01/05/2026
Maareeyaha Hayโadda Sharciyeynta Adeegyada & Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed (SARIS), Mudane Abdi Mohamed Hussien, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Shaqaalaha Adduunka ee 01-ka May.
19/03/2026
Ciid Wanaagsan dhamaan bulshada Soomaaliyeed ! ๐๐ธ๐ด
09/02/2026
๐๐๐ฒ ๐: ๐๐๐๐ซ๐๐๐ฒ๐๐ก๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ ee Hayโadda SARIS, Mudan ๐๐๐๐๐ข ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง , ayaa si rasmi ah u soo xirey shirka-wada-tashiga qaran ee socday ๐โ๐ ๐
๐๐๐ซ๐๐๐ฒ๐จ ๐๐๐๐. Kahor xiritaanka shirka, maalintii labaad ayaa diiradda lagu saaray soo koobidda natiijooyinka doodihii iyo falanqayntii lagu sameeyay aafooyinka ku dhaca ๐๐ข๐ ๐ข๐ซ๐ญ๐ ๐๐จ๐จ๐ฒ๐, ๐๐๐๐ค๐๐๐๐ก๐๐๐, ๐๐๐ง๐๐ง๐๐๐ฌ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฐ๐ฌ๐ค๐.
Ka-qaybgalayaashu waxay si wadajir ah u qiimeeyeen suurtagalnimada joogitaanka aafooyinka, kuwa la xaqiijiyay iyo in kuwa joogin laga taxadiro, lana diyaariyo tallaabooyinka lagu xoojinayo nidaamka fayadhowrka dhirta ee dalka oo ay SARIS masuulka katahay.. Gunaanadka shirka ayuu Maareeyuhu adkeeyay muhiimadda iskaashi joogto ah oo u dhexeeya hayโadaha dawladda, hayโadaha tacliinta, ganacsatada iyo beeralayda, si loo ilaaliyo wax-soo-saarka beeraha loona waafajiyo shuruucda Soomaaliyeed heerarka Bulshada Bariga Afrika (EAC).
08/02/2026
๐๐๐ฒ ๐: ๐๐๐๐ซ๐๐๐ฒ๐๐ก๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ ee ๐๐๐ฒโ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐, Mudane ๐๐๐๐๐ข ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง, ayaa maanta si rasmi ah u furay shir-wada-tashi qaran oo socon doona ๐โ๐ ๐
๐๐๐ซ๐๐๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ kaas oo ku saabsan gorfaynta iyo falanqaynta aafooyinka kuwaas oo ku dhaca dalagyada ๐๐ข๐ ๐ข๐ซ๐ญ๐ ๐๐จ๐จ๐ฒ๐, ๐๐๐๐ค๐๐๐๐ก๐๐๐, ๐๐๐ง๐๐ง๐๐๐ฌ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฐ๐ฌ๐ค๐ islamarkaana ay ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐๐ซ๐ข๐ ๐ ๐๐๐ซ๐ข๐ค๐ (๐๐๐) u aragto inay suurtagal tahay inay joogan Soomaaliya, iyadoo lagu saleeyay kulan ay waddamada xubnaha ka ah EAC ay yeesheen sannadkii h**e 2025.
Ujeeddada shirkan ayaa ah in dhammaan daneeyayaasha ay qiimeeyaan joogitaanka aafooyinka, suurtagalnimada faafitaankooda, iyo khatartooda, si loogu waafajiyo nidaamka shuruucda fayadhowrka dhirta Soomaaliyeed.
Shirkan wada-tashiga qaran ayaa waxaa ka qayb galay in ka badan 30 ka-qaybgalayaal, kuwaas oo isugu jiray wakiillo ka socday Wasaaradda Beeraha, Hayโadda ๐๐๐๐๐, ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ข๐๐๐๐๐ โ ๐๐๐๐ฑ๐๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐๐ซ๐ข๐ ๐ ๐๐๐ซ๐ข๐ค๐, Hayโadda SoBS, Hayโadda FAO, Wasaaradda Maaliyadda โ Qaybta Furdooyinka, Maamulka Dekedda Muqdisho, Bahda Wax-barashada, hoggaannada iskaashatooyinka beeraha Soomaaliyeed, shirkadaha ganacsiga, iyo beeralayda Soomaaliyeed.
31/01/2026
Maareeyaha Guud ee Hayโadda SARIS, Mudane: Cabdi Maxamed Xuseen, ayaa maanta xarunta dhexe ee hayโadda ku furey tababar socon doona 27-31ka Oktoobar 2025 oo ku saabsan shahaado siinta abuurada kasoo sare loogu qaadaayo aqoonta baarayaasha, shaqaalaha shaybaarka iyo saraakiisha shahaada bixinta abuurka ee Hayโadda SARIS.
Tababarkaan waxaa bixinaya khuburo ka timid Hayโadda Kenya Plant Health Inspectorate (KEPHIS) oo aqoon sare u leh arrimaha abuurka.
Maareeaha Guud ayaa adkeeyey muhuumada uu u leeyahay tababarkaan Waxsoosaarka dalka isla markaana u mahadceliyey Hayโadda SSG oo taabagelisey inuu qobsoomo tababarkaan.
31/01/2026
Maareeyaha Guud ee Hayโadda SARIS, Mudane Abdi Mohamed Hussein, ayaa ka qeybgalay Shirweynaha Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika .
Shirka ayaa lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale iyo bulsho ee dalalka Bulshada Bariga Afrika (EAC), oo dhamaan dadalkaas ay kasoo qeybgaleen shirwaynahaan.
Maareeye Abdi, ayaa muujiyay ka goโnaanshaha Hayโadda SARIS ee ku aaddan kor u qaadista Tayada wax soosaarka dhoofinta iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda iskaashi guud oo lagu gaaro isbeddel dhaqaale iyo in bulshada hormarto.
31/01/2026
Maareeyaha Guud ee Hayโadda SARIS, Mudane Cabdi Maxamed Xuseen, ayaa maanta furay tababar socon doona intii u dhaxeysay 21 - 25ka September 2025.
Tababarkaan ayaa diirada lagu saari doonaa soo saarista iyo shahaado siinta abuurka dalka, tababarkaan oo ay ka faaiideesan doonaan 30 sarkaal oo ka kala socda Wasaaradda Beeraha, Hayโadda SARIS iyo shirkadaha abuurka ee gudaha dalka.
Maareeyaha Guud ayaa xusay muhiimada tababarkaan uu u leeyahay kor u qaadista wax soosaarka dalka iyo tayeynta abuurka gudaha, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay Hayโadda FAO taageerada ay ku bixisay qabsoomida tababarkaan muhiimka ah.
31/01/2026
Hayโadda Sharciyeynta Adeegyada iyo Baaritaanka Beeraha Somaaliyeed ee SARIS, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay shir muhiim ah oo lagu xoojinayo nidaamyada shahaado-siinta abuurka.
Shirkaan oo uu furay Maareeye ku-xigeenka ahna kusimaha Mareeyaha hay'adda SARIS Liibaan Cabdi Xasan ( shaadiro), kaasoo lagu soo bandhigay doorka adeegyada, heerarka, awoodda sharci-dejinta ee nidaamka shahaado siinta abuurka dalka.
Dhanka kale shirkaan oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin matalaaya shirkadaha ka shaqeeya abuurka kuwaas oo si wadajir ah uga shaqeeya horumarinta nidaamka abuurka ee dalka si loo xaqiijiyo sugnaanta cuntada, tayada abuurka iyo tartanka suuqa gudaha iyo dibada.
Shirkaan wuxuu qayb ka yahay dadaalada dowladda ee lagu xoojinayo nidaamka abuurka Soomaaliya, iyadoo la dhisaayo awood sharciyeed, farsamo iyo mid adeeg oo la jaanqaadeysa heerarka caalamiga ee dunida maanta u shaqeyso.
31/01/2026
Maareeyaha Guud ee Hayโadda SARIS, Mudane; Cabdi Maxamed Xuseen ayaa xarunta dhexe ee hayโadda kulan kula qaatay wafdi heer sare ah oo ka socday Hayโadda FAO, wafdigaan oo ay hogaamineysay Marwo; Veronica, ku xigeenka Madaxa Barnaamijyada FAO ahna ku simaha Wakiilka FAO Soomaaliya.
Ugu h**eyntii Maareeyaha Guud ayaa si diiran u soo dhaweeyay wafdiga, isagoo uga mahadceliyay ujeedka booqashadood ee ku aadaneed xoojinta iskaashiga labada hayโadood.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay si qoto dheer uga wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga iyo wada shaqeynta, iyagoo diirada saaray mashaariicda iyo hindise wadajir ah oo taageera horumarinta adeegyada iyo howlaha SARIS.
31/01/2026
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa si rasmi ah u daah-furay xarunta cusub ee tijaabooyinka (Sheybaarka) ee Hayโadda SARIS. Xaruntan casriga ah oo ka kooban saddex qaybood muhiim ah โ Shaybaarka Sunta Cayayaanka, Shaybaarka Tijaabada Abuurka, iyo Shaybaarka Caafimaadka Dhirta โ ayaa lagu sameyn doonaa baaritaanno tayadeed oo kusaabsan sunta beeraleyda isticmaalaan, abuurka la beero, iyo caafimaadka dhirta.
Furitaanka Shaybaarkaan waxay talaabo weyn u tahay horumarinta tayada wax-soosaarka beeraha, ilaalinta deegaanka, iyo sugidda badqabka cuntada, iyadoo si toos ah u taageereysa beeraleyda Soomaaliyeed.