadhka codbixinta Deggmooyin kala duwan, iyada oo systemka Diiwaangelintu aanu qaban ku noq-noqoshadaas. Arintaasi waa cadayn buuxda oo muujinaysa inaan lagu kalsoonaan karin la iskuna halayn kari Natiijada kasoo bixi doonta doorashadaas.
Lama samayn guud ahaan Qorshaha iyo Sharciyadii maamulka Deggmooyinka iyo Gobolka. lama diyaarin Qorshe Guud ee
tirada Xildhibaannada Golaha Deeggaanka ee Magaalada Muqdisho yeelanayso oo la isku waafaqsan yahay, heshiisna lagu yahay. Sidoo Kale lama samayn shuruudaha laga rabo Qofka isu Sharaxaya Xildhibaan foleyaasha deeggaanka, lama samayn Sharciga mudada xil-haynta Goleyaasha deeggaanka, Mushaharka ay Qaadanayaan, iyo sababaha ay Xilka ku waayi karaan. Intaas waxa dheer lama Samayn Sharciga kala xadeynaya Awoodaha Maamulka deggmooyinka, Maamulka Gobolka, iyo Dawladda dhexe.
2. KAGA DHUUMASHADA DHALIILAHEED DAWLADDA DHEXE EE DOORASHADA:
Doorashooyinka Goleyaasha Deeggaanka Magaalada Muqdisho waa Dhuumaalaysi Siyaasadeed oo ay Xukuumadda talada haysaa isku muujinayso, sidoo kalena iskaga jeedinayso indhaha bulshada, kuna sii cimri dheeraysanayso. Dawladdu waxay hoggaanka u haysa hannaanka guud ee doorashadan oo ah mid uu hadheeyay Musuq-maasuq, Maamul xumo, Maroorsi awoodeed iyo ku maquunin lacageed ee dadka dhaliilsan hannaanka wax loo wado.
Xukuumadda talada haysaa waxay u wakiilatay Guddiga Doorashada oo magac-u -yaal ah kuna shaqeeya damaca iyo doonista Dawladda oo xoog iyo xatooyo ku maamuleysa hannaanka guud ee doorashada, kana dhiganaysa Guul Siyaasadeed iyo Waxqabad ay dalka ka hirgalisay si ay uga dhuumato dhaliilaha ku gedaaman hoggaaminta muddo xileedka Xukuumadda talada haysa ee ay Hoggaamiyaan Madaxweyne Xasan iyo Raysal-wasaare Xamse. Barnaamijkan Doorashaddu waa mid ay Xukuumaddu ka dhiganayso Nafis iyo Naruuro waxqabad oo ay ku Qarinayaan dawlad la'aanta, dhaqaale-xumada dalka ka jirta, dhibaatooyinka ay u geysteen bulshada danyarta ah, dib u dhaca dimuqraadiyadda, Dagaalka Maamul Goboleedyada oo aan guul laga gaadhin, Dagaaladda xoraynta dalka ee fashilmay, dhul-boobka dhulkii danta guud, iyo dharbaaxooyinka diblomaasiyadeed ee dibadda, iyo deelqaafka dalalka dariska ah ka wadaan gudaha Gobollo ka mid ah dalka.
3. DHAQAALE KA SAMAYNTA DOORASHADA GOLEYAASHA DEEGGAANKA EE DAWLADDA DHEXE:
Tirada Ururada Siyaasadeed ee Diiwaangashan kana qaybgalaya Doorashooyinka Goleyaasha Deggmooyinka Magaalada Muqdisho waa 61 Urur Siyaasadeed. Urur Siyaasadeed kasta waxaa laga rabaa inuu 16-ka Deggmo doorasho ee magaalada Muqdisho, oo loo kala Qaybiyay darajooyinka A iyo B, isku gayntooda ka soo sharaxo 390 Xildhibaanno Goleyaasha Deeggaanka Magaalada Muqdisho oo ku tartamaya magaca ururka.
Deggmooyinka Darajada A: 9 deggmo × 27 Xildhibaan = 243 Xildhibaano Goleyaasha deeggaanka ah iyo
Deggmooyinka Darajada B: 7 deggmo × 21 Xildhibaan= 147 Xildhibaano Goleyaasha Deeggaanka ah.
Wadarta Guud ee urur Siyaasadeed kasta laga rabo waa = 390 Musharax oo Goleyaasha Deeggaanka Deggmooyinka Magaalada Muqdisho uga qaybgala ururka kuna tartama magaca ururka.
Ururada Siyaasadeed waa 61 Urur oo ka qayb galaya Doorashada goleyaasha magaalada Muqdisho. Urur Siyaasadeed walba waxa laga rabaa 390 Musharaxiin Xildhibaanada Golaha Deeggaanka Magaalada Muqdisho inuu soo sharaxdo, Taasi oo ku keentay ururada Culays badan oo aanay qaadi karin iyada oo waqtigu ku yaryahay, waxayna sababtay in ururo badan diidaan oo aanay ka qayb-gali doonin doorashadan.
