๐—ง๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ค๐—ฎ๐˜†๐—ฏ๐˜๐—ฎ ๐—•๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—š. ๐—ž๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

๐—ง๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ค๐—ฎ๐˜†๐—ฏ๐˜๐—ฎ ๐—•๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—š. ๐—ž๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

Share

Taliska Qeybta Booliska Gobolka Karkaar ee Qardho Puntland Somaliya โ€ฆ


Qardho Regional Police HQ. Puntland Government Somalia

18/07/2026

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar, G/Sare Bashir Maxamed Maxamuud, ayaa uga mahadceliyey Taliyaha Canshuuraha Gobolka Karkaar iyo ciidankiisa shaqada wanaagsan ee ay u hayaan bulshada, gaar ahaan dadaallada ay ku xakameynayaan gaadiidka dhibaatooyinka ku haya shacabka.

Taliyuhu wuxuu ku bogaadiyey sida ay uga goโ€™an tahay sugidda amniga iyo ilaalinta badqabka bulshada, isagoo ku dhiirrigeliyey inay sii laba jibbaaraan howlaha ay bulshada ugu adeegayaan si loo xaqiijiyo amni iyo kala dambeyn waarta.

Photos from ๐—ง๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ค๐—ฎ๐˜†๐—ฏ๐˜๐—ฎ ๐—•๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—š. ๐—ž๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ's post 16/07/2026

Qardho

Booliska Qaybta Gobolka Karkaar ayaa ku guulaystay inay gacanta ku dhigaan koox ciyaal weero ah oo ku hubaysnaa toorayo, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen falal amniga khalkhal gelinayay oo ka dhacay magaalada Qardho.

Kooxdan ayaa lagu soo qabtay howlgal qorshaysan oo ay ciidamada boolisku ka fuliyeen gudaha magaalada, waxaana haatan ku socda baaritaanno si waafaqsan sharciga.

Booliska ayaa sheegay in cid kasta oo lagu helo falal lid ku ah amniga bulshada lala tiigsan doono sharciga, isla markaana aan loo dulqaadan doonin kooxaha qalqalgelinaya nabadda.

Dhanka kale, Booliska Qaybta Gobolka Karkaar ayaa ugu baaqay shacabka inay sii xoojiyaan wada shaqaynta ay la leeyihiin laamaha amniga, islamarkaana ay soo gudbiyaan xog kasta oo ka qeyb qaadan karta sugidda nabadda iyo xasilloonida magaalada.

Wixii warar ah ee kasoo kordha arrintan, dib ayaan idiinku soo gudbin doonnaa.

15/07/2026

Tacsi
Innฤ lillฤhi wa innฤ ilayhi rฤjiสฟลซn.
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo dhammaan ciidamada police ka puntland geerida naxdinta leh ee ku timid Gashaanle Guleed cabdiqaadir Kadleeye, Taliyihii degmada Jariiban ee gobolka Mudug.

15/07/2026

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar, G/Sare Bashiir Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tagay saldhigga degmada Bandar-Bayla ee gobolka Karkaar, halkaas oo lagu soo kordhiyey ciidamo cusub si loo xoojiyo amniga iyo howlaha booliska.
โ€Ž
โ€ŽTaliyuhu wuxuu ciidamada ku dhiirrigeliyey inay si hufan u gutaan waajibaadkooda, isla markaana bulshada u adeegaan si daacadnimo iyo masuuliyad leh.
โ€Ž

Photos from ๐—ง๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ค๐—ฎ๐˜†๐—ฏ๐˜๐—ฎ ๐—•๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—š. ๐—ž๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ's post 14/07/2026

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar, G/Sare Bashiir Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tagay saldhigga degmada Bandar-Bayla ee gobolka Karkaar, halkaas oo lagu soo kordhiyey ciidamo cusub si loo xoojiyo amniga iyo howlaha booliska.
โ€Ž
โ€ŽTaliyuhu wuxuu ciidamada ku dhiirrigeliyey inay si hufan u gutaan waajibaadkooda, isla markaana bulshada u adeegaan si daacadnimo iyo masuuliyad leh.
โ€Ž

13/07/2026

โ€ŽTaliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar, G/Sare Bashiir Maxamed Maxamuud ayaa ka warbixiyey kiis Dil ah oo ka dhacay magaalada Qardho.
โ€Ž
โ€ŽTaliyeh ayaa shirka jaraa'id ku qabtay saldhiga dhaxe ee degmada Bandar-Bayla oo uu safar shaqo ku joogo.
โ€Ž
โ€ŽSidoo kale, taliyaha ayaa soo saaray go'aamo lagu xoojinayo amaanka.

Photos from ๐—ง๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ค๐—ฎ๐˜†๐—ฏ๐˜๐—ฎ ๐—•๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—š. ๐—ž๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ's post 13/07/2026

Kormeer iyo Wacyigelin Amni oo Lagu Qabtay Deegaanka Dhuudo

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar, G/Sare Bashir Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer iyo kulan la yeeshay shacabka ku dhaqan deegaanka Dhuudo ee Degmada Bayla, isagoo ay weheliyeen saraakiil iyo masuuliyiin kale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga, iskaashiga bulshada iyo ciidamada, iyo sidii shacabka ay door muuqda uga qaadan lahaayeen sugidda nabadda. Intii uu socday kormeerku, masuuliyiintu waxay ku boorriyeen bulshada inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga, isla markaana ay soo gudbiyaan xog kasta oo wax ka tari karta ilaalinta amniga deegaanka.

Bulshada iyo Ciidanku waa garab iyo gaashaan isku ah.

12/07/2026

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar, G/Sare Bashir Maxamed Maxamuud, Taliyaha Canshuuraha Gobolka Karkaar, Siciid Jamaal, iyo Duqa Degmada Bayla, Cabdirashiid Yuusuf Dacad, ayaa socdaal shaqo ku maray deegaanka Dhuudo ee degmada Bayla.

Masโ€™uuliyiinta ayaa dhex lugeeyay deegaanka, iyagoo u kuurgalay xaaladda amniga iyo adeegyada bulshada, isla markaana la kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada.

Socdaalkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta dowladda iyo shacabka, kor u qaadidda amniga, iyo dardargelinta horumarka deegaanka Dhuudo iyo guud ahaan degmada Bayla.

11/07/2026

Hawlgal Amni iyo Roondo Habeenimo

Ciidanka Booliska magald qardho ayaa caawa ka fuliyay hawlgal amni iyo roondooyin joogto ah oo lagu xaqiijinayo nabadgelyada shacabka iyo xasilloonida magaalada.

Ciidanku waxay si dhow ula socdaan amniga, iyagoo ka shaqeynaya ka hortagga falalka lidka ku ah amniga, isla markaana bulshada ugu baaqaya inay la shaqeeyaan hayโ€™adaha amniga si loo ilaaliyo nabadda iyo kala dambeynta.

Booliska Gobolka Karkaar โ€“ Bulshada iyo Ciidanku Waa Hal.

Photos from ๐—ง๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ค๐—ฎ๐˜†๐—ฏ๐˜๐—ฎ ๐—•๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—š. ๐—ž๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ's post 10/07/2026

Howlgal Amni iyo Roondooyin Habeenimo oo Laga Fuliyey Magaalada Qardho
Caawa waxaa Magaalada Qardho laga fuliyey howlgal amni iyo roondooyin isugu jira, kaas oo ujeeddadiisu tahay xaqiijinta amniga, ilaalinta nabadda, iyo adkaynta kala dambeynta bulshada.
Howlgalkan waxaa fuliyey ciidamada Booliska Gobolka Karkaar iyo kuwa amniga ee ku sugan magaalada Qardho, kuwaas oo ka shaqeynaya sugidda amniga shacabka iyo ka hortagga wax kasta oo khalkhal gelin kara nabadgelyada.
Ciidanka Booliska Gobolka Karkaar ayaa sii wadi doona howlaha amni ee lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo badbaadada bulshada.
Booliska Gobolka Karkaar โ€“ U Taagan Sugidda Amniga iyo Adeegga Bulshada.

Want your business to be the top-listed Government Service in Qardho?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address

Qardho