Dowladda Hoose ee Degmada Qardho

Dowladda Hoose ee Degmada Qardho

Share

Bogga Rasmiga ah ee Dowladda Hoose ee Degmada Qardho (Qardho Municipality)

Photos from Dowladda Hoose ee Degmada Qardho's post 03/06/2026

Sawirro: Qardho: Qorshe lagu horumarinayo aqoonta maxaabiista Xabsiga Dhexe

Guddoomiyaha degmada Qardho Mudane Cabdi Siciid Qaal oo ay weheliyaan Masuuliyiin kala duwan ayaa kormeeray Xabsiga dhexe ee Qardho iyo Maxaabiista.

Masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha degmada Qardho, Guddoomiyaha gobolka karkaar, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka, Agaasimaha Cusbitaalka Qardho, culimo, ganacsato iyo masuuliyiin kale ayaa kormeer ku tagay Xabsiga Dhexe ee Qardho.

Madaxda ayaa kulan la qaatay saraakiisha iyo ciidamada asluubta, waxaana looga hadlay amniga xabsiga iyo qorshe cusub oo lagu horumarinayo maxaabiista, kaas oo diiradda saaraya waxbarashada, xirfad-siinta, caafimaadka iyo akhlaaqda.

waxaana madaxdu booqdeen qeybaha kala duwan ee ay ku jiraan maxaabiista iyo qeybaha kale ee xabsiga.

Photos from Dowladda Hoose ee Degmada Qardho's post 31/05/2026

QARDHO: 30 May 2026, Gudoomiyaha Degmada qardho Cabdi Siciid Qaal ayaa xalay kulan casho sharaf ah u sameeyay kooxda kubadda cagta Caasumadda Qardho ee ka qaybgashay koobkii Caasumadda punltand ee magaaladda bosaaso Lagu qabtay.

‎Kulankan oo ahaa mahadcelin iyo bogaadin xulka qardho looga mahadcelinaayay dedaalkii iyo ciyaar wanaaggii ay Soo bandhigeen mudadii uu koobku Caasumadduhu socday. Sidoo kale Gudoomiyaha Degmadu wuxuu u mahadceliyay dadkii ka qaybqaatay garab istaaga xulka kubadda cagta Caasumadda qardho ee Gobolka karkaar.

‎Kulanka waxaa kasoo qayb galay, Gudoomiye ku-xigeenka Gobolka, taliyaha qaybta Booliska, Gudoomiye ku-xigeenka dagmada, xildhibaannada golaha deegaanka degmada Qardho, bahda ciyaaraha, Ganacsato, marti sharaf kala duwan, iyo taageerayaasha xulka ee dhiirigelinta la garab taagnaa mudadii uu tartanku socday.

‎Sidoo kale Gudoomiyaha Degmada ayaa ugu baaqay Bulshada Gobolka karkaar dal iyo dibadba ku nool in ay ka qaybqaataan dhismaha garoonka kubadda cagta magaaladda qardho oo qorshiisu meel fiican hada maraayo si dhalinyaradu uhelaan garoon casri ah oo cagaaran oo ay ku ciyaaraan si ay xirfadooda u sii hormariyaan tahriibta iyo wixii mustaqbalkooda wax yeelaayana uga fogaadaan.

27/05/2026

KU: Xiriirka kubada cagta DPL Garowe

OG: Wasiirka Wasaaradda dhalinyaradda ciyaaraha iyo dalxiiska DPL Garowe

OG: Isuduwaha Wasaaradda dhalinyaradda ciyaaraha iyo dalxiiska DPL Qardho

UJEEDO: JOOJINTA WADA-SHAQAYNTA XIRIRKA KUBADDA CAGTA PUNTLAND

Waxaan bogaadinaynaa xulka Caasumadda Qardho dedaalkii, guulihii iyo ciyaar wanaaggii ay Soo bandhigeen sidoo kale waxaan umahadcelinaynaa taageerayaashii xulka ee dhiirigelinta iyo garab istaag joogtada ah u muujiyay xulka mudadii uu tartanku socday.

Ka dib ‎Markaan aragnay:Musuqmaasuqa ka dhex jira Xiriirka Kubadda Cagta Puntland iyo garsoorka kubadda cagta Puntland, isla markaana aan u hayno caddeymo ku filan;

‎Markaan aragnay: Maamul-xumada, kala jeclaysiga iyo sinaan la’aanta lagu sameeyay xulalkii ka qaybgalayay tartanka muddadii uu socday;

‎Markaan aragnay: garsoorihii( albiitarkii) ciyaarta finalka dhexdhexaadinaayay oo muuqaal baraha Bulshada lagu baahiyay ku qiranaaya in uu isugu ciyaarta dilay uuna si ulakac ah usameeyay suurad xumaynta tartankii lagu xusaayey geesiyaashii ku shahiiday dagaalkii calmiskeed iyo calan-walihiisii oo iska bariyeelay ficilkaas uu sameeyey garsooruhu.

‎Markaan aragnay: in Gudoomiyaha adaabta anshaxa tartanka ee Soo saarey ganaaxyada tiro beelka ah uu yahay gudoomiye kooxeed oo ka mid ah kooxaha kubadda cagta ee Punltand ka dhisan, uusan-na sharci ulahayn in uu masuuliyadaas qaado.

‎Markaan aragnay: Qaabkii liitay ee garsoorku u maamulay kulamadii Semi-finalka iyo Finalka ee xulka qardho ciyaaraayay.

‎Markaan aragnay: In Gobolka Karkaar aanu wax metelaad ah ku lahayn maamulka Xiriirka Kubadda Cagta Puntland iyo garsoorka kubadda cagta punltand.

‎Markaan aragnay: Waayo-aragnimo la’aanta iyo aqoon yarida ka muuqatay qaar kamid ah garsoorayaashii maamulayay tartanka.

‎Hadaba Laga bilaabo Maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 27/05/2026 waxaanu joojinay guud ahaan wada shaqaynta xiriirka kubadda cagta Puntland ilaa Amar dame-na k**a shaqayn karaan tartamana k**a qabankaraan guud ahaan Gobolka karkaar.

Wabillaahi-tawfiiq

26/05/2026

Guddoomiyaha degmada Qardho Mudane Cabdi Siciid Qaal ayaa Munaasabadda Ciidul-Adxa awgeed waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada degmada Qardho.

Munaasabadda Ciidul-Adxa awgeed waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada degmada Qardho. Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu ciiddaan ciideeda nagu gaarsiiyo nabad, barwaaqo isku dubni bulsho iyo horumar.

26/05/2026

OGAYSIIS OGAYSIIS.

Dhammaan shacab waynaha sharafta leh ee magaaladda qardho Waxaa la ogaysiinayaa in galabta saacaddu markay tahay 16:00 PM, ( bacda casar) lagu Soodhoweyn-doono Barxadda dowladda hoose ee Degmada qardho, xulka Caasumadda qardho oo dedaalka iyo ciyaar wanaagga muujiyay intii uu socday tartanka Koobka Caasumadaha punltand ee magaaladda bosaaso Lagu qabtay.

Markale waxaan shacab waynaha ku wargelinaynaa in xulka si wayn loo Soodhoweeyo si loogu dhiirigeliyo dedaalkii ay muujiyeen iyo guulihii ay Soo hoyeen.

Photos from Dowladda Hoose ee Degmada Qardho's post 23/05/2026

BOOSAASO: 22 may 2026 Gudoomiyaha Degmada Cabdi siciid Qaal ayaa xalay kulan casho sharaf ah u sameeyay kooxda kubadda cagta Caasumadda Qardho oo ugu dubtay kulanka k**a damaysta ah ee tartanka Koobka calmiskaad.

‎Kulankaasi waxaa kasoo qayb galay, Gudoomiye ku-xigeenka Gobolka, Gudoomiye ku-xigeenka dagmada, xildhibaannada golaha deegaanka degmada Qardho, Ganacsato, marti sharaf kala duwan, iyo taageerayaasha xulka oo dhiirigelin iyo garab istaag umuujiyay kooxda intii tartamadu socdeen.

22/05/2026

QARDHO: Guddoomiyaha Degmada Qardho Mudane Cabdi Siciid Qaal ayaa hambalyo iyo dhiirrigelin u diray Xulka Caasimadda Qardho oo galabta soo bandhigay ciyaar qurux badan isla markaana guulo waaweyn usoo hooyay bulshada reer Qardho.

Guddoomiyuhu wuxuu bogaadiyey dadaalka maamulka, macallimiinta iyo ciyaartoyda xulka, isagoo xusay in wiilashu ay muujiyeen karti, akhlaaq wanaag iyo matalaad sharaf leh oo ay ku muteysteen farxadda shacabkooda.

“Waa dedaasheene maamul, macalimiin iyo ciyaartow, waa ku faraxsanahay wiilasheenii yaryaraa ee aan aaminey in ay kubad qurux badan iyo akhlaaq wanaag nagu mateleen soona bandhigeen,” ayuu yiri Guddoomiyuhu.

Sidoo kale wuxuu u rajeeyey xulka guulo isdaba joog ah, isagoo sheegay in xasillooni, akhlaaq wanaagsan iyo dadaal ay yihiin jidka guusha lagu gaaro.

22/05/2026

: Qardho oo gaartay k**a damaysta koobka

21/05/2026

Funaanadda Rasmiga ah ee Kooxda kubadda cagta ee Caasumadda Qardho ay ku Ciyaari-doonto SEMI-FINAL-KA.

21/05/2026

QARDHO: Waxaa magaalada Qardho ka socda diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee taageerayaasha Caasimadda Qardho, ka hor kulanka ee ay la ciyaarayaan dhiggooda magaaladda Boosaaso, tartanka Caasimadaha Puntland Calmiskaad Cup.

Ciyaarta oo ka dhici doonta Garoonka Shuhaadada Stadium maalinta Jimcaha, 22-ka May, ayaa si weyn looga dareemayaa magaaladda, iyadoo taageerayaashu muujinayaan dhiirigelinta kooxda Qardho.

Kulankan oo la filayo inuu noqdo mid xiiso gaar ah leh ayaa qeyb ka ah tartanka kubadda cagta LAgu xusaayo geesiyaashii ku shahiiday calmiskaad, koobkan ay ka qaybgalayeen caasimadaha Puntland, kaas oo kor u qaadaya isdhexgalka dhalinyarada, Nabadgelyada iyo horumarinta ciyaaraha Puntland.

Want your business to be the top-listed Government Service in Qardho?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address

Qardho