Roobkii galabta ka da’ay ee degmada Sheekh wuxuu xambaarsanaa raxmad iyo farxad ku beegan maalmaha barakaysan ee Ciidul Adxa. Waxaan bulshada ku hambalyaynaynaa munaasibadda Ciidda; alle haynagu gaadhsiiyo bash bash iyo nabadgelyo.
Sidoo kale; iyadoo roobabku socdaan waxa muhiim ah in bulshada si gaar ah uga fogaato goobaha boholaha, biyo mareennada iyo meelaha halista leh si loo ilaaliyo badqabka shacabka.
Ciid Mubaarak dhammaan bulshada reer Sheekh iyo guud ahaan Bulshada reer Somaliland
Dawlada Hoose Ee Degmada Sheekh
Waa Page ka Rasmiga ah ee Dawladda Hoose ee Degmada Sheikh
26/05/2026
Fasaxa Munaasibada Ciidal Adxa.
Hambalyo Guud ahaan Shaqaalah Dawlada Hoose Ee Degmada Sheekh
Maamulka Dawladda Hoose ee Degmada Sheekh ayaa casho-sharaf iyo soo-dhaweyn ballaadhan u sameeyey maamulayaasha dugsiyada ka qayb-galaya imtixaannada caalamiga ah ee lagu qabanayo Degmada Sheekh.
KHudbada munasibada 18 MAY fagaraha khayriyad Degmada sheekh iyo Mayir Kuxigeenka Degmada Sheikh Maxamed Faarax Axmed
Warbaahinta :Dawlada Hoose Ee Degmada Sheekh
Hadal jeedintii munasibada xuska 18 MAY ee Mayirka Degmada Sheekh Ismacil Xuseen Cali
Khudbadii Badhasaab Kuxigeenka Gobolka Saaxil Maxamuud Hindi Aadan ee munasibada 18 may Degmada Sheekh
Hadal jeedinta Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga JSL, Mudane Cumar Shucayb Maxamed oo maanta Dadwaynaha Degmadda Sheekh kala Qayb qaatay Xuska Dabaal dega 18-May.
18/05/2026
:Waxa Maanta Degmada Sheikh Si Meeqam Sare Ah Looga Xusay Xuska 18may Oo Guud ahaanba Maanta Laga Xusayey Dalka Jsl
17/05/2026
Gudida Qaban qaabada Xuska Maalinta Qaranimada Jsl Ee 18 May Ee Degmada Sheekh Oo Uu Hogaaminaayo Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Sheekh Maxamed Faarax Axmed Ahna Gudoomiyaha Gudidaasi Oo Maalmahanba Waday Dardar gelinta Hawlaha Dabal Dega Xuska Maalinta Qaranimada Jsl Ee 18 May Ayaa Maalmahanba Ku Guda jiray Booqashada iyo Kormeerida Goobaha Ay Bulshadu Ku Kulanto Sida Goobaha.
* Dugsiyada Kala Duwan Ee Waxbarashada .
*Dugsiga Ciidanka Milatariga.
Goobaha Dalxiiska Ee Dawga Degmada Sheekh .
* Suuqayada Kala Duwan Ee Ay Bulshadu Ku Kulanto.
*Xaruumaha Ururada Arimaha Bulshada Ee Degmada Sheekh.
* marti galinta fanaanita qaran ee dayax band si bulshada ula dabal degaan iyaga oo tixgalinya codsiga bulshada uga yimi iyo soo jeedinaha.
Geesta Kale Waxay Kulamo La Qaateen
Ganacsatada Degmada Sheekh, Iyo Weliba Laamaha Kala Duwan Ee Wasaradaha Dawlada Ee Degmada Sheekh.
Gudida Oo Heegan Buuxa Ugu Jira Hawlaha Dabal Dega Xuska Maalinta Qaranimada Jsl Ee 18 May Ayaana Bulshada Degmada Sheekh Ku Bararujinayey Xuska iyo Muunaynta Maalinta Qaran Ee 18 May.
Sido Kale Waxay Bulshada Ku Dardar gelinayeen, Inay Weyneeyaan Maalinta Qaran Ee 18 May Oo Ah Maalin Ku Wayn Quluubta Shacbi Weynaha Reer Somaliland,Isla Markaana Lagu Muujinayo Madax banaanida Iyo Jiritaanka Qaranka jamhuriyada Somaliland.
Gabo Gabadii Gudida Aya Guud ahaanba Bulshada Degmada Sheekh iyo Weliba Degamada Hoose yimada Ku Bogadiyey Sida Wanagsan Ee Ay Ugu Hawlan yihiin Diyaarinta iyo Qurxinta Maalinta Qaran Ee 18 May.
REER SHEEKH MID AH HAL U JEEDONA LEH
Gudida Qaban-qaabada Xuska 18-ka May ee Degmada Sheekh ayaa maanta ka qayb galay bandhig ballaadhan oo ay soo qaban-qaabiyeen ardayda Dugsiga Sare Maxamed Shire Gaab, kaas oo lagu xusayay maalinta qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-ka May.
Maalmihii u danbeeyey Ardayda Dugsiyada ayaa soo bandhigaayey cududa xuska maalinta Qaran ee 18MAY2026.
&Aqoonsi.
13/05/2026
Gudida Qaban qaabada Xuska Maalinta Qaran Ee 18 May Ee Degmada Sheekh Ayaan Galabta Soo Qaban Qaabiyey Dabaal Deg Hordhaca Oo Bulshada Degmada Sheekh Ugu Sii Diyaar Garoobayaan Xuska Maalinta Qaran Ee 18 May.
Waxanay Gudidu Kusoo Casuumeen Munaasibadaasi kooxda Faninta ee Dayax Band Oo Galabta Bulshada Degmada Sheekh Kula Dabaal Degay Fagaaraha Khayriyada Degmada.
Dabaal Degaasi Ayaa Waxa Bulshada Kala Soo Qayb Galay Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Sheekh Maxamed Faarax Axmed Oo Ahna Gudoomiyaha Gudida Qaban qaabada Xuska 18may Iyo Dhamaanba Xubnihii Gudidaasi.
Dabaal Degaasi Ayaanay Bulshadu Kusoo Bandhigeen Cududooda iyo Shucuurtooda Farxadeed.
Xafiiska warbaahinta Dawlada Hoose Ee Degmada Sheekh
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Contact the business
Telephone
Website
Address
Main Road Street
Sheikh
1
