19/03/2026
CIID WANAAGSAN
Waxaan dhammaan Muslimiinta ku nool daafaha caalamka, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed, ugu hambalyeynayaa farxadda munaasabadda Ciidul Fidriga.
Ilaahay ha naga aqbalo cibaadadii iyo soonkii bisha barakaysan ee Ramadaan. Sanadkan iyo sanadkiisa ha inagu gaarsiiyo barwaaqo, caafimaad, iyo nabad.
Waxaan Alle ka baryayaa inuu naga dulqaado abaarta samaysay guud ahaan dhulka Soomaaliyeed, Eebe roob caamiya ah oo dadka iyo duunyadaba an waxyeelin baanu ka barinay.
Amiin.
21/02/2026
Waxaan booqasho ku tagay Masjidka Muuse Boqor, oo ah masjid qadiimi ah kuna yaalla xaafadda Waberi ee magaalada Muqdisho, isla markaana dib-u-habayn ballaaran lagu sameeyey.
Waxaan kulan la qaatay guddiga iyo masuuliyiinta gacanta ku haya dhismaha, kuwaas oo iga siiyey warbixin faahfaahsan oo ku saabsan heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha iyo halka uu haatan marayo.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa guddiga masjidka dadaalka, juhdiga iyo waqtiga ay u hureen dib-u-dhiska iyo horumarinta masjidkan qadiimiga ah. Sidoo kale, waxaan u mahadnaqayaa dhammaan dadkii Soomaaliyeed ee wax ku biiriyey dhismaha masjidka, meel kasta oo ay joogaan.
Ugu dambayn, waxaan Alle uga baryayaa inuu wanaag uga sawaabiyo cid kasta oo ka qayb qaadatay, waxaana ku baaqayaa in aan u wada istaagno dhamaystirka Masjidka Xaaji Muuse Boqor, taas oo ah camal Alle agtiisa loogu jecel yahay.
19/02/2026
Waxaan caawa hoygiisa ku yaalla magaalada Muqdisho afur igu sameeyay Madaxweynihii h**e ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo.
Waxaan si gaar ah uga mahadcelinayaa martiqaadka iyo soo dhoweyntii diirraneyd ee sharafta lahayd. Alle haka abaal-mariyo wanaagga iyo maamuuska uu muujiyay.
17/02/2026
Ramadan Kariim 🌙
Dhammaan Ummadda Islaamka waxaan idiin rajaynayaa bishan barakaysan caafimaad, nabad, dembi-dhaaf, iyo cibaado suuban.
17/02/2026
Waxaa malintii isniinta munasabad soo dhawayn iyo qado sharaf ah magalada muqdhisho igu sameyay siyaasi Abdulkadir osoble Ali oo ay weheliyan dhaqanka beesha mudulood oo uu hugaaminayo Imaam daahir imaam maxamuud iyo Garaad Xusen garad cagey.
Waxaan uga mahadcelinaya marti qaadka iyo soo dhawayntii sharafta laheed.
17/02/2026
Waxaan maanta oo Talaado ah hoygiisa ku yaalla magaalada Muqdisho qado-sharaf sharaf leh igu sameeyey Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.
Waxay ahayd madal aan ku muujiyo mahadcelin, iyo qaddarinta dhaqanka ee naga dhexeeya Ugaaska.
Ugaas Maxamuud iyo aniga waxaan ka soo wada shaqeynay dadaalladii dowlad-dhiska dalka, waxaana naga dhexeeya saaxiibtinimo qoto dheer oo mudan in la xuso.
Alle ha ka abaalmariyo Ugaaska kheyr iyo barako, hana siiyo caafimaad iyo cimri dheer. Aamiin.
16/02/2026
Waxaan siyaaro ku tagay qabuuraha Shiikh Suufi ee ku yaalla Degmada Wardhiigley, halkaas oo ay ku aasan yihiin Aabbahay Boqor Muuse, Awoowgay Boqor Cismaan, iyo Awoowgay Suldaan Cali Yuusuf Keenadiid.
Waxaan Alle uga baryayaa dhammaantood iyo guud ahaan maytida Muslimiinta, inuu u naxariisto, dambigoodana dhaafo, qabrigan u nuuriyo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo. Aamiin.
12/02/2026
Maanta waxaan ka duuley magaalada Garoowe anigoo ku wajahan caasimadda dalka ee Muqdisho.
Intaanan safarka billaabin, waxaan magaalada Galdogob kaga qaybgalay munaasabadda caanoshubka ee Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed, munaasabad muujisay midnimo, is-ixtiraam iyo qiimaha ay dhaqankeennu noo leeyahay.
Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan shacabka iyo masuuliyiintii nagu soo dhaweeyey Galdogob, sida qiimaha leh ee ay uga qaybqaateen munaasabaddaas taariikhiga ah.
10/02/2026
Waxaan mahadnaq iyo qadarin gaar ah u jeedinaynaa Garaad Maxamed Cilmi Shirwac, oo habeenkii xalay ee isniinta noo sameeyey casho-sharaf heer sare ah, taas oo ka dhacday Hotel Cadduun ee magaalada Gaalkacyo. Casho-sharaftaasi waxay isu keentay qaar ka mid ah isimada dhaqanka ee ka qaybgalay munaasabaddii caleemo-saarka.
Waxaan Alle uga baryaynaa inuu ku mannaysto ajar iyo barako, kana dhigo dadaalkiisa mid miro-dhal ah, isagoo mar walba ku suntan wanaag, midnimo iyo u adeegidda bulshada.
09/02/2026
Gaalkacyo | 9 Febraayo 2026
Maanta oo ay ku beegan tahay taariikhda 9-ka Febraayo 2026, ayaa magaalada Gaalkacyo lagu qabtay shir maamuus, is-xogwaraysi iyo is-macasalaamayn ah, kaas oo ay isugu yimaadeen isimadii dhaqanka ee ka qaybgalay munaasabaddii caleemo-saarka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali, taas oo si rasmi ah uga dhacday degmada Goldogob.
Shirkaasi waxaa guddoominayay Boqorka Daarood, Boqor Burhaan Boqor Muuse. Intii uu shirka socday, isimada dhaqanku waxay si midaysan u adkeeyeen baaq ku aaddan in dhammaan colaadaha iyo is-afgaranwaaga ka dhex jira beelaha walaalaha ah ee gobolka Mudug lagu dhammeeyo dariiqo nabadeed, iyada oo loo marayo wadahadal miro-dhal ah, wada-tashi iyo is-afgarad waara.
Sidoo kale, isimadu waxay si niyad-sami ah duco iyo hambalyo ugu direen Ugaaska cusub, iyagoo Alle uga baryay inuu ku guuleeyo gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday, una fududeeyo masuuliyadda weyn ee uu ummadda u qaaday.
Ugu dambayn, isimada dhaqanku waxay Alle uga baryeen guud ahaan ummadda Soomaaliyeed inuu ka dulqaado abaarta iyo duruufaha adag ee jira, isla markaana uu ku mannaysto nabad, midnimo, is-faham iyo wada-jir waara.
08/02/2026
Waxaan maanta oo Axad ah ah magaalada Galdogob kaga qaybgalay munaasabadda Caano-shubka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-Geesood, Ugaaska Beesha Tanade Daarood. Munaasabad si weyn u muujisay midnimada, wadajirka iyo qiimaha bulshada Soomaaliyeed.
Munaasabadda waxaa ka soo qaybgalay wufuud kala duwan oo ka kala yimid Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Bariga Afrika, gobolka Banaadir, Galmudug, Hirshabeelle iyo Waqooyi Bari, sidoo kale waxaa ka soo qaybgalay Hoggaanka Puntland iyo madax ka socday Dowladda Federaalka ah Soomaaliya.
Waxaan Alle SWT uga baryayaa Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-Geesood inuu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, kuna garab galo hoggaamin ku dhisan caddaalad, midnimo, nabad iyo xoojinta wada noolaanshaha, is-qaddarinta iyo horumarka bulshada.
Aamiin