29/11/2023
Dawladda Hoose ee Degmada Saylac Waxay Bahinaysa Saddex Qandaraas Oo Ay Maalgalisay D/House ee Degmada Saylac. Inay Qandaraslaha shurudaha hoose buuxinaya ay soo xeraysataan.
take a look at our page for all the activities carried out by Zeila Municipality
29/11/2023
Dawladda Hoose ee Degmada Saylac Waxay Bahinaysa Saddex Qandaraas Oo Ay Maalgalisay D/House ee Degmada Saylac. Inay Qandaraslaha shurudaha hoose buuxinaya ay soo xeraysataan.
26/08/2023
Dawladda Hoose ee Degmada Saylac Waxay Bahinaysa Afar Qandaraas Oo Ay Maalgalisay D/House ee Degmada Saylac. Inay Qandaraslaha shurudaha hoose buuxinaya ay soo xeraysataan.
12/07/2023
Gudoomiyaha Dagmada Saylac. Yusuf Awale Dahir ayaa magalada Xariirad shahado sharaf ku gudoonsiyay Ururka Ramad Charity iyo tobabarayashi bixinayay tobabarka Macaliminta Dugsiyada sare ee Gobolka Salal uga socday 8th -12th July 2023 oo manta oo arbaca ah soo dhammaday .
28/06/2023
DHAMAAL HAMBALYO CIID AL Odxa 10-12-1444H. (27-06- 2023-().
Gudoomiyaha Dagmada Saylac ee Gobolka salel Mudane Yusuf Awale waxaa Dhambaal Hambalyo Ciid Al Odxa Awgeed u Dirayaa Shacabka Dagmada iyo Gobolka salel, Shacbiwaynaha JSL iyo Guud ahaanba ummada islaamka meel ay joogaan ba.
Gudoomiyuhu waxaa u Illahay uga Baryay inuu Sanadkaa Sanadkiisa Inagu Gaadhsiiyo Barwaaqo, Nabadgalyo, Caafimad qab iyo Horumar waara.
"Ku ciida Oo ku ciibaadaysta Caafimad qab iyo Nabad Galyo Cisi iyo cibaado Suuban ku Ciida .
Gudoomiyaha Dagmada Saylac Yusuf Awale Dahir
Allaah mahad leh.
05/06/2023
SAYLAC. Gudoomiyaha Gobolka Salel mawliid maxamed nuur iyo Maayarka Degmada Saylac oo ay weheliyaan isku duwaha caafimaadka Gobolka Salel iyo taliye ku xigeenka qaybta booliska gobolka, ayaa kor-meer indho indhayn ah ku soo maray goobaha ay ka socoto kaar qaybinta ee magaalada Xariirad iyo degaano kale oo ka mida degmada Saylac, Sida habaas, cabdiqaadir, jidhi, laagta morohda, Ceel-islaam iyo Caasha-cado.
Kor-meerkan badhasaabka iyo waftiga kale ayaa qayb ka ahaa dar-dar galinta kaar qaadashada iyo ku wacyi galinta bulshada Gobolka Salel.
Degaanadan ay gadheen maanta oo dhamaan kaar qaadashadu si habsami leh uga socoto maalintii lixaad ayaa markii ay gaadheen masuuliyiintani waxay dadka ku wacyi galiyeen inay kaarka qaataan inta ka dhiman wakhtigana ka faa'idaystaan.
24/05/2023
Duqa Degmada saylac iyo Agaasimaha Arimaha Bulshada Dawlada hoose ee D.Saylac ayaa maanta 3 Ultra-Sound oo Loogu talo galay in loogu adeego 3.xarumo caaafimad ee kala ah 1.Saylac 2.Xarirad 3.Lawyado Health centers ku wareejiyey Isku Duwaha Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka selel , Qalabkan oo wax wayn ka tari Doona Adeega xanaanooyinka Degmada saylac.
21/05/2023
Hadal jeedintii Mayorka Dagmada Saylac Mudane. Yusuf Awale Dahir ee 18.MAY
Saylac 18.May 2023
18/05/2023
Waxaa Saaka Ka Qabsoomay Fagaaraha, ERDOĞAN SQUARE Ee Magaalada SAYLAC Dabaal-degyo Lagu Xusayo Sanad Guurada 32-aad Ee Ka Soo Wareegtay Dib Ula Soo Noqoshada Qaranimada Somaliland Oo Sanad Walba Ku beegan 18 MAY.
17/05/2023
Xuska sannad-guurada 32aad ee Maalinta Qarannimada Somaliland
32th Anniversary of Somaliland National Day
Dawladda Hoose ee Saylac