Guddoomiyaha Guddiga Hormarinta Degmada Qardho Cabdirashiid Afguduud oo ka hadlay 25 kun ee lagu wareejiyay.
Guddiga Horumarinta Degmada Qardho
Guddigaan waa Guddi madax banaan oo ka shaqaynaya Horumarinta Degmada Qardho
22/02/2026
Jaaliyadaha reer Qardhood ee dalalka Zambia iyo Congo ayaa ku wareejiyey Guddiga Horumarinta Degmada Qardho lacag dhan $25,000 ( Labaatan iyo Shan Kun oo Dollar).
Jaaliyadda Zambia waxay bixisay $15,000 ( Shan iyo Toban Kun oo Dollar), halka Jaaliyadda Congo ay bixiay $10,000 ( Toban Kun oo Dollar).
Lacagtan ayaa qayb ka noqonaysa dhismaha Buundada Gufurre iyo wadada Qoryadacad.
Munaasabadda lacag wareejinta oo ka dhacday Xafiiska Dawladda Hoose ee Degmada Qardho waxaa kasoo qayb galay Guddoomiyga Degmada Qardho Md. Cabdi Siciid Qaal, G.Ku xigeenka Degmada Md. Maxamed Cabdullaahi Siciid, Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Degmada Md.Cabdirashiid Maxamuud Yuusuf iyo qaar ka mid ah xubnaha Guddiga Horumarinta Degmada Qardho.
Guddiga Horumarinta Degmada oo kaashanaya Maamulka Degmada ayaa horay uga hirgeliyey Magaalada Qardho mashaariic waaweyn oo ay ka mid yihiin dhismaha waddooyin muhiim ah, kuwaas oo dhammaantood ku qabsoomay isku-tashi bulsho taas oo muujinaysa inaan waxbadan qabsan karno.
Guddoonka Degmada iyo Guddiga Horumarintu waxay u mahadceliyeen Jaaliyadaha reer Qardhood ee labada dal dadaalkooda mugga leh ee ay kaga qaybqaadanayaan Horumarinta Magaalada.
Sidoo kale Guddoonka iyo guddigu waxay fariin u direen Jaaliyadaha reer Qardhood ee wadamada kale ku nool inay soo bixiyaan soona diraan lacagihii ku qoondaysnaa maadaama la joogo wakhtigii ballanta.
12/02/2026
Taariikh: 12/02/2026
HAMBALYO MEHER
Gudiga Horumarinta Degmada Qardho, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Gudiga Mudane Cabdirashiid Maxamuud Yuusuf (Afgudud), waxay hambalyo iyo duco u dirayaan Agaasimaha isbitaalka guud ee Qardho.Dr Xuseen Muuse Nuux iyo marwadiisa Drs. Iqro Axmed Faarax, oo meherkoodu maanta ka dhacay magaalada Qardho.
Gudigu waxay Alle uga baryayaan lammaanaha in uu ka dhigo qoys barakeeysan oo ku waara barwaaqo iyo barare, isla markaana guurkoodu noqdo guur kheyr badan ku dhisan.
Waxaay leeyihiin Guurkiinnu guur khayr, noqda kuwii isku waara bash-bash iyo barwaaqo.
"DHAMMAAD"
Hadal-jeedinta Guddoomiyaha Guddiga Hormarinta Degmada Qardho ee munaasabadda wareejinta 10,000 tobanka kun oo doollar
09/02/2026
Guddiga Hormarinta Degmada Qardho oo ku wareejiyay Guddiga Gurmadka Abaaraha Degmada lacag dhan 10,000 oo Doollar
Qardho, 9 Febraayo 2026: Guddiga Hormarinta Degmada Qardho ayaa maanta ku wareejiyay Guddiga Gurmadka Abaaraha Degmada lacag dhan 10,000 (toban kun) oo doollar, taas oo loogu talagalay taakuleynta dadka ku nool deegaanada miyiga ah ee ay abaartu saameysay.
Lacagtan ayaa laga ururiyay halka doollar (1$) ee saaran adeegyada korontada iyo biyaha, kaddib codsi rasmi ah oo ka yimid Guddiga Gurmadka Abaaraha Degmada, si wax looga qabto xaaladda abaareed ee ka jirta deegaanada hoos yimaada degmada.
Guddiga Gurmadka Abaaraha Degmada ayaa si rasmi ah ula wareegay lacagtan, iyagoo sheegay in si degdeg ah loogu adeegsan doono gurmad biyo-gaarsiin ah iyo caawinta dadka iyo xoolaha ay abaartu saameysay.
Lacagtan 10,000 tobanka kun oo doollar ah ayaa u dhiganta 100 booyadood oo biyo ah, kuwaas oo la gaarsiin doono deegaanadii ay guddigu horay ugu tageen sahminta iyo qiimeynta xaaladda dadka iyo xoolaha.
Munaasabadda wareejinta lacagta waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Qardho, Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada, Guddoomiyeyaasha Guddiga Hormarinta Degmada iyo Guddiga Gurmadka Abaaraha, iyo sidoo kale xubno ka kala socday labada guddi.
Ugu dambeyn, masโuuliyiinta ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga bulshada iyo doorka ay ka qaadaneyso wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah, iyagoo bogaadiyay dadaalka lagu taageerayo dadka ay abaartu saameysay.
29/09/2025
Guddiga Horumarinta Degmada Qardho wuxuu halkaan kusoo gudbinayaa maanta oo taariikhdu tahay 29/09/2025 lacagtii uu kala wareegay Shirkadaha Korontada iyo Biyaha ee bishii ๐๐ฎ๐ ๐ฎ๐ฌ๐ญ (๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐)๐๐๐๐.
1- Shirkadda Korontada PEPCO Qardho ayaa Guddiga ku wareejisey lacag dhan $๐,๐๐๐.๐๐.
2- Shirkadda Biyaha Degmada Qardho ayaa Guddiga ku wareejisey lacag dhan $๐,๐๐๐.๐๐.
Wadarta guud ee lacagta uu Guddigu la wareegey ayaa noqonaysa $๐๐,๐๐๐.๐๐.
๐
๐: Lacagtaan waa bilawga dhakhliga Guddiga xisaab celintii ka dib.
Wuxuu Guddigu uga mahadcelinayaa Shirkadaha doorka muhiimka ah iyo fuduaynta ay ka qaateen soo xeraynta lacagta lagu Horumarinayo magaalada.
Sidoo kale wuxuu Guddigu u mahadcelinayaa shacabka magaalada Qardho ee lacagta bixiyey, waxaanuna ilaahay uga baryaynaa inuu miisaanka xasanaadka ugu daro.
Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan bulshada Qardho inay ka wada qayb qaataan Horumarka magaalada oo ah masuuliyad guud.
Wuxuu Guddigu usoo bandhigayaa bil kasta Bulshada lacagta soo xeeroota iyo meelaha ay ka timi.
Guul iyo Horumar waara insha allah.
Muqaal kooban: Maxay Guddiga Hormarinta Degmada Qardho ku Qabteen Lacagta Saaran Korontada iyo Biyaha Ee Laga Qaado Shacabka.
Guddiga horumarinta Degmada Qardho Muxuu ka qabtay Isbitaalka Guud ee Qardho.Guddoomiyaha guddiga horumarinta Degmada Qardho Mudane Cabdirashiid afguduud.
Maxamed Axmed Faarax Maamulaha Dugsiga Muntada Qardho.Guddiga Horumarinta Degmada Qardho iyo dadka bixiyay dhaqaalaha alle ha ka abaal mariyo waxay qabteen.
Xoghayaha Guddiga Horumarinta Degmada Qardho Abshir Maxamuud Guray"oo bulshada uga warbixiyay waxqabadka qorshaha iyo xisaabaha dhaqaalaha ee guddiga.
Hadal- jeedinta Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Mudane Cabdi Siciid Cismaan'Runtii Guddigu waxa uu soo bandhigay wax qurxoon
16/08/2025
Guddiga Horumarinta Degmada Qardho wuxuu xalay Bulshada usoo bandhigay waxqabadkii, dhaqaalihii soo galay iyo kharashaadkii uu Guddigu bixiey mudadii uu shaqaynayey.
Bulshada ayaa uga mahadcelisey Guddiga sida daahurnaanta leh ee ay xisaabcelinta u soo bandhigeen iyo waxqabadka wanaagsan ee ay qabteeen.
Guddigu wuxuu u ballan qaadayaa Bulshada inuu joortaynayo xisaabcelinta isla markaasna ka shaqaynayo horumarka magaalada.
Guddigu wuxuu ugu baaqayaa Bulshada inay bixiyaan lacagta horumarinta magaalada si aynu u gaarno hiigsigeena horumarineed.
Guul iyo Towfiiq Eebbe insha allah.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Qardho
252
