Dr Abdiladif Ugas Bille

Dr Abdiladif Ugas Bille

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dr Abdiladif Ugas Bille, Public & Government Service, Mogadishu.

19/03/2026

Ciid Mubaarak dhamaan Muslimiinta caalamka! 🌙✨
Waxaan idiin rajaynaynaa farxad, nabad, iyo barako aan dhammaad lahayn. Ilaahay ha naga wada aqbalo acmaasheenna wanaagsan, hana inaga dhigo kuwa is jecel oo is cafiya maalintaan barakaysan.
Ciid wanaagsan dhamaantiin! 🤍

06/03/2026
05/03/2026

Waxaanu gaadhsiinay booyada biya’ah deeganada
Ay aadka usaamaysay abaartu, Ee gobolka bakool
Gaar ahaan Xaar-xoday, Dhumucyar, iyo Haarcad.

22/02/2026

Walaalayaal, waxaa jirta baahi weyn oo biyo la’aan ah oo haysata dadka abaarta saameysay. Waxaan idinka codsaneynaa inaad nala garab istaagtaan si aan u gaarsiino biyo nadiif ah qoysaska tabaaleysan.

Photos from Dr Abdiladif Ugas Bille's post 18/02/2026

"Maanta oo ay taariikhdu tahay 18-ka Febraayo 2026, waxaa sharaf weyn noo ahayd inaan xarunta National Health Professionals Council (NHPC) ku soo dhoweynno xubno sare oo ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kulankan oo ahaa mid muhiimad weyn xambaarsan, waxaan kaga wadahadalnay qodobbi masiiri ah oo ku saabsan horumarinta adeegyada caafimaadka iyo tayeynta aqoonta xirfadlayaasha dalka., wuxuu ahaa kulan midho-dhal ah oo dhiirigelin weyn u ah guud ahaan qaranka, kaasoo xoojinaya xiriirka wada-shaqaynayd ee ka dhaxeeya xarunta NHPC iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Waxaan u mahadcelinaynaa mas’uuliyiinta nagu soo booqday xarunta, waxaana naga go’an inaan sii wadno dadaallada lagu horumarinayo badqabka caafimaad ee dadka Soomaaliyeed."

17/02/2026

Qiimo Leh 🤝

Maanta waxaan yeelanay kulan si gaar ah muhiim ugu ahaa dhalinyarada, kulankaas oo diiradda lagu saaray midnimo, is-garab istaag, iyo horumar wadajir ah.

Dhalinyaradu waa laf dhabarta bulshada — marka ay fikradahooda, kartidooda, iyo himiladooda mideeyaan, waxay abuuri karaan mustaqbal ifaya.

31/12/2025

Hambalyo Sanadka Cusub 2026

“waxaan dhammaan shacabka u rajeynayaa sanad cusub oo barwaaqo, caafimaad, iyo horumar leh. Ha noqdo sanad midnimo iyo wadajir, iyadoo guulaha iyo horumarka ay ka faa’iideystaan dhammaan qaybaha bulshada. Waxaan idin ku dhiirrigelinayaa in aan wadajir u shaqeyno, u adeegno dalka, isla markaana kor u qaadno mustaqbalkeena guud.”

Photos from Dr Abdiladif Ugas Bille's post 31/12/2025

Waxaan booqasho ugu tagay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolijiyada, Mudane Mohamed Aadam Muallim Somalia, waxaana ka wada hadalnay arrimo Badan oo muhiim ah.

29/12/2025

Ku soo dhowaada bogga rasmiga ah ee Dr. Abdiladif Ugas Bille.
Boggan waxaa lagula wadaagi doonaa wararka shaqo, aragtiyo la xiriira horumarinta bulshada, iyo xiriir toos ah oo lala yeesho muwaadiniinta.
Waxaan idinka rajeyneynaa ka-qaybqaadasho iyo talooyin wax dhisaya.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address

Mogadishu
0000