13/03/2026
15-ka May: Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed 🇸🇴
Geesinimadii 13-kii dhalinyaro ee aasaasay SYL(Aun) sannadkii 1943-dii. Waxay na bareen in isbeddelku uu ka bilaawdo dhalinyarada.
âś…Hadafka: Midnimo iyo Horumar.
âś…Hubka: Aqoon iyo Waddaniyad.
âś…Codka: Soomaaliya Soomaali baa leh.
Aan dib u soo celinno mabaadi'dii SYL ee ahayd: Laga dhashay ee lama dhalin.
08/03/2026
⚖️ ODAY DHAQAMEED: MA AHAN ODAY QABIIL, EE WAA TIIR QARAN!
"Doorka Dhaqanka ee Amniga iyo Caddaaladda"
Amniga
"Markii uu dambiile ka dhasho beeshaada, dadka qaarkood waxay u arkaan inay tahay ceeb haddii gacanta loo geliyo booliska. Sidee bay odayaasha dhaqanku uga gudbi karaan fikirkaas si loo xoojiyo amniga guud?
Caddaaladda iyo Eexda:
"Maxay tahay taladaada ku aaddan odayaasha weli u hiiliya qofka ay isku beesha yihiin xitaa haddii uu dulmi gaystay? Sidee loo heli karaa gar-naqsi caalami ah oo aan eexasho lahayn?
26/02/2026
🇸🇴 QARAN KA WEYN QABIIL
Kacdoonka Maskaxeed ee Gen Z 🇸🇴
Waxaa la joogaa xilligii ay dhallinyaradu fahmi lahaayeen in mustaqbalku uusan ku dhismin magac beel, balse uu ku dhismo Mugga Aqoonta iyo Midnimada Qaranka.
Jiilka cusub (Gen Z) ee Soomaaliya maanta ma ahan kaliya daawadeyaal, waa matoorka isbeddelka!
🚀 Maxay ka dhigan tahay "Qaran Ka Weyn Qabiil"?
Ma ahan kaliya hal-ku-dhig, waa falsafad cusub oo lagu dhisayo Soomaaliyada berrito:
âś…Aqoon ka sarreysa Eexda: In fursadaha shaqo iyo hoggaaminta lagu bixiyo "Yaa yaqaanna?" ee aan lagu bixin "Yaa dhalay?".
âś…Wacyiga Baraha Bulshada: In tignoolajiyada loo isticmaalo dhisidda buundooyin isku xira dhallinyarada Kismaayo ilaa Boosaaso, iyo Muqdisho ilaa Hargeysa.
âś…Danta Guud: In la fahmo in haddii qaranku dumo, qolona aysan badbaadeynin. Qaranku waa dalladda ay wada harsadaan dadka oo dhan.
🔥 Waa Maxay Kaalintaada, Dhallinyaro?
Kacdoonka dhabta ahi ma ahan mid hubaysan, waa mid Maskaxeed. Waxaan kugu dhiirigelinayaa:
•Baro Xirfad: Adduunka maanta wuxuu rabaa qof wax soo saari kara.
•Diid Qabiilka: Marka lagaa rabo inaad go'aan qaadato, eeg danta guud iyo sharciga.
•Noqo Hal-abuure: Ha sugin inta wax laguu qabanayo, adigu hindis xalka.
"Qabiilku waa aqoonsi dadka lagu barto, laakiin Qaranku waa hooyga lagu badbaado."
Aynu gacmaha is-qabsanno si aan u dhisno qaran lagu kalsoon yahay, laguna faano.
25/02/2026
⚖️ ODAY DHAQAMEED: MA AHAN ODAY QABIIL, EE WAA TIIR QARAN!
Qodobbada Muhiimka ah
âś…Amniga: La shaqee Booliska si aad u badbaadiso nolosha dadkaaga.
âś…Caddaaladda: Xaqu waa mid, eexdana ma laha. Ha u eexan tolkaaga.
âś…Mustaqbalka: Qabiilku waa is-barasho, Qarankuna waa jiritaankeenna.
"Haddii aad Maanta dambiile qabiil ugu hiilliso, berrito adiga ayuu kugu dhex dili doonaa isla qabiilka dhexdiisa."
"Odayow, nabadda aad maanta abuurto waa dhaxalka ubadkaaga."
Aan dhisno Qaran nabad ah oo caddaaladdu ka shaqayso.
23/02/2026
Shacabka Soomaaliyeed ma mudna dib-u-dhac iyo khilaaf hor leh. Waxaan xusuusinaynaa madaxda in mas’uuliyadda fashil kasta oo yimaada ay dhabarka u ridan doonaan iyaga, taariikhduna ay xusi doonto qof kasta oo ka qayb qaata kala qaybinta umadda.
21/02/2026
WARQAD CABASHO IYO DIGNIIN SHARCI AH
KU: Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka
KU: Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed
KU: Maamulka Gobolka Banadir / Duqa Magaalada Muqdisho
KU: Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadaha ee Qaranka
UJEEDDO: CABASHO KA DHAN AH FALAL ISUGU JIRA DIL, DHAAWAC, B**B IYO BARAKICIN QASAB AH
MOGADISHU, SOOMAALIYA
TAARIIKHDA: 21ka Febraayo, 2026
Anagoo matalayna muwaadiniinta dhibaatadu soo gaartay iyo damiirka fayow ee bulshada Soomaaliyeed, waxaan halkan kusoo gudbinaynaa cabasho rasmi ah iyo digniin sharci ah oo ku saabsan dhacdadii naxdinta lahayd ee maanta ka dhacday Xaafaddaha u dhaxeeya degmooyinka Kaaraan iyo Hiliwaa.
"Dhiigga muwaadinka ma'ahan mid raqiis ah. Maanta waa maalin Ramadaan ah, qof kasta oo falkan ka dambeeyayna caddaaladda waa in la horkeenaa."
21/02/2026
QARAN KA WEYN QABIIL 🇸🇴
âś…Qabyaaladdu waa hooyada Musuqmaasuqa (eexda ,laaluushka,lunsashada adeega dadweyne) iyo Amni-darrada (difaaca dambiilaha).
âś…In la doorto Qaranka macnaheedu maaha nacayb qabiil, ee waa doorashada Caddaaladda iyo Sinnaanta.
17/02/2026
QARAN KA WEYN QABIIL 🇸🇴
Sideen u hirgelin karnaa?
âś…Isku-tanaasul: Inaan danta guud ka horreysiinno danta gaarka ah.
âś…Ixtiraamka Sharciga: In sharciga loo siman yahay, laga bilaabo madaxda ilaa shacabka.
âś…Walaalnimada: Inaan dhisno buundooyin iskaashi oo ka gudba xuduudaha qabiilka.
"Dalku ma dhismo ilaa damiirku dhismo"
16/02/2026
QARAN KA WEYN QABIIL 🇸🇴
Saddexda Tiir ee Isbeddelka(WADDADA SEDDEXAAD)
1.Sarreeynta Sharciga: In qof kasta uu sharciga u siman yahay(Caddaalad), In dambiiluhu uusan gabaad helin(Qabyaalad).
2.Karti iyo Aqoon (Meritocracy): In shaqada lagu bixiyo Aqoon iyo karti, ee aan lagu bixin eex ama qaraabo-kiil(Qabyaalad).
3.Midnimo: Inaan u midowno sidii aan u jabin lahayn faqriga iyo dib-u-dhaca, innagoo isku arkaya hal muwaadin(Qaran).
"Qabiilku waa hiddahaaga, Qaranku waa hantidaada."
"Dalku ma dhismo ilaa damiirku dhismo."
"Noqo qof yar oo Qaran u weyn, halkii aad noqon lahayd qof weyn oo qabiil u yar."
15/02/2026
ODAY DHAQAMEED: MA AHAN ODAY QABIIL, EE WAA TIIR QARAN! 🇸🇴
Maanta, dalkeenna wuxuu u baahan yahay odayaal ka weyn danaha kooban ee beesha(Qabiilka), una xilsaaran danta guud ee Qaranka.
Sidee ku gaari karnaa Amni iyo Caddaalad waarta?
âś… Dambiiluhu malaha Qabiil: Haddii wiilkaaga uu dambi galo, ha ku qarin magaca reerka. Geedi socodka caddaaladda ha la mariyo si loo badbaadiyo nafta boqolaal kale.
✅ Amnigu waa Mas’uuliyad Wadajir ah: Oday dhaqameedka dhabta ahi waa ka la shaqeeya laamaha amniga, si xaafaddiisa iyo dalkiisuba u nabad galaan.
âś… Hiilka Xaqqa: Hiilku ma aha in tolka loogu hiiliyo gardarada, ee waa in la qabto gacanta si loogu jid-beego garsoorka dhabta ah.
"Odayow, haddii aad maanta dambiile qabiil ku difaacdo, berrito adiga ayuu kugu dhex dili doonaa isla qabiilka dhexdiisa."
"Qarannimadu ma dhisanto ilaa laga helo odayaal dhaqan oo ka weyn danta gaarka ah ee beeshooda."
"Caddaaladdu waa nabad, nabadduna waa horumar. Odayow, noqo horseedka horumarkaas."
Maxaa la gudboon Bulshada?
•Inaan odayaasha lagu qasbin inay dambiilaha difaacaan.
•In la doorto odayaal aqoon, diin, iyo garasho fog leh.
•In odayaasha lagu taageero markii ay amnigga iyo caddaaladda u istaagaan.
14/02/2026
QARAN KA WEYN QABIIL 🇸🇴
Caddaaladda iyo Kartida (Meritocracy)
Tani waa tiirka lagu baabi'iyo musuqmaasuqa. Waa in fursadaha dalka lagu bixiyo aqoon iyo karti, ee aan lagu bixin 4.5 ama is-garasho beeleed.
•Dhibka maanta: Dhallinyaro aqoon leh oo shaqo la'aan ah, iyo kuwo aan aqoon lahayn oo xafiisyo fadhiya qabiil dartiis.
•Himilada: In qofka ugu aqoonta badan uu hoggaanka qabto. Tani waxay dhalisaa horumar degdeg ah iyo adeeg bulsho oo tayo leh.
âś…Caddaalad aan eex lahayn.
âś…Shaqo ku dhisan aqoontaada.
âś…Sharaf aad dunida kaga dhex muuqato.
Nabadda iyo horumarku waxay ku jiraan gacmaha dad is jecel oo caddaalad ku heshiiyey.
13/02/2026
Qaran Ka Weyn Qabiil
Fahamka Hiigsiga
Hiigsiga "Qaran ka weyn Qabiil" ma ahan in la tirtiro haybtaada, balse waa in la dhowro Xuquuqdaada Muwaadinnimo.
•Qabiilku waa xiriir dhiig oo xaddidan, wuxuuna ku siiyaa aqoonsi gudaha ah.
•Qaranku waa nidaam sharci oo caalami ah, wuxuuna kuu dammaanad qaadaa caddaalad, amni, iyo barwaaqo.
Aynu ka gudubno fikirka yar ee reerka, oo u gudubno aragtida fog ee Qaranka. Nabadda iyo horumarku waxay ku jiraan gacmaha dad is jecel oo caddaalad ku heshiiyey.