Guud ahaan waxay noqonaysaa: 61 Urur Siyaasadeed × 390 Musharrixiinta goleyaasha Deeggaanka ee urur Siyaasadeed kasta laga rabo= Tirada Guud waa (23,790) Musharrax oo ku tartami doona Goleyaasha Deeggaanka magaalada Muqdisho ee doorashadan.
Musharrax kasta ee Golaha Deeggaanka Magaalada Muqdisho u sharaxan waxaa laga rabaa Lacagta Musharraxnimada iyo isdiiwaangelint, oo ah Boqol Dollar ($100).
Waddarta Dhaqaalaha Dawladdu ka helayso.
23,790 Musharraxiin Goleyaasha Deeggaanka ah × $100 = ($2,379,000) Labba Malyan, Saddex boqol, toddobaatan iyo Sagaal kun oo Dollar .
Ma cadda Meesha ay lacagtaasi ku bixi doonto iyo Qasnaddaha ay ku dhacayso, iyo waxa lagu qabanayo.
4. MAGAALADA MUQDISHO: TIRO BADNAANTA XILDHIBAANADA GOLEYAASHA DEEGGAANKA IYO DHAAWACA DHAQAALE EE AY MAGAALADU KA DHAXLI DOONTO:
Magaalada Muqdisho waxaa loo Qorsheeyay in16 Deggmo doorashadu ka dhacdo, Guud ahaana 16-Ka Deggmo in ay kasoo baxaan 390 Xildhibaanno Goleyaasha Deeggaanka Magaalada Muqdisho, kuwaas oo kasoo kala bixi doona Ururrada Siyaasadeed ee kala duwan iyo deggmooyinka kala duwan. Tani Waa Qorshe dhalinaya dhaqaale burbur iyo Culays dhaqaale oo magaalada Muqdisho qaadi karin.
Dadka ku nool Magaalada Muqdisho, lacagaha Cashuurta ah ee laga qaado waxay Qayb-wayn ku bixi doontaa Mushaharka 390-ka Xildhibaan ee golaheeda deeggaanka. Magaalada Muqdisho waxa dhaqaalaha ay soo saarto badankiisu kasoo xaroodaa dhaqaalaha laga qaado ganacsatada danyarta ah iyo cashuur-bixiyayaasha duruufaha addag ku nool, waxayna mudnayihiin in dhaqaalaha laga qaado lagu celiyo horumarintooda iyo gaadhsiinta Addeeyada ay u baahanyihiin iyo wax ka qabashada duruurafaha Magaalada sida horumarinta Waddooyinka, Kaabayaasha Dhaqaale, Goobaha Caafimaad, Goobaha Waxbarasho, Bullaacado Biyuhu maraan, Gaadiidka dab-damiska, Nadaafadda iyo dhiraynta magaalada, Shaqo-abuurka dhalinyarada iyo Sugidda Amnigooda. Magaalada Muqdisho waxay sidoo kale dhibtoonaysaa Fatahaada xiliyada Roobka, iyo Dab-ka kaca oo hantida shacabka baabi'iya, Waddooyinka magaalada ee Xidhan, Boobka dhulka danta guud, iyo Musuq-maasuqa Xadhkaha goostay ee ka jira Xafiisyada Maamulka deggmooyinka iyo Gobolka, kuwaas oo Shacabka lagu xujeeyo loogana Xannino helida Addeeyada ay Xaqa u leeyihiin.
DEGGMOOYINKA: DHIBAATOOYINKA DEGMOOYINKU KA DHAXLI DOONAAN DOORASHADA GOLEYAASHA DEEGGAANKA:
A). DAGAALO SIYAASADEED OO AAN DHAMMAAN EE GUDDOOMIYEYAASHA DEGMOOYINKA KA DHALAN DOONA
Sida la Qorsheeyay, Deggmo walba Xildhibaannada Golaha Deeggaanka Deggmada kusoo baxa ayaa Dooran doona Guddoomiyaha Deggmadaas, Tani waxay bilow cusub u noqon doontaa khilaaf Joogto ah oo Deggmo kasta dhexdeeda ah, waxayna horseedi doontaa Mooshinno Xil-ka Qaadis ah iyo Xasarado hoosaad Goleyaasha deggmooyinka soo dhexgali doona. Nidaamkani wuxuu keenaya kala-qoqob qaab urur siyaasadeed iyo Qaab-qabiileed u abaabulan oo dhaawac wayn ku keenaysa shaqooyinkii muhiimka ahaa ee Shacabka deggmooyinka loo Qaban lahaa.
B). DHAAWACA DHAQAALE EE DEGGMOOYINKU KA DHAXLI DOONAAN DOORASHADAN GOLEYAASHA DEEGGAANKA
16-ka Deggmo ee Doorashooyinku ka dhacayaan waxaa loo kala qaybiyay darajooyinka A iyo B. Deggmooyinka Darajada A waxay yeelan doonaan 27 Xildhibaan, halka deggmooyinka Darajada B yeelan doonaan 21 Xildhibaano Gole Deeggaan ah. Deggmooyinku ma qaadi Karaan tiradaas badan ee Xildhibaano Gole Deeggaan ah qarashkooda Mushaharka ku baxaya iyo qaybsigooda dhulka danta guud ee Deggmada.
Deggmooyinka Magaalada Muqdisho shacabka ku nool waxay la dhibtoonayeen Maamul-xumo, maamul-daadejin la'aan oo addeegyada bulshada dhammaan dawlada dhexe loo doonto, waxaa sidoo kale liitay Kaabayaasha dhaqaalaha, Waddooyinka burbursan, Waddooyinka xidhan, Nadaafad darrada baahsan ee bilicda magaalada dhaawacday, boobka dhulalka danta Guud ee la xaraashayo, dadka ku nool deggmooyinka oo aan ka helin deggmadooda Addeegyo bulsho oo bilaash ah sida; Caafimaad bilaash ah, Waxbarasho, Biyo Nadiif ah, Amni la isku-halayn karo iyo Musuq-maasuqa baahsan ee maamulada deggmooyinku ka qaadi jireen bulshada ku nool Deggmadooda. Haddana waxaa kusoo biiraya culays dhaqaale oo deggmooyinku aanay qaadi karin oo ka dhalanaya tiro badanaanta Xildhibaanada Golaha Deeggaanka Deggmooyinka ka soo baxaya Mushaharkooda, wuxuuna keeni doonaa Culays dhaqaale oo cusub oo dib u dhac iyo dhaawac ku yimaada horumarka Deggmooyinka.
5. DOORASHO DIMUQRAADDIYADDA IYO DAWALAD-WANAAGA KA MADHAN OO DADKII SOOMAALIYEED KA WADA DHEX-MUUQAN:
Doorashada Goleyaasha Deeggaanka Magaalada Muqdisho ka dhacaysa waxay mudnayd in ay noqoto doorasho tijaabo u ah Hannaanka Doorashooyinka Dalka ee la Qorshaynayo in Sannadaha soo socda looga guuro hannaankii h**e ee Doorashooyinka dalka ee Odayaal dhaqameedyadu saamaynta soo xulista lahaayeen iyo Teendhada Afisiyooni. Waxay noqon lahayd hadii si fiican oo hufan looga shaqeeyo doorasho saamayn wayn ku yeelan kartay ku qancinta Dadka Soomaaliyeed inay suurtagal tahay in Magaalooyinka iyo Maamulada kale ee dalka ka qabsoomi karaan doorashooyin oo dadku Gudan karaam waajibaadkooda dastuuriga ah ee in qofku wax dooran karo lana Dooran karo.
Guddiga Doorashooyinka iyo Xukuumadda maamulaya Doorashada Goleyaasha Deeggaanka Magaalada Muqdisho waxay ka baydheen hannaankii DIMUQRAADDIYADA iyo MEEQAAMKII CAASIMADA, Waxayna ka dhigeen doorasho ku sheeg iyada oo Xildhibaanada Goleyaasha Deggmooyinka lagu Qaybsaday Qaab-Qabiil ee Deggmo walba Golaheedda deggaanka. Maxaa is bedelay awalba Maamulka Magaalada Muqdisho waxa lagu qaybsan jiray Qaab-Qabiil oo Qabiil walba Deggmooyin gaar ah ayaa Gooni Kooto ugu Xidhnaa.
Doorashada Golayaasha Deeggaanka Magaalada Muqdisho waxa ay ahayd in laga dhigo hannaan doorasho daah-furan oo Qof walba oo Soomaaliyeed Qabiilkuu doono ha noqdo ama Deeggaankuu doono haka soo jeedee inuu isku sharaxo Xildhibaan deggmada uu doono, Qof walbana ku tartamo Aqoontiisa iyo Qorshihiisa wax-qabad oo bulshada Deggamada ka dhex sameeyo olole oo uu codkooda waydiisto. Magaalada Muqdisho waxaa muhiim u ah Qof aqoon iyo Qorshe leh oo ka shaqeeya horumarinteeda iyo haykalkeeda Caasimadeed, h**ena uga sii wada halka ay maanta joogto, Laakiin Qaabka loo maamulay doorashada iyo dadka u sharraxan goleyaasha Deeggaanku waxay dhaawacaysaa Magaca Caasimada SOOMAALIYEED ee Magaalada Muqdisho lagu maamuusay, iyada oo ceeb iyo caqabad ku ah dawladnimo loo dhanyahay iyo dimuqraadiyadda, waxayna Meesha ka saaraysaa Dhalinyaro badan oo mudnaa muumulka magaalada oo Saami Qaybsiga Qabyaalada iyo Qoondada Qabiilka ku dhisan ka horjoogsadeen Hankoodii iyo Himiladoodii Horumarinta Caasimada, Doorashadani waxay sii xoojinaysaa Qabyaaladii, Qoqobkii bulshada iyo kala qaybsanaantii dalka iyo dadku la dhibtoonayeen Sannadaha badan ee Adduunka ka reebay.
Xafiiska Warfaafinta Urur Siyaasadeedka
Xal-Qaran.
Muqdisho, Somalia.
1-Dec-2025

22/11/2025
10/11/2025
15/10/2025
03/09/2025
02/09/2025