14/08/2025
๐โจ Jimce Mubarak โจ๐
Jimcadan barakeysan waxaan salaam iyo duco gaar ah u diraynaa Dhalinyarada Beesha Cali Xasan โ Gacanweyne Udejeen.
Ilaahay ha idiin yeelo maalin barako, midnimo iyo horumar ku dhammaata, qalbiyadiinnana ha ku shubo farxad iyo rajo cusub. ๐คฒ๐
Dhalinyarada Beesha Cali Xasan โ Isku Duubni iyo Horumar Joogto ah ๐ฟ๐
11/08/2025
Taariikh: 11 August 2025
Maalin: Isniin
Warbixin: Guddoomiyaha Dhalinyarada Beesha Cali Xasan oo ka qeyb galay kulan fogaan-arag ah oo ku saabsan ka qeybgalka Golaha Deegaanka
Guddoomiyaha Dhalinyarada Beesha Cali Xasan ayaa Isniintii, 11 August 2025, ka qeyb galay kulan fogaan-arag ah oo muhiim ah, kaas oo looga hadlayey mowduucyo ay ka mid yihiin: Sidee ugu guuleysan karnaa inaan ka qeyb qaadanno kamid noqoshada Golaha Deegaanka iyo Sida loo qaadan karo kaararka codbixinta.
Kulankan ayaa lagu soo bandhigay talooyin iyo istaraatiijiyado kor u qaadaya ka qeybgalka dhalinyarada ee hanaanka doorashooyinka deegaanka. Waxaa lagu xoojiyey muhiimada ay leedahay wacyiga siyaasadeed, isu duubnida, iyo ka faaโiideysiga fursadaha sharci ee jira si dhalinyaradu u noqdaan cod muuqda oo saamayn leh.
Qodobada ugu waaweyn ee kulanka kasoo baxay waxay ahaayeen:
1. In dhalinyaradu ay si firfircoon isu diiwaangeliyaan si ay u helaan kaararka codbixinta waqtiga loogu talagalay.
2. In la sameeyo kooxo wacyigelin ah oo gudaha bulshada ka shaqeeya, si loo hubiyo in qof walba oo u qalma uu ka faaโiideysto fursadda codbixinta.
3. In dhalinyarada lagu dhiirrigeliyo inay u tartamaan xubinnimada Golaha Deegaanka, si ay u helaan matalaad dhab ah.
4. In la adkeeyo midnimada dhalinyarada, lana iska kaashado arrimaha siyaasadda, bulshada, iyo horumarinta deegaanka.
5. In la abuuro xiriir joogto ah oo u dhexeeya dhalinyarada iyo hayโadaha doorashooyinka, si loo helo xog iyo hage sax ah.
Guddoomiyuhu wuxuu kulanka ku soo xiray isagoo ku booriyay dhammaan dhalinyarada Beesha Cali Xasan inay ka faaโiideystaan fursadahaan, isla markaana ay u istaagaan difaaca danaha bulshada, una adeegaan horumarka iyo mustaqbalka beesha.
08/08/2025
Jimce Mubarak dhammaan Dhalinyarada Beesha Cali Xasan Gacanweyne Udejeen!
Waxaan idiin rajaynayaa:
๐ Iimaan sugan iyo camal wanaagsan
๐ฑ Horumar, midnimo, iyo guul joogto ah
๐ค Iskaashi iyo isku duubni beeleed
๐ Aqoon iyo karti idin gaarsiisa hormuudnimo
๐
Ka qaybgal siyaasadeed, dhaqaale, iyo bulsho oo firfircoon
Allaha idiin barakeeyo Jimcahan iyo kuwa kale ee nagu soo aaddan.
Aamiin.
26/07/2025
Waxaa Sharafweyn Noo Ah Anagoo Kala Ah
Nabadoonka iyo Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Beesha Cali Xasan Gacanweyne Ee ciise Mudulood.
In Aan Galabnimadii jimcaha oo ay Taariikhdu aheyd 25.7.2025 Aan Gurigiisa Ku Soo Booqano Madaxweynihii H**e Ee Soomaaliya Mudane Sh.Sharif Sh.Axmed
Ahna
Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran Kullankaas Oo Noogu Soo Dhammaadey Guul.
25/07/2025
Jimce Mubarak Dhalinyarada Beesha Cali Xasan Gacanweyne Udeejeen! ๐โจ
Waxaa idiin rajeynayaa maalin barakeysan oo kheyr iyo nabad ku dhisan. Maalinta Jimcaha waa maalinta u kheyr badan usbuuca, waxaana ay na xasuusisaa muhiimadda:
Midnimada & walaaltinimada
Cibaadada & ducada
Isxilqaan & horumarinta beesha
Dhalinyarada Beesha Cali Xasan Gacanweyne Udeejeen waa laf-dhabarta berri ee bulshada. Waxaa la idinka rajeynayaa:
โ
Hogaamin daacad ah
โ
Midnimo iyo is-kaashi
โ
Ka shaqeynta horumarka deegaanka & bulshada
Alle ha idin barakeeyo, hana idiin sahlo dadaalkiina, kuna asturo Iimaan iyo guul! Aamiin.
21/07/2025
๐โจ GALAB WANAGSAN DHAMMAAN DHALINYARADA BEESHA CALI XASAN GACANWEYNE โ UDEEJEEN โจ๐
Dhalinyarooy,
Waxaan idiin rajaynayaa galab barako leh oo ay ka buuxdo caafimaad, midnimo, iyo himilo sare.
Maanta waa fursad kale oo aynu: ๐น Is xasuusino muhiimadda ay leedahay wadajirka
๐น Dhiirrigelino hormarka beesha
๐น Xoojino doorka dhalinyarada ee mustaqbalka
Beesha Cali Xasan GacanweyneโUdeejeen waxay leedahay dhalinyaro karti leh, firfircoon, lehna aragti fog โ adiga ayaa kamid ah!
21/07/2025
SUBAX WANAGSAN! ๐
Dhalinyarada quruxda badan ee beesha Cali Xasan Gacanweyne-Udeejeen โ waxaad tihiin iftiinka berri ee beesha, codka toosan, iyo xoogga horumarka.
Ha illoobin:
๐ก๏ธ Midnimo waa xoog
๐ Aqoon waa hub
๐ค Wadajir waa guul
Ilaahay ha idiin barakeeyo subaxda, ha idiin sahlo dadaalkiina, hana idin siiyo guul iyo nabad waarta.
Waa waqtigiinii! ๐ชโจ
20/07/2025
Annagoo ah odayaasha, dhalinyarada, haweenka, waxgaradka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee beesha Cali Xasan Gacanweyne (Udeejeen), waxaan si cad oo aan mugdi ku jirin u muujineynaa baaqan ku aaddan difaaca sharafta, karaamada, iyo jiritaanka beesha.
Beesha Cali Xasan Gacanweyne waa beel leh taariikh dheer oo ku saleysan nabad, wada-noolaansho, iyo kaalin muuqata oo ay ku leedahay horumarka iyo nabadda deegaannada ay degto. Waxaase nasiib darro ah in maalmihii u dambeeyay ay soo badanayaan faragelin, handadaad iyo weerarro baal marsan sharciga iyo xeerarka suuban ee Soomaalinimo.
Waxaan caddeyneynaa:
1. Beesha Cali Xasan Gacanweyne ma aqbaleyso faragelin kasta oo lagu hayo dadkeeda ama madaxdeeda.
2. Waxaan diyaar u nahay inaan si buuxda isku difaacno โ naf iyo maalba โ haddii la isku dayo in la waxyeelleeyo jiritaanka beesha.
3. Waxaan ugu baaqeynaa cid kasta oo ku lug leh faragelinta ama hurinta colaad ka dhan ah beesha iney si degdeg ah uga waantoobaan, kana fogaadaan wax kasta oo kicin kara xasarad ama dhiig ku daata.
4. Waxaa naga goโan inaan ku adkeysano xaqa beesha u leedahay nabadgelyo, nabad ku noolaansho, iyo in la ixtiraamo doorkeeda bulshada iyo siyaasadda.
Beesha Cali Xasan "Gacanweyne Udeejeen"
Waa ugasyada Udejeen.
19/07/2025
๐๐๐ ๐๐๐๐ฌ๐ข ๐๐๐ ๐๐๐๐ฌ๐ข ๐๐๐ ๐๐๐๐ฌ๐ข
Dhaman Dhalinyrada Beesha Cali Xasan "Gacanweyne Udeejeen" Nabadoonkoda iyo Xildhibankooda ๐๐ผ๐ฟ๐ป๐ฒ๐น/๐
๐ถ๐น-๐ ๐ผ๐ต๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐ ๐ถ๐ฟ๐ฒ
waxay hambalyo Diiran hawada u marinyaan Nabadoonka guud iyo ku xigeenadiisa ay yeehseen ๐๐ฒ๐ฒ๐๐ต๐ฎ ๐ฆ๐ถ๐๐ฎ๐ฎ๐ฑ ๐ ๐ฎ๐ฐ๐น๐ถ๐ป.
Waxaan si adag ubsheegynaa in aan garab taaganhy oo aan lashaqeen donno Nabdoonka cusub ee ๐๐ฒ๐ฒ๐๐ต๐ฎ ๐ฆ๐ถ๐๐ฎ๐ฎ๐ฑ ๐ ๐ฎ๐ฐ๐น๐ถ๐ป.
15/07/2025
Hambalyo
Shafie A. Nur final year student undertaking a Master of Climate Change and Environmental Sustainability, defended his Research Thesis, which titled on โThe role of rainfall variability in exacerbating clan conflict in Abdudwak and Gurโel districts in Galmudug State of Somaliaโ on Wednesday, July 02, 2025, at Amoud University School of Postgraduate Studies & Research (AUSPGSR), Online Campus.
15/07/2025
๐๐๐ ๐๐๐๐ฌ๐ข ๐๐๐ ๐๐๐๐ฌ๐ข ๐๐๐ ๐๐๐๐ฌ๐ข
Dhalinyrada Beesha Cali Xasan "Gacanweyne Udeejeen" Waxay hambalyo diiran hawada u marinyaa farxdana laqabsanayaa Agasime Shafie Ahmed Nur oo maanta difaacday buugiisa Heerka labaad ee master Degree ci ankiisu yahay Isbadalka Cimilida.