28/02/2026
WAR SAXAAFADEED
Muqdisho, February 28, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan, kuwaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Khawaarijta oo abaabul iyo dhaq-dhaqaaqyo dagaal ka waday Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Hoose, waxaana la dilay in ka badan 40 dhagarqabe.
Howlgalka koowaad oo ka dhacay deegaannada Waab-weyn iyo Isgoyska Madaxyo-weyn ee hoostaga Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad loo diyaarinayay in ay falal argagixiso ka fuliyaan deegaannada ku dhow Maxaas. Howlgalkan, oo lagu dilay ilaa 17 dhagarqabe, ayaa sidoo kale lagu burburiyay goobo ay gabbaad ka dhiganayeen Khawaarijtu.
Dhinaca kale, weerar guul ku dhammaaday oo Ciidanka NISA iyo saaxiibada caalamka ay ka fuliyeen howdka deegaanka Buulo-naagey ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaa lagu soo afjaray 23 Khawaarij ah oo lagu soo daabulay halkaas si ay u carqaladeeyaan saldhigyada ciidanka qaranka iyo isu-socodka amniga ee gobolka. Beegsigaas ayaana lagu wiiqay isku-daygii Argagixisada ee ahaa in ay Buulo-naagey u adeegsadaan marin u fududeeya carqaladeynta amniga.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay kor u qaadday dadaalka joogtada ah ee lagu ciribtirayo Argagixisada, isla markaana lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454
25/02/2026
WAR SAXAAFADEED
Muqdisho, February 24, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa afar howlgal oo qorsheysan oo toddobaadkan ay ka fuliyeen deegaanno ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, ku dilay in ka badan 23 dhagar-qabe oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo isu diyaarinayay in ay falal amni darro ka fuliyaan degmooyin ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Howlgalladan, oo ahaa kuwo ka hortag ah, ayaa yimid kaddib markii NISA ay heshay xog sirdoon oo muujinaysay in kooxda Khawaarijtu ay maleeshiyaad ku abaabulayeen deegaannada Waab-weyn iyo Goobo, oo hoostaga Degmada Maxaas, islamarkaana uu hoggaaminayay horjooge lagu magacaabo Mustaf Caato, iyo maleeshiyo kale oo lagu uruurinayay deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Weeraradan, oo kii ugu dambeeyay uu dhacay xalay gelinkii dambe, ayaa sidoo kale lagu burburiyay xero ku taallay degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad u badnaa kuwa ay ugu yeeraan Xisbada, kuwaas oo qeyb ka ahaa fulinta weerarro ay Argagixisadu u maleegayeen deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay xoojisay howlgallada ka hortagga iyo ciribtirka Argagixisada si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida guud ee dalka. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454
DHAMMAAD
18/02/2026
Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa hambalyo iyo duco ku aaddan bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
Agaasimuhu waxa uu ku booriyay shacabka in ay si buuxda u garab istaagaan Ciidanka Qaranka ee habeen iyo maalin u taagan sugidda amniga iyo difaaca shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu sidoo kale adkeeyay mas’uuliyadda gaar ka ah ee ciidanka amniga ka saaran in muwaadiniintu ay si nabad iyo xasillooni leh u gutaan cibaadooyinkooda.
“Ku Sooma Amni Sugan”
10/02/2026
WAR SAXAAFADEED
NISA iyo Saaxiibada Caalamka oo Dilay Mid ka Mid ah Horjoogeyaasha Sare ee Khawaarijta
Muqdisho, February 10, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal si guul leh u dhacay, oo ay 8-dii bishan ka fuliyeen meel u dhow degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, ku dilay Horjooge Maxamed Sahal Iidle, oo magaciisa afgarashadu ahaa Abuu Usaama.
Horjoogahan, dhagartiisa la dhaafiyay shacabka Soomaaliyeed, ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu dhow Horjooge Axmed Diiriye, waxaana loo diyaarinayay in uu beddelo Horjoogihii Maaliyadda Cabdullaahi Wadaad, kaas oo isna 23-kii Janaayo ay Ciidanka Hay’adda NISA iyo Saaxiibada Caalamka kusoo afjareen howlgal ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Dhagar-qabe Abuu Usaama ayaa ka tirsanaa qeybta baadda iyo boobka hantida shacabka Soomaaliyeed u qaabilsan Khawaarijta, waxaana xilliga la dilay uu si toos ah ugu howlanaa uruurinta dhaqaale sharci-darro ah oo laga qaadayay muwaadiniin Soomaaliyeed.
Horjoogahan waxa uu h**ey u soo noqday: Horjoogaha Khawaarijta ee gobolka Shabeellaha Hoose, Horjoogaha dabagalka baadda shacabka, xubin ka tirsan waxa ay ugu yeeraan golaha shuurada, Horjoogaha qeybta marin-habaabinta, sidoo kale, intii uu cadowgu haystay magaalada Kismaayo waxa uu soo noqday Horjoogaha Dekedda Kismaayo iyo Horjoogaha magaalada Kismaayo.
Fadlan muwaadin, haddii aad hayso xog ama aad aragto wax khatar ku ah amniga, ama macluumaad la xiriira Al-Shabaab/Daacish, la wadaag NISA adiga oo wacaya: 199 | 0770 747474 | 0620 545454.
09/02/2026
With the support of International Security Partners, the National Intelligence and Security Agency (NISA) conducted a successful operation targeting a senior Al-Shabaab leader outside Sakow district in the Middle Juba region.
08/02/2026
The Director General of the National Intelligence and Security Agency of Somalia (NISA), Mr. Mahad Mohamed Salad, on Saturday participated in the 7th Conference of Heads of Arab Intelligence Services, held in Baghdad, Iraq.
The event brought together representatives from 22 countries to discuss enhancing intelligence cooperation, strengthening information sharing, and promoting Arab unity to address prevailing security challenges, particularly in counterterrorism.
07/02/2026
Hay’adda NISA waxa ay xoojisay dagaalka ka dhanka ah maalgelinta argagixisada, iyada oo howlgalladii ugu dambeeyay lagu soo afjaray Horjoogeyaashii laf-dhabarka u ahaa baadda iyo boobka hantida dadweynaha.
Dhagar-qabe kasta oo ka tirsan Horjoogeyaasha ku naaxay dhiigga iyo hantida ummada Soomaaliyeed waa bartilmaameed mana jirto meel uu uga badbaadayo geesiyaasha Ciidanka Qaranka, Sharciga Dalka iyo Xisaabta Alle.
Haddaba, muwaaddin haddii aad la kulanto baadda argagixisada ama khatar amni lasoo wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454
05/02/2026
WAR SAXAAFADEED
Muqdisho, February 05, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa ku guuleystay in ay shacabka Soomaaliyeed shartiisa dhaafiyaan Horjooge Axmed Dhubad Xidig oo magaciisa afgarashadu ahaa Sheekh Aadan Dheere, kaas Khawaarijta u qaabilsanaa Maaliyadda Gobolka Banaadir, kaddib howlgal si gaar ah loo qorsheeyay oo ka dhacay deegaanka Daniga Baaloow ee gobolka Shabeellaha Hoose, 27-kii Janaayo.
Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan oo dul tagay guri uu ku dhuumanayay Horjoogaha ayaa toogtay kaddib markii uu isku dayay in uu dagaal kala hor yimaado ciidanka intii uu socday howlgalka qorshaysan.
Horjoogahan oo cadowga Khawaarijta ku biiray sanadkii 2008-dii isla markaana muddo dheer ku howlanaa baadda iyo boobka hantida dadweynaha ayaa h**e Khawaarijta wakiil dhinaca baadda uga soo noqday gobollada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Hoose.
Ciidanka NISA oo muddo dheer ku raad-joogay Horjooge Axmed Dhubad Xidig, ayaa ugu dambeyn ku guuleystay in ay soo afjaraan noloshiisa. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab/Daacish, la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454
03/02/2026
WAR SAXAAFADEED
Muqdisho, February 03, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka lagu magacaabo Qaahira ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ku dilay ilaa toddobo (7) dhagar-qabe oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Khawaarijta, iyada oo sidoo kale weerarkaas lagu burburiyay kayd hub iyo xarumo gabbaad u ahaa Khawaarijta.
Howlgalkan oo la fuliyay xalay gelinkii dambe ayaa daba socday howlgalkii maalmo ka hor lagu bartilmaameedsaday koox Horjoogeyaal ah oo ku shirayay guri ku yaalay deegaanka Maxaa Saciid ee isla Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu soo afjaray nolosha ilaa shan Horjooge halka seddax kalana dhaawac culus lagu gaarsiiyay.
Markale, waxaa lagu wargelinayaa dadka rayidka ah, in ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Khawaariijta, oo mar kasta bartilmaameed u ah Ciidanka Qaranka. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454
02/02/2026
WAR SAXAAFADEED
Muqdisho, February 01, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ku beegsaday guri ay shir ku lahaayeen Horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta, waxaana halkaas lagu dilay 13 dhagar-qabe oo shan ka mid ah ay ahaayeen Horjoogeyaal.
Horjoogeyaasha dhiigya-cabka ah ee la beegsaday ayaa u fadhiyay kulan ay doonayeen in ay ku maleegaan shirqoollo argagixiso iyo in ay dadka deegaanka ku cadaadiyaan in ay taageero qasab ah ka helaan, balse Sirdoonka qaranka ayaa beeniyay dhagartooda kaddib markii halkaas lagu soo afjaray dhaq-dhaqaaqii ay wadeen.
Horjoogeyaasha la dilay waxa ay kala ahaayeen; Macallin Caseyr, Macallin Muxumed Axmed Xasan, Shiikh Cali Guuraale , Cabdiraxmaan Shiikh Cali (C/raxmaan Dhegey), iyo Macallin Caadey, kuwaas oo Khawaarijta u kala qaabilsanaa falalka argagixiso ee ay ka fulin jireen Gobollada Shabeellaha Dhexe, Galgaduud iyo Bay.
Ilaa siddeed dhagar-qabe oo ay ku jiraan seddax Horjooge ayaa sidoo kale howlgalkan lagu gaarsiiyay dhaawacyo culus, waxa ayna kala yihiin Horjoogeyaashaasi; Cali Macallin Xasan, Cabdullaahi Muxudiin Maxamed Rooble (Bukuri) iyo Cabdiraxmaan Axmed Diini.
Ugu dambeyn, waxaa lagu wargelinayaa dadka rayidka ah, in ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Khawaariijta, oo mar kasta bartilmaameed u ah Ciidanka Qaranka. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454
DHAMMAAD
31/01/2026
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal gaar ah oo lagu beegsaday Horjoogeyaal sare oo ka tirsan Khawaarijta ka fuliyay tuulada Maxaa Saciid ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Weerarka ayaa dhacay xilli dhagar-qabeyaashu ay u fadhiyeen shir ay ku maleegayeen sidii ay u dhibaateyn lahaayeen shacabka Soomaaliyeed.
La soco goor dhow faahfaahin dheeraad ah